Home » Warar »

Warbixin: Xaggee marayaa machadka Iqra Institute for Higher Education.. Kana qayb qaadoo dhameystirkiisa

Gobolka Sanaag waxaa uu ka mid yahay gobolada ugu hooseeya marka loo eego dhinaca waxbarashada Sare iyadoo uusan gobolku lahayn goob lagu barto waxbarashada ka sareysa dugsiga sare taas oo ay dhalisey in dhalin yarada ka qalin jebisa iskuulada ay aadan magaalooyinka kale eek u yaala Puntland sida Bosaaso iyo Somaliland sida Hargeysa oo ay waxbarasho ka dalbadaan.

Sanaag waa gobolka 2aad ee ugu wayn baaxad ahaan goboladii 18ka ahaa oo ay gobolka Bari uu ka weyn yahay hase yeeshee aan lahayn aas aasiga waxbarashada sare.

Ka hor intuusan dhicin dagaaladii Sokeeye ee Somalia dhamaadkii 1980kii gobolku maba laheyn waxbarasho sare iyadoo uu gobolku lahaa 2 iskuul oo sare keliya oo kukala yaaley Ceerigaabo iyo Badhan.

Kadib dagaalkii sokeeye oo ay weliba uu Sanaag ka bilowdey ka hor intuusan ka bilaaban Koonfurta Somalia ayaa waxayba hoos usii ridey goobihii waxbarasho ee gobolka iyadoo albaabada loo laabey.

Dhex bartamihii 1990dkii ayaa waxaa gobolka dib looga hirgeliyey in la furo goobihii waxbarashada ee ku yaaley gobolka iyadoo weliba qaar kale lagu bilaabey.

Waxaa jirey in dib loo furey Dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare iyadoo degmooyinka sida Dhahar iyo Badhan laga furey dugsiyo sare oo cusub oo hor leh kadib markii la arkey baahida loo qabo waxbarashada degmooyinkaas.

Sidoo kale waxaa dib loo furey dugsigii sare ee magaalada Ceerigaabo oo isagu waxbarashadiisu ay mararka qaarkood hakad geli jirey iyadoo la waayi jirey macalimiinta iyadoo wixii ka danbeeyey sanad dugsiyeedkii 2007-2008 ay tayada wax barasho ee Ceerigaabo ay kor u kacday lagana furey Dugsi sare oo cusub iyo mid kale oo dhexe isla markaana baahida wax ka qaban doona.

Waxay soo jiitantoba Gobolka waxa ka furmey tiro gaareysa 11 dugsi sare ah iyadoo ay magaalooyin korey intii dagaalada Sookeeye dheceen ay u baahdeen in ubadkooda loo furo dugsiyo sare waxaana magaalooyinkaas ka mid Degmada Yubbe oo Ceerigaabo u dhow, Dhahar oo laga furey Dugsi sare una baahan mid kale, Xingalool oo ku taala Koonfurta Gobolka, Buraan oo ku taala Bariga, Hadaaftimo oo iyaduna ku taala Bartamaha Gobolka sidoo kale waxaa aad u balaaratey Degmada Badhan oo hada ay ka furan yihiin 3 dugsi sare oo mahad ilaahey maanta qaar ka mid ah ardeydii ka qalin jebisey iskuuladaas ay Jaamacado ka dhigtaan dalal fog fog sida Hindiya, Pakistaan iyo Suudaan oo weliba qaarkood ay dhaqtarnimo baranayaan.

Waxaana iyagu jira magaalooyin kale oo kobcaya oo laga yaabo inuu u furmo dugsiyo sare sida Ceelbuh, Midigale iyo Ceel daahir oo ku taala Laamiga Bosaaso aada.

Hase yeeshee 11kaa iskuul ama dugsi ardeyda ka qalin jebisa ma helaan waxbarasho kasii sareysa tan dugsiga sare iyadoo qaarkood ay ku biiraan maleeshiyaadka ama ku biiraan iskuulada caanka ah ee Marfashka oo ay goobahaas wakhtigooda ku lumiiyaan.

Taas ayaa dhalisey in lasoo bandhigo in la aas aaso Machad lagu barto Farsamada iyo Culuumta Diiniga ah.

Machadkan oo lagu magac darey Iqra Institute for higher Education ayaa waxaa la qorsheynayaa in la bilaabo dhismihiisa Sanadakan Gudihiisa Haduu Allah SW idmo.

Xagee ku yaala Machadka Iqra Institute for higher Education

Iqra Institute for Higher Education ayaa waxa uu ku yaalaa Magaalada Badhan ee xarunta labaad ee Gobolka Sanaag iyadoo loo doortey in Machadku xaruntiisa 1aad ka dhigto magaalada meesha ay ku taalo iyadoo kala barta Gobolka Sanaag.

