Home » Warar »

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo qabatey Xafladdo lagu furayey ZAAD Service

Xaflado lagu furayey Hormuud ZAAD Service ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana xafladahaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana dadweynihii ka qaybgalay xafladdahaasi loo faahfaahiyey qaabka Barnaamijka Hormuud ZAAD Service.

Halkan ka daawo sawirada

Xaflad ka mid ah xafladahaasi ayaa ka dhacday xarunta ay Hormuud ku leedahay Trepiano waxaana lagu martiqaaday Macaamiisha Shirkadda waxaana darbiyadda halka ay ka dhaceysay xaruntaasi lagu soo xardhay Barnaamijiyadda ZAAD Service Hormuud, waxaana sidoo kale dadweynihii ka qaybgalay loo qaybiyey waraaqo looga hadlayay ZAAD service oo ah barnaamij ku cusub dalka Soomaaliya.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah ganacsato oo si weyn u soo dhaweeyey Barnaamijka ZAAD Service Hormuud, iyagoo sheegay in uu yahay Barnaamij fududeeya habka lacag isku gudbinta, waxayna ballanqaadeen in ay dadweynahu u isticmaali doonaan wax ka iibsiga dhexdooda ah ayna uga maarmi doonaan lacag jeebka lagu qaado.

Barnaamijka Hormuud ZAAD Service waxaa saldhig u ah Salaam Bank oo isagu dhawaan laga furay dalka Soomaaliya, waxaana xafladdii ka dhacday Trepiano ka hadlay madaxa shirkadda Hormuud ee Trepiano Cabdalla C/raxmaan oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay dadweynaha u fududeyn doonaan ZAAD Service, waxa uuna sheegay in si lacag la’aan ah ay u diidwaangelin doonaan Macaamiisha doonaysa in ay adeegsadaan ZAAD Service, waxaa kale oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay qanciyaan macaamiishooda ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

ZAAD Service Hormuud oo maalmahan dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ay hadal hayeen ayaa waxa uu noqon doonaa mid dadweynaha u fududeeya habka wax kala iibsiga, taa soo la filayo in looga maarmo lacagihii lagu qaadan jiray Jeebka, iyadoo meesha aad tagtidba aad ka heleyso ZAAD Service Hormuud.

Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.