Home » Warar »

Cabsidii laga qabay in uu dagaal ka dhaco Magaalada Muqdisho oo yaraaneysa

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa walwal iyo walbahaar ku hayey in uu dagaal ka dhex qarxo Dowladda Federaalka iyo kooxaha mucaaradka ku aha, kadib mrkii goobaha ay isku hor fadhiyaan ay soo buuxiyeen ciidamo aad u fara badan iyo Tikniko, taasina waxay keentay in dad fara badan ay ka qaxaan deegaanadii ay deganaayeen.
 
Labada dhinac ayaa hanjabaadyo isku mariyey qalabka Warbaahinta, iyadoo koox waliba sheegeyso in ay ka taqaluseyso kana saari doonto magaalada Muqdisho kooxda kale, hase yeeshee waxaa muuqata in saansaantii iyo xiisadihii colaadeed ee u dhexeeyey labada dhinac ay sii yaraaneyso, iyadoo dadka qaar ay ku macneeyeen in labada dhinac aysan helin saanad ku filan oo ay ku dagaal galaan.
 
Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa dhawaan daboolka ka qaaday in ay dinacooda ay diyaar u yihiin in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhex jira dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, isagoo sheegay in laga wanaagsan yahay in la dagaalamo oo burbur hor leh loo gaysto dalka, hase yeeshee dhinaca Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ayaa iyagu qaba in ay wadi doonaan dagaalka tan iyo inta ay meesha ka saarayaan Dowladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM.
 
Dowladda Federaalka ayaa mas’uuliyiin ka tirsan waxay sheegeen in haddii Dowladdu ay digaal qaado ay ku fashilmi doonto, waxayna dowladda u soo jeediyeen in ay wada hadal la furto kooxaha ka soo horjeeda, hase yeeshee waxaa dhawaan magaalada Adis-Ababa kullan ku yeeshay Dowladda Federaalka iyo Ahlusunna Waljameeca, waxayna heeshiis ku wada galeen in isku dhan ka noqdaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
 
Afhayeen u hadlay Ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa waxa uu sheegay in mudo lix bilood ah ay dalka uga saari doonaan kooxaha ka soo horjeeda, sidoo kale dadka qaar ayaa dib u dhaca dagaalka waxay ku macneeyeen khilaafyo ka dhex jira Dowladda iyo waliba dhinaca kale ee ka soo horjeeda. Sidoo kale Ciidamada AMISOM oo ay dowladdu fileysay in ay dagaalka kala qayb-qaataan ayaa waxaa la amray in aysan dhufeysyadooda ka soo bixin oo ay ku ekaadaan koobaha ay haatan ku sugan yihiin.
 
Hoos u dhaca xiisadihii colaadeed ee labada dhinac ayaa waxay keentay in dadka qaar dib ugu soo laabtaan guryahooda kadib markii ay ku dhibtoodeen deegaanadii ay u barakaceen.  Ugu dambeyntiina dadku waxay sheegayaan in marnaba aan la hori doonin in waqti aan sidaasi u fogeyn uu dagaal dhex maro labada dhinac.
 
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.