Home » Faallo »

Maxaa ka xasuusataa Dhacdooyinkii Sanadkii 2009?. Qore:Xaamid

Runtii way adagtahay waxyaabo sanad dhan dhacayey in lagu soo koobo qoraal yar, balse waxaan isku dayaaya waxyaabihii ugu muhiimsanaa oo sannadkaas 2009 ka dhacay in laga helo warbixintaan .

Sannadkaas dhamaaday ee 2009, waxaa lagu tilmaami karaa in Soomaliya ay ka dhacdey Isbedelo Siyaasadeed oo waaween, oo ay ka mid yihiin Doorashadii SH. Sharkiif ,Bixitaankii ciidamada Ethiopia iyo Doorashadii puntland ka dhacday iyo weliba Dib dhac kuyimi Doorashadii Somaliland laga filayey.

ITOOBIYA BIXITAANKEEDI:-

Ciidamada Ethiopia oo muddo 2 sanno ah Soomaliya kaga sugnaa meelo badan, ayaa waxay ka bexeen muqdisho 15_JAN_2009, iyadoona isla markii ay ciidanka Ethiopia ay ka dhamaaday meelihii ay muqdisho kaga sugneen, ay dad badan iskugu soo baxeen, oo socodna ku soo mareen wadooyinka itoobiyaanka u xirnaa.Dadkaas qaar badan oo mid ah ayaa aaminsanaa in hadii Ethiopia ay wadanka ka baxday ay ka nasanayaan Madaafiicda iyo Dagaalada soo noqnoqday oo halakeyey muqdisho.

Sidoo kale Itoobiyaanku waxay isla bishaa 1aad, 25 teedi ka huleeleen xaruntii Barlamanka Somaliya ee Baydhabo, isla maalintaas Gelingeedi dame waxaa magaalada Baydhabo qabsaday Ururka AL_Shabaab, iyadona Baydhabo ay sanadkan 2009 ay ahayd sanadkii ugu fiicnaa oo dadka Reer Baydhabo Nabad helaan 19kii sano ee tagtay.

Waxaa keenay ka bixida Ciidanka Ethiopia ee Soomaaliya waa mid ay dadku ku kala aragti duwan yihiin ,Qaar ayaa waxay aminsanyihiin in Xoog iyo Xabad lagu saaray, qaarna waxay aaminsan yihiin in xeelad iyo wadaxaajood lagu saarey.

Arrintaas si kastaba ha’ahaate, waxaa meesha ka baxday hadii ay Itoobiya wadanka ka baxdo xabad danbe dhicimayso oo soomali islayamayso “waa hadal ay siyaasiyiin badan ku celcelin jireen”.

Doorashadii shariifka:-

28_JAN_2009 waxaa Barlamaanka Dowladda federaalka ah lagu daray 200 oo xubnood oo ka soo jeedah mucaaradka Asmara xaruntu u ahayd oo Madaxda uu u ahaa SH. Shariif SH. Axmed, xubnaha Barlamaanka soomaliya ka mid noqday waxaa ka mid aha SH. Shariif. oo isagu markiiba isku soo taagay xilka madaxtinimada isagoo ka faa’idesanayey fursado ay ka mid yihiin Rabitaanka beesha caalamka iyo xubnaha garabkiisa ah oo Baarlamaanka ku soo biirey .
13kii_JAN_2009 Doorashadii Jabuuti ka dhacday ayaa waxaa ku guuleystay SH.Shariif SH. Axmed in uu noqdo madaxweynaha soomaliya .

