Home » Maqaallo »

Maxaa Soomali ka Quseeya Maalinta Jaceylka?!! | Asad Cali

Waxaa Laga Maarmaan ah in aan wax ka niraahdo wax walba oo Quseeya Nolosheena , maadaama uu Illaah naga Dhigay Dad Muslimiin ah, waxaa lagama maar ah in aa wax walba oo aan Sameyneynaa u Bandhigaa Shareecada Islaamka, si aan u kala Garano maxaa Khilaafsann, maxaase Waafaqsan Sahreecada, Maxaan Ajar ka heleyaa Maxaanse Dembi nagu ah hadii aa nahay Musliin?.
 
Waxaan ula jeedaa waxaa Maanta Dunida ka jira wax bada oo noqday wax faafaay amaba Shaar Caalami ah loo labisay ayagoo Asal ahaa ah Dhaqamo ama Astaamo ay leeyihiinn dad aaminsan Diimo kale, taasoo laga yaabo in ay ku kadsamaan Dad bada oo ka mid ah dadka Muslimiinta ee ay yartahay Aqootooda Diineed amaba Jecel hadba wixii Cusub, taasoo laga yaabo in ay sababto in gaf weyn galaan ayagoo aan u warheyn amaba yareysanaya Falka ay sameynayaan.
 
Hadaba hadii aan soo koobo waxaa maalmaha lagu jiro Bishan Febraayo badan dad u dabaal dago Maalin loo yaqaan Maalinta Jaceylka islamarkaana u sameeya damaashaad iyo Ciiddo aygoo kaliya Muhiimadooda tahay in ay hadba wixii Cusub la jaan qaadaan haba khilaafsanadaan Diintooda iyo Dhaqakooda wanaagsan.
 
Sidaa darted waxaan wax kasoo Gudbi Doonaa Ciidaas iyo Dabaaldagyada la sameeyo 14ka Febraayo halka ay kasoo Bilaawdeen iyo Cidda jedeysan iyo ula jeedada loo dabaal dago, iyo Diinta Islaamka wax ay ka qabto.
 
Maalinka loo yaqaan maalinka Jaceylka waa maalin laga Ciido lagana dabaal dago meelo badan oo Caalamka ka mid ah sanad walba marka Bisha Febraayo tahay 14ka, wadamada ku hadla Luqada Ingiriiska Maalinkaas waxaa loo yaqaan dhaqan ahaan Maalinka Ruux walba uu soo muujiyo Jaceylka uu u hayo ruuxa kale, ayadoo lagu muujinayo in la isu diro waraaqo ama leysu Hadiyadeeyo Ubaxyo Gad-Gaduudan amaba Macmacaan uu qofba qofka uu jecel yahay u Hadiyadeeyo, ayadoo Maalinkaasna Dadka dabaaldaga labistaan Dhar Gaduud ah midab ahaan…
 
Waxey Ciidaas magac ahaan Xambaarsan tahay Magaca laba qof oo Diinta Masiixiga ku tilmaamaan in ay Shuhado yihiin (Valentine’s Day) waxaana Bilaabay inuu Dabaal dag u sameeyo Abwaan u Dhashay wadanka Ingiriiska oo la yiraahdo (Geoffrey Chaucer) oo ku dhashay Landan 1343 – 1400 , Qarniyadaas oo ahaa xilaydii uu ugu Shaacsaaa wadamada Galbeedka waxa loo yaqaanay Shukaansiga Jaceylka, waxaana Maalinkaas ay Sumad uga dhigaan Dhambaalo ay ku Sawiran yihiin Ubaxyo, Shimbiro iyo Qalbi dad , waxaana jira Ganacsato u dhalatay Wadamada Galbeedka oo Buunbuuiyay Maalinkaas ayagoo u arkay in ay ku jirto Fursad xaga Ganacsiga ah, si aad ah usoo saaro Dahmaabalada iyo Ubaxyada Maalinkaas aadka loo Isticmaalo.
 
Hey’ada la yiraahdo (Trade association for publishers of greeting cards) ee ka jirta Wadanka Mareykanka waxey soo saartay sanadihii tagay qiyaastii Cadadka Dhambaalada la Isticmaalo Sanad kasta Maalinkaas, waxa ayna ku qiyaaseen Bilyan ku Dhawaad, taasoo ka dhigeysa Muanaasabadan tan Labaad ee ugu Badan Xaga isu hadiyenta Dhambaalada Ciiddaha, marka lagasoo tago tan Ciidda Kiristanka sida ay hey’adaas cadeysay.
 
Hadaba Maxey Diinta islaamka ka qabtaa in Ruux Muslim ah ka Qeyb qaato Ciidda iyo Dabaaldagyada la sameeyo Maalinka loo yaqaan Maalinta Jaceylka amaba (Valentine’s Day) ee bisha Febraayo Sanad walba 14 keeda ?.
 
