Home » Faallo »

Warbixinta Shirkii Qurba Joogta Gobolka Bari ee USA – Qaybtii Koowaad

WARBIXINTA SHIRKII QURBAJOOGTA GOBOLKA BARI USA– QAYBTII KOWAAD.

Min-Guurshe: Architect Yusuf Botan, Isku Dubaridkii iyo Saxitaanka  Eng. Muhidin Hussein Eid, Asluubayntii Eng. Mohamud Siwaqron, Qalinkii Prof. Farjac

Warbixinta kooban: Shirkii Qurba Joogta beelaha Gobolka Bari ee Mareykanka (USA), waxay tala ku soo jeediyeen in Gobolka Bari loo qaybiyo shan gobol oo kala ah Gobolka Bosaso, Gobolka Caseyr, Gobolka Gagaab, Gobolka Noobir, Gobolka Barri Cajim. Waxay kaloo soo jeediyeen in canshuurta Gobolka Bari laga qaado 30% dib loogu maalgeliyo Gobolka Bosaso dhanka nabadgelyada, dayac tirka dekedda, waxbarashada, caafimaadka, iyo maalgelinta jidadka iyo dib u abaynta magaalada; In dakhliga Gobolka Bari soo saaro 40% lagu maalgeliyo nabad-gelyada, waxbarashada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, biyaha, kalluumaysiga, beeraha, macdanta, iyo horuumarinta miyiga ee Gobolada Casayr, Gagaab, Noobir, iyo Barri Cajim. In mashaariicda ay bixiyaan hey’adaha caalamiga dib loo habayo dhanka maamulka iyo qaybintooda iyo goobaha lagu maalgeliyo. In Gobolka Bosaso ku darsado 16 xildhibaano cusub  ah barlamaanka Puntland; in la abaabulo guddi isugu dhafan Issimo, ganacsato, indheer-garad, saxaafad, saraakiil, culamaa’udiin u heellan soo dhowaynta iyo badbaadinta ganacsatada iyo dadweynaha gobolka Ogaden oo xoolohooda ganacsiga u keena dekedda Puntland ee dawladaha Puntland xad-dhaafka ugu tacadiyaan, ee xarrigga iyo u taxaabidda Ethiopia abaalka looga dhigay; in isbahaysiga gobolada Csayr, Gagaab, Noobir, Bosaso iyo Barri Cajim ay dhistaan Dawlad Dhexaad iyo Gole Barlamaan laga qayb-geliyo qabaailka dega goboladaas oo dhan. Waxay qurba joogtu ugu baaqday qurba joogta kale ee beelaha Gobolka Bari ka soo jeeda in ay yeeshaan shirar fool-ka-fool ah oo joogta ah oo ay kaga xaajoodaan danaha iyo horuumarinta goboladaas.

WARBIXINTII OO BAAHSAN

Gogoldhig: Maqaalkani wuxuu u qoran yahay qaab warbixin, ee ma aha mid loo qaabayey maqaal doodeed. Ujeedadiisuna waxay tahay in uu war geliyo, uuna noqdo unugga shirar dambe ee laga filayo in ay ka bilawdaan qurba joogta deggan USA, Canada, Europe, Asia, Africa, iyo Latin America. Waxaana raja weyn laga qabaa in ay qurba joogta jecel wanaaga iyo horuumarka Puntland iyo kuwa ka soo jeeda Gobolka manta loo yaqaan Bari ay fikrado iyo wax-qabad ku soo kordhiyaan, iyo in ay isku xirmaan, ayna yeeshaan shirar kala duwan ee intii isku qurba jooto ahba ay ku dadaalaan sidii lagu hormarin lahaa ummadda ku dac-darraysan Gobolka Bari; hadey u suurtowdana shir weyne ay isugu tagaan. Walowba ka qayb-gale kasta jeclaa in fikradihii la isku raacay oo dhan ay ku wada dhamaadaan; wax badan waxaa ka reebay dadka warbixinta asluubaynayey.

HORDHAC: Aan wada Hadalno Waa Aan Heshiino.

Markii ay nabad gelyada Puntland ay xumaatay, gaar ahaan nabadgelyada Gobolka Bari ay khalkhal weyn gashay; dilka dadweynaha oo aan la soo koobi karin, ganacsata suqa lagu laynayo, culamaa’udiinta masaajidyada laga ugaarsanayo iyo madax oo meeshii la doono lagu dooxayo; wax garadkii iyo dadkii aqoonta lahaa oo ka haajiraya Puntland una cararaya Somaliland, Ethiopia, Jibuti, Yemen, UAE, Cumaan, iwm; waxay qurbajoogta Gobolka Bari ee Mareykanka (USA) is dareensiiyeen in ay ka shiraan mustaqbalka nabadeed iyo horuumarinta dhaqaale ee Gobolka Bari. 

