Home » Warar »

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo Gurigiisa lagu weeraray Bambaanooyin

 Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooyey ee Gobolka Shabeelada Hoose waxay sheegayaan in Kooxo hubaysan ay bambooyin ku weerareen guri uu deganaa sargaal ka tirsan Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. 

Abaarihii Xalay saqdii dhexe ayaa kooxo hubaysan oo aan haybtooda la gararaneyn waxay  ay bambooyin ku tuureen hoyga degmada Afgooye uu ka deganv yahay madaxa Garsoorka maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye Sheekh Cusmaan Fiidow Xasan, waxaana lagu waramey in markii la maqley Qaraxyadaas ay guriga soo gaareen Ciidamo ka tirsan  Xibul Islaam waxaan markiiba ku dhaqaaqeen baaritaan la xiriira Ciddii ka dambeysey qaraxyadaas . 

Bamkaani  lala beegsaday sargaalkan ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa la sheegay in uusan geysan wax khasaare ah kadib markii uu ku dhacay Jidaarka dambe ee gurigiisa oo ku yaala Xaafada 21 October ee degmada Afgooye,waxaana wararka laga helayo degmada Afgooye ay sheegayan in markii la maqlay dhawaqa Bambadaasi dadka deegaankaasi ay soo wajahday cabsi xoogan. 

Madaxa Garsoorka Maamulka islaamiga ee degmada Afgooye oo ah Sarkaalka la weeraray ayaa sheegay in saacadaha soo socda uu faah faahin ka bixin doono weerarkii xalay ay ku soo qaadeen kooxaha hubaysan. 

Waxaa maalmahan isa soo tarayey weerarada lagu hayo Saraakiisha ururka Xisbul islaam waxaa dhawaan Guri yaala Suuqa   Bakaaraha lagu weerarey sarkaal ka tirsan ururuka xisbul Islaam kaasoo lagu magacaabo Barre Cali Barre hase yeeshee qaraxaas wax khasaaro ah ma geysan wuxuuna sheegey Barre mar la wareystey in uusan garaneyn Ciddii ka dambeysey qaraxaasi 

Waxaa maalmahan deegaano ka tirsan Gobolka shabeelada hoose gaar ahaan degaanka Toortorow ka jirey iska horimaadyo u dhaxeeyey Ciidamada Xisbul Islaam iyo kooxo maleeshiyo ah oo ka tirsan deegaan waxaana iska horimaadyadaas ka dhashey khasaaro  isugu jira dhimasho iyo Dhaawac  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.