Badhan sidaad ogtihiin waxaa ku yaala 3 secondry School iyo Private schools isla markaana waxay Ceerigaabo uga dhowdahay Magaalada Ganacsiga ee Bosaaso.

Waxaa kale oo looga dhigey Sabab iney Badhani xarunta 1aad u noqoto Machadkan ay tahey iyadoo ay soo galaan Afar wado oo ukala baxa degmooyinka kale ee Gobolka sida Ceerigaabo wadada ka timaada oo si toos ah usoo gasha magaalada, tan Bosaaso, tan Laasqoray aada iyo Tan Koonfurta Gobolka Aada oo ku dhacda Laascaanood siina marta Taleex iyo Xingalool.

Waxaana Hadii Allah Weyne SW idmo in machadku Mustqabalka yeelan doono Xarumo kale ku yaala degmooyinka Gobolka isla markaana ku fidi doono dhamaan gobolka Bi’idnillahi Caza Wajalla.

Ujeedooyinka Machadka Iqra

Sida aanu kor ku xusney hordhucayaga, waxaa baahidu timi kadib markii ay ardeydii ka qalin jebisey dugsiyada sare ee Sanaag ay waayaan waxbarasho kasii sareysa taas ay kusoo qaateen iskoolada iyadoo inta yar ee awooda iney waxbarashada sare sii wataan ay u guuraan magaalooyinka Bosaaso iyo Hargeysa tiradooduna ay aad u yartahey.

Ujeedooyinka ugu waaweyn in Machadkani waxa weeye in mustaqbalka fog uu isu bedelo jaamacad oo leh dhamaan adeegyada jaamacadi ay bixin karto iyadoo hada loola jeedo iney si ku meel gaar ah usii noqodo Machad.

Ujeedooyinka kale ee Machadka Iqra ayaa dhowr ah iyadoo ay ugu horeyso qodobadan hoos ku qoran.

In Ardeyda Iskuulada ka baxa ee Sanaag ay helaan goob waxbarasho sare oo lagu baran doono Diploma iyo Shaahado heer jaamacadeed ah.

In ardeyda ka qalin jebisa Iskoolada Sare ee Sanaag ay helaan goob ay ku kobciyaan waxbarashadooda Sare si guud.

In Ardeydu ay helaan goob ay ku bartaan waxbarashada Sare ee Farsamada Gacanta, Maareynta, Ganacsiga, Xisaabaadka, luuqadaha iyo Culuumta Islaamiga ah iyadoo aan lakala sooceyn willal iyo Gabdho oo ay goobtani u furantahey.

In dhalinta ama Ubadka la baro Waxbarashada Farsamada Gacanta, Culuumta Islaamiga ah, Madooyinka Maareynta, Luuqadaha Englishka iyo Carabiga, waxbarashad Caafimaadka.

In Laga hortago Burcadeynta Dhalinta Sanaag iyo geli taanka ay gelayaan maleeshiyaadka ha ahaadeen kuwa Qabaailka ama kuwa Diiniga ah oo beryahan guud ahaan inta Somalidu degto kusoo batey.

5) In la kobciyo fahanka Dhalinta ka qalin jebisa Iskoolada si ay kor ugu qaadaan awoodooda feker isla markaana Mustaqbalkooda toosan ka fekeraan.

In Ardeyda Reer Sanaag loo fududeeyo sidii ay ku baran lahaayeen wax barashada sare iyagoo isticmaalaya qaab casiriyeysan sida Computers-ka iyo Laboratory-ga ama shaybaaro casri ah.

Qeybaha Iqra Institute for higher Education

Machadka Iqra waxa uu ka kooban yahay sadex qeybood oo lagu bilaabayo isla markaana baaritaanadii la sameeyey iyo falaqeynta kadib la ogaadey iney mudan tahay in machadka lagu bilaabo Sadexdan qeybood ee hoos ku xusan.

Qeybta Farsamada Gacanta iyo Taba barada- Vocational Skills and trainings Department

Qeybtan baahideeda waxaa la ogaadey in ardeyda deegaanka Sanaag uu baahi u qabo iyadoo ay uu Gobolku hodon ku yahay magaalooyinka aad u kobcaya oo dhismayaal xawli ahi ay ka socdaan isla markaana ay yartahay dadka aqoonta u leh farsamada Gacanta ama Vocational skills sida Dab yaqaanada[Electricians] Matoorada aqoonta,[Mechanics] Alxanka iyo najaarada oo gobolka uu aad uga saboolan yahay.

