Home » Warar »

Hay,adda VSF Germany oo deeq xoolo ah gaarsiisay ku dhawaad 100 Qoys oo isugu jira dadka Barakacayaasha iyo kuwa danyarta ah.

 Waxaa maanta hay,adda VSF Germany ay deeq xoolo ah gaarsiisay 100 Qoys oo ku sugan gudaha caasumadda Puntland ee Garoowe kuwaasi oo isugu jira dadka barakacayaasha ah ee ka soo barakacay koonfurta soomaaliya iyo dadka abaarta saameysay oo xoolihii ay ka dhamaadeen iyo weliba dadka danyarta ah ee ku dhaqan gudaha magaalada Garoowe.

Deeqdani oo ahayd ari ayaa waxa ay ahayd mid qoyskiiba la siinayey 5 Neef oo ari ah kuwaasi oo 1 sano kadibba laga rabo in ay keenan 1 qoysba 1 Neef oo ari ah taasi oo ay hay,adda oga golleedahay in tijaabo ku sameyso dadkani la siiyey xoolaha in ay iibsanayaan iyo in ay xanaaneysanayaan.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Deeqdani ariga ah oo ay maanta gaarsiiyey ha,adda VSF Germany ayaa waxa ay ahayd mid aad u balaaran kuwaasi oo la oran karo waa kuwa ay ku farxayaan dadka barakacaasha ah ee ku dhaqan caasumadda Puntland ee Garoowe iyo dadka iyaguna danyarta ah iyo kuwa ay abaartu xoolaha ka baabibisay

Ugu horentii goobta lagu bixinayey arigaasi ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Cabdi Xirsi Cali oo isana soo dhoweeyey deeqdani ariga ah oo ay maanta soo gaarsiisay dadkani hay,adda VSF Germany isagoona amaan balaaran u soo jeediyey madaxda hay,adda iyo cidii ka danbeysayba fulinta hawshani.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa magaalada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi Koor oo isana soo dhoweeyey deeqdani oo ay maanta soo gaarsiisay hay,adda VSF Germany.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa halkaasi ka hadashay Asili Bare Diiriye oo iyada ah Madaxa hay,adda VSF Germany Somalia iyadoona faahfaahin ka bixisay ahmiyadda looga golleeyahay in deeqdani loo qeybiyo dadka barakacayaasha ahba ha ugu badnaadeenee muhiima 1aad ayaa waxa ay ku sheegtay in abaarta dadkii xoolaha ka baabiisay iyadooan xustay in dadka barakacayaasha ah iyaguna ay yihiin kuwo u baahan xoolaha Asili oo iyada hadalka si aad ah ugu dheeraatay ayaa ugu danbeyntii waxa ay ka codsatay dadkii la gudoonsiinayey xoolaha in sanadkiiba 1 qoysba keeno 1 Neef.

Isku soo wadaduuduuboo deeqdani ariga ah oo ay maanta hay,adda VSF Germany soo gaarsiisay dadkani isugu jira kuwa barakacayaasha ah iyo kuwa kale ayaa waxa ay qeyb ka yihiin deeqaha ay hay,adda Caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ahba ay soo gaarsinayaan dadkani ka soo barakacay koonfurta soomaaliya kuwaasi oo xaalada nolol xumo ku haysato deegaanadda Puntland gaar ahaan caasumadda Puntland oo ay dadka barakacayaasha ah ku badan yihiin.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.