Waxaa ka jawaabay Culimada Muslimiinta Caalamka meel walba oo ay joogaan waxeyna Jawaabahooda wada Tusayaan in aysan Banaaneyn inuu Ruux Muslim ah ka qeyb qaato Dabaal dag Ciideed oo aan aheyn labada Ciidood, ha ahaato Ciid ku saabsan Qof amaba Maalin amaba macno kale, waxa ayna yiraahdeen waa wax khilaafsan Sharceeda Islaamka Muslimiintana uma banaana…
 
Hadalada ugu kooban Culimada ka tilmaantay waxaa ka mid ah Ibnu Cutheymiin (allaha u Naxariistee) oo yiri hadal Macnahiisu yahay: in loo Dabaal dago Maalinta Jaceylka ma banana arimahan dartood:
1-    Waa Ciid Bidco ah Shareecada Islaamkana aan wax raad ah ku laheyn.
2-    Waa Ciid dadka ugu yeera Shukaansi iyo Cishqi.
3-    Waxuu Qalbiga ugu yeeraa inuu ku mashquulo arimo liita ee khilaafsan Hanuunkii Salafkii Suubanaa (Allaha ka raali noqdee)
Waxaa uuna yiri intaas ka dib : ma haboonnao in la muujiyo wax Astaan Ciideed ah Maalinkaas ha ahaaddo Cunto ahaan, Cabid ahaan amaba Labis ahaan, amaba in wax la isu Hadiyadeeyo i.w.m
 
Waxaa uuna kusoo Gabagabeeyay Muslim walba waxaa looga baaha yahay inuu ahaado Mid ku Sharfoo Diinkiisa oo uusan noqoan Hayi raac daba jooga hadba wixii socda.
Ka tix raac Fatwadaas linkiska ah: .
 
Wxii Faahfaahina eek u Saabsan Jawaabaha ey Culimada Muslimiinta ka Bixiyyena waxaad ka heli kartaa linkiskan ah .
 
Sidaadarteed dadka Muslimiinta ah waxaa lagudbood in ay ku kaaftoomaan Diintooda sidaba kuwa kale ee aaminsan Diimaha kale aysan ugu qeybqaadan Dabaaldagyada Ciiddaha Muslimiinta, maxaa yeelay Ciid walba ee Dunida ka jirta waxey ku fadhidaa Caqiido iyo Taariikh ay dad aaminsan yihiin, mana jirto sabab uu qof Mauslim ah, Soomali ah uga Qeyb qaato Ciid aanan waxba ka quseyn, waxaaa layaab iyo layaab ah in Dad dalkoodii ku shidan yahay Dab Damiirkoodu ku raali noqdo Farxad iyo Damaashaad aan danu ugu jirin, Diintana Gaf ku ah, Ceebnaba ku ah Ruux Soomaliya oo Xaalad aad u adag ku jiraan Dadkiisii iyo Dalkiisiiba hadana Diinkii kusii tunto, halkii ay aheyd Towbad iyo Allah bari in loo taagnaado habeen iyo maalinba si Xaaladan Illaah uu Noogu Badalo Xaalad ka wanaagsan.
 
 
W/Q: Asad Cali Axmad
asadcnx@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxaa Soomali ka Quseeya Maalinta Jaceylka?!! | Asad Cali "

  1. WAXAAN LEEYAHAY MALINTAS WAX JID AMASE RAAD AH OO AY KU LEEDAHAY DIINTA ISLAMKA MA JIRTO.

    WAXAAN WAXAA LA HINDISAY MARKII WADANKEENU UU BURBURAY OO WADAMADA KALETO EE AAN MUSLINKA AHAYN AY DOONAYAA WAX KASTA OO DHEXDOODA KA JIRA AY KU FAAFIYAAN UMADAHA KALE OO ILLAHAY SIIYEY SHARAFTA IYO DIINTA ISLAMKA

    WAXAAN OGALA JEDA MAANTA WAA MALINTA AY CHINES-KU U TAHAY NEW YEAR 13-14 FEB SANADKASTA WAA MALINTA AY U TAHAY MALINTA NEW YEARKOODA

    WAXAAN KUU TUSAYAA TUSMADAN IN AY WADANKEENA AY GALO GACANTA KU HAYSO WIXII AY MARSIN WAYDANA AY SHEEKO KALE KU MARSIISO.

    WAXAAS OO DHAN WAXAA U SAHLA KUWA MADAXDA ISKU SHEGAYA EE WADANKA MAAMULA OO AAN DIINTA ISLAMKA KU XEEL DHERAYN AL YACNI BARASHO DHERADA U LAHAYN

    MAHADSANID HADII AAN QOF EED KA GALAY FADLAN IGA RAALI NOQDA

    BY
    AYANLE AHMED
    MALAYSIA

  2. Suad Ossoble says:

    Asalaamu Alaikum
    Asad waa runtaa maalinta jaceelka wax inaga khuseeyaa ma jiraan, xaaskaaga waa in aad markasto tiraahdaa mahadsanid nolosha aan wada nool nahay oo aan wadaageena d=sidaas ayuu Illaaheey idinku barakeen ee ubax iyo warqad la soo qorey ama shey hadiyad la soo iibiyeey waxba ma taraan,
    Wa in aan isu naxariisanaa oo hooyada la nasiyaa oo waxey jeceshahay loo sameeyaa,mar mar caruurta laga haayaa la yiraahdaa orod soo naso u tag reerahiina fasax qaado anigaa caruurta haynaayo sidaas ayaa la yiraahdaa jaceel iyo Ixtiraam FAHAMTU.