Qurba Joogey Ayaa Tahay?Qurbajoogta shirka samaysatay December 5, 2009 waxay isugu dhafnayd aqoon-yahanno, indheer garad, xoogsato warshadaha ka shaqaysa, kuwa dawlada Mareykanka u shaqaya, arday, macallimiin,  haween, dhallinyaro, odayaal siyaasiyiin hore ahaan jirey, kuwa haatan siyaasadda ku soo biiray, iwm.

Dood dheer dabadeed, waxay is tusaalayneen in aan qurba joogtu u dhamayn, aanay suura galna ahayn in ay u dhamaadaan shir ay isugu yimaadaan ama beel walba ay ka soo qayb gasho. Iyaga oo og in dhaliilo looga dhigayo in aan loo dhamayn, waxay is dareensiiyeen in ay lama huraan tahay in meel uun laga unko, intii dooneysa wanaaga Puntland iyo wanaaga Gobolka Bari na ay ka soo qayb gelidoonto shirarka soo socda. Iyagoo diyar u ah dhaliil kasta oo lagu eedayndoono ayey shirka bilawdeen.

Shuruudaha Ka Qayb Galka Shirka: Walowba markii hore shuruudaha dadka ka qayb gelaya shirka, la filayey in ay ahaato in qofku ka soo jeedo beelaha dega Gobolka Bari, qurba joogtu waa diiday shardigaa. Shardiga wuxuu isugu biyo shubatay in qofkii ku dhashay Gobolka Bari uu yahay reer Bari, qabiil kasta uu yahayba, ama gobol kaleba beeshiisu ha deganaatee, ee aan shardiga ka qayb galku noqon ka soo jeedida beelaha dega Gobolka Bari oo keliya.

Shirweynuhu Dadka Kale Ma U Furnaa?Wixii Faq Lagu Sheego Fagaarey Tagaan.

Shirka qofkii doonaya oo Somali ah ayaa ka qaybgelayey, hase yeeshee waxaa laga ilaaliyey dadka qaska sameeyaa qola kastaba ha u dhashaane. Waayo wixii faq lagu sheego fagaarey tagaan. Qurba joogtuna wax xumaan ah iyo dad colaadin kama shiri hayn ee wanaag iyo horuumar ummadeed bay ka shireysey. Waxa aan qarsoonayn in abaabulayaashu ay markii hore in muddo ah ay hawada ku kulmayeen; ama golayaasha fadhi ku dirirka isugu tageen; ka dibna ay go’aansadeen in ay isugu tagaan shirweyne ay fool-ka fool uga doodayaan danaha Puntland.

Muxay Ahaayeen Mawduucyada Laga Doodayey?Waxay marka horeba isla meel dhigeen mauduuca laga doodayo iyo  sababta shirka loo abaabulay in ay tahay dhibaatooyinka hortaagan nabadda, sidii xal loogu heli lahaa iyo horuumarka Gobolka Bari.

Qurba joogta beelaha Gobolka Bari ee wadanka Mareykanka ku nool shirweynaha ay yeesheen ay badankoodu markii hore u arkeen wax aan dhici karin, hase yeeshee marka ay qaar ka mid ah qurba joogtaas ay muujiyeen in beelaha gobolada kale ay si joogta ah u shiraan ayna soo saaraan qaraaro iyo go’aano wax ku ool ah, oo ay ku hormarinayaan beelahooda. Saas darted ayaa  qurba joogta Gobolka Bari ee wadanka Mareykanka inta shirka ka qayb gashay badankoodu ogolaadeen in ay ka qayb galaan oo ay dhegeystaan arrimaha lagaga doodayo shirka.

Si kasta oo ay tahay, qof walba waa garan karaa in wax-garad fara badan meeshii ay isugu tagaan aan laga waayi hayn fikrado kala duwan, kuwa dhanka wanaaga ka fiiriya, kuwa ka qayb galka qabiilada qaarkood ka soo horjeeda oo u arka inta qabiilkaasi ku jiro shirka in aan waxba ka hirgeli hayn; in kuwa dictator ah ay ku jiraan, oo taladooda mooyee mid kale aaney socon hayn; iyo iska hor imaad joogta ah. Si kastaba ha ahaatee, wax-garadka qurba joogta beelaha Gobolka Bari ee USA qaar ka mid ah waxay isku af garteen in la is dhegeysto oo wixii wanaag ah laga taliyo.

Kooxuhu waxay kulanka ka muujiyeen gogol-dhigna uga yeeleen in shirkaan fool-ka foolka la isugu yimid ay ka horayeen shirar kale oo lagu kulmayey hawada khadka taleefanka (Conference Call Meetings) ee is daba jooga aha oo dhex marayey wax-garadka qurba joogta degan Wadanka Mareykanka ee ka soo jeeda beelaha dega Gobolka Bari qaarkood iyagoo muddo dheer ka munaaqishoonayey danaha iyo horuumarinta arrimaha bulsho, dhaqan dhaqaale iyo diimeed.

