Home » Warar »

Ciidamada AMISOM oo lagu wado in Dhamaadka Bishaan loo kordhiyo Waqtigii ay joogi lahaayeen Somaaliya

Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu dhawaan waqtiga u kordhiyo howlgalka ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).- 

      Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay kulan ka qaadan doonaan arrimaha dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, gaar ahaan sidii ay waqtiga ay ugu cusbooneysiin lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.-

      Dhammaadka bishan ayaa la sheegay inuu ku egyahay waqtigii loogu talagalay ciidamada AMISOM inay ka howlgalaan Soomaaliya, sidaas daraadeed ayaa haatan Golaha Ammaanka wuxuu kulan ka yeelanayaa in loo kordhiyo waqtigooda, sida uu sheegay Ahmedou Ould-Abdalla wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirkaas.

      Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, ayaa dadka qaar waxay sheegaan inaanay waxba ka beddelin xaaladda dalka, iyadoo haatan Midowga Afrika ay dadaal ugu jiraan waqti dheeraad ah sidii ay ugu heli lahaayeen howshooda Soomaaliya.-

      Ciidamada AMISOM ayaa goobo ku yaala Magaalada Muqdisho ku sugan kuwaas oo si aad ah u ilaalia Xarumaha Dowladda Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha waxaa markasta la kulmaan weeraro kaga yimaada Dhinaca kooxaha ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Federaalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.