Kadib bil in kabadan wadatashiyo madaxwenuhu sameeyeey ayuu Ra’isulwasaare u soo qabtey Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, iyadoona Cumar C/lashiid uu dhisey 13/02/2009 Gole Wasiiro oo cusub kana kooban 36 wasaaradood waxaana u badnaa wasiirada lagu dhawaaqay ARS –kii uu shariifka madaxda ka ahaa, hadana waxaa ku jiry xubno Jagooyin ka soo qabtey Dowladii C/laahi Yuusuf uu madaxda ka ahaa, Dowladda ladhisey isla markiiba waxa ay tagtay muqdisho,waxaa soo wajahay Caqabadihii soo wejihijirey dowladihii soomaaliya soo marey 19 sano oo tagtey.walow ay dowladuna isku daydaydey in mucaaradka ka soo horjeeda ku qanciso ku dhaqanka shareecada islaamka , iyadoo Barlamaanka soomaliya ay meel mariyeen in wadanka Somalia lagu dhaqo shareecada islaamka 18/04/2009.

Balse arrintaas waxaa kabiyo diidey xoogaga ka soo horjeeda oo ku tilmaamay dhagar diinta laga gelayo.

Dawladaas uu shariifku madaxda ka yahay, ayaa waxay isku daydey in ay isku baahiso muqdisho ,iyado ka fa’ideysanysa taagero ay u muujiyeen qaar ka mid ah culimada diinta iyo hogaanka dhaqan .balse taas waxaa ka hortagay xoogaga AL-Shabaab iyo xisbul islaam waxaana magaalada muqdisho safar ku tagay xasan daahir aweys 23_APR_209 maalin ka dib ayaa taagerayaashiisa lahadlay wuxuuna ugu baaqay AMISOM in ay wadanka iskaga baxaan.

7dii,MAY, ee sanadkaas ayaa waxaa Mugadisho ka bilooday Dagaal xoogan oo U dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo AMISON oo iski dhanac ah iyo AL-shabaab iyo Xisbi-islaam oo iyagu isku dhinac ah, Dagaalkaaso toos u socday muddo 2 bilood ayaa wuxuu geestey khasaaro badan, xataa wuxuu samayn ku yeeshay Xaafado xiligii ay Itoobiya wadanka joogtey nabad ahaa, Dadka reer mugadisho waxay soo xusuusteen Dagaalkii 4ta bilood ee mugadisho ka dhacay horaantii 1990s. dagaalkaasu ilaa iyo iminka waa mid sii goos goos ah u socda, sanadka 2009 wuxuu mid xusuus xun ku reebaya dadka reer mugadisho, iyadoo Bilawgii sanadkaan 2009 ay muuqatay Saansaan Nabadeed.

Qaraxyadii ismiidaaminta ee 2009 ka dhacay Soomaaliya:-

Qaraxii ugu horeeyey oo ismiidaamin ahaa oo sanadkan dhaca ayaa wuxuu dhacay Bishii 1aad 24teedii wuxuuna ka dhacay Jidka MAKA-AL-MUKARAMA ee Mugadisho, waxaana lagu waday Ciidan Amison ka tirsan oo halkaas marayey, balse ciidankaas waxba magaarin, waxaa ku ku dhintay dad shacab ah soomaaliyeed oo xiliigaas Bus saarnaa oo wadada ku safrayey,waxaana ku dhintay 18 shacab ah iyo hal Askari soomaaliyeed ah.

Qaraxii 2aad ayaa wuxuu dhacay Bishii 2aad 22keedii, wuxuuna ka dhacay xaruntii hore Jaamcadda Umadda Mugadisho, waxaana lagu bartilmaamaysatay Ciidama Burundi oo halkaas degan, waxaana ku dhintay 12 ka tirsan ciidanka Burindi waxaa kale oo dhaawac ka soo gaarey 15 kale wuxuu ahaa nabarkii ugu horeeyey ee soo gaara ciidamada AMISOM , waxaana arrintaasu sababtey in Baroor xoogan ay ka soo yeerto shacabka Reer BurIndi oo qaar ka tirsan ku baaqay in ciidankooda dib wadanka loogu soo celiyo.