Issimada iyo Siyaasiyiintu Ma Ka Warqabeen?

Qurba joogta qaarkood waxay noogu weriyeen in ay door bideen in ay la tashadaan aqoonyahanada, siyaasiyiinta, issimada iyo nabadoonada, iyo saraakiisha gudaha qaarkood waxayna go’aansadeen in ay isugu yimaadaan shirweyne ay kaga doodaan horuumarinta danaha Gobolka Bari.

Mawduucyada shirka ee khusayey Gobolka Bari

Mawduucyada laga dooday waxay isugu jireen nabad-gelyada, dakhliga canshuuraha, mashaariicda hey’adaha caalamiga, fulinta talooyinka iyo go’aamada qurba joogta iyo mawduuc la go’aansaday in aan saxaafadda lagu soo bandhigin.

FALANQAYN IYO LAFA GURID:

Inta aan laga doodin danaha gaarka u ah nabadda iyo horuumarka u gaarka ah Gobolka Bari, qodobada ugu horayey ee unuga looga dhigay shirka waxaa ka mid ahaa:

  • In la xoojiyo midnimada Somaliya iyo horuumarkeeda. Shirkana laga ilaaliyo wixii ka soo horjeeda danaha guud ee Somaliya iyo danaha Puntland;
  • In la adkayo horuumarka dhaqan dhaqaale, bulsho, diimeed ee Somaliya iyo kan beelaha ku midoobay Puntland;
  • In lagu dadaalo talooyin ku saabsan sidii loogu soo dari lahaa beelaha bah wadaagta la ah beelaha Puntland oo haatan ka maqan Puntland iyo qaababka ay ugu soo biiri lahaayeen Puntland;
  • In maslaxa lagaga dhaliyo beelaha ku nool Somaliya gees walba, gobolada Somaliland, Puntland, gaar ahaan Gobolka Bari oo qurba joogta qaarkood soo bandhigeen in ay colaadi ka dhexayso, nacayb soo jireen ah ee odayaal hore dhaliyeen ay jirto, loona baahan yahay xal wax ku ool ah oo lagu dawayo, lagagana gudbo xaydaamada iyo qoqobada hortaagan nabadda bulshaweynta Gobolka Bari.;
  • Sidii lagu gaarsiin lahaa Gobolka Bari horuumar barwaaqo ee dhaqan dhaqaale, diimeed iyo bulshoba.
  • In ay u bandhigaan go’aamadooda iyo talooyinka ay soo jeediyaan qurba joogta Gobolka Bari ee ku baahsan dunida daafaheeda, ayna wargeliyaan qurba joogta Canada, U.K, Sweden, Norway, Denmark, Findland, Germany, Italy, Holland, France, Austria, Swizerland, Australia, New Zealand, Indonesia, Malaysia, Pakistan, India, Egypt, Syria, Turkey, UAE, Kuwait, Saudi Arabia, Yemen, Cumaan, South Africa, Zambia, Tanzania, Uganda, Kenya, Mexico, Costa Rica iyo Brazil.

KOOXDA KOOWAAD

Shirweynaha qaybtiisii ugu horaysay waxaa lagu lafa guray dhibaatooyinka haysta Gobolka Bari iyo sababaha u diiday horuumarka nabad-gelyo, dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, siyaasadeed iyo maamulba.

Udub dhexaadka dooda kooxda koowaad: Nabad-gelyada Gobolka Bari.

Dooda culayskeedu wuxuu u batay nabad gelyo la’aanta ka taagan Gobolka Bari, dadka qaxootiga ah ee aad ugu soo kordhaya magaalada Bosaso, iyo colaada la dhex dhigay beelaha ku dhaqan Gobolka Bari. Arrinta horuumarka dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, gaadiid iyo isgaarsiin doodooda  dib ayaa loo riday, waxaana lagu ballamay in qurba joogta qaaradaha oo u dhan laga wada hadlo.

“Horuumar dhaqaale iyo baraare ma yimaado hadii aan nabadi jirin” wuxuu ahaa cinwaanka dooda. Baahida weyn ee qurba joogtu hoosta ka xariiqday waa nabad-gelyada Gobolka Bari oo meel ciriir ah mareysa, kuna abuurtay dadweynaha Gobolka Bari baqdin weyn ee gaarsiisay in intii wax tari lahayd sida takhaatiirta, aqoon yahannada, ganacsatada, iyo intii awood u leh oo ka carari karta Gobolka Bari ay u qaxaan Somaliland, Jabuti, Ethiopa iyo wadamada carabta sida Yemen, Cumaan, UAE iwm. Waxay soo bandhigeen dhacdooyinkii iyo wararkii ku saabsanaa dilka dadka, kufsashada gabdhaha, qaraxyadii furdada Bosaso, qaraxyadii ka dhacay magaalada Bosaso dhexdeeda, beelaha kala noqday taageradoodii maamulka Puntland, beelaha xaqoodii la duudsiyey ee sida tooska ah uga soo horjeensaday maamulka Puntland; falalka kooxaha qawleysatada ah ay ka samayeen Gobolka Bari oo ay marag ugaga dhigeen nabad gelyo xumada ka taagan Gobolka Bari, iyo arrimo kale ee aan saxaafadda loo soo bandhigi karin.

