Home » Warar »

Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG: Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma fadhiyo xilka uu hayo…

Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG Dr. Maxamed Cali Ibraahin oo Somalitalk wareysi gaar ah siiyey ayaa ka hadley khilaafka Baarlamaanka, sababaha wax qabad la’aanta Dowlada, dhibaatooyinka ay keeneen dhaqaalo la’aanta, tirada golaha Wasiirada iyo arimo kale oo fara badan, isagoo arimahaasi iyo kuwo kale ka hadlaya wuxuu yiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma fadhiyo xilka uu hayo…”

Halkan ka dhegeyso waraysiga wasiirka Naafada

Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo Xaflad Dhiirigelin ah Loogu Sameeyey Caasimada Dalka Jabuuti
 

Halkan ka daawo sawiradii xafladda

Xaflado lagu dhiirigelinayo Xulka Qaranka ee Kubada Cagta Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada dhaqan-celinta iyo daryeelka Naafad Dr. Maxamed Cali Ibraahim iyo Wasiirka Ganacsiga dowlada KMG Md. Cabdirashiid Cirro, xubno ka socdey saafarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti, Gudoomiyaha Olonbikada Soomaaliyeed iyo gudoomiyaha xiriirka Kubada Cagta, Ganacsato waaweyn, aqoonyahano Soomaaliyeed iyo marti sharaf Soomaaliyeed oo ka tirsan qurbo joogta ayaa loogu sameeyey  Hoteelada Rayaan iyo Banaadir ee caasimada dalka Jabuuti,  10-11/01/20010.

Laakiin Xafladahan  dhiirigelinta ah ayaa waxay qayb ka yihiin baahida loo qabo in la helo Qaran Soomaaliyeed oo awood leh oo ka jawaaba adeegyada guud ee ay u baahan yihiin Naadiyada kala duwan ee uu lahaan jirey dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo isugu jirey kuwo ciyaartoy, caafimaad, wax-barasho, dhalinyaro, mid saxaafadeed, Haween IWM, kuwaas mudadii dowlad la’aanta dalka ka jirtey ay gacanta u galeen shekh-siyaad leh dano gaar ahaaneed iyo mid ay u yeershaan Ururada dalallka kale ee caalamka ka jira iyo NGO-yo ka hawlgala dalka, islamarkaana u bedeley mash-ruuc ay ku qaraabtaan, taasoo inta badan baabi’isa qiyamkii guud iyo karaamadii uu lahaa dalka iyo dadka Somaaliyeed oo lagu bedeley colaad aan dhamaad lahayn, islamarkaana sii murjisa xal u helida mush-kilada gaamurtey oo aan wali la helin xalkeed. 

Khudbadihii iyo hadaladii laga soo jeediyey xafladda:

Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed Fara yarre halkan ka dhegeyso

Wiish hadalkii uu jeediyey Halkan ka dhegeyso

Maamulaha shirkada Deeqa Eng. Eenoow oo u balan qaadey xulka Qaranka hadii ay guul  keenaan Kooxda kale ee Tanzania Abaal marin kale dhegeyso halkan

1- Wasiirka dhaqan celinta iyo daryeelka Naafada Dr. Maxamed Cali Ibraahim Dhegeyso

2-Qusulka Safaarada Soomaaliya Amiin Sayid Axmed dhegeyso

3-Maamulaha Hoteel Banaadir Siyaad Tifoow Dhegeyso

4. Siciid Mugaabo dhegeyso

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka dhaqancelinta iyo daryeelka Naafada DFKMG: Gudoomiyaha Baarlamaanka wax sharci kuma fadhiyo xilka uu hayo… "

  1. Ku Socoto: Wasiirka Dhaqancelinta iyo Nafada Dr. Mohamed Cali Ibrahim.
    Waxaan kula socodsinayaa in Gudoomiyaha Barlamaanka, inu ku fadhiyo gudoonka Sii Sharci ah qof kasto oo ka mid ah Dowladda wuu ogsonyahay, wana Heshiiskii lagu heshiyay magalada Jibouti iyo shirkii dowladaha Igad Communiqeydooda ay ku shegeen dowladda iyo Barlamaanka waxaa logu darayaa mudoo 2 sano. Adiguna sidaas ayaad ku noqotay xubin Barlaman iyo xubin golaha wasiirada, hadi gudoonka waqtiga u dhamday Dowlada ama xukumadda tabarta-yer oo wax qabad la’aanta ku sifowday iyaduna waqtigu iskumar ayaa u dhamaanayaa sidaas la soco. Haddi aad tahay Xildhibanada cusub ee kooxda Asmara aad dooneysaan in Barlamaanka iyo Xukumadda iyo Madaxweynaha inaad idinku noqotaan waa lisla jooga .Arbaco iydaba kooyaase. Mahadsanid.