Qaraxii 3aad oo Ismiidaamin ahaa ayaa wuxuu dhacay Bishii 5aad 24teedi, wuxuuna ka dhacay agagaarka Dugsiga Tababarka Police-ka ee mugadisho, Gaari SURF ayaa waxaa nin isqarxinayo kujiro, ayaa damcay in uu xoog ku galo, Dugsigaas balse waxaa celiyey ciidan ilaalo halkaas ka ahaa , isla markiiba ninkii waa is qarxiyey waxaa halkaas ku dhintey 8 oo 6 ka mid ahaa yeen Booliskii qof rayid ah iyo ninkii isqarxiyeey, waxaana Dowladdu sheegtey in ninka is qarxiyey uu ahaa Ajnabi, balse waxaa arintaas ku gacansayrey Al-shabaab oo sheegay in uu ahaa wiil mugadisho ku dashay oo soomaali ah.

Qaraxii 4aad oo ismiidaamin ahaa oo dhaca 2009 ayaa wuxuu dhacay Magaalada Baladweene 18-jun-2009,waxaa lalabeegtay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda soomaaliya oo ay ka mid ahaa yeen Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi, Danjirihii hore ee soomaaliya u fadhiyey Adis-Ababa C/kariim Faarax Laqanyo iyo saraakiil ciidan, sidoo kale waxaa qaraxaa wax ku noqday Hogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda G/hiiraan, wuxuu ahaa qarax wax wayn udhimay isku day ay Dowladda Soomaaliya rabtay in ka fuliso G/dhexe ee Soomaaliya oo ciidan xoogan lagu uruurinayey uuna hormuud ka ahaa cumar xaashi Alle ha unaxariistee, waxaa weerarkaas sheegtey in ay fuliyeen Al-shabaab.

Qaraxii 5aad ayaa wuxuu ka dhacay mugadisho 17kii Bisha 9aad wuxuu ahaa 2 qarax oo si nadaamsan loo soo diyaariyay waxaana lala beegsaday Xarunta Amison [ ex-xalane] nimanka isqarxiyey waxay wateen Baabuur u eg kuwa UN-ka, waxayna iskaga dhigayn ilaaladii halkaas joogtey in ay yihiin shaqaale ka socda UN-ka oo lagu casumay shir xilgaas halkaas ka socday, waxayna gudaha u galaeen meeshii shirka ka socday waxaana halkaas ku dhintay 20 Askari oo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil soomaali ah wuxuuna ahaa nabar ay siwayn u dareemeen ciidamada shisheeye ee ku sugan soomaaliya.

Qaraxii 6aad wuxuu ka dhacay HOTEL SHAAMOW waxaana lala beegsaday xaflad qalinjabin ahayd oo Arday Jaamacadda Banaadir ka baxday loo sameenayeey, 3-Dec-2009 ayey ahayd markii ay halkaas ku dhinyeyn 30 qof oo ay kujiraan 3 wariiir, Dhakhatiir, Arday iyo waalidiin wuxuu ahaa Qarax wuxushnimo ah waxaana aad uga xumaaday dhamaan ummadda soomaaliyeed, xataa waxaa la waayey cid sheegata Qaraxan mas’uuliyadiisa, taaso kutusinaysa sida uu u xumaa.

PUNTLAND IYO 2009:-

Sanadka 2009 ayaa wuxuu ku bilooday xilli ay puntland ay iskugu yimaaday in ka badan 20 musharax oo badankoodu wataan Baabuur Dagaal iyo Ciidamo ilaallo u ah musharaxiinta , iyadoona magaaladda Garoowe cabsi wayn lagadareemay, maamulkii horena wuxuu magaalda isgu keenay Ciimadamo badan oo Amniga sugaya.

8dii janaayo ayey ahayd, markii ay Musharixiintu si nabad ah ugu dareereen Hoolka Barlamanka puntland si ay uga qayb galaan Doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa,. Iyoona Doorashadu si nabad ah ku dhacday, waxaana maxaxweenaha ku guulaystat Dr C/raxman maxamed maxamud(Faroole) ku xigeenkiina Gen. c/samad Cali shire.

