Home » Maqaallo »

Halgankii Xornimada Dalka iyo Kaallintii Culumaa’udiinka Soomaaliyeed | Daadurey

Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa marnaba aysan ka dahsoonayn kaallintii ay Culumaa’udiinka Dalka Soomaaliya ay ka soo qaateen Xornimadii Dalka iyadoo laga dareemi karo Shucuur Diin, Dhaqan iyo Dal jacayl Dhab ah , waxaad ka garan kartaa sida uu Gumaystuhu ugu  kala jejebiyay Dalka Soomaaliya Shanta Qaybood inay ahaayeen kuwa Gumaystaha baday Jab iyo Halaag uusan ka soo Waaqsan oo uu weligii ka sheekeeyo sida aad ka akhrisaan Buugaagta Maktabadaha Dunida ugu Caansan ee ku yaalla Waddamada reer Galbeedka gaar ahaan Carriga British-ka ee Magaalada  London Library oo aad ka heli karto Taariikhahaasi oo kooban .
 
Waxaan marna la Illoobi karrin Culumaa’udiinkii Soomaaliyeed sida Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Gurey, Sheekh Bashiir, Sheekh Cabdulqaadir Sakhaawadiin, Sheekh Aweys Dheere, Sheekh Cali Majeerteeniya, Sheekh Xasan Barsame, Sheekh Cali Suufi, Sheekh Maxamed Macallin , Sheekh Shariif Sharafow halgankii ay u soo galeen Xonimada Dalka iyo Fidinta Diinta wuxuuna qof waliba uu Markhaati ka yahay inay ahaayeen Culumaa’udiin Sumcad iyo Sharaf ku leh Shacabka Soomaaliyeed marka laga hadlayo arimaha Diinta iyo Xornimada Dalka taasina ay ku muteen in mar walba Tusaale loogu soo qaato Wanaaga iyo horumarka ay Ummadooda u horseedeen.
 
Haddaba waxaa is weydiin mudan xaalladani Cakirain maxay tahay? Dad Xukun raadinaya oo aan Diin Shaqo ku lahayn ayaa Shacakii galaaftay oo Dhallinyaradii Jaamacadaha ka Khalin jebinayey ee 20 Sanadood Waddan burbusanaa Jaamacad kaga baxay maallintay Calfan lahaayeen ku Xasuuqay “Hoteel Shaamow” tani Xagee bay Diinta kaga qoran tahay Wiil yar oo Xaalad Dagaal iyo Gumaysi Waxbarasho ku dhex watay ma mid lagu Abaalmariyaa Xasuuq Xagee Kitaabka Alle kaga qoran tahay
Soomaaliyeey haddii aadan u arkayn inaysan Xukun Doon yihiin Kooxaha weli Dagaalamaya tani ha idiin ahaato Markhaati mid la duugi karana ma aha Taariikhda ayey gelaysaa, Xukunka ay doonayaan ma yahay miday Calfan doonaan ?runtii ma aha mid ay Calfan doonaan laakiin inay Waddanka Gumaysi kusoo Hoggaamin doonaa ayaa cad.
 
Ducaadda Soomaaliyeed ayaa waxay mudan yihiin in lagu ammaanno Dadaalka ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ama ha joogeen Qurbaha ama Dalka gudihiisa sida ay ugu dadaalayaan inay Badbaadiyaan Qoysaska Soomaaliyeed ee ku sugan Xaaladahan adag ee uu Dalku ku sugan yahay iyo Xaaladaha Qurbaha Barashada iyo fahamka Diinta iyo Dhaqanka suuban ee aan lahayn dhaliilaha una Diyaariya Dhallinta Soomaaliyeed Marka ay Dugsiyada Xiran yihiin Dhaqan Celin iyo Barashada Aadaabta taasina ay
tahay mid loo baahan yahay in lagu Badbaadiyo Dhammaan Shacaka Soomaaliyeed oo ka kooban Carruur ,Dumar , Waayeel, iyo Dhallinyaro wax barata Dugsiyada .
 
Waxqabadkii Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Soomaaliya
 
Waxaa Xusid mudan Midowgii Maxaakiimta Islaamka iyo wax qabadkii wanaagsanaa ee ay ka fulliyeen Koofurta Dalka Soomaaliya iyo Gobolada Dhexe ee Dalka Mudadii ay Xukunka Koofurta Dalka gacanta ku hayeen Kacdoonku wuxuu ku salaysnaa Diin oo wuxuu noqday mid lagu guulaystay sidii Sahlanayd ee ay uga Takhaluseen Dhammaan Qabqablayaashii Dalka gacanta ku hayey in ka badan 17- Sanadood iyo in ka badan Shacabka baday Silac iyo Gaajo aan dhammaad lahayn iyo Xasuuq Maati.
 
Guuldaradii Midowga Maxaakiimta Islaamka ee Dalka Soomaaliya
 
Kaddib markii ay Midowga Maxaakiimtu go’aansadeen inay Weeraraan Magaalada Baydhabo oo markaa ahayd Xaruntii Madaxtooyada ee DFKMG ee Soomaaliya ayaa Dowladdu waxay bilowday inay wada tashi la bilowday Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka inay ku wada hadlaan Dalka Dibadiisa ,laakiin nasiib darro ma aysan Dhicin in la isku af garto Maxaakiimtuna waxay moodayeen inay Awoodda yeelan doonaan mana u muuqan inay Dowladdu haysato Saaxiib ama Huwan , waxaannu ognahay inay Maxaakiimtu Diideen Ra’iga Aqoonyahano fara badan oo Soomaali ah halkaana ay Jab kala kulmeen uuna Firxad weyni ku dhacay Illaa iyo haddana ay weli yihiin kuwa la Mid ah oo wada Dagaal Diidana inay DFKMG la Heshiiyaan waxaanna Hubaal ah inay yihiin Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda kuwa inay Jabaan Diyaar u ah Ummadana Gumaysi u soo Hoggaamiyaan.
 
Gunaanadkii iyo Qoraalkani Soomaaliya waxay ku sugan tahay Xaalad aad u adag Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waxaa ka mid ah Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mar walba Ummadda ugu baaqa nabadda kana mid ahaa Hoggaankii Sare ee Maxaakiimta Islaamka iyo Ururkii Dib u Xoraynta Dalka haddii ay ku waana qaadanayaan kuwa weli Dagaalamaya. Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dagaal waxba kuma helin ee Dib u Heshiisiin iyo Doorasho ayuu wax ku helay Dagaalkii wuxuu ka faa’iiday isagaa u Markhaati ah Cid kale in la weydiiyo uma Baahna, “Soomaaliyeey Dagaal Wiil kuma Dhasho ee Wiil baa ku Dhinta “Dagaalka joojiya ee isu Tanaasula oo nabadda qaata si ay u Badbaadaan kuwa Qaxaya Tahriibaya,kuwa Qaxootiga ku ah Xeryaha Dalka gudahiisa iyo Dibadaha,kuwa Xabsiyada lagu gurayo oo aan Maxkamadna lahayn,kuwa la Qarxinayo iyagoo la maangaday , kuwa Tatxiilka lagu Keenayo iyagoo Qaawan,kuwa Badaha Dushooda lagu Dilayo iyagoo Burcad ah,kuwa Qoysaskoodii ku firxanayaan Qurbaha , Dib isu eega ee Xabadi Xal ma noqotee Xal la Imaada Kitaabka Alle waa Xalka ugu Wanaagsan oo aan Xabbad la Socon.
 
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.