MAXAA KEENAY NABAD-GELYO XUMADA GOBOLKA BARI?.

Waxay qurba joogta qaaarkood dhibaatada Puntland ka taagan u arkeen in ay tahay, eedana saareen kooxa yar ee dana gaar ah ku haysata colaada beelaha, xukun ku loolanka Puntland oo noqday dhaqaale u loolan, Shirkadaha batroolka iyo macdanta ka baara Puntland, qaar waxay dusha u saareen maamulada Puntland soo maray iyo kan manta maamulka haya, qaar waxay eedayeen maalqabeenka iyo ganacsatada wadaadada isku sheega oo diin habaabay una adeega danaha shisheeye, xildhibaanada beelaha ugu jira baarlamaanka, wasiirada iyo wasiira ku xigeenada ka soo jeeda beelaha Gobolka Bari, madaxda, issimada qaarkood iyo hormuudyada beelaha deggan Gobolka Bari oo garan waayey danaha oo ogolaaday kala firirsanaanta iyo is-colaadinta beelaha Gobolka Bari. Qurba joogta qaarkood waxay doodoodu ku fogaatay wasiirada iyo ku xigeenadooda oo qaabka loo xulay uu yahay u ekaaday mid u danaynaya madaxa talika Puntland, beelahana lagu maaweeliyo in wasiirkooda iyo ku xigeenada ay la xiriiraan. Markasta oo mauduuca nabad-gelyada dhnacyada looga taraaraxo, qaybiyaha iyo isku dubaridaha muxaadarada ayaa dib ugu soo weecinayey dadka in ay ku soo noqdaan mawduuca laga hadlayo.

MAAMULKA DAWLADA, KOOXAHA DANAYSTAYAASHA, DHIRKADAHA BATROOLKA IYO MACDANTA

Walowba aad looga dooday siyaabaha ay kooxaha danaystayaasha ah, shirkadaha batroolka iyo macdanta ka baara Puntland ay u khalkhaliyaan nabad-gelyada Gobolka Bari, waxay indheer garadka kooxdu faraha ku fiiqday in maamuladii hore in kan maantaba aaney dan ka yeelan, maal gelinna ku samayn ilaalinta nabad gelyada Magaalada Bosaso iyo Gobolka Bari. Kooxdani waxay saldhig ugaga dhigeen nabad gelyo la’aanta, dakhliga canshuuraha Gobolku dhaliyo oo goobo kale loo gudbiyo iyo in dib loogu maal gelin nabad gelyada Bosaso oo muraayadda u ah Puntland. Waxa kale oo ay muujiyeen hadii dakhliga Gobolka Bari dhaliyo uu go’o in Puntland ay curyaameyso.

GANACSATADA WADAADADA AH

Walowba dhowr goor ka qayb galayaasha ay diideen in laga hadlo mawduucaan, waxay kooxdani cadaysay in ummadda Puntland ay tahay dad Islaam ah, fir-ka-fir muslim soo ahaan jirey, waxay isla meel dhigeen in ay jirto baqdin laga qabo ganacsatada maal-qabeenka ah oo wadaadada isku sheega ee Puntland, gaar ahaan ganacsatada Bosaso oo diinta sida qaladka u fahmey ee bixisa kharajka lagu maal geliyo argagixisooyin magaca diinta ku aqdaanta oo ka dagaalama magaalooyin farabadan ee somaliya sida Bosaso, Hargeisa, Beled Weyne iyo gobolada koonfurta. Culumada dinta taqaani, waxay ogyahay in dilka dadka masaakiinta ah ay tahay xaaraan dembi ah, waxay goor walba u taagan yihiin in ay bad-baadiyaan ummadda masaakiinta ah, waxayna ku dadaalayaan horuumarinta nabad-gelyada ummadda.

MADAXDA, ISSIMADA IYO HORMUUDYADA BEELAHA GOBOLKA BARI

Qurba joogta Gobolka Bari ee USA, waxay muujisay in kaalinta siyaasiyiinta, madaxda dawlada ugu jirta Gobolka Bari, iyo issimada laga sugayey horuumarinta Gobolka Bari, aaney lahayn xiriir adag iyo shirar joogta ah ay kaga hadlaan danaha guud ee Gobolka Bari iyo danaha beelaha degan Gobolka Bari.