Doorashadaas ayaa waxay lagu tilmaamay mid si xaq iyo xor ah u dhacday , iyadoona Amaan wayn loo soo jeediyeey madaxweenihii hore puntland Cadde muuse xirsi sida uu kaga dhabeyey balanqaadkiisi ooo ahaa in doorashu xilligeeda dhacayso uusana maalin ku darsanay iyo weliba sida uu u ogalaaday natiijada doorasha, taas oo si dhif ah uga dhacda Africa, in madaxweene xil haya musharax la tartamay uu xilka ku wareejiyo.

17 janaayo ayaa madaxweenaaha cusub ku dhawaaqay Golle wasiiradiisa, Golahaaso noqday kuwii ugu balaarnaa oo abid yeelato Puntland, tiradaas badan ayaa laga filayn in uu dhiso Faroole balse mar wax laga waydiiyey ayuu sheegay in uu saas u sameeyeey in ku qanciyo beelaha oo dhan, wuxuu madaxweenuhu garabka ku dhuftey Rag ay wateen hogaamiye dhaqameed wuxuuna sheegay in ay howshoodi ay ku ekeyd xulida xubnaha Barlamaanka dhisada dowladuna ay u taal usagga.

Xubnaha wasiirada cusub ayaa waxay ahaayeen kuwo nin kasta meeshii ku haboonayd loo xushay, hadana waxaa la sheegaa in ay u badnayeen kuwo siyasad ahaan aad isgugu dhowayeen C/raxman faroole ka hor intii uusan madaxweynaha noqon.

Maamulkass cusub markiiba wuxuu isku dayeey in uu wax ka qabto caqabado hor oola oo ay ka mid ayaayeen Burcad-badeeda, Mushahar aysan Ciidamadu mudo qaadan, iyo amniga puntland oo kor loo qaado.
Waxaa ugu wayn oo la timaami karaa oo maamulkaas wax ka qabtey waa dhaqalaha puntland oo aad isku badelay sanadkan ka dib markii Canshuurta qiiimaheeda soomaaali ahaan la siyaadiyeey , lana joojiyey lacagtii FADLANTA loo yiqiin iyo Malaayiin Dollar oo sanadkasta puntland ka Qaadi jirtey Koofurta soomaaliya oo Maamuladii hore bixin jireyn.

Balse maamulka cusub waxaa soo wajaay arrimo aysan Puntland abid uga dhicin oo ay ka mid yihiiin Dilal loo gestay madax badan oo puntland ah, Dagaalo dhex marey Beelaha puntland qarkood iyo Qaraxyo khasaare badan geysan oo xiriir ahaa oo ka dhacay qaar kamid ah magaaloyinka puntland. walow uu maamulku aad iskugu dayeey in uu wax ka qabto arimahaas wuxuuna ku guulaystey in heshiis dhex dhigo qaar ka mid ah beelihii is dagaalay.

Madaxdii puntland oo sanadka ladiley:-

1. Gudoomiyihii G/karkaar Yaasiin Siciid Xuseen oo lagu diley Dagaanka Dhuudo 26dii, April,2009 xilli u halkaas kawaday Nabadayn.
2. Taliyihii PIS ee G/mudug yaasiin Axmed Tolwa oo Qarax lagu dilay xilli uu dhex marayey Galkacayo 29dii, April, 2009.
3. Wasiirka Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac { Seefta Banaanka} ayaa Galkacayo lagu diley 5tii,Aug,2009.
4. Taliyihii Booliska puntland muuse Axmed Saalax ayaa Garowe isku diley 5tii,Aug,2009.
5. Gudoomihii maxkamada Boosaaso SH. Maxamed Cabdi Awaare ayaa lagu diley Boosaaso 11,Nov,2009.
6. Xildhiban Ibrahim Cilmi Gaab ayaa Usaga isla 11,Nov,2009 lagu diley Garowe.

