Home » Warar »

Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jabuuti Xuseen Cumar “Dasstuurku waa wax dadka kala wada…”

Sidoo kale Prof  Dhalxa  waxa uu yiri “Walaallaheena Carbeedoow, Maanta Waxaa Muuqata in Afrikadiiba Aad ka Dambeyso oo Dhiiga Hureysa…”

———–

  • Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka  Jabuuti Md, Xuseen Cumar “Dasstuurku waa wax dadka kala wada…”
  • iyo Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Prof Maxamed Cumar Dhalxa “Walaallaheena Carbeedoow, Maanta Waxaa Muuqata in Afrikadiiba Aad ka Dambeyso oo Dhiiga Hureysa…”

Aqoon is-weydaarsi soconaney Afar maalmood oo si wadajir ay u maalgelinayaan AWEPA iyo UNDP Somaliya oo ujeeadiisu tahay hindise sharci loo adeegsanayo diyaarinta qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisey Wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Federaalka DKMG Soomaaliya Md, Madoobe Nuunow Maxamed, goob joogna ay ka ahaayeen Wakiilo ka kala socdey UNPOS, USA, EC, AU, ayna wax ka dhigayeen khubaro ka kala socota Midowga Yurub, dalalka Koofur Afrika iyo Kiiniya ee uga socdey xubnaha xildhibaanada Gudiga Dasruurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti ayaa la soo gabagebeeyey 24/01/2010.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow ayaa Xildhibaanad Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanmka u soo gudbiyey Hindise sharci loo adeegsanayo diyaarinta qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka kooban 4 qodob oo waaweyn oo ay Ansixiyeen Golaha Wasiirada, kuwaasoo ay kala ahaayeen Mabaadii’da Guud ee Geeddisocodka iyo Nuxurka Dastuurka, Xilalka hay’adaha u xilsaaran Diyaarinta Qabyaqoraalka Dastuurka, Diyaarinta Qoraalka Dastuurka iyo talo-gelinta shacabka, islamarkaana hore hore loogu gudbiyey gudoonka Baarlamaanka.

Xiritaankii Siminaarka oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti Xildhibaan Xuseen Cumar Kawaaliye, Safiirka Dalka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya, Amb, Dayib, sii hayaha xilka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti Amb, Hiraabe.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti Xildhibaan Xuseen Cumar Kawaaliye oo halkaasi khudbad gaaban ka soo jeediyey ayaa wuxuu yiri

Halkan ka dhegeyso (mp3)

“anigoo ku hadlaya magaca Gudoomiyaha ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti, matalayana Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Md, Idiris Arnaa’uud Cali kan dowlada, kan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Xukuumadiisa iyo shacbi weynaha Jabuuti, waxaan idiin leeyahay walaallayaal soo dhawaada, gacmo furan ku soo dhawaada, waa wadankiinii walaallayaal, tan labaad Jabuuti iyo Soomaaliya waa Ull iyo diirkeed, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele kama seexan maalintii uu xilka qaadey ilaa iyo xiligan Soomaaliya, maalin qura, Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax mid ah, waxaan jecelnahay in uu ilaahay idiin garab-galo, maxaayeeley xilka idiin saran waa xil aad u weyn, waayo mas’uuliyad ninkii qaadey uun baa garankara, waxaana idiin leenahay Alle ha idiinla garab galo” ayuu ku yiri khudbadiisa gudoomiye ku xigeenku

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka DKMG Soomaaliya Prof, Maxamed Cumar Dhalxa oo khudbad xasaasi ah oo ka hadleysa baahida baarlamaanka, tan shacabka Soomaaliyeed iyo dhliil isugu jirta u soo jeediyey dalallka Islaamka gaar ahaan Jaamacada, khudbadiisa ayaa waxay u dhacdey sidan:

Halkan ka dhegeyso khudbadii DALXA

“runtii Soomaaliya dadd bay kala baratey, dadd aan walaallo u maleyn jirney waa baraney waxa ay yihiin, dadd aan cadow waligeen u haysan, waxay galaan waan ogaaney, waxaad dhibaato aad u maleyneysay oo aad faa’iido ku qabto ayaa jira, walaallka runta ah waxaa la bartaa xiliga aad dhibaatada iyo ciriiriga ku jirto, waxaan uga dan leeyahay marka miiskan la eego inta ka soo horjeeda ee beesha caalamka, ay kuwada idil yihiin Afrika, Yurub iyo Mareykan oo Astureeliya uunbaa naga maqneydaan u maleynayaa, iyaduna inta badan waan ku aragnaa markaan Nayroobi tagno meesha looga hadlayo arimaha Soomaaliya, dadd badan berigii barisamaadkii na dhihi jirey Zumalaa’ anaa, Antum Ikh-waananaa, Antum kala shay in, maalmahaan oo kale ma muuqdaan, xitaa marka la eego lagama arko cimaamadahooda…….”

Aqoon is-weydaarsigan looga hadlayey Habraaca Diyaarinta iyo Qoraalka Loo Adeegsaanaayo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa mudadii uu u socdey xildhibaanada gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, ayaawaxaa talooyin kala duwan u soo jeedinayey khubaro ka kala socotey, Hay’ada AWEPA, sida Prof, Erik Jurgens, Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey, SCMS project-UNDP oo isna sharaxaad ka bixinayey Dastuuradii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya, Dr. Patrice O. Lumumba PH.D Kenya, Prof, Hassen Ebrahim oo isna ka socda South African.

Inkastoo hawshan dastuur qorista ay hore u go’aamiyeen baarlamaanka KMG Soomaaliya, hadana mustqabalka dhow waxay u muuqataa, mid ka dhex kicindoonta duufaanadii habaaska badnaa ee ay kusoo shaac baxeen Af-duubayaalsha Af-duuban kuraasyadooda 4.5-ka, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed u horseeday mudadii dowlad la’aanta, burbur, barakac, dagaalo sokeeye iyo gumaadka shacab aan waxba galabsan, kuwaasoo hadba shaar leh midabyo Qabiil, siyaasadeed, faragelino shisheeye, wado diin aan sax ahayn, ganacsi, daneyste qab qablayaal dagaal, gooni isutaagid, goboleysi iyo Aqoonyahano u jadbeysan godadkan qararka dhaadheer oo aysan wali ka quusan. Waxaase yaab iyo yaab leh, in xildhibaanada qaarkood ay doonayaan in qaab hadalka lagu saleeyo nidaamka 4.5-ka, xitaa hadii ay joogaan goobaha shirarka caalamiga ah ee ay ka qaybgalayaan, inkastoo shacabka Soomaaliya ay xiligan u muuqdaan kuwo tuuraya heeryooyin badan oo isasaarnaa, ayna muhiim tahay in la helo sharci iyo kala dambeyn uu yeesho dalka iyo dadka Soomaaliyeed waqtiyada dhow oo hadii aan la helin ay u suura galin karto, in ay sii murjiyaan Af-duubayaasha Af-duuban.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka oo Siminaar Habka Diyaarinta Qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya Uga Furmey Jabuuti

Siminaar socon doona Afar maalmood oo si wadajir ay u maalgelinayaan AWEPA, iyo UNDP Somaliya oo ujeeadiisu tahay hindise sharci loo adeegsanayo diyaarinta qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisey Wasaarada Dastuurka iyo Federaalka DKMG Soomaaliya, ayaa uga furmey xubnaha Gudiga Dasruurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka KMG Soomaaliya 21/01/2010, Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti.

