Home » Maqaallo »

Qoonsiga Kenyaanka iyo qabqabashada Soomaalida | Saciid Anteno

Waxaa dhawaan dalka Kenya ka dhacdey qabqabasho lagu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan, taasi oo ku keentay cabsi weyn dadkii hoyga usoo doontey halkani, kana soo cararey dagaalada ka holcaya dalkeena hooyo ee Soomaaliya. 

Taariikhda: 02/02/2010
Goobta: Star FM radio
Qoraaaga: Saciid Xasan Anteno
Ku saabsan: Faallo ka hadleysa arrimaha Soomaaliyeed
 
Sababta uggu weyn ee loo aaneynayo qabqabashadan ayey ku sheegtay dowlada Kenya kadib markii dad lagu tilmaamey Soomaali oo wata calanka Al shabaab ay ka qeyb qaateen banaan laga dhigey masjidka Jamia oo ku yaal bartamaha magaalada Nairobi, kaasoo looga cabanayey xariga la xirey wadaadka Jamaican-ka ah ee Al faisal.
 
Markii danbe banaan baxii si nabadda ah ku dhacayey wuxuuu isu badaley dhagax tuur ciidamada  amaankana waxey isticmaaleen suntan dadka kaga ilmeysiisa, ha yeeshee taasi masii socon oo arrinta faraha ayey ka baxdey waxaana bilawdey isticmaalka xabad, waxeyna taasi keentay in amaankii faraha ka baxo, ganacsigii goobtaa ka socdeyna istaago, dad badan dhaawacmaan tiro dhimasha ahna ay halkaasi ka dhacdo.
 
Saxaafadda Kenya waxey soo bandhigtey sawiro ay ka dhex muuqdaan dad ay ku tilmaameen Soomaali kana qeyb qaadanaya banaan baxan, taasoo kicisey carada dowlada iyo shacabka Kenya.
 
Ciidanka ammaanka Kenya waxey durbadiiba laba maalmood kadib banaan baxa beegsadeen xaafada sida weyn ay dadka Soomaalida uggu dhaqan yihiin ee Eastleight, iyagoo halkaasi ka qabqabtey dad aad u fara badan.
 
Qabqabashada ma joogsan oo waxey ku baahdey xaafadaha kale ee magaalada Nairobi, sidoo kale gobolada kale ee dalka Kenya, maadaama dhamaan qeybaha dalku ka kooban yahay ay Soomaalidu wada dagtay.
 
Ilaa iyo iminka lama hayo tirakoobka dadka Soomaalida ee lagu xir xirey dalka Kenya ilaa iyo markii ay bilaabatey qabqabashada, waxaase jira tirooyin qiyaas ah oo lagu sheegay ilaa iyo 1,000.
 
Waxaa jira dad kale oo Soomaaliyeed oo arrinta qabqabashada ku macneeyey baroorta orgiga ka weyn.
 
 
Waa yadan danbe waxaa la isla dhex marayey in dowlada Kenya xubno katirsan ay aad ugga gilgisheen saameynta dadka Soomaalida ay ku yeesheen dalka, gaar ahaan dhinacyadda ganacsiga, dhaqaalaha, waxbarashada, horumarka iyo tirada,
 
Dad badan oo Soomaali ah ayaa markii ay bilaabeen ciidamada Kenya qabqabashada waxey u baxsadeen dhanka Uganda, iyagoo markaa ka cararaya qabqabashada.
 
Dadka la qaqabtey waxaa ku jirey xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale qaar kamid ah saraakiil katirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed.
 
Wali dad ayaa ku jira xabsiyada oo aan wali lasoo taagin maxkamad, ha yeeshee waxaa jira qaar dib loo sii daayey kadib markii aqoonsigooda la hubiyey.
 
Soomaalida ku nool Kenya waxey tiradoodu aad u badatey kadib dhicitaankii dowladii Maxamed Siyaad Barre, taasoo keentay in dalkani Kenya ay kusoo jabaan dad aad u fara badan.
 
Waxaa aasaasmey xerooyin qaxooti sida Dhagaxleey, Dhadhaab iyo Ifo oo inta badan dadka kujira ay yihiin Soomaali, waloow ay jiraan dadyaw kale oo kujira xeryahaasi sida Ethiopian, Eritrean, Sudan iyo Ugandase.
 
Soomaalida waa udub dhaxaadka suuqa weyn ee Eastleigh, kaasoo ay ka socdaan ganacsiyo kala duwan. Suuqa sidoo kale waxaa ku jira dadka ka ganacsada qowmiyadaha kale ee Kenyanka iyo Ethiopian.
 
Suuqa weyn ee Eastleigh dadyawga wax ka iibsada waxey ka kala yimaadaan wadamada Uganda, Rwanda, Congo Dr, Tanzania iyo wadamo kale oo ku yaala bariga iyo bartamaha Africa, iyadoona sidoo kale alaabadda laga qaado suuqa la geeyo wadamada aanu soo xusney.
 