Waxaana magaalada Boosaaso ka dhacay 14kii,DEC. Qarax ku cusub puntland, kaaso lalla beegasadat Gaari ay wateen Ciidmadda Amniga waxaa halkaas ku dhintay 3 Darawiishta ka tirsan, waxaa Arintaas ka dhacay in dadkii ku dhintay ay eheladoodi ay sameeyeen Mudaaharaad lagaga soo horjooda Dadka ka soo jeedo G/bay iyo bakool. balse arintaas waxaa ka hortagay Maamulka iyo wax Garadka Puntland oo sheegay in cidii Dambi leh ay maamulka u taal shacabkan isdejiyaan,
waxaa magaalada Garoowe k dhacay Qarax xoogan 21kii,DEC, waxaa la beegsaday Gaari uu watay Gudoomiyaha Barlamanka Puntland waxaan halkaas ku dhintey Askari ilaalo uhaa,
faflka isbajooga ahaa oo dhacay aya waxaa ka hadlay madaxweena Puntland C/raxman faroole wuxuuna sheegay in Dhamaantood cidii ka dameesay gacaanta lagu hayo wuxuu ku tilmasamay in ay ahaayeen kuwo argagixiso.

sidoo kale waxaa jirey saraakiil ciidamada puntland ka tirsan oo dil iyo dhaawac loo geestey sanadka.

XIRIIRKA PUNTLAND IYO DOWLADDA FEDERALKA:-

Dowladda soomaaliya iyo puntland ayaa sanadkan xiiirkoodu xumaaday ka dib markii maamulka puntland markii ugu horeysay Eedeyn dusha uga tuureen Dowladda Somaliya Bishii 1dii. MAY,2009 waxayna puntland xiligaa ku eedeysay in aysan lacagihii soomaaliya loogu deeqay aysan puntland waxba looga qoondayn.

23dii,Aug,2009 waxaa Dowladda soomaaliya iyo puntland Heshiis ka kooban 15 Qodob ku gaareen Galkacayo, ka dib Asbuuc dood adag ah oo dhex martey Wafdi oo hogaaminayo Ra’isulwasaare Cumar c/rashiid iyo Madaxda sare oo puntland, heshiiskasu ma noqon mid wax badan ay ka hirgalaan, waxaana la sheega in uu la talabsan waayey Dhanka Dowladda Dhexe oo xubno Barlamanka Dowladdaba ka tirsan ayaa markii muujiyey sida ayuga soo hojeedan.

14kii,NOV,2009, ayaa khilaaf u dhaxeeyey PUNTLAND IYO FEDERALKA cirka isku sharerey ka dib markii, shir ay ku shayn SH. Shariif SH.Axmed IYo DR. C/raxman Farole , waa labada madaxweene Nayroobi ay ku kalakacayn, isla markaana warbaahinta ay la hadlayn oo ka hadlayn waxa ay isku khilaafayn.

SOMALILAND IYO 2009:-

Sanadka 2009 ayaa wuxuu ka bilooday xilli ay Somaliland ka soco Diiwan Gelinta iyo Tira Koobka dadka Somaliland ee Dorasgada lafilayey in ay dhacdo ka qayb qaadan lahaa.

Golaha Odayaasha ee Somaliland ayaa 28dii, Bisha maarso waxay xilli kor dhin usameeyeen maamulka Riyaale, taaso ka caraysiisay Xisbiyada mucaaradka ah iyo dadweenaha qaarkood , maamulkaaso xiligiisu ku ekaa 6da, April,2009.

Waxay arintaasu keentey muran siyaasadeede iyo mudaharaadyo Rabshado wata in ay ka Somaliland, waxaa kale jirey muran iyo khilaaf muddo ka taagna Gudiga Doorashadda dhexdiisa, kaaso markii dame dhamaaday.

Waxaana Bishii October dib loo magacaabey Gudi cusub oo Doorasho, haddana xaaladu waa kala degan tahay oo murankii waa dhamaaday. 2009 wuxuu ka mid noqondaa mid ka mid ah sanadadii ugu adkaa oo soomara Somaliland tan iyo 1994kii markii uu dhamaaday dagaalkii sokeeye.

