Home » Warar »

Moqdisho: 52 haween iyo caruur ku dhaawacmay duqayn aan kala sooc lahayn oo aan loo meel dayin ayaa lagu qaabilay isbitaalka Dayniile

WAR SAXAAFADEEDKA MSF -SOMALIA 

Nairobi, 3rd February 2010 -Inta uu soconayay Dagaalka kharaar oo mar kale ka dhacayay casimada Somaaliya ee Muqdisho,Ururka samafalka caafimaad ee Dhakhaatiirta aan Xuduuda Laheyn ee MSF ayaa ku qaabilay isbitaalka ku yaala nawaaxiga Dayniile 89 rux  qabo dhaawacyo ay sababeen duqaymo, intii u dhexaysay 29-kii January iyo 2-dii bishan Febuary. Tiraadaasi oo ay ka mid yihiin 52 haween iyo caruur.

“Tirada haweenka iyo caruurta dhaawca ah oo aan qaabilnay muda ku dhow 72 saacadood gudahood ma ahan “Khasaara kama’ ku yimid oo aan loola qasdin –collateral damage.” lakiin waxay tahay gabi ahaan in aan ixitiraam loo haynin amniga bulshada rayadka ah ee ku nool Muqdisho” ayey tiri madaxa ergadda MSF, Axelle de la Motte St. Pierre. “Xaalada ka jirto Muqdisho ayaa ah mid aad u adag, waxaana ku eedeaysan dhinacyadda oo idil tiradda badan ee dhimashada iyo dhaawaca, lakiin duqaynta aan loo meel dayin ee la duqaynayo meelaha ay dadku ku badanyihiin ayaa ah mid aan inaba loo dul qaadan karin.”  

Sanadkii 2009, 1,137 rux, qabo dhaawacyo ka soo qaaray qaraxyo oo lagu qaabilay isbitaalka Dayniile, ku dhowaad nus waxay ahaayeen haween iyo caruur da’doodu ka yar tahay 14 sano. 

MSF waxay ugu baaqaysaa, dhamaan dhinacyada dagaalamayo oo ay ka mid yihiin Dowladda federaalka ee ku meel gaarka ah (TFG), ciidamada midowga Africa ee nabad ilaaliyayaasha (AMISOM) iyo kooxaha islaamiyiinta in ay samaeeyaan inta karaankooda ah, sidii ay u xadidi lahaayeen khasaaraha soo gaarayo dadka rayadka ah iyo in la raaco nidaamka ka la soocida dadka dagaalamayo iyo kuwa rayadka ah oo la kala sooco iyo in aan loo adeegsanin awood xad dhaaf ah meelaha ay dadka rayidka ah ku badanyihiin.

Wixii xog dheeraad ah la xiriir-Ahmed Dahir-Tel: +254733665424, Email: msf-press-somalia@msf.org

……………………….

MSF waa urur caafimaad oo madax banaan, ururka wuxuu mashariic ka wadaa sideed gobol oo gudaha Soomaaliya. In kabadan1,500 shaqaala somaliyeed oo eey caawinayaan 94 shaqaale oo ku sugan Nairobi ayaa ku howlanaa fidinta daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, daaweynta nafaqo-xumada, siinta daryeel caafimaad iyo taageeridda dadka barakacay, qalliinka, qaybinta biyaha iyo gargaarka kale oo laga waday sagaal gobol oo dalka ka mid ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.