Home » Warar »

Shir Sanadeedkii EuroSom oo kusoo gabagaboobay Helsinki

 Shalay oo ay taariikhdu ahayd 21 Febraayo, 2010 ayaa waxaa ka furmay xarunta ururka Kanava ee magaalada Helsinki ka dhacay shirsanadeedkii uu ururka EuroSom iskugu iman jiray sanad walba mar iyadoo shirkaana lagu sameeyey qorituurkii cayaaraha xagaaga oo sanadkan 2010 ka dhici doona isla magaaladan Helsinki.

Halkan ka daawo sawirada

Shirkan oo ku furmay jawi aad u degan ayaa waxaa xiriirinayey Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Shujaac) oo ka tirsan maamulka EuroSom, iyadoo oo uu furitaankii ka dib Shujaac ku wareejiyey Gudoomiyaha Ururka Kanava Mudane Abdulqadir Hadaafow,Abdulqadir ayaa isaga waxaa uu soo dhaweeyey madaxdii iyo wafdigii kasoo qayb galay shirka EuroSom,Gudoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha ururka EuroSom Mudane Maxmed Axmed Diini, isagoo gudoomiyuhu uu ka warbixiyey guud ahaan howlaha EuroSom, gaar ahaan ka qaybgalkii ay xubno ka mid ah mas’uuliyiinta EuroSom ay ka qaybgaleen shirwaynihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee ka dhacay Jabuuti 16kii illaa 19kii Maarso, 2009 iyo kulamo uu maamulka ururka ES ku yeeshay magaalada London.

Shirwaynuhu wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray Allaha u naxariistee Wasiirkii Isboortiga iyo Dhallinyarada Soomaaliyeed, Marxuum Seleebaan Colaad Rooble oo dhowaan ku geeriyooday caasimada dalkaa Sucuudiga ee Riyaad, waxaana Alle looga baryay naxariistii Janno, eheladii uu ka tagayna samir iyo iimaan.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Xoghayaha guud ee ururka EuroSom Mudane Maxamed Xuseen Looloow oo ka hadlay qiimeeyntii barnaamijkii uu ururka EuroSom ku qabtay magaalada Göteborg sanadkii tagay ee 2009, isagoo xusay in dhammaan ururada xubnaha ka ah EuroSom loo diray wixii warbixino iyo qiimayn ah ee la xiriiray waxqabadkooda iyo ka qaybgalkoodii ciyaaraha Gothenberg.

Waxaa iyagana qeybta sharciyada isla daadihinayey guddiga farsamada iyo Anshaxa EuroSom oo ay ka socdeen Mudane Muriidi Nuur Zeyn iyo Mudane Axmed Sabriye Gaaboow iyagoo halkaana ku caddeeyey iney jiraan qodobo cususb oo lagu kordhiyey sharciyada ururka EuroSom, sharciyadaa oo lagu adkeeynayo arimaha amniga iyo dishibiliinka Eurosom.

Waxaa isna qeybta dhaqaalaha ka hadlay madaxa maaliyadda ururka EuroSom Mudane Maxamuud Nuur Xasan oo isna si wanagsan uga warbixiyey dhaqaalaha ururka u yaal iyadoo uu sidoo kale sharaxay waxyaabihii qarash ahaa ee baxay iyadoo lagu wada qancay.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo lagu casuumay Mudane Duraan Axmed Faarax oo ah Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Qaranka Sommaaliyeed-G.O.Q.S, Mudane Salaad Xasan Cali, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Mudane Cabdi Cumar Afrax iyo Mudane Feysal Faarax Makaraan oo matalayay Ururweynaha SEUKI. Waxaa kaloo la xusay in cudurdaar ay soo direen ururka ’Soomaali Week’ ee ka dhisan magaalada London.

Mudane Duraan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabka uu u shaqeeyo G.O.Q.S isagoo masuuliyiintii iyo marti sharaftii halkaa joogtay ka codsaday inay ka qeybqaataan horumarinta Isboortiga Soomaaliya.

Halkan ka daawo sawirada

Mudane Cabdi Cumar Afrax oo ka socday ururka SEUKI ayaa uga mahadceliyey maamulka EuroSom casuumadii ay u fidiyeen isaga iyo saaxiibkii Feysal Makaraan, isagoo xusay inay ku dadaali doonaan sii horumarinta heshiiskii labada urur hore u gaareen iyo ka wada qaybgelida xafladaha furitaanka iyo sharsanadeedkaba. Waxaa isna mahadcelin taa la mid ah halkaa kasoo jeediyay Mudane Salaad, Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururka EuroSom Mudane Maxamed Diini ayaa sidii caadada u ahayd wuxuu halkaa abaalmarino ku guddoonsiiyey shaqsiyaad soo qabtay howlo muhiim ah sanadkii tegay, iyadoo ugu horayn Guddoomiye ku xigeenka G.O.Q.S Mudane Duraan la guddoonsiiyay billad sharaf EuroSom ku siisay Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed howlqabadkiisa dhaxalgalka ah. Sidoo kale Mudane Rabiic Muuse oo ah Macalin ka mid ah macalimiinta Eurosom ayaa la siiyay billad uu ku mutaystay waxqabadkii waynaa ee sannadkaa, isagoo usoo hooyay kooxdiisa guulo dhaxalgal ah oo ay ka mid yihiin inay markii saddexaad qaadaan koobka Eurosom, qaadida koobka ’Somali Week’ ee London isla sanadkaa iyo isku duubnidii iyo aadaabtii kooxda ka muuqatay, waxaa isla qiimayntaa uu kooxda Al-Hijra Guddoomiyaha ES ku siiyay koob qurux badan oo lagu dhiiragelinayay dadaalkooda.

Waxaa iyadana halkaa lagu soo bandhigay codsiyadii kooxihii soo dalbaday kamid noqoshada ururka Eurosom. Kooxahaas oo ahaa illaa iyo 6 kooxood ayaa markii la dhagaystay waxqabadkoodii & warbixinnadooda, lana waydiiyay su’aalo badan waxaa si buuxda loo aqbalay codsigii ay soo gudbiyeen labada koox ee kala ah BSYCS Bristol iyo Bermingham United FC.

Gabagabadii shirkan ayaa waxaa la sameeyey qorituurkii sanadkan 2010 iyadoo loo kala saaray laba qaybood oo A iyo B kala ah.

Waxaa sidoo kale halkaa looga soo jeediyay taageero hiil yo hooba kulankii dhowaan ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay yeesheen Wasaarada Isboortiga Soomaaliyeed iyo Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ee looga hadlayay dejinta iyo jihaynta guud ahaan siyaasada Isboortiga Soomaaliyeed.

Abdiaziz Godah

Helsinki – Finland

agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.