KOOXDA LABAAD

Shirweynaha qaybtiisa labaad waxa lagu falanqayey dakhliga ka soo gala canshuuraha iyo meelaha lagu maalgeliyo; sababaha aan Gobolka Bari uga qaday, baahida Gobolka Bari, sidii loo qoon-dayn lahaa horuumarka Gobolka Bari

Udub Dhexaadka Kooxda Labaad: Canshuuraha iyo Dakhliga Puntland

Qurbajoogta ka hadashay shirka qaybteedii labaad waxay si cilmiyaysan, aqoon dheeraad ahna ay ku dheehantahay u falanqayeen oo ku lafa gureen canshuuraha soo gala Puntland, noocyada ay kala yihiin, inta ay la’egyihiin, miisaaniyadda dawlada, miisaaniyadda gobolada. Waxay xaqiijiyeen in dakhliga ay Puntland ku dhisan tahay uu yahay dakhli ka soo gala canshuuraha Puntland oo qura marka laga saaro dakhliga he’adda sirdoonka – Puntland Intelligence Service (PIS), oo ku yimaada macaawino ay Dawlada Mareykanku bixiso.

Kooxdaan aqoon yahanno ka mid ahaa waxay qeexeen in dakhliga Puntland, 97 %  ay tahay canshuur ay bixiyaan dadweynaha iyo ganacsatada ka soo jeeda beelaha Gobolka Bari. Boqolkiiba saddexda kalena ay ka timaado gobolada kale canshuuro laga qaaday.

Burcad Badeed Canshuur Ma Bixisaa?

Arrinta burcad badeedka loogama doodin dhibaatada ay keento, siyaasad iyo bulshada beel ahaan ee waxaa looga dooday dhan dhaqaale ahaan oo qura. Dadka qaarkood waxay ka doodeen sababaha looga qaadi waayey canshuur burcad badeedka Puntland oo dakhli weyn leh, maadaama la yaqaan dadka ay yihiin iyo sida dhakhsida leh ay lacagta ku yeesheen. Waxay intaas raaciyeen in dawladu ogtahay lacagta ay ka heleen burcad badeednimada halkii markab iyo inta markab ee burcad badeeda reer Puntland ay qafaalatay iyo dadka qafaashay. Waxaa kaloo laga dooday qaababka faraha badan ee loo kordhin karo dakhliga canshuuraha ka soo gala Puntland, gaar ahaan (capital gain) ee shirkadaha waaweyn e ka shaqaysta Puntland.

Waxa kale oo ay si cilmiyaysan u derseen una soo bandhigeen in dakhliga canshuurta Gobolka Bari uu u gudbo gobolda kale, badankiisana shakhsiyado gaar ah ay ku danaystaan.

Waxay soo bandhigeen in wax ka yar 3% canshuurta laga qaado hotelada, dukaamada waaweyn, macdaarada iyo makhaayadaha Bosaso lagu bixiyo mushaharooyin askarta iyo shaqaalaha dawladaha hoose ee Gobolka Bari, dakhliga intiisa kalena uu u goosho meelo kale. Waxa kale ay kooxdani soo bandhigeen in dakhliga sannadkaan ka soo galay canshuuraha dekedda Bosaso iyo magaalada Bosaso markii laga bixiyey mushaharooyinkii shaqaalaha dawlada iyo wasaaradaha dawlada iyo ciidamada, iyo wixii kharaj loo baahnaa ay soo hartay dakhliga canshuurta 90%; ayna dawladu lacagtii horay lagu lunsan jirey musuq-maasuqa ay gacanta ku hayso; lacagtiina bakhaarada ay buuxisay. Qurba joogtu waxay muxaadiradaan PowerPoint ku muujisay in xogtani ay tahay mid ay ka soo xigteen Dawlada Puntland.

Maadaama qurba joogtu ay ku heshiisay in aan wax la kala qarsan, cuqdadna aan la kala qabin in qof walba fikradiisa uu ka jeediyo shirka; qurba joogta qaarkeed wax-yaabo dhab ah, hase yeeshee la isku raacay in aan qurba joogta kale iyo saxaafadda loo soo bandhigin ayey ka sheegeen shirka. Waxaa fikradahaas loo arkay in ay keeni karaan colaad hor leh oo ka abuurmata beelaha ku nool gobolada Puntland dhexdooda.  Waxyaabaha kale oo laga dooday markii kooxda labaad ay soo bandhigeen waxaa a mid ah qaababka musuq-maasuqa loo lunsado laagta adage e laga qaado dekedda Bosaso, garoonka diyaaradaha, iyo xawaaladaha ku lug leh sarrifaada lacagta adag laga qabto canshuuraha Gobolka Bari iyo siyaabaha lacagta adag dibadda loogu dhoofiyo. Waxaa la isku raacayin aan al soo bandhigin mulkiilayaasha ku bahoobay warshadaha qarsoon ee lacagta shilin Somaliga samaysa iyo shirkadaha lagu wareejiyo oo sarifa, saamiyada la kala leeyahay iyo shirkadaha keena lacagta Shilin Somaaliga ee dibadda lagu soo daabaco iyo qarsoodiga lagu soo geliyo.

