Home » Warar »

Eng. Cabdi Jiinow: “Waxaan ku guuleysanay inaan badbaadino Markab dab qabsaday markii uu naga codsaday sida uu qabo sharciga badaha caalamiga ah aan saxiixnay”

 Maareeyaha Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Markab dab qabsaday oo ka yimid dekedda magaalada Bawaare ee gobolka Sh/hoose, kaddib markii uu halkaasi ka soo qaaday dhuxul u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed isla markaasina ka soo shiraacday, balse intii aanu soo gaarin Dekedda Muqdisho dabku qabsaday, kaasi oo ka dhashay dhuxushii uu markabka siday.

Halkan ka daawo sawirada markabka

Markabka oo lagu magacaabo MV Al Marjan, ayuu sheegay Maareeyaha Dekedda Muqdisho inuu soo weydiistay kabtanka Markabkaasi caawimaad iyo gurmad samatabixin in loo sameeyo, wuxuuna Maareeyuhu ogolaaday sida caadada ahba in markabka lagu soo xiro marsada dekedda kaddibna si degdeg ah looga dejiyo badeecada saaran.

“Dadaal aan loo kala harin oo socday muddo ka badan 24-saacadood kaddib waxaan ku guuleysanay inaan badbaadino markabka oo dab xoog leh qabsaday” ayuu yiri Eng. Cabdi Jiinow Calasow oo sheegay in xaaladda markabka ay ahayd mid khatar ku sugan, oo suuragal ahayd haddii aan loo gurmad inuu dego gebi ahaanba, halkaasina ay ku burburaan markabka iyo badeecada saaran.

Howlgalka loogu gurmaday badbaadinta markabka MV Al Marjan, waxa uu sheegay Maareeyaha Dekedda Muqdisho inuu si aad ah uga xoog badnaa qalabka ay Dekeddu leedahay oo ay ka mid yihiin gaadiidka dab damiska, isagoona sheegay inay dekedda bannaankeeda ka keeneen matooro, tubbooyin iyo haamaha biyaha lagu shubo si aanay howsha u kala go’in.

“Waxaan ku guuleysanay inaan badbaadino Markab dab qabsaday markii uu naga codsaday sida uu qabo sharciga badaha caalamiga ah aan saxiixnay” ayuu yiri Eng. Cabdi Jiinow oo dhinaca kale u mahad celiyay dhammaan dadkii gacanta ka geystay gurmadka lagu badbaadiyay daminta markabka dabka ka kacay.
Guddi ka kooban tobanka xubnood ee ugu sareeya ee maamulka Dekedda oo uu hor kacayo Maareeyaha Dekedda Eng. Cabdi Jiinow Calasow, K/Xigeenka Maareeyaha Md. Yaasiin Cusmaan Burunti, Axmed Cabdi Xasan Wataac, Shuuriye Ibraahim Cabdi iyo xubno kale oo ay ku jiraan ganacsatadii lahayd badeecada saaran markabka ayaa dhabarka u xirtay sidii ay uga hortegi lahaayeen in dabka ka dhex uu ku faafo dhammaanba qeybaha kale ee aanu dabku gaarin.

Ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Dekedda Muqdisho ay badbaadiyaan Markab xaaladiisu halis ugu sugan tahay inuu badda ku dego, waana markabkii saddexaad oo maamulka Dekedda uu ka hortago inay arrintaasi dhacdo, iyadoona bartamihii sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2009-ka markab sidaan oo kale dhuxul siday dhexdiisa dab ka kacay lagu guuleystay in la badbaadiyo, kaddib markii guddiga samata bixinta maraakiibta oo uu hor kacayo Maareeye Eng. Cabdi Jiinow Calasow iyo madax ka tirsan maamulka Dekedda oo kaashanaya khibradda ka hortagga masiibooyinka noocaan oo kale ah ay ku guuleysteen inay badbaadiyaan shixnadaha saaran markabka.

Xaaladda Markab dab qabsaday oo taagan Dekedda Muqdisho oo laga deyrinayo iyo Maareeye Cabdi Jiinow oo ka warbixiyay xaaladda markabkaas

Jan 30, 2009) Maalinimadii shalay waxaa Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho ku soo xirtay Markab lagu magacaabo MV Al-Marjan, kaasi oo ka yimid magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose halkaasi oo uu ka soo qaaday dhuxul.

Halkan ka daawo sawirada markabka

Xaaladda Markabkan oo khubarada ku xeel dheer dhinaca badaha ay ka deyriyeen 100% inuu ka badbaado dab ka kacay markabka mudadii uu wadada ku soo jiray, iyadoo markabka markii uu u soo dhowaaday Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho codsaday in la badbaadiyo.

Mar aanu la xiriirnay madax ka tirsan maamulka Dekedda Muqdisho, ayaa sheegay inay iminka dadaalkii ugu weynaa ugu jiraan sidii ay u badbaadin lahaayeen badeecada saaran markabka, waxaana sida ka muuqata sawirada aanu ka soo qaadnay ay muujinayaan in weli qaac ka socdo gudaha markabka.

Xaaladda Markabka MV Al-Marjan oo laga deyrinayo ayaan la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan shirkadda uu ka diiwaan gashan yahay, inkasta oo badanaa maraakiibta ku jirta ceymiska ay bixiso kharajka markabka marka ay xaalad khtar ah waxyeello u geysato.

Dhinaca kale Maareeyaha Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho Eng. Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka warbixiyay xaaladda Markabka MV Al-Marjan ee uu dabku qabsaday, isagoona sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayayaan sidii ay u ceymin lahaayeen badeecada saaran markabka bacdamaa ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.


Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.