Home » Warar »

Hogaanka cusub ee Jaaliyada beesha shiikhaal ee Dalka kenya oo la Doortay

Xaflad si weyn loo soo agaasimey lugana dooranayay guddoomiyaha cusub ee jaaliyada beesha shiikhaal ee dalka kenya ayaa lagu qabtay xarunta kalsan ee magaalada Nairobi.

Xaflada oo ay kasoo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu horeeynti waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka waxaan ku furey Cabdinaasir Maxamuud dheere.

Aayadaha Quraanka kadib Waxaa la guda galey doorashadii la dooraniyay guddoomiyaha jaaliyada beesha shiikhaal ee badalaya Gudoomiyihii hore xilkaasi isaga casilay Md Cali Baashi Xaaji Maxamed.

Xilka Gudoomiyenimada ayaa waxaa isku soo taagey Feysal Xaaji Xuseen.Macalin Ibraahim iyo Fuaad Maxamed Cilmi oo dhamaantood horey uga tirsanaa Jaaliyada Beesha.

Labada musharax ee feysal iyo macalin ibraahim ayaa ugu dambeeyn tanaasulay iyada oo uu soo haray fuaad Maxamed Cilmi oo noqday musharaxa kaliya ee u taagan xilka Gudoomiyenimada Jaaliyada.

(Daawo sawirada xaflada)

Jawiga xaflada ayaa ahaa mid aad u sareeyo dhamaan dadki ka sooqeeb galeyna waxa ay si weyn ugu farxeen qaabki loosoo agaasimey xaflada doorshada.

Dadki ka soo qeeb galey waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee Jaaliyada beesha Shiikhaal Cali Baashi Xaaji Maxamed (Laameer) iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyihii hore Md Cali Baashi Xaaji Maxamed (Laameer) ayaa halkaasi ka jeediyay hadal si weeyn ay ugu riyaaqeen kasoo qayb galayaasha shirka kaasi oo ku saleeysnaa taariikhda Jaaliyada iyo marxaladihii ay soo martay intii ay jirtay.

Dhinaca kale Md Cali Baashi Xaaji Maxamed waxa uu isla goobtaasi ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub Dokomeentigii Jaaliyada isagoo misna kula dardaarmay Gudoomiyaha xilka la wareegayey in uu ka shaqeeyo midnimada Beesha isla markaana uu u dhabar adeeygo caqabadaha ka hor imaan kara.

Sidoo kale waxaa isagana goobta ka Hadley guddoomiyaha gudiga isku xirka iyo danaha siyaasada beesha shiikhaal Axmed Shuqul sheikh Aadan oo isagana u mahad naqey guddoomiyaha ladoortey iyo kii hore oo uu ku tilmaamay halyeey u halgamay Beesha Shiikhaal ee dalka Kenya.

Md Shuqul ayaa Gudoomiye Fu’aad Maxamed Cilmi ku sheegay in uu yahay Geesi wax badan ka qaban kara danaha iyo hormarka beesha Shiikhaal.

Ugu danbeeyntii waxaa hadalka lagu soo dhoweeyay guddoomiyaha cusub ee jaaliyada beesha shiikhaal ee dalka Kenya Fu’aad Maxamed Cilmi oo qudbad taariikhi ah ka hor aqriyay jaaliyadii dooratey ee xilka u dhiibtey, waxaana uu sheegay in uu xilka wareejin doono hadii uu wax qaban waayo isagoo dhanka kale ka codsaday beesha in ay la shaqeeyaan.

(Daawo sawirada xaflada)

Guddoomiye Fu’aad ayaa sidoo kale u mahad naqey inta dooratey iyo intaan dooran, waxaana uu sheegay in uu si cadaalad ah uu beeshiisa ugu adeegi doono.

Gudoomiye Fu’aad Maxamed Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in uu mudo todobaad ah uu kusoo magacaabi doono xubnaha Maamulka ee Jaaliyada xaflada ayaa kusoo gabagaboowday sidii loogu tala galay.

Bashi Haji
baashicali@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.