Home » Warar »

Garoowe: Ururka Kaalo iyo Haweenka ee Sweden oo deeq gaarsiiyey xarunta dadka Waalwaal

Waxaa si wadajir ah deeq isugu jirta bustayaal iyo joodariyaal u soo gaarsiiyey Xarunta dadka Waalwaal ay ku jiraan Ururka Wadaniga ah ee Kaalo iyo Ururka Haweenka ee Sweden.
 
Munaasabadani oo ahayd mid deeq isugu jirta joodariyaal iyo agab faro badan ayaa waxaa ka soo qeygalay madax ka socotay Ururka Wadaniga ah ee Kaalo iyo welia madax iyana ka socotay Jaaliyadda Ururka Haweenka ee Sweden.
 
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha Ururka Kaalo Mr Maxamuud Shiikh Xaamid waxaana uu xusay in deeqdani ay tahay deeq loogu talogalay dadkani dhibaataysan ee ku jira xaruntani isagoona tibaaxay in ay deeqdani tahay mid ay soo gudbiyeen Jaaliyadda Haweenka ee Sweden Maxamuud Shiikh Xaamid Gudoomiyaha Ururka Kaalo waxaa kaloo uu xusey in ay deeqdani tahay  mid isugu jirta  bustayaal iyo weliba joodariyaal kuwaasi oo loogu talogalay dadkani maskaxda lagaga jiro.

Halkan ka daawo sawirada
 
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashey Deeqo  Dalmar Cali oo iyada ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Jaaliyadda Sweden ee Reer Puntland waxaana ay sheegtay in ay deeqdani tahay mid loogu talogalay dadkani walaalaha ee xaalada qalafsan ka muuqato iyadoona xustay in ahmiyadda deeqdani ay gabdhaha u soo gaarsiiyeen  kadib  markii ay hada ka hor ururka Kaalo iyo Ururka  Jaaliyadda Sweden ay sheegtay in ay booqasho ku yimaadeen ayna arkeen dayaca haystana dadkani
Deeqo Waxaa kaloo ay tibaaxday in ay wixii karaankooda ah soo gaarsiin doonaan dadkani maskaxda lagaga jiro waxayna sheegtay in haatan ay tahay wakhtigii qaboobaha lagu jiro ayna dadkani haysato daruufo xaga jiifka.


 
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadashey Xaawo Qeylow oo iyadaha ah Gudoomiyaha Ururka Nasrulaah ee dadka dhimirka qaba waxaana  ay   mahad celin balaaran halkaasi uga jeedisay Ururka Wadaniga ah ee Kaalo iyo gabdha Jaaliyadda Sweden oo iyaga si wadajir ah deeqdani u soo gaarsiiyey iyadoona xustay in ay tahay arin lagu farxo maadama ay dadkani yihiin kuwo aad u tabaaleysan una baahan in la gacan qabto.
 
Isku soo wadaduuduuboo ma ahan deeqdii ugu horeysay oo ay Ururka Kaalo soo gaarsiiso dadkani iyadoona dhowr jeer oo noocaas ah ay Ururka Kaalo soo gaarsiiyeen deeqo faro badan xaruntani ay ku jiraan dadka dhimirka qaba iyadoona had iyo jeer Ururka Kaalo uu yahay midka ku hawlan u adeegida bulshada u baahan in la taakuleeyo.
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Garoowe: Ururka Kaalo iyo Haweenka ee Sweden oo deeq gaarsiiyey xarunta dadka Waalwaal "

  1. Abdi says:

    Erayga saxda ahi ma aha waalwaalan ee waa dadka madaxa ka xanuunsan, dadka qaba xanuunka dhimirka, iyo erayo kale oo badan oo macna ahaan anshaxwanaagsan.