Dadka Soomaalida ee suuqan aasaasey ganacsigiisana kala wada ayaa ka dardaar warinaya haddii sida haatan hawsha ay kusocoto aan wax laga badalin, in uu mugdi gali doonno mustaqbalka ganacsiga suuqa.
 
Eastleigh kaliya maahan suuq ee sidoo kale waxaa ku yaala guryo deegaana oo ay dadka Soomaaliyeed kireystaan.
 
Guryaha halkaasi ku yaala qaarkood waxaa iska leh Kenyaan, Soomaalida Kenya, iyo Soomaalida Soomaaliya, waxaadna dareemeysaa in Eastleigh ay tahay meel horumar keedu uu si xawli ah kusocdo.
 
Guryaha ku yaala inta badan waa dabaqyo, lacagta lagu kireystana waa ay ka badan tahay meelo badan oo kamida Nairobi, dad aad u fara badan ayaana ku nool, lana dhihi karo waa dad ka badan intii loogu tala galey.
 
Waxaa jirta Soomaali badan oo kasoo noqdey wadamada reer galbeedka Kenyana usoo guurey, iyagoo markaas u arka in Kenya ay tahay goob ay ka shaqeysan karaan haddii ay maalgashadaan ilmahooduna wax ugga baran karaan, ilaa iyo inta ay Soomaaliya ka baxeyso siyaasadda aan saldhiga laheyn, kuna dhaw muddo dhan 20 sano.
 
Waa yadan danbe waxaa caado u noqotey dadka Soomaaliyeed maalgashiga wadamada ayan laheyn, taasoo bidhaamineysa sida ay dalkoodii ugga aamin baxeen oo ay uggu kalsoon yihiin wadamo shisheeye.
 
Midda koowaad oo la dhihi karo waa ay ku qasbeysaa dadka Soomaalida maalgashiga wadamada shisheeye waa iyadoo ayan Soomaaliya ka jirin nabad galyo la isku haleyn karo oo qofka ku riixeysa inuu maalgashi, ha yeeshee dhanka kale waxaa soo if baxaya in dadku ayanba kuba qanacsaneyn dalkooda oo ay u hanqal taagayaan meelo kale.
 
Ha yeeshee maalgashiga wadamada shisheeye mararka qaar waxaa lagala kulmaa halisyo, haddii aanan marka hore si hufan oo bisil aan looga baaraan dagin.
 
Dadka Soomaali Kenyaanka ayaa qaba in qabqabashada lagu hayo dadka Soomaalida ay saameyn ku yeelan doonto, waxeyna tilmaameen in dadka ganacsatada ah ama deegaanka ah ay yihiin intooda badan dad Soomaali Keenyaan ah, xaqna ay u leeyihiin in dalka ay si xor ah uggu noolaadaan, sida ay qowmiyadaha kale ee Kenyanka ay dalka uggu nool yihiin.
 
Waxaa jira dad Soomaali ah oo qaxooti ahaan uggu nool Kenya joogana xeryaha Dhagaxleey, Dhadhaab iyo ifo, iyo kuwa kale oo jooga magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo aan heysan waraaqaha aqoonsiga qaxootinimada.
 
Dowlada Kenya ayaa ku macneysay qabqabashada Soomaalida iney tahay arrin lagu sugayo amaanka guud ee dalka, aysana jirin ajandayaal kale oo daahsoon oo loogala dan leeyahay.
 
Waxaa la sheegaa in Kenya ay joogaan xubno katirsan Alshabaab in kastoo ilaa iyo haatan aan la heynin warar si dhaba u xaqiijinaya sheegashadaasi.
 
Ciidanka booliiska ayaa aalaaba qaqabta dadka Soomaalida iyagoo weeydiiya kaararka aqoonsiga ee loo yaqaano Kibaandhada, dad badan ayaa ku eedeeyey in booliisku ay bartilmaameed sadaan un dadka Soomaalida ah, iyagoona ka qaata lacag baada.
 
Qabqabashada lagu hayo dadka Soomaalida ah wali waa ay socotaa, oo waxaa la qabtaa habeen maalin, in kastoo bil ka hor ay arrintu sida haatan ka yasirneyd.
 
Dadka intooda badan marka aad wareysato waxey kuu sheegayaan iney baqayaan oo ayan u socon Karin sida ay rabaan, taasi oo loo aaneynayo qabqabashada ay booliisku wadaan.
 
Waxaa qabsoomey shirar kala duwan oo ay isugu yimaadeen xubnaha Soomaalida kaga jira dowlada Kenya, iyo sidoo kale ganacsatada Eastleigh, dhamaantood waxey ka mideysnaayeen wax ka qabashada umuurtan cusub ee Soomaalida lasoo daristey.
 
Mar wareysi lala yeeshey wasiirka gaashaandhiga wuxuu sheegay in arrinta qabqabashada ayan dowlada dhan wadin, oo ay gaar u tahay dad yar si wanaag sanna looga wada hadli doono. 
 
 
Kulan danbe oo xiisa leh, cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban.
 
Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.

saidanteno@hotmail.com 

Mobile Phone: – 00254-711 919 -302

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.