Hordhaca dhaqaale ee Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid uu la wadaago Waddamada soo koraya ama loo yaqaan Dunida seddexaad ,hase ahaatee Dalkeenna waxaa u weheliya Dagaallo aan joogsi lahayn oo sokeeye oo hadba weji cusub isu bedelaya taasina ay abuurtay in wax soo saarkii Dalka uu wiiqmo waxyaabihii Dibadaha laga keenayeyna ay noqdaan kuwa la quuto kuwii Dalka ka bixi lahaana la waayo Nabadgelyo la’aan darteed kheyraadkii berrigga iyo Badaha Dalka oo dhami laga cararo taasina ay keento in dhaqaalihii Dalka uu ku xirmo wax Dibadda laga keenayo iyadoo Soomaaliya ay leedahay Laba Webi oo inta badan Sanadkii oo dhami ay biyuhu socdaan marka laga reebo Xilligga Jiilaalka loo yaqaan ee kulaylaha ah , waxaase Shacabka Soomaaliyeed ay isku badbaadiyeen inay is xusuustaan isuna arxamaan kuwa Dibadaha jira u soo gargaaraan kuwa kale ee Dalka ku nool
Haddaba, Qorshaha DFKMG ahi ee Soomaaliya ee ku aadan samaynta Lacagta cusubi ma yahay mid waafaqsan Sharciga iyo Axdigii ku meel gaarka ahaa ee Dib u heshiisiinta Dalka Soomaaliya? Su’aashani runtii qof waliba wuu garanaya hase ahaatee “Soomaali Dhuuni ayey la Degi weyday “kuwii Badaha iyo Xudduudaha Dalka Iibsaday ay waxay weli ka samri la’yihiin inay sii burburiyaan Dowladan Soomaaliyeed ee sida lagu soo dhisay Ilaahay ogyahay iyo dhibaatada lala maray Gumeysigii Itoobiya oo Dib looga Xoreeyey , waxaa marna aan laga maarmayn in tallaabo waliba oo ku saabsan arimha Sharciga iyo Nabadgelyada Dalka in la horgeeyo Baarlamaanka FKMG ee Dalka ka dhisan maadaama ay Dowladdu tahay Dowlad KMG ah laguna soo dhisan Dib u Heshiisiin , Xeer waliba oo uu Baarlamaanka uu awoodeeda leeyahay haddii aan la horgeyn wuxuu noqonayaa mid been abuur ah .
Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid ku xiran Dibadaha tan iyo intii ay burburtay Dowladii dhexe ee Dalka Soomaaliya Dadka ku nool Dalka gudihiisa ayaa waxay u badan yihiin Waayeel, Dumar iyo Carruur ah kuwaa oo qaar ay yihiin (Agoon, Rajo,Curyaan aan socon karrin) muddooyinkaasi aan kor ku soo sheegnay waxaa ay helayeen kaalmo uga imaanaysay Dibada Dalka haddii aysan jirina Xawaaladaha Soomaaliyeed Ummad fara badan ayaa u la’an lahaa gaajo, Cudur iyo Dhaqaalo darri oyo Hoyla’aan , laakiin waxay Xawaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin in lagu Ammaano Shaqada Sharfta leh ee ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed Ilaahay xagiisana u Shaqaystay ajar fara badan iyo khayr.
Baarlamaanka FKMG ahi maxaa kala gudboon samaynta Bangiga iyo Lacagta cusub ?,Shacaka Soomaaliyeed waxay mar walba kalsooni weyni ay ku qabaan Baarlamaanka intii uu jirayna wuxuu qabtay taariikhda ayaa xusi doonta go’aankii Xuduudaha Xeebaha ee Dalka Soomaaliya ay kaga gaareen, Magacaabidii R/Wasaare Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , iyo Dowladiisa Ummadda Soomaaliyeed waxay idinka sugayaan tallaabooyinka idinkaaga aadan ee Sharciga waafaqsan inaad ka qaadaan samaynta Bangiga iyo lacagaha cusub ee la doonayo in lagu burburiyo Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya oo muddo 20-Sanadood ah ku jiray xaalad aan degenayn iyo nabadgelyo la’aan baahsan, Dalku lacag wuu u baahan yahay qof waliba wuu ogyahay laakiin sida ay Dowladdu doonayso ma aha waa in la helaa Qorshe Sax ah oo aan Shacabka lagu dhacayn Baarlamaanku waa inuu eegaa.
Qorshaha mustaqbalku wuxuu noqon karaa Dhaqaalaha Dalka mid aad uu burbur ku dhacay haddii ay Lacagtani noqota mid aan Sharciga la waafajin ,Sababtoo ah Soomaaliya qof waliba wuu garanayaa maallintii ay Dowladii dhexe burburtay wax lacag ah Waddanka laguma arag tusaale intaa ayaa kuugu filan , maanta oo ay Dowladdu tahay KMG xaalladu siday bay noqon kartaa iyadoo weliba la ogyahay Deeqihii Dalka ay bixiyeen Hay’adaha Deeqaha bixiyaa la ogyahay meeshii ay mareen inaan loo adeegsan waddooyinkii loogu tala galay ee Saxda ahayd jeebabka lagu shubtay laguna furtay Hay’ado iyo Hoteelo lagu macaasho iyo qorshooyin kale ee Dhaqaale.
Gababgabadii iyo Faalladani ku aadan Aragtida Dhaqaale ee Dalka Soomaaliya iyo Qorshaha Mustaqbalka ayaa waxaa inooga soo ifbixi kara inay ku xiran tahay awoodda Baarlamaanka uu u adeegsado qorshahaani Lacagta cusub iyo Bangiga ee ay Dowladda FKMG ay doonayso inay Dalka ka hergeliso , waxaa kaloo uu walaac ku abuuri karaa Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya oo hadda ku socda waddo wanaagsan oo ay Shacabka Soomaaliyeed ee Qurba joogta ah iyo kuwa Dalka ama Xeryaha Qaxootiyada ku jiraa ay oo leh Xiriir Sahlan oo dhaqaale oo ay Shacbkuna ay ku wada faraxsan yihiin ha ahaadeen Ganacsato yar yar, Qurba joog ama Qaxooti joog , waxaan sugnaaba Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban oo u taagan inay Badbaadiyaan Dhaqaalaha Dalka oo la doonayo in la burburiyo .
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.