Home » Warar »

Warbixin Xaaladda Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Dhanka magaalada Muqdisho saaka xaaladeedu aad ayey u dagan tahay mana jiraan qaraxyo iyo baxado la maqlayo ka dib duqeyno socday ila xalay saqdii dhexe kuwaas oo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ay ee ay geyseen cida ridaysay iyo cida lagu ridayey….

Xaalada Magaalada B/weyne ayaa ah mid weli kacsan waxaana dhacaya xabado goos goos ah oo ay isku rudiayaan labada dhinac waxaana barbar soconaya barakac balaaran oo ay dadka deegaanku guryahooda ku farujinayaan waxayna u badan yihiin caruur ,hawen, iyo dad waayel ah oo ay dhib ku tahay in ay guryahooda ka barakacaan inta badan dadkii deegaanka ayaa haatan ku sugan duleedka magaalada mana heystaan guryo ay ka galaan dhaxanta ,kuleylka iyo qabowga .

Dhinacyada ayaa waxay kuleylayaan buundada liqliqato oo xad u noqotay dhinacyada dagaalka isaga soo horjeedo ee ka dagalamaya gudaha Magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka hiiraan .

Magaalada oo kala qeybsan owgeed ayaa qeybta bari waxaa ku sugan ciidamada ahlu suna waljameeca oo gacan ka helayo dhanka dowlada fadaralka KMG somaliya .sidoo kale dhanka galbeedka ayaa waxaa ku sugan cidamada ururka xisbul islaam iyo xarakada Mujaahidiinta alshabaab oo is garabsanaya .

Iyada oo xalay oo dhan laga maqlayey gudaha iyo daafaha Magaalada B/weyne risaas goos goos ah iyo dhawaqa madaafiicda hoobuiye yaasha iyo gantalaha garabka laga rido sida baasuukaha iyo B10 ka ayaa sacadaan waxaa dib u bilowday dagaal aad u xoogan ka dib markii madaafiic la isku weydaarsaday gudaha Mgaalada B/weyne oo ay ku wada sugan yihiin dhinacyada dagaalka isaga soo horjeedo .

Dagaalka saaka ayaa waxaa u noqonayaa maalintii 4aad ee si toos ah uu dagaal uga socdo gudaha magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka hiiraan waxaana tuulooyinka u dhowdhow laga maqlayaa dhawaqa hubka nooocyadiisa kala duwan iyo risaasta la isku ridayo iyada oo gareyso goobo ka baxsan halka uu dagaalku ka dhacayo waxaana dhici karta in ay dad iyo duunyo ay waxyeelo ka soo gaarto kuwaas oo aan wax dagaal ah kujirin .
Magaalada ayaa muuqaal ahaan la soo shegayaa in ay tahay sidii shalay xiligii uu dagaalku bilaabanayey xaaladuna waa mid cakiran waxaana dhimashadu shalay gareysay ilaa 15 qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamayey iyo dhawaca oo ka badnaa 20 waxaana ku jiray dad rayid ah oo qaarkood ay madaficdu guryahooda ugu tagtay .

madaafic xoogan ayaa ka dhacaysa dhanka galbeed iyada oo si toos ah ugu dhacayso dhanka bariga
Warka ayaa intaa ku darayo in meydad badan ay wadooyinka daadsan yihiin kuwaas oo aan cidina awoodin in ay aasto dagaalka dhacaya iyo xabadaha wiiftada ah oo aad uga xoogbadan inta la saadaalin karo owgeed waxaana soconaya duqeymo iyo dagaalo aad u xoogan kuwas oo ka dhacaya gudaha Magaalada B/weyne ee xarunta u ah gobolka hiiraan
Magaalada ayaa waxaa ka barakcay dadka deegaanka intiisa badan 24 ki sac ee la soo dhaafay

Dhanka magaalada Muqdisho saaka xaaladeedu aad ayey u dagan tahay mana jiraan qaraxyo iyo baxado la maqlayo ka dib duqeyno socday ila xalay saqdii dhexe kuwaas oo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ay ee ay geyseen cida ridaysay iyo cida l;agu ridayey

Dhanka dagaaladii ka soo cusboonaaday waayadaan ayaan la oeguyn halka ay ku danbeeyeen sababo la xiriira in ay go.doon yihiin cidna ma gasho cidna kala soo baxdo waxaana yar wararka laga helayo goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada xarakada Mujaahidiinta alshaab iyo kuwa ahlu suna waljameeca oo dagaal qaraariku dhaxmaray tuulada warxoolo oo 10 Km u jirta dagmada wabxo .
Dagaalka ugu danbeeyey ayaa la soo shegayaa in ay ku dhinteen 22 waxaana jira dhawacyo la geeyey ispitaalada dagmada ceelbuur iyo dagmooyinka u dhow dhow .
Lama ogo xaaladu sida ay tahay iyo cida gacanta ku heysa xaalada oo go.doon ah owgeed wax war ah o faahfaahsan ma jiraan oo ka soo baxayo goobaha lagu dagaladay marka laga reebo dhianacyada oo guulo kala sheeganayo

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.