Home » Warar »

Dowlada Jabuuti oo go’aansatey in ay faraha la soo gasho arrimaha Murugsan ee Soomaaliya ka dib markii…

Dowladda Jabuuti oo ka mid ah Dowladaha deriska la ah somaaliya ayaa daboolka  ka qaadey in soomaaliya u soo direyso Ciidamo nabad Ilaalin ah kuwaas oo hoos tagaya kuwa Amisom waxayna ciidamaadaan diristooda ku soo beegantey Xilli ay weli ka sii socdaan soomaaliya dagaalo lagu hayo ciidamada shisheeye ee ku sugan soomaaliya waxaana maalin kasta la sheegey in ay waxyeelo ka soo gaarto weeraradaas ay ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka-

      Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaadday inay go’aansatay inay Soomaaliya u dirto 450 askari oo qeyb ka noqda ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.-

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay isku dubba-ridayaan ciidamadaasi, si ay ugu suuragasho inay awood u yeeshaan ka qeybgalka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

      “{Soomaaliya waa dal daris nala ah, waxaana la leennahay xiriiir aan aad ugu kalsoonnahay” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inaanay suuragal ahayn inay Soomaaliya ku daawadaan xaaladda ay ku sugan tahay, “Waa waajib inaan caawinno” ayuu yiri.

      Soomaaliya ayaa Ururka Midowga Afrika wuxuu dhawr sano ka hor u ballanqaaday inuu u dirayo ciidamo nabad ilaalin ah oo gaaraya 8 kun oo askari, si ay garab u siiyaan dowladda Soomaaliya.-

Dalalka Uganda iyo Burundi oo keliya ayaa ilaa iyo haatan Soomaaliya u soo diray ciidamo nabad ilaalineed oo qeyb ka ah kuwa AMISOM, waxayna tiradoodu gaareysaa 5 kun iyo 4 boqol oo askari, ciidamadaasi oo weerarro noocyo kala duwan ah kala kulma kooxaha diiddan joogitaankooda.

      Xarakadda Alshabaab Mujaahidiin ayaa kal hore Dowlaa jabuuti uga digey in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya waxayn Xarakadu sheegtey in haddi Ciidamo soomaaliya u soo dirto Jabuuti ay la mid noqonayaa kuwa Uganda iyo Burundi waxayna u soo jeediyeen Dowlada J abuuti in ay ka laabato Ga’aankaas

      Dowladda Jabuuti waxay muddadii labaatanka sanno ay ka mid ahayd  dowladaha si taxadar leh isaga ilaaliyey arrimha soomaaliya waxay ku ekeyd in ay dib u heshiisiin u qabato dadka soomaaliyeed waxayna dirista ciidamadaan ay dadka qaarkii ay ku sheegeen in jabuuti ay faraha la soo galeyso arrimaha murugsan ee soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.