SAXAAFADDA SOOMAALIYA IYO 2009:-

2009ka, ayaa wuxuu ahaa sanadkii ugu xumaa oo soo mara warbaahinta soomaliyeed marka la’eego Dilka ,Dhaawaca ,Barakicinta,cagajugleynta, iyo xariga loo geestey weriyaasha soomaliya ku sugan Soomaaliya ,waxaa intaa dheer idaacado al-baabada leyskugu dhuftay.
Sanadka 2009 ayaa maalintii ugu horeysey wuxuu ku biloday dil loo geestay wariye xasan mayow xasan oo ahaa weriye afgooye uga soo waramijirey idaacadaha Shabelle iyo Daljir, waxaana Afgooye lagu dilay 1dii-JAN-2009. wariyihii labaad wuxuu ahaa Agaasimihii idaacada horn Afrik Siciid Tahliil, waxaa lagu toogtay suuqa Bakaaraha 4tii- bisha labaad ee 2009.

Weriyihii 3aad o sannadkaas ladilay wuxuu ahaa weriye ka tirsan Radio shabelle C/risaaq warsame Gaadaco waxaana ku dhacday xabad wiifto ah xilli uu ku soo jeeday shaqadiisa 22kii-MAY-2009.

Agaasimaha idaacada iyo TV-ga shabelle mukhtaar Maxamed hiraabe ayaa lagu dilay suuqa Bakaaraha ee muqdisho 7dii-JUN-2009.
4tii-july-2009 waxaa xabad wiiifto ah ku dhacdy wariye maxamed yuusuf oo ku sugnaa xilligaas magaalada muqdisho kana tirsanaa idaacada Idaacada Quraanka. waxaa kale oo Baladweene kugeeriyooday Weriye Nuur oo dhaawac soo gaarey ugu dhintay.

3dii-DEC-2009 Qarixii naxdinta lahaa ee hotel Shamow waxaa ku dhintey weriye maxamed amin Aden cabdulle iyo Xasan Subayr waxaa kale oo jirey weriyaal kale oo dhaawac soo gaarey isla maalintaas.
21kii,DEC, waxaa AMISON ku garaacday madaafiic Idaacada Codka Xamar waxaa halkaas ku dhintay Xaaskii Agaasimaha Idaacadaas iyo Weriye kale waxaa dhawac ka soo gaarey Igaasimihii C/raxman Yaasiin iyo weriyaal kale.

Sannadkaas waxaa kale oo jirey weriyaal dhaawac iyo jirdil loo geestay oo ay ka mid ahaayeen weriyihii VOA –da galkacayo Maxamed Yasiin Isxaaq oo dhaawac xabad loo geestay ,axmed taajir oo isaguna shabelle ka tirsan waxaa lagu dhaawacay suuqa bakaaraha wuxuuna la socdey agaasimihii la dilay mukhtaar maxamed hiraabe. waxaa 22kii,DEc, Ciidanka sirdoolka puntland qabtayn Maxmed Yaasiin Weriyihii VOA laanta Afsoomaaliga ee Galkacayo.

Ibraahim JK agaasimaha universal TV muqdisho ayaa isagana afduub iyo jirdil loo geestaqy,waxaa jiray dhibaatoyin kale oo loo geestay ragga wararka fidiya ee soomaaliya ku sugan sannadkaas, taaso sababtey in ay hakiyaan in ka badan 20 weriye oo muqadisho ka howlgelijirtey howshoodii. islamarkaana qarkood wadanka iskaga baxayn.