Cilmi baaristii aanu sameyney ka hor inta aan go’aankan ama qaraarkan aanan qaadan waxay noo xaqiijisey in baahida Aqoontan ay keentey in hadii loo baahdo matoor magaalo ay ku nool yihiin dad tiradoodu kor u dhaaftey 30 kun sida Dhahar in dab yaqaan looga doono Magaalad Bosaaso isla markaana ay qaadato mudo 5 casho ah in cilada la ogaado oo markaa ama Engineerkii sameeyo ama uu dib ugu noqdo Bosaaso oo baahidiisa kazoo qaato.

Taasina waxay qeexday in baahi weyni ay jirto aqoonta oo ah ama ka mid ah aas aaska horumarka bulshada.

Qeybtani waxay handasaayasha Mashruucan isku raaceen kadib dood dheer iyo falan qeyn iyadoo laga baaraan degey kharashka lagu wadayo[Runing Cost and Maintain cost] isla markaana ay noqotey in la dejiyo istaraatijiyad ku aadan taas ayna ugu horeysa in Madooyinka lagu kobo inta la awoodi karayo sida Najaarada, Alxanka, Dabka iyo Matoorada isla markaana Qeybta Enjineernimada dib loo dhigo oo marka uu Machadku Hano qaado laga baaraan dego, Hadii Allah weyni idmo.

Qeybta Computer Science-ka

Caalamka aynu hada ku nool nahey waxaa qeyb libaax ah ama door libaax ah ka cayaara aqoonta computerka oo noqdey mid looga baahan yahay inuu yaqaano qofkii doonaya inuu ku shaqeysto cilmigaan.

Sidaa awgeed Iqra Institute waxay u diyaarineysaa ardeyda wax ku baran doonta iney wax barasho ku saabsan Cilmiga Computerka hadii ay noqoto mid uu qofku ku shaqa tegi karo iyo hadey noqoto mid uu iskiis aqoon kororsi u baran doono.

Waxaa Machadka wax ka bari doono aqoon yahano ku xeel dheer waxbarasha Computerka isla markaana ka haqab tiri doona ardey kasta oo dhiganaya qeybtaan inuu ka qalin jebiyo isagoo ku kalsoon inuu suuqa shaqada tegi karo oo ku shaqeysan karo aqoontiisa.

Sida lala wada socdo Cilmiga Computer dhowr nooc ayuu u kala baxaa waxaana Iqra ay diyaarin doontaa dhamaan qeybaha cilmiga Computerka inta awoodeeda ah.

Qeybta Culuumta Islaamiga iyo Luuqadaha

Barashada Shareecada islaamka waa aflaxa jiil kasta oo soo kobcaya si ay isaga ilaashaan wax yaabaha diintooda wax u dhimaya isla markaana nusqaan ka dhigayo.

Sida la wada ogsoon yahay umad waliba waxay leedahay diin iyo hido isla markaana ay ku abtirsadaan umadkasti oo caalamkani joogto kuna faanaan barashadeeda iyo ilaalinteeda.

Diinta Suuban ee Islaamka ah nolol maalmeedka qofkasta oo muslim ah isla markaana laga rabo inuu ku baraarugsanaado hanaanka wanaagsan ee diinteena.

Qofka Muslimka ahi ee soo kobcaya markuu ogaado in diintu ay ka reebtay tasarufaadka bii’ada loogula kacayo sida dabar goynta dhirta waa uu iska ilaalilanayaa isagoo aan ka baqeyn in ciidamo ama xabsi sugayo isla markaana dareensan in ciqaabi allah ay wax walba ka weyntahey.

Baaritaanadii ay sameeyeen handasayaasha qorshahan ayaa waxaa ku cadaatey inuusan gobolku laheyn goob Shareecada Islaamka iyo axkaamteeda lagu barto iyadoo aad moodid in barashada Axkaamta Shareecada lagu koobey Masaajidada qaarkooda.

Qeybta Maareynta , Xisaabaadla iyo ganacsiga.

Qeybtan muhimadeeda waxaa la arkey kadib markii ay cadaatey in dhalinta Gobolka ay u badnaadeen iney rabaan iney aayahooda ama mustaqbalkooda u leexdaan dhinaca waxbarasha Ganacsiga sidaa awgeed Qeybtan Machadku waxa uu ka haqab tirayaa baahida loo qabo oo ay Ardeyda Gobolku u qabaan isla markaana u sahleysa in mustaqbalkooda ay u shaqa doontaan shirkadaha soo kobcaya ee ka dhisan Somalia iyo wadamada Deriska la ah Somaliaba.

Dhismaha Machadka Iqra Community College

Machadka oo hada maraya marlaxada bilowga ayaa waxaa la qorsheynayaa inuu maro dhowr mar xaladood oo ay ugu horeyso Dhisida Dhismaha Machadka Iqra oo iyadu ay qorsheysantahey in la bilaabo Sanadakan intuusan Dhamaan insha allah.

