Home » Warar »

Shirkadda Urur-Livestock oo soo gabagabeeyay Siminnaar lagu baranayay xannaanada xoolaha

  
Shirkadda Urur-Livestock ayaa maanta kusoo gabgabeysay siminnaar lagu baranayay xannaanada xoolaha Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka faa’iidesteen arday bartay cilmiga xannaanada xoolaha, shaqaale ka tirsan shirkadda iyo qaar ka mid ah dadka deegaankii lagu qabtay tababarka.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Maareeyaha Shirkaddan oo ah mid madaxbanaan Dr. Axmed Sheekh Max’ed (Afey) oo la hadlya gabagabadii tababarkan ayaa sheegay in dadkii ka faa’iideystay ay barteen macluumaad fara badan oo ku saabsan xannaanada xoolaha.
 
“Tababarka waxaa ka qaybgalay 2-qof oo isugu jiray arday, dadka deegaanka Dibida iyo shaqaalaha shirkadda qaarkood, waxaana todobaadkii uu socday la baray sidii loo xanaaneyn lahaa Xoolaha” ayuu yiri Dr. Afey oo ka warbixiyay tababarka.
 
Sidoo kale maareeyuhu wuxuu sheegay in la baray dadkii tababarka ka qaybgalay baaritaanka cudurrada xoolaha iyagoo adeegsanaya Microscope-yo casri ah iyo sidii loo naaxin lahaa xoolaha loona daweyn lahaa.
 
“Wuxuu siminnaarkan ahaa mid aan ugu talogalnay inaan ku kobcinno aqoonta dadka Soomaaliyeed ee dhinaca xoolaha, taasoo aanay wax badan ka aqoon sidoo kalena ay yihiin dad xoolaha nool aad u dhacda” ayuu yiri Dr. Axmed Sheekh oo la hadlay saxaafadda.
 
Maryan oo ka mid ahayd 4-gabdhood oo siminaarka wax ka bartay ayaa waxay iyaduna saxaafadda u sheegay mar ay sharraxaysay sida ay u aragto waxyaabihii ay barteen intii ay siminnaarka ku jireen.
 

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

“Runtii aad ayaa maskaxdeen wax uga badalmeen, marka la eego dhanka dhaqashada iyo xanaaneynta xoolaha, waxaana muhimadda koowaad ay ahayd sidii loo maamuli lahaa xero xoolo ah iyo sidii loo daweyn lahaa” ayay tiri Maryan.
 
Sidoo kale Daayoow oo isaguna ka mid ahaa ardaydii qaybta ka ahaa siminnaarkan ayaa isaguna sheegay inay barteen qaabka wanaagsan ee loo xanaaneeyo xoolaha ayna tahay fursad aan horay u soo marin.
 
Shirkadda Urur-Livestock ayaa waxaa iska leh dadka Soomaali ah, waxayna xanaaneeysaa xoolaha nool, waxaana leedahay warshad caanaha farsameysa iyo maxjar weyn.

………..

Dallada bulshada rayidka deeganada Banaadir oo  cambaresay hadalkii ka soo baxay Hay’adda xaquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International oo ku aadanaa in la joojiyo taageerada xagga hubka ah ee la siiyo dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
 
Gudoomiyaha dalladda Bulshadda deegaanada Banaadir Muxudiin Xasan Afrax oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inuusan sharci aheyn hadalki ka so baxay hay’adda xaquuqda aadanaha ee Amnesty International waxaana uu sheegay in dawlada KMGS ay xaq u leeddahay inay hesho hub ay iskaga difaacdo dhinacyada ka so horjeeda sida uu hadalka u dhigay.
 
Muxudiin Xasan Afrax waxaa uu sheegay in hay’adda Amnesty International looga bahan yahay inay baahiso dhibaatada shacabka loo geysanayo ee iskugu jira dilka iyo gawraca sida uu  hadalka u yiri ee ka dhaca dalka Somalia.
 
Gudoomiyaha Dallada bulashadda rayidka deegaanada Banaadir waxaa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay Amnesty International uu yahay mid aan laga fiirsan, waxaana uu sidoo kale carabka ku dhuftay in caalamka looga baahan yahay inuu taageero u fidiyo xukuumadda KMGS.
 
Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu ka hadlay arrinta ku saabsan lacagaha ay dawlada KMGS ku hawlan tahay inay soo daabacato, waxaana uu shaaciyay in dawladu ay ku saxan tahay.
 
Waxaa uu sheegay in lacagtu tahay astaanka qaranka loona baahan yahay in xukuumad ay sooo sameyso taasoo uu sheegay inay wax badan ka qaban doonto arrimaha dhaqaale xumo ee dalka ka taagan xilligaan.
 
Hadalkaan ka soo baxay gudoomiyaha dalladda Bulshadda rayidka deegaanadda BAnaadir ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli war ka soo baxay hay’adda Amnesty International ay ku baaqday in guud ahanba la joojiyo hubka la siiyo dawlada KMGS kadib markii ay soo baxeen sida hay’addu sheegtay in shacabka lagu dhibaateeyo hubkaas ama xataa uu gacanta u galo xogaga dawlada KMG ka soo horjeeda.
 

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.