Kuma koobnayn tacatiyada loo geestey Weriyaasha Koofurta soomaaliya kaliya, balse weriyaal ku sugan puntland iyo somaliland ,ayaa iyagana sheegtey in faragelin lagu hayo howshoodii, samandka bartamihiisi weriyaal u shaqeeya TV-ga horncable iyo Idaacada Roryaal ee Somaliland ayaa sheegay in qalabkoodii ay ku shaqayn jirey laga bur burey isla markaana dhoor weriye xabsiga la dhigay Hargaysa.

waxaana puntland ka dhacay xarig loo geestey dhoor weriye, balse markii dame la siidayey, waxaana ka mid ahaa Jaamac Ayaanle Fayte oo 30kii maarso la soo taagay maxkamadda Boosaaso, usagoo lagu eedeeyey in INTERNET-ka ku faafiyey Qoraallo meel ka dhac ku ah madaxda puntland, isla markaana maxkamadu ku xukuntay 2 sano oo xarig ah, balse bil ya yar ayuu xirnaa dabadeedna waa la siidaayey. waxa Dhoor jeer ay Ciidanka Booliska Boosaaso xirey weriye C/qani Xasan Dhagjar dabadeedna markii dambi lagu waayey waa la siidaayey, weriyaal ka shaqeeya Galkacayo ayaa cabasho ka muujiyey sida ay ula dhaqmaan Maamulka mudug.

Sanadka Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliya wuxuu aduunka ka helay soo dhowayn, iyadoona dhoor wadan ay siiyeen fiisooyin Dal ku gal iyo biladoh, waxaa jirtay ururka Suxufiyiinta aan xuduudka lahayn in somaaliya u ku tilmantay in ay tahay meesha ugu liidata oo suxufi ka shaqayn karo. Igaasimaha RADIO Galkacayo ayaa ciidanka puntland ee Airport-ka Galkacayo sanadkan dhamaadkiisi xabad ku fureen, balse waxba kuma noqon, Xoghayaha MAP ayaa sanadkan ku tilmaamay im uu yahay sanakii ugu xumaa oo soo mara Warbaahinta Puntland
Sanadka Horaantiisi Warbaahinta ka jirta Puntland badankooda waxay dhisteen Urur ay ku madaysanyihiin MAP, waxaana madaxa ugu sareeya loo doortey Burhan Axmed Daahir, waxaa kale oo sanadkan dib loo furey RADIO Mugadisho oo sanooyin badan xirnaa., dhamaadkii December ay AL-shabaab ay uga digayn shacabka in aysan dhagaysan IDAACADA Dowladda.

Burcadbadeeda iyo Biyaha Somaliya:-

Burcad-badeeda soomalida ah oo sannadkan 2009 dardar cusub la soo baxdey , oo gaarey meello aysan gaarijirin sanooyinkii hore, ayaa iyaguna Qudoodu waxay la kulmayn dhibaatooyinkii ugu weenaa oo soo wajaha abid, waxaa ka mid ah Dil, Dhaawac iyo Xarig xabsiyo badan oo aduunka kuyaala ay buux dhaafiyeen burcadbadeeda soomaliyeed .
Burcadbadeeda sannadkan 2009 falalkii afduubka ahaa oo ay ku dhaqaaqayn waxaa ka mid ah markabkii shirkadu mareykanku lahayd oo 8dii ,April ay weerarka qaadeen, islamarkaasna ay u suurowdey in ay fuulaan, balse cabin xoogan oo sameeyeen 20ka marykan ah oo markabka saarnaa ayaa lagaga awood ronaaday burcad badeedii .
Burcadbadeediina waxaa ku kubsatay kabtankii markabka isla markaasna waxaa u suuroday in ay markabka kale degaan Kabtankii Markabka, islamarkaana iyago ku haysta Dooni yar ay dalbadaan lacag madaxfurasho ah.

Arrintasoo keentay in Warbaahinta aduunka ay Qodobkooda 1aad noqdo Burcad-badeeda, iyadoona madax badan aduunka ka tirsan oo u kamid ahaa madaxweynaha mareykanka ay ka hadleen halista burcad-badeeda .

Muddo shan berri ah oo ay is horfadhiyeen maraakiib dagaal oo mareykanku leeyahay iyo 4 dhalinyaro burcad-badeed ah ayaa sumcad xumo usoo jiidey .

Dowladii sheegan jirtey in ay tahay Dowladda ugu xooga wayn aduunka, balse markii dame waxay noqotey in la dalbo niman shiishka yaqaan taasoo suuragal ka dhigtey in ay dilaan 3 ka mid ah burcad-adeedkii haystey kabtan Philips midna nolol ku qabtaan.