Halkan ka daawo sawirada siminaarka Jabuuti

Kulankan oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana ka muuqatey xubnaha Baarlamaanka iyo Hay’adaha kale ee gacanta ka geysanaya baahida loo qabo diyaarinta Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya ee ay yeelan doonto oo shacabka Soomaaliyeed ogol yahay ayaa furitaankiisa waxaa ka Hadley Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG Xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Prof, Maxamed Cumar Dhalxa, ku xigeenka Wakiilka UNPOS, islamarkaana ah Wakiilka Walad Cabdalla Charles perrie UNPOS, Wakiil ka socda Ururka Midowga Afrika, Wakiil ka socdey Safaarada Mareykanka ee USA Nairobi, Wakiilad ka socotey Safaarada NORWY iyo Hay’adda AWEPA, dhamaan xubnaha meesha ka Hadley ayaa waxay si gooni gooni u xuseen baahida loo qabo diyaarinta Dastuurka dalka Soomaaliya iyo sababaha loogu baahan yahay xiligan.

Inkastoo qorshaha siminaarkan uu yahay tilaabo in mudo ah la sugayey ayaa hadana marka si guud loo eego habka diyaar garowga ujeedooyinka siminaarkan, waxaa ka muuqaneysey dareenka dhibaatada ugu weyn ee haysata dalka iyo dadka Soomaaliya, in ay tahay diyaarinta Dastuur cusub, Dhisme ciidan, abuurista ilaha dhaqaalaha dalka, taasoo hirgelintooda ay hortaagan yihiin, ka gaabinta shacabka Soomaaliyeed danihiisa gaar ahaaneed oo ay faragelino shisheeye iyo kooxo u adeega, kala wareegeen mudadii dowlad la’aanta, islamarkaana mid kasta ku hawlan wado aan sax ahayn, waxaana laga sugayaa xubnaha diyaarinaya dastuurka sida looga gudbayo caqabadahaas, inkastoo aan la ogeyn sida ay uga qayb qaadan doonaan maamulada kala duwan ee ka jira mudadii dowlad la’aanta.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jabuuti Xuseen Cumar “Dasstuurku waa wax dadka kala wada…” "

  1. waxaan salaan diirran u dirayaa kooxda somalitalk oo aan isleeyahay waxay u taagan yihiin ilaalinta iyo jiritaanka soomaalinimada, waxbadan baan arkay iyagoo ka hadlaya mawduucyo xasaasi ah sida kii lagu kordhinayey xuduuda badaha oo shebekada soomaali ka haqabtirtay waxa loogu yeeray mou dhul loogu kordhinay oo soomaali badani u aragtay inaan soomaali ka gorgortami karin badiyo beri midna.waxaa taas ka darn maanta in laga hadlo dastuur soomaali loo sameeyo ma wax baa soomaali isla ogoshahay nooc dawladeed oo ay tahayba waxa jirta maahmaah soomaaliyeed”marka ceelalyo heshiisaa xooluhu cabbaan”markaa fikradaydu waxay tahay soomaali dastuur ay ku midaysan tahay ama cid ku matali kartaa ma jirtee yaan waqti lagu lumin shirar aan waxnatiijo ah reebi doonin

  2. marka hore salaaan sare akhyaarta somali talk.
    waxaan rabaa inaan si fudud ugu hadlo dastuurka loo samaynayo dowlada somalia.
    soomaaliya uma baahna saacadaan in la isku mashquuliyo dasruur waayo dawladiiba waxba kama hayno. waa mida ka ceshan la’a shacabkooda alshabaab..
    mida dastuurku iyo aayaha soomaaliya maxaa mar walbo loogula ordaa wadamada shisheeya soomaaliya ayadu malahan miyaa maskax ku filan iyo shacab ku filan
    walle intaa hoos fadhisan dowlado shisheeya soomaaliya xal uma haysaan.
    dastuurkuna waa midka islaamka waa dawladee ka tirsan urub ama reer galbeedka ku qancaysa in ay soomaaliya ay la yimaadaan qur’aanka kariimka.?
    waxii aan qalad galayna waa la iga qaban karaa..
    wacalaykumu slaam