Home » Warar »

Maxkamad la saari lahaa ciidamo Burundi ah oo dib loo dhigay

Ciidamo Burundi ah oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 35 askari oo dhawaan laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maxkamad lagu soo taago dalka Burundi kadib markii ciidamadaani ay sameeyeen gadood iyo shaqo joojin.

Ciidamadaan oo ka hawgalayey Magaalada Muqdisho ayaa gadoodkoodu waxa uu ku saleysnaa markii aan in mudo ah la siin wax mushaaro ah sidoo kale waxay ciidamadaasi sameeyeen amar diido iyaga oo halkii ay ku sugnaayeen ka sameeyeen fowdo iyo jahwareer.

Doraad ayaa ciidamadaasi maxkamad lagu soo taagay Magaalada Bujunbura ee caasimadda Burundi waxaana lagu waramay in ciidamadaasi markii maxkamadda la keenay ay ku doodayeen in waxa ay ka cabanayeen ay ahaayeen wax dhab ah oo aysan dheg jalaq u siin saraakiisha ka sareysa.

Garsooraha maxkamadda ayaa dib u dhigay qaadista dacwaddaasi, isagoo sheegay in loo baahday marqaatiyaal fara badan oo la xiriira waxa ay ku kaceen ciidamadaasi, waxaana la filayaa in goor dhow uu Muqdisho ka ambabaxo taliyaha ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga ugu sareeya, isagoo doonaya in uu ku marqaati furo ciidamadaasi.

Dowladda Burundi oo ay Soomaaliya ka joogaan saddex guuto ayaa Magaalada Muqdisho waxay uga sugan yihiin goobo mucayin ah, kuwaas oo mararka qaar weeraro kala kulma kooxaha diidan joogitaankooda.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa in mudo ah qaadan wax mushaar ah, taas oo ay ugu wacan tahay iyadoo aysan soo gaarin dhaqaalihii horey loogu yaboohay, waxaana dhawaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay Qaramada Midoobey ugu dartay mudo hal sano ah joogistooda waxaana la gaarsiiyey ilaa iyo 31-da Janaayo ee sanadka 2011.

Amiin Yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.