Home » Warar »

Kulankii 1aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia – Lusaka iyo Maxamed Idris

 Waxaa 25-28 bisha December 2009 lagu qabtay magaalada Lusaka kulan uu marti ugu ahaa jaaliyada soomaalieed ee Zambia Sheekha macruufka ah Sh Moxamed idris, kulankaas oo ay soo qaban qaabiyeen ducaada AL-UMMAH MUSLIM SOCIETY oo ah xarun wayn oo ay leedahay jaaliyadu, wuxuuna ku bilawday Khudabadii maalinta jimcaha 25/12/2009 oo uu sheekhu khudbad aad u qiima badan ka soo jeedshey masaajidka  OHAN CHAISA Cinwaankeeduna ahaa CAMIRAADA GURYAHA ILAAHAY, khudbadaas oo ku baxady siday caadadu ahayd luqadaha Somali iyo carabi.

Sawiro Dheeraad ah Halkan ka eeg

Salaadii casar ka dib sheekhu wuxuu muxaadaro  aad loogu riyaaqay ka soo jeedshay xarunta AL-UMMAH Cinwaankeeduna ahaa QULUUBTA IYO WANAAJINTA CAMALKA, muxaadarada ka dibna sheekhu wuxuu ka jawaabay su,aalo ku saabsanaa muxaadarada.

Maalmaha Sabtida iyo Axada 26, 27/12/2009 oo ahaa maalmo aysan hilmaami doonin xasuusta jaaliyada Lusaka waxa ay muxaadaraatku ka dhacayeen Hoolka MAKENI ISLAMIC oo ah hool aad u wayn looguna tala galay inuu qaado dad kor u dhaafaya 3000qof, hoolkaas oo ay soomaalidu markii ugu horaysay kiraysato, maalintii Sabtida  sheekhu wuxuu ka hadlay SOMALIDA IYO QURBAHA IYO SIDA LOO BADBAADI KARO, muxaadarada oo dadka aad u soo jiidatay Muxadarada kadibna wuxuu sheekhu lacag ururin u yaboohay Masjidka Al Umma ee Jaaliyadda Soomaalidu ka dhisaneyso Magaalada Lusaka.

Axadii ayaa la isku soo noqday ayadoo dadku ay aad u soo bateen ayaa waxaa maalintaas lagu furay kulanka xaflad loo sameeyay ardayda  dugsiyada Lusaka inteeda badan oo lagu gudoonsiiyay Abaal marin tartan Quraan oo loo qabtay, waxaa halkaas Sh Idris ku gudoonsiiyay abaal gudka 23 Arday oo ka mid ah ardaydii tartanka gashay, oo ay ugu sareeyeen arday ku tartantay 18Juz oo Xifdis ah. Xafladaas waxaa ku xigsaday muxaadaradii sheekha oo aad loo sugayay waxaa uu sheekhu Qaybtii 2aad ka hadlay SOMALIDA QURBAHA IYO SIDA LOO BADBAADIN KARO, Kadibna waxaa la dhamaystiray Tabarucaadkii loo aruurinayey Masjidka, oo isugu jirtey Lacag cad iyo qalab dhismo, wadarteeduna gaadhay labada maalmood $160,000 iyo 30,000 oo bulukeeti ku filan dhismaha masjidka iyo 45 Gaari oo ciidda wax lagu dhiso ah, oo haddii lacag cad loo bedelo gaadheysa 25,000$.

Dhamaadkii Kulanka waxaa halkaas lagu qaybiyay Mac macaan iyo Cabitaan ay soo diyaariyeen Gabdhuhu oo runtii lafdhabar u ahaa Qaban qaabada iyo hir galinta Kulankaan, maqribkii oo qadar yar ka dhimanyahay ayaa kulnakaas lagu soo gabagabeeyay duco dheer,  farxad aad u wayn iyo rayrayn ka muuqatay dadwaynihii ka soo qayb galay, aadna isu marxabaynayay sidii inay maalin ciid ah ku kulmeen.

Subaxdii  isniinta Sheekhu wuxuu muxaadaro kale ka jeediyay Xarunta AL-UMMAH cinwaankeeduna ahaa  WAAJIBKA GABADHA MUSLIMADA AH KA SAARAN DACWADA.

Salaadii duhur sheekhu wuxuu booqasho ku tagay Masaajidka Al-ixsaan iyo Sharikada Star Milling  oo ah xarunta uu Masaajidka ku dhex yaal, wuxuuna sheekhu kormeer ku soo maray wershedda oo uu leeyahay Ganacsade Soomaaliyeed Xaaji Maxamed Cali Mursal, taasoo shiidda galayda oo ah raashinka wadanka ugu badan ee laga cuno, waxaana sharaxaad kasiiyey Eng. Xasan Cali Mursal,  salaadii duhur ka dibna sheekha ayaa Masaajidka ka soo jeedshay muxaadaro kooban oo cinwaankeedu ahaa  QIIMAHA AY SHAREECADA KU LEEDAHAY SHAQADU ,

Sheekha oo maalintaas kulamadiisu ay aad u badnaayeen wuxuu salaadii Casar  kadib ka soo jeedshay muxaadaro masaajidka Ohan-makeni.

 waxaa sidoo kale muxaadaraadkaas dhinac socday dawro ama siminar loo qabtay ducaada iyo hawlwadeenada dacawda oo socotay mudo 3cisho ah  waxayna duruustaas oo ka koobnayd casharo ruuxi ah iyo maamul oo ay si wada jir ah u  bixinayeen Sh Idris iyo Sh Axmed Maxamuud ( Axmed dheere) oo asagu ka socday MAJLIS AL-BAYAAN AL-ISLAAMI ee Konfur Africa.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horaysay oo kulan noocaan oo kale ah Zambia lagu qabto dadkuna waxay aad isu waydiinayeen kulanka dambe goorma ayuu noqonayaa.

Waxaa xusid mudan in Aroortii Talaadada uu sheekha iyo ducaad galbinaysay ay u baqooleen magaalada 2aad ee ay Zambia somalidu ka dagantahay ee Ndola si uu u soo dhamaystiro barnaamijkii uu ku yimid Zambia oo ahaa booqashada jaaliyada 2daas magaalo iyo dhamaan wadanka Zambia waxaa halkaas sheekha iyo wafdigiisa sii diiran ugu soo dhaweeyay odayaal , ganacsato, ducaad iyo hawlwadeenada dacwada Ndola

Muxaadaraadkta iyo Kulamada Ndola gadaal ayaan ka soo gudbin doonaa haduu ALLAAH idmo 

Sawiro Dheeraad ah Halkan ka eeg

Xafiiska Warfaafinta

AL-UMMAH MUSLIM SOCIETY

gaas78@hotmail.com

29/12/2009

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Kulankii 1aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia – Lusaka iyo Maxamed Idris "

  1. c/wahaab says:

    maa shaa alaaah. reer zambia khayr allaah ha idin siiyo
    sifiican ayaad boodhka isaga jafteen. soo gaadha aduunka.welcome to the wold.