Home » Warar »

Booqashada Dacwo ee Sh. Maxamed Idiris iyo Koonfur Afrika

Waxaa Ilaaheey Mahaddii ah in uu Sh. Maxamed Idiris uu ku yimid Safar Dacwadeed wadanka Koonfur Afrika, Sheekhu wuxuu wadanka soo gaaray 5/1/2010, isagoo ka yimid wadanka Zambia, intiinii la socotay warbixinadii hore ee aanu ka soo gudbinay, maqaalkan gaaban waxaanu ku eegi doonaa nashaadaadka ilaa iyo hadda uu fuliyay sheekhu.

Halkan ka akhri qoraalka oo sawiro wada

Ma aha booqashadani tii ugu horeysay ee uu wadanka ku yimaado sheekhu, oo tani waxay noqonaysaa tiisii lixaad ilaa iyo 2006; Sheekhu maalintii uu yimidba wadanka wuxuu bilaabay hawlihiisiii dacwo kuwaasoo run ahaantii ahaa kuwo ay bulshada Soomaaliyeed u oomanayd, isagoo kala hadlayay mar walbaba waxyaabo bulshada dan ugu jirto, isla ahaantaana xusuusinayay Ilaahooda, ka dibna sidii ay u noqon lahaayeen dad isku xidhan oo aan kala daadsanayn.

Sheekhu wuxuu ka hadlayay guud ahaan Khilaafka iyo waxyaabaha Keena, sideese looga hortagaa inta uusan imaanin, hadduu yimaadase sidee lagu xaliyaa.

Sababha kala geeya umadda

Waxyaabaha Fitnada looga Badabaado

Duruus laga qaadanayo Suuratul Xujuraat.

Mawduuca (sababaha kala geeya umadda) oo uu ka jeediyay Masaajidka wayn ee Imaamu Shaafici Johannesburg, sadex habeen oo isku xigta Arbaco, Khamiis iyo Jimco. Wuxuu si wayn oogu lafaguray in waxyaabaha kala geeya umadda ay ugu wayn tahay, Alle oo laga fogaado, Jahliga oo umadda ku bata, Qof Jeclaysiga, Is Maqal la’aanta, Isu garaw la’aanta; isagoo mar walbana saarayay daliilka ku haboon hadba qodobka uu marayo, waxaanan is leeyahay waxay ahayd muxaadaro loo baahnaa timidna wakhtigii ay ku haboonayd bulshadiina ay ka faa’idaysatay ilaa iyo haddana ay bulshadu isa sii waydiinayaan oo meelaha qaarkood markaad tagto aad arkayso in laga wada hadlayo. Wuxuu kaloo isla Masaajidka ka akhriyay khudbadii jimce oo ahayd hagaajinta Quluubta iyo in qofka acmaashiisu ay ka unkanto qalbigiisa, ayna haboontahay in qofku uu ku dadaalo hagaajinta iyo nadiifinta qalbigiisa, sida uu jirkiisaba u nadiifiyo oo uusan u jeclayn in wax wasakh ah lagu arko, wuxuuna qofku ku hagaajin karaa qalbigiisa isagoo Alle isku xidha isla markaana akhriya Quraanka si xiqdiga, xaasidnimada, nifaaqa, kibirka iwm, ay uga baxaan. Khudbadani waxay taabatay quluubta musaliintii ku soo tukatay Masaajidka Maalintaas oo kor u dhaafayay in ka badan 800 oo qof, waxaan Ilaaheey ka baryaynaa inuu miisanka xasnaadka oogu daro sheekha, inagana naga dhigo kuwa hadalka dhagaysta kiisa wanaagsanna qaata. Aamiin.

Wuxuu kaloo sheekhu Muxaadarooyin u soo jeediyay Dumarka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Johannesburg oo uu kala hadlay Dawrka Dacwada ay ku leedahay gabadha Muslimadda ah, kaasoo uu tusaalooyin dhawr ah ka tusiyay Saxaabiyaatkii Rasuulka scw iyo siday u gudan jireen dacwada. Waxaa kale oo uu u jeediyay maalintii Labaad Muxaadaro teedoo kalaba ay yar tahay in la jeediyo oo halku dhigeedu ahaa Gabadha Soomaaliyeed iyo Qurbaha, oo uu sheekhu ku nuux nuuxsaday gabdhaha Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo Sharaftooda iyo qaabka ay tahay inay ula dhaqmaan qurbaha, wuxuuna u keenay tusaalooyin muuqda kuwaasoo laga dheehan karayay xaqiiqada ka jirta qurbaha iyo waxyaabaha ay la kulmeen gabdhiihii Soomaaliyyed kolkii Qurabaha la aaday Wanaag iyo Xumaanba.

Sheekhu wuxuu safarkan dacwo ku soo mari doonaa wadanka oo dhan, meelaha ilaa hadda uu tagay waxaa ka mid ah, Rustenburg, Polokwane, Tzaniin. Wuxuu kaloo aadi doonaa Nelspruit, Eastern Cape iyo Western Cape inshaa Allaahu.

Mawaadiicda iyo mawcidaduba waxay ahaayeen kuwo booskii loogu talagalay dhacayay, waxaanan rajaynayaa umadda Soomaaliyeed inay ka faa’idaysan doonto. Inshaa Allaahu.

Halkan ka akhri qoraalka oo sawiro wada

Axmed Maxamuud Cabdi (Axmed Dheere)

wacays99@gmail.com

Koonfur Afrika.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.