Home » Announcements »

Sidee loo soo dhoweeyey Wargeyska Cusub ee The Enterprise Newspaper + Shakhsiyaad Caan ah +SAWIRRO

Wargeyska The Enterprise Newspaper oo ka soo baxa magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska ayaa cadadkiisii labaad soo baxay horraantii bishan Labaad, kaas oo ka koobnaa 32 bog, lagana soo daabacay in ka badan labaatan kun (20,000) oo xabbo ayaa labadii toddobaad ee ugu horreeyey bishan durba aan waxba ka sii ool, waxaana si weyn loo soo dhoweeyey wargeyskan The Enterprise oo durba afhayeen u noqday bulshada Soomaalida ah ee ku nool dalkan Ingiriiska ah, kuwaas oo aan cod iyo cid u doodda toona hore u lahayn; wargeyskani wuxuu ku soo kordhiyey inuu dhiirigeliyo sawirka togan (positive) ee Soomaalida, waxaanu u noqday dariiq ay aqoonyahanku bulshadooda u soo maraan, waxna ugu soo gudbiyaan.

 Wargeyskan “walqashiisii durba cunay waaxyaheedii” ayaa la saadaalinayaa inuu muddo kooban gudahood si weyn uga hanaqaado dalkan UK, bulshada Soomaalida ah – ee had iyo jeer xuquuqdooda la duudsiyana u hiilin doono, una noqon doono cod dheer oo ay ku gudbiyaan fariintooda, kuna difaacaan sharaftooda iyo dadnimadooda.

 Wargeysku wuxu olole balaadhan ku qaaday inuu bahweynta Ingiriiska ah ka dhaadhiciyo sida ay bulshada Soomaalidu uga mid tahay bahweynta iskugu soo gashay dalkan Ingiriiska (Multicultural Sociaty), ayna hormuud ka yihiin dhanka ganacsiga, tacliinta iyo weliba dhaqanka iyo diintaba.

 Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa shakhsiyaadkii caanka ah ee wargeysku gaadhay iyo sida ay ula dhaceen durba quruxdiisa, qoraallada ku jira qoto-dheeridooda, iyo qarada wargeyska oo ka kooban 32 bog “color full” ah, isla markaana si heersare ah loo soo daabacay, waxa ka mid ah dadka soo dhoweeyey siyaasiyiin, suxufiyiin, abwaanno, tafatirayaasha wargeysyada iyo magazine-nada ka soo baxa Qurbaha oo ay mid yihiin wargeyska KASMO, magazine ka SHEEKO iyo Somali Eye iyo  TVga caalamiga ah ee Universal.

 edwardmp
Edward Davey MP – Libdem – Shadow Secretary of Foreigners and Commonwealth Commission and his wife

 Hereri 

Weriye Cabdisalaan Hereri –Universal TV iyo Cabdiqaadir Shire – Tafatiraha guud ee KASMO

 suldaan

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen – oo ka mid ah madaxdhaqameedyada Soomaalida ee ku nool carrigan Ingiriiska.

 hamish

Hamish Wilson – Sawirqaade Soomaalida dhexdeeda caan ka ah, wuxuuna leeyahay beerta DEGMO oo dad badan oo soomaali ahi u dalxiis tagaan xilliga xagaaga.

 Xudaydi

Abwaan Axmed Ismaaciil Xudaydi – Boqorka Cuudka

 wiil

Wiil Soomaaliyeed oo ka helay macluumaadka ku qoran, aadna ugu faraxsan.

sheeko

Mawro Aamina – Tafatiradda Guud ee magazine ka SHEEKO

 kaluun

Cismaan Kaluun –Siyaasi weyn oo ruugcadaaya oo ka helay wargeyska The Enterprise

 gareth
Gareth – Sawirqaade caan ah oo akhrinaya sheekaddii Chandlers ee wargeysku qoray

 Nuuradiin

 Nuuradiin Aadan Diiriye – musharixii madaxweyninimo ee Puntland

  dirir

Khadar Abdilahi Dirir – Tafatiraha Guud ee Somali Eye iyo Cabdifataax Axmed – Ambassadorka Somaliland u fadhiya Ireland

 Lammaane

Lammaanaha cayaarahannada kubbadda Kolleyga ee xulkii qaranka Soomaaliyeed Xaawo Taako iyo seygeeda.

 Caashaluul

Abwaannada Caanka ah Caasha-luul Maxamed Yuusuf –

 dhallinyaro 

Dhallinyaro mid ba dhan ula jeestay macluumaadka ku qoran Wargeyska.

 Jooqle 

Fanaanka caanka ah ee Cabdi Jaamac Shire – Jooqle – oo eegaya Wargeyska The Enterprise.

 Bootaan 

Abwaanka Caaanka ah ee Cabdilaahi Bootaan – Kurwayne – oo la fajacsan Wargeyska The Enterprise – tolow ma gabay buu ka samaynayaa – laga yaabee

 haween 

Abwaan Cabdinuur iyo gabdho soomaaliyeed oo wargeyska sita.

  gabadhyar

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo akhrisanaysa Wargeyska The Enterprise…

 niman

 Niman akhriyaya Wargeyska The Enterprise

Waxaad wargeyska The Enterprise hadda iyo mar kasta ka akhrisan kartaan mareegtiisa www.enterprisenewspaper.org wixii macluumaad ah ee qoraallo, warbixinno, suugaan iyo xayeysiis ba waxaad ku soo hagaajinaysaan www.aftahan.com | Aftahan@gmail.com

Allaa Mahad Leh

Yasin Jama Nuh (Suldan)

Tafatiraha Guud ee APTEN

(Aftahan Press & The Enterprise Newspaper)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.