Siyaasadda iyo Canshuuraha Gobolka Bari.

Waxaa kooxda labaad ee qurba joogta shirka ka qayb gashay soo bandhigeen in shicib weynaha beelahoodu ay bixiyaan canshuuraha, qaar ka mid ah aaney xubno ku lahayn dawlada iyo Golaha wakiilada qabaailka Puntland (baarlamaanka); sidaa darted “taxation without representation” in aaney cadaalad ahayn, wax faaiida ahna aaney ku qabin Puntland. Hadaba in ay doonayaan in ay maamulka qurba joogta Gobolka Bari ay doonayaan in ay ka qaataan qayb libaax si ay u muujiyaan cadaalad darrada ka jirta Puntland, haatanna ay ka baqayaan in ay maamulka Gobolka Bari ay ku sad waayaan. Waxay intaas ku dareen in hadiise ay tabtii hore ku socoto oo beelaha ka qab- qablaya Puntland ay doonayaan in ay talada qurba joogta beelaha Gobolka Bari maroorsadaan in ay qaadici doonaan shirarka qurba joogta, ayna u sheegayaan aduun weynaha iyo ummadda Somalia.

Xubnaha beelahaas waxay ku tilmaameen in qurba joogta Gobolka Bari (meel kasa ay joogaanba) ay yihiin urur qosol ku jab “Fragile coalission” inta ay ka maqan yihiin beelaha xaqoodii la duudsiiyey. Qurba joogta ka soo jeeda Gobolka Bari way isku raaceen in beelahaas lagu badiyo maamulka qurba joogta.

Kooxda labaad ee hadlaysay waxay soo bandhigeen gobolada mashaariicdooda laga bixiyo dakhliga canshuuraha laga qaado Gobolka Bari, iyadoo baahida Gobolka Bari (oo dhaliyey dakhliga canshuuraha) aan wax mashaariic ah loo qaban, loo qoondayn, qorshayaasha dawladana aaney ku jirin.

BAAHIDA GOBOLKA BARI

Baahida ay qurbajoogtu magacawday ee Gobolka Bari waxaa ka mid ah kharajyo loo baahan yahay in lagu bixiyo:

  • Nabadgelyada Magaalada Bosaso.
  • Nabadgelyda Gobolka Bari.
  • Magaalada Bosaso oo khashin meel walba daadsan yahay oo u baahan in la nadiifiyo.
  • In la dhiso jidka magaalada dhex mara oo aada Qardho oo aan weligii la dayac tirin.
  • In la dhiso jidadka magaalada Bosaso ee muraayadda u ah Puntland oo dakhliga dhalisay .
  • In loo dhiso suuqyo xaafadaha balladhay ee magaalada Bosaso oo u soo suuq taga magaalada gudaheeda (malls, and small markets –The city needs urban planning). Suuqa haatan la dhisayo kuma filla Bosaso.
  • In magaalada Bosaso loo samayo qorshe magaalayn (Town planning).
  • In Bosaso loo qaybiyo degmooyin ku salaysan xaafadaha ay ka kooban tahay, si loo sugo nabad=gelyadeeda iyo nidaamka magaalo ee haqab tiri kara baahida gurmadka deg-degga (emergency vehicles: Police, ambulance, fire brigade)
  • Waxbarashada Gobolka Bari.
  • Caafimaadka Gobolka Bari.
  • Dayac tirka dekedda dhalisa dakhliga oo ciid, biro, badeecado markii la dejinayey iyo markii la dhoofinayey badda ku dhacay iyo khashin ka buuxsamay marsadaha ay maraakiibtu ku xiranayeen.
  • Jidad isku xira Magaalada Bosaso iyo Gobolka Bari intiisa kale.
  • In hoy loo samayo caruurta agoonta ah (dib jirowday)  ee khashinka la daadiyo cunno u doonata. In ubadkaas la uruuriyo oo wax ay cunaan, wax ay xirtaan, iyo waxbarasho loo qoondayo.
  • In qaxootiga laga raro magaalada oo la geeyo meel cusub sabab nabad gelyo awgeed. Maadaama qaxootiga ay maamulaan he’adaha caalamiga sida United nations High Commission for Refugees (UNHCR), gooni loo saaro, lagana fogayo magaalada si aaney ugu soo dugaalin dadka argagixisada ah ee arbushka wada. Qodobada baahida ee la soo bandhigay aad ayey u badnaayeen, oo si aan warbixinta loogu daalin ayaan intaas ku soo koobeynaa.