10kii, April 2009 waxaa degmada Xaafuun xeebteeda ka dhacay weerar ay faransiisku ku qaadeen burcad-badeed haystay qoys faransiis ah waxaana halkaas ku dhintey 2 burcad-badeed ah iyo mid ka mid ah lahaystyashii waxayna ciidanka faransiisku nolol ku qabteen 3 burcad-badeed ah ,waxaa kale oo jirey burcad-badeed badan oo ciidamada shisheeye oo ku sugan badda ay gacanta ku dhigeen sandkan 2009 iyo waliba kuwa Dil iyo Dhaawacdil loo geestay ,balse taasu kama hakin in ay joojiyaan afduubka iyo weererka ay ku qaadaan gaadiidka badda .

Iyagoo sanadka burcad-badeedu gacanta ku dhigeyn Darasiin gadiid badeed ah oo iskugu jira kuwo badeecoyinka qaada ,kuwo kalluumysi iyo weliba tamashlaha ama dalxiiska ah, xilli ciidamo badan oo ka socda wadamo kala gedisan ay ku sugan yihiin bada soomaliya taasoo shaki galisey dad badan waxa ay ciidankaasu meesha ka sameeniyaan madaama ay ka kortegi waayeen dhalinyaradiii burcad-badeeda ah .

sanadkan wuxuu noqday in Wadamo badan oo aduunka ah ay u soo diraan ciidamo Badda soomaaliya , iyago ku marmarsiyoonaya waxaanu ilaalinaynaa Burcada badda ka dilaacday, iyago danahooda u socda, xataa Dowladda Yihuuda ayaa sheegtay in soo direysoCiidamo ilaaliya burcadbedeeda , IRAN iyo kuwo kale ayaa iyaga sheegay in ciidamo soo diraan Reer Galbeedku xisaab maleh.

marka laga yimaado Wadamaas Hanahooda siyaasadaeed ee ka leeyihiin Biyaha Soomaaliya, waxaa laga Dareemay Badda Soomaaliya in sanadka uu ku baday Maraakiibta sida Sharcidaradda ah u ga kaluumaysta, iyado Maraakiibta Howshaysa Khayraadka soomaaliya ay ilaallo ka heleen ku sheegana in ay ilaalinyaan Burcadbadeeda.
Maxaabiis badan oo burcadbadeed ah ayaa buux dhaafiyey Xabsiyo kala gedisan mana helin maxkamad la soo taago, waana layska hayaan Maamuladda ka jira Soomaaliya mana hadlaan in Dhalintaas yar yar sida loo dhaamo, waxaa xusid mudan In maamulka Puntland Sanadka maxaabiis badan maxkamad lagu saarey xukuna dhaadheerna lagu xukumay, waa arrin wanaagsan, balse muwaadin Soomaaliyeed in Gaalo sidee toonto ka yeesho maaha mif meesha ku jirta

ILAAHOW SANADKII TAGAY HERDIDIISA IYO KA SOO SOCDA HARAATIDIISA NAGAHEY
Xaamid C/laahi Xaaji
Analyst on Somali Affairs and Free Lance.
xaamid114@hotmail.com
Puntland-Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxaa ka xasuusataa Dhacdooyinkii Sanadkii 2009?. Qore:Xaamid "

  1. mohamud yare says:

    what aqualitititve journalist ” i hope that u will continue your profession……

  2. waxaan u hambalyaynayaa bahda somalitalk oo la orankaro waxay dhexdhexaad kayihiin xaalad kasta oo jirta waxaana leeyahay ilaahay garabkiina wixii khayr haku galo kadib waxaan lasoo qoray xaaladihii kadhacay soomaaliya kaliya laakiin waa la ilaaway xaaladihii qurba joogta waad aragteen macaa qaarbaa lagubay south africa, iyo horumarkay sameeyeen qurba joogta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.