Home » Warar »

Dugsiyada Quraanka Kariimka ah Lagu Barto Ee Deegaanada KM-13 Ee Loo Barakacay Oo ay Ka Muuqdaan Dayacnaan Aad U Baahsan

  Hay,adda Horumarinta iyo Samafalka ficil ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano  Fidro (Ficil Develoment Relief  Org ) ayaa maanta qaylo dhaan kasoo saartay dadka barakacaaysha ah gaar ahaan dugsiyada quraanka iyo weliba goobaha wax lagu barto taasoo ay sheegeen inay jirto hoy la,aan baahsan oo soo wajahaday goobaha dugsiyada quraanka iyo weliba caruurta dhibaataysan ee isugu jira Agoonta iyo kuwa taagta daran ee soo barakacay  .

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah
 
Qaylo dhaantaan ayaa si wadajir ah waxaa usoo saaray xubnaha ugu sar sareeya ee maamulka hay,adda taasoo ay tilmaameen inay jiraan cabashooyin aan lasoo koobi Karin balse ay ugu muhiimsan tahay in la daryeelo dusiyada quraanka kariimka iyo Culuunta diiniga ah lagu barto .
 
Gudoomiyaha hay,adda samfalka maxamed guutaale cabdi ayaa saxaafada u sheegay islamrkaana usoo bandhigay inay jiraan goobo lagu barto quraanka iyo culuunta diiniga ahba inay u baahan yihiin dayac tir xoogan oo dhinac walba ah islamrkaaba farta ku fiiqay goobo ay ardaydii malcaamada dhiganaysay ay banaanka fadhiyaan oo aysan jirin haba yaraatee gabaad ay ka galaan qoraxda .


 
Guutaale ayaa intaasi ku daray in dadka muslimiinta ah iyo weliba jaaliyadaha soomaaliyeed inay daryeel u fidiyaan dhismaha dugsiyadan quraanka oo uu sheegay inay yihiin kuwo mustaqbalka iyo barashada diinta islaamkaba meel weyn kaga jiraan ,isagoo xusay  in loo baahan yahay cid kasta oo ALLE wax siiyey inay dadaalkaasi ka qayb qaataan oo ah caruurtaasi mustaqbalkooda .
 
Ugu Dambayntii Maamulka hay,adda Ficil ayaa ugu Baaqay Cid kasta oo Awooda Inay Sadaqo Jaariya La baxaan islamrkaana Ugu Deeqaan Goobaha Dayacan ee Lagu barto Diinta Islaamka Inay Usoo Marain Karaan Telefoonada Kala Ah :+2521-5907537 oo laga Helo Gudoomiyaha hay,adda Maxamed Guutaale Cabdi  Iyo +2521-5210920 oo laga Helo Gudoomiye ku xigeenka C/kariim cali ibraahin 
 
 
 
 
 Yaasiin    Faytin
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.