Home » Warar »

Fowsiyo Sheekh “Waxaan ku Guuleystey Dhismaha Wasaarada Haweenka iyo Dibu-habeynta Shaqaalaha Wasaarada Haweenka” wareysi

Marka si qoto dheer loo eego Haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waa kuwa keliya ee ku guuleystey kor u qaadida nolosha caruurtooda, balse sanadihii dambe hawshii ay u hayeen reerkooda waxay noqotey mid la siyaasadeeyo oo ay ku gor gortamaan xilka ay qabanayaan, iyadoo ay ku hoos duugan tahay fasiraadyo kala duwan oo micno badan sameyna, islamarkaana loo adeegsado bur burinta qiyamkii dalka iyo dadka soomaaliyeed ee ay halakeeyeen siyaasadaha guracan ee aan tiirka adag lahayn oo qaab dilaall ahaan loogu keeno dalka Soomaaliya, kuwaa soo doonaya in xidida loo siibo tiirkii adkaa ee ay lahayd Ummadda Soomaaliyeed.

Waxayna ugu qiil dayaan wax lagu sheego gudniinka fircooniga, Aydhiska, wax lagu sheego sinaanta haweenka ama baalansi, balse aysan ogeyn haweenka Soomaaliyeed micnaha ku jira, kuwaasoo u noqodey hormuudka faafiyaha cudurada HIV iyo waxyaabo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin, halkii ay iska weydiin lahaayeen dhismaha Qarankooda guud, waxayna noqdeen kuwo u taagan ilaalinta sharci aan wali Ummadda Soomaaliyeed isla garan, iyadoo aysan reebaneyn horumarka haweenka dalkooda iyo dadkooda

Hadaba Wasiirada Haweenka DKMG Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh oo Somalitalk u warameysey 31/012010 ayaa waxay sheegtey in ay kulamo la qaadatey Wasiirada Haweenka Dalalka Jabuuti iyo Suudaan, islamarkaana ku guulaysatey dhismaha wasaaradii haweenka, dibu habeynta shaqaalaha wasaarada, dhisme Urur haween oo ay ku mideysan xubnahooda baarlamaanka ku jira iyo machad wax lagu baro gabdha Soomaaliyeed.

Wasiirada oo arrimahaasi faah faahin ka bixineysa ayaa ugu horeyn waxa aan weydiiyey Ujeedada safarka ay ku timid dalka jabuuti waxay tiri “waxaan halkan ku balan saneyn Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway iyo hay’ado kale, si aan uga wada hadalno waxa uu ku sugan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo waxa ay u qabanayaan dalka soomaaliya, waxaana isla garaney in ay wax ka qabtaan baahida shacabkeena iyo tan dowlada inay ay naga taakuleyso dalka Norway, dunidana uu qaylo dhaan noogu diro, waayo Soomaaliya maanta gargaar ayey u baahan tahay”

Mar aan weydiiyey waxa ugu muhiimsan ee soomaaliya in laga gargaaro u baahan in ay wax inoogu xusto ayaa waxay tiri Fowsiya “soomaaliya waxay u baahan tahay Gargaar balaaran, mana ahan wax la xadidikaro, dhinac kasta dhibaato ayaa ka soo gaartey, gaar ahaan maanta dadka dhibaatada loo geysto waxaa u badan Haweenka Soomaaliyeed iyo caruurtooda ayaan u gudbiney, waxayna ahayd mida keliya ee iigu muhiimsan in aan gaarsiiyo beesha caalamka, waxaana rayenayaa in ay wax inooga qaban doonaan”.

Mar aan weydiiyey waxa uu qabankaro mas’uulkan xaalada dalka Soomaaliya, maadaama dhibaatada ay aad u baahsan tahay ayna jiraan mucaarad xoog leh ayaa waxay ku jawaabtey “koley waa nin siyaasi ah oo ku xiran hay’ado badan, dalka uu ka soo jeedana waxaa uu ka mid yahay wadamada wax tarey Soomaaliya sidoo kale waxaan la kulmey Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Bulshada dalka Jabuuti Mawo Nimco Bulxan , waxaana ka heley balan qaad ah, tababarka Haweenka dhinaca adeegsiga Kumbiyuutarka, farshaxanka iwm, si ay nololl maalmeedkooda u soo saartaan, qaban qaabada xubnaha tababarkan waxaan ku rajon weynahay inuu bilowdo sanadkan cusub”.

Wasiirada Haweenka Soomaaliya iyo Wasiirada Haweenka iyo arrimha bulshada Jabuuti Marwo Nimco Bulxan Xuseen

Mar aan weydiiyey ma jiraa dowlado kale oo idiin balan qaadey wax u qabashada Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay tiri “inta aan imaan dalka Jabuuti waxaa soo marey dalka Suudaan, waxaana la kulmey Wasiirada haweenka dalka Suudaan Marwo Saamiya Axmed, waxaana sharaxaad ka siiyey dhibaatada haysata haweenka Soomaaliyeed, runtii weyna ogyihiin, waxayna balan qaadey in ay naga gargaarto arrimaha haweenka, xitaa hadii maclimiin naloo soo dirayo oo wax ka bedela aqoonta gabdhaheena ama dibada naloogu qaadoba, suudaan waa dal carbeed oo markasta garabkeena ah, waxayna hadalkeeda sii raacisey, waxaan machad yar u furey gabadha soomaaliyeed, inkastoo cid na caawisey aysan jirin”

Wasiirada Haweenka Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Wasiirada Haweenka Suudaan Saamiya Axmed oo isu gacn qaadaya.

Mar aan weydiiyey Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh haweenkiina baarlamaanka ku jira, wali ma isla soo qaadeen arrimaha horumarinta haweenka ayaa waxay ku jawaabtey “wey jiraan inta aan aadin Suudaan waxaan narey Nayroobi, waxaan isla garaney haweenka baarlamaanka ku jira in ay sameystaan Urur ay ku mideysan yihiin Haweenka Baarlamaanka, waana ku guuleysaney dhismihiisa, waxaana dooraney Gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo xubnihiisa kale, wuxuuna u kicidoonaa horumarin Haweenka anagoo isku duuban, waxaana rajeynayaa in uu shaqeyn doono Ururarkaas, dhismihiisana waxaa naga kaalmeysey hay’ad nagu casuuntey Nayroobi, ujeedada loo aas aaseyna waxay tahay horumarinta haweenka iyo sidii ay u gaari lahaayeen himiladooda si ay u cadeeyaan mowqifkooda, waana Urur ka duwan kuwa Ururada Bulshada, waxaana mustaqbalka xubin ka noqon kara hadii aan isku raacno xubnaha raga ah ee Baarlamaanka ku jira iyo raga siyaasiinta waaweyn”

Kulanka Urur ay leeyihiin Haweenka Baarlamaanka oo lagu dhisey Nayroobi.

Ugu dambeyn mar aan weydiiyey maxaa kuu qabsoomey intii aad xilka haysey ayaa waxay tiri “Waxaa ii qabsoomey dhismaha Wasaarada oo aan hore u jiri jirin iyo dibu habeyn shaqaalhii wasaarada, waxaan keloo isugu yeerey xubno ka socda haweenka Gobolada dalka soomaaliya intii laga gaarikaro qaybahooda kala duwan, waana wada kulaney oo wada hadalney, waxaan keloo la kulmey haweenka degmooyinka Gobolka Banaadir, sidi wasaarada ay wada shaqeyn u yeelan lahaayeen ayaan kala hadley, waxaan keloo ku guuleystey meel ay wax ku bartaan, waxaana rajeynayaa in aan sii balaariyo, hadii alle idmo”.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.