Dhismaha Machadka ayaa waxa uu ka kooban yahay qeybahan hoos ku qoran.

  • – 10 Fasal oo u dhan yihiin dhamaan qalabkii oo idil
  • – 2 Labrotoray ama Sheybaaro ay u dhan yihiin dhamaan qalabkoodii
  • – 2 qol oo waaweyn [460msq] oo Workshop ah
  • – 3 Qol oo xarun Caafimaad noqon doonta
  • – Maktabada ama Library
  • – Xafiisyo iyo Xafiiska Guud ee Machadka
  • – Hool ama Barxad si guud loo isticmaali doono
  • – Qolka Matoorada
  • – Derbiga kusoo wareegsan Machadka [1200msq]
  • – Taangiga Biyaha
  • – Musqulaha ardeyda oo kala qeybsan, Lab iyo Dhedig
  • – Qodista Bulaacadaha
  • – Qeybta Ciyaaraha
  • – Masjid

Waxaa taas ku xigi doonta Hadii Allah awooda lahi Idmo Qeybta Labaad oo ah qalabeynta machadka iyadoo taasina ay ku xigi doonto ardey qaadista isla markaana insha allah uu machadku sidaa ku hana qaadayo.

Baahida dhaqaale ee Machadka

Gebi ahaanba Machadka ayaa waxa uu sugayaa dhamaan dadka Muxsiniinta ah ee jecel in Ubad Soomaaliyeed oo Muslim ahi uu hana qaado isla markaana jecel inuu Allah casa Wajalla ka abaal mariyo maalka ay ku bixiyeen ubadkooda ayna u noqoto Zadaqatul-Jaariyah.

Macadka lacagta ku baxaysa waxa weeye lacag gaareysa 220,065 USD oo dollarka Mareekanka ah oo weliba laga yaabo inuu kor u kacdo waayo qalabka dhisida inuu kor u kaco ayaa laga ayaabaa, taasina weliba waxa dheer qiimaha ixtiyaadiga ah ama kaydka ah ee loo baahan yahay.

Sidaa awgeed ayaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee kheyrka jecel waxaa laga codsanayaa iney ka qeyb galaan dhisida Machadka Iqra isla markaana ka qeyb galaan camalkan Kheyriga ah.

Machadka Iqra Dhulkii laga dhisi lahaa waa la hayaa isla markaana waxa uu sugayo oo keliya waxaa weeye sidii dadweynaha kheyrka jecel ay uga qeyb gelin lahaayeen in machadka dhismihiisu uu bilowdo insha allah sanadakan intuusan dhamaan.

Waxaanu si gaar ah ugu baaqeynaa Aqoon yahanada Reer Sanaag cidkasta ha ka dhasheen iney ka qeyb qaataan dhisada iyo hana qaadida Machadka, waxaanuna ku baraarujineynaa in machadkani uu noqon doono talaabada 1aad ee uu Gobolku ku yeelan doono Jaamacad.

Waxaa lawada ogsoon yahay in Sanaag ay leedahay Aqoonyahanada ugu badan ee ku nool Qurbaha oo weliba qaarkood ay ka shaqeeyaan hay’adaha Caalamiga ah sida UNta iyo Bangiga Aduunka sidaa awgeed waxaa iyaga si gaar ah looga codsanayaa iney ka qeyb galaan camalkan kheyriga ah isla markaana ka qeyb qaataan bad baadinta Ubadkooda Soomaaliyeed.

Waxaanu sidoo kale u baaqeynaa Hooyooyinka Reer Sanaag ee u helaanaa sidii ay ubadka gobolkooda wax u baran lahaayeen iyadoo aanu ogsoonahey inaad baal dahab ah kaga jirtaan horumarinta Gobolka Sanaag.

Waxaa laga ayaabaa in lacagta dadka qaarkiis ay yiraahdaan waa badan tahey laakinse waxaa xusid mudan in hadii la helo 250 qof oo min Kun[1000] dollar bixiya sanad gudihiis uu machadkani Sanad dugsiyeedka 2010-11 uu furmi karo Bi’idni laahi, markaa walaalahayaga Musliimta ah ee Soomaaliyeed waxaanu mar kale ka codsaneynaa iney si buuxda noogala qeyb qaataan dhisida Machadka.

Account-ka tabarucaadka lagu soo diri karo waa kan:

AC.NO: D00 1636,

DAHABSHIL,

BOSASO, SOMALIA

Wixii faah faahin ah kala xiriira

Abdirashid Sheikh Salah +25290 796771/725033, Email: abuusaalax@hotmail.com

A/Rahmaan Haybe +25290 772880

Adam Ahmed Yusuf +25290 764433, Email: a_hawar@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.