Dhanka mashaariicda loo baahan yahay, qurba joogtu waxay isu mari weydey in la dhiso dekedo kale, sida furdooyinka Las-Qorey, Qandala, Xaabo, Caluula, Bargaal, Hurdiyo-Xaafuun, Bender Beyla, Eil, Garacad, iwm. Waxayna isku raaceen in aan laga bixin dakhliga canshuuraha ee lagu doono mucaawino.

KOOXDA SADDEXAAD

Qurba joogta kooxdeeda saddexaad casharka ay soo bandhigeen wuxuu guda galay tirada hey’adaha caalamiga ee macaawinooyinka bixiya, goobaha ay xaruntooda ku salaysan tahay, siyaasadda dawlada la xidhiidha he’yadaha caalamiga ee gar-gaarka, gobolada ay ka hawl galaan, baahida gobolada ee mashaariicda gargaarka hey’adaha caalamiga,

Udub Dhexaadka Kooxda Saddexaad: Hay’adaha Caalamiga iyo Macaawinada ay Bixiyaan.

Marka horeba waxay soo bandhigeen kooxdani in mashaariicda macaawino ee gar-gaar iyo horuumarineed ee ay bixiyaan hey’adaha caalamiga ay ku qul-qulaan Koonfurta Somaliya, eedna waxay saareen qurba-joogta aqoon yahannada Puntland oo aan lahayn xiriir wanaagsan iyo ururo u ololaya danaha iyo horuumarka Puntland “doqoni laba iyo toban indhood bay leedahay, kow iyo toban ka mid ah waxay ku fiirisaa walaalkeed”. Waxay kaloo eeda saareen maamulka dawlada Puntland (maamuladii hore iyo kan haatan talada haya) oo aan la tashan, kana codsan in ay kaalmayaan una hiiliyaan dawlada Puntland.

Walowba mashaariicda ay bixiyaan Hey’adaha Caalamiga ay aad u yaryihiin marka loo eego tan Koonfurta Somaliya ayna ku hesho magaca Somaliya oo dhan, ayaa kooxda saddexaad aad uga hadashay mashaariicda horuumarineed iyo mashaariicda gurmadka ee Hey’adaha Caalamiga (NGOs) ay siiyaan Puntland ay ku kooban yihiin gobolla tirsan, hase yeeshee Gobolka Bari oo ugu dad badan, uguna baaxad weyn aan waxba laga siin uuna ka qatan yahay mashaariicdaas.

Indheer-garadka qurba joogtaan soo bandhigay mawduucaan waxay ka doodeen oo isla meel dhigeen qawaaniinta lagu bixiyo mashaariicda, gaar ahaan kuwa ka yimaada wadamada Horuumaray ee Dawladda Puntland loogu deeqo (bilateral assistance), iyo kuwa ka yimaada Hey’adaha caalamiga (multilateral assistance) sida kuwa Jamciyadda Quruumaha ka Dhexaysa laanteeda Horuumarinta Mashaariicda (United Nations Development Programs UNDP) ay raacaan oo u hogaansamaan sharciga sheegaya in lagu maalgeliyo goobaha ay ka jirto baahida (ugu badan) mashruuca horuumarineed, iyadoo ku salaysan sida loo kala dad badan yahay (development programs should be allocated based on the need and where the need is greater based on population size); hase-yeeshee maamulka dawladda uga wakiil ah uu ka dhigay mid uu ugu danayo beelo gaar ah, maamulkaasina ka soo horjeedo mabaadiida saxda ah ee lagu qaybiyo mashaariicda. Waxay aqoon yahannadu soo jeediyeen talooyin wax lagaga bedelayo maamulka dawlada ee haatan gacanta ku haya qaybinta mashaariicda horuumarineed ee waxbarasho, caafimaad, gaadiid, isgaarsiin, kallumaysiga, biyaha, beeraha iyo horuumarinta miyiga.

Ninkii hadlayey hadaladiisii waxaa faalo ka bixiyey dhegeystayaasha nin ka mid ah oo ka hadlay arrimo fara badan oo xasaasi ah badankoodana aan halkaan lagu qori hayn xasaasiga ay leeyihiin darteed. Ninka faalada bixiyey aqoon uu u lahaa qofka muxaadirada soo jeediyey beesha uu ka soo jeedo darted buu wuxuu yiri “Markii Galkacayo School laga dhiso, Caluula iyo Dhurbo school ha halaga dhiso, hadii bukaan socod eegto laga dhiso Garowe, Baargal iyo Dhahar qaar ha laga dhiso, ileen iyagaba dad baa jooga”. Wuxuu intaas ku sii daray “Adigu wiilkaagi wax bartay oo gabadhaadii school u dhistay oo caruurtaadii iyo haweenkaagii dawaysatay; aniga wiilkaygu weli geelii buu la jiraa, ee goormaan anigu wiilkayga school geysanayaa oo wiilkaygu wax baranayaa? Xaasaskaygu dhiig bax bay iiga dhintaan, hadaba gabadhaydii baa jiran ee goormaan gabadhayda daweysanayaa? Anagu idiin deyne markaad dalawga ceelka u ridateen; xoolihiinii cabe, hase yeeshee bal annaguna aan xoolaha waraabsanee, dalowga (wadaanta) gadawga yaan nalaku qabsan intaan ceelku gurin- Xoolo markey cabaan baa ceelalyo heshiisaa – hunguri weyni waa cudur aan dawo lahayn- “ hal xaaraan ahna, nirig xalaala ma dhashee”, shirka waxa loo abaabulay ma siyaasad iyo khiyaano hore leh baa? Ninkii Seyidka u gabyey wuxuu yiri: Muslinimo ninkaan kuula socon, mu’minnimo khaas ah, Gaal maxaysta kuu dhawra ood magan gasaa dhaama” -Aniga go’aan ha ii soo gaarin, oo ha iga saxiixan ee aynu go’aan isla gaarno. Ninkii hadlay daacadnimada uu ku hadlay, wuxuuna yiri, beeshaydu wax faaido ah kuma qabto maamulka Puntland; canshuurtana waa la iga qaadaa; hadaba gobolkayga gooni baan ula go’ayaa, anigaana is-maamulaya, mana ogolaanayo in mar dambe la I maamulo. “Aan ku cuno aan kugu ciil baxo, hayga caban waana; aan ku rarto, aan kugu reer dhaqdo, hayna kala reebin. Hadii aniga wiilkaygu dilo adiga wiilkaaga, waleeleynu nahay iyo dad aan wax isla waayeyn; hadiise adiga wiilkaagu dilo aniga wiilkayga, wareer baad wadaa iyo wax aan lagu walaaloobin”. Waxaa shakhsigaas laga codsaday in uu joojiyo khudbadiisa. Wixii uu ka hadlayna runbay ahaayeen, hase yeeshee waxaa loo arkay in uu dadka Puntland colaad dhex gelinayo- Taasina waxay ka soo horjeeday talooyinkii saldhigga looga dhigay shirweynaha. Ninba si u arag; waxaana shirka ka qayb galayaashii ugu bogeen waa daacadda iyo calool fiyoobida loo wada hadlay.

Ninkii ku xigey oo u jawaabayey ninkii ka horayey wuxuu u hadlay nabadoonimo iyo sama ka talin wuxuuna yiri “Beelaha Puntland waa dad isla wada dhashay, waxba isuma jiraan abtirsiinaha, dadka waxaa dhexyaal nebcoodi shishe oo odyaal hore samayeen; hase yeeshee sahlan sidii lagu dawaynlahaa, ha la xisaabtamo- Maxaa loo qabtay Bosaso hadey canshuurtii bixisay? Maxaa Baargaal iyo Toxin loo qabtay? Maxaa Buruc iyo Guryasama loo qabtay? Maxaa Rako Raaxo iyo Duud Hooyo loo qabtay? Maxaa Meeladeen iyo Ciira Dhame loo qabtay? Hadii walaalkaa markii hore sedkaaga dhacay, haatan buu waxwalba kuu ogol yahaye la xisaabtan.  Waa runtaa oo Hal xaaraan ah, nirig xalaal ah ma dhasho; xataa hadey nirgo farabadan dhasho oo geelu kuu bato, boqol sano baan hayey, xalaal kuuguma noqoto. Xaaraanta oo jirta baynu xisaaabtameynaa, ka dibna waxaynu ku bedeleynaa xalaal. Waa hal irmaan oo sannad walba dhaleysa ee ha la helo nabadii lagu lissan lahaa. Boowe deriskaaga baadiye kula degan ha ku gudin oo ha dhagax yayn, xoolahooda ha u humbaalayn oo ha ka didin xoolaha. Yaan colaadi na soo gelin, oo dhibaatada koonfur haysata yey na soo gaarin. Boowe koonfuri intaa ay bel-beleysay inagu heshiis baynu ahayn. Dhib kastoo laga sheego, Puntland waa nabad. Wadaadadeenu dhibaatada kuwa koonfur ku hayaan naguma hayaan. Bal wadaadadoodu waxay naagihii ku dileen oo qoorta uga gooyeen “Walax Raaracey Rorojisey” Ma aha in ay wax tustay wadaadka oo isaga wixiisu kaceen, ee waa “bakhti noolaye ay candhada gashatay (Keyshali bay qabtaa baa lagu dilay)”. “ Urur-baa-urur kale dhala. Ha ilaawin markey USC rintay in ay dhashay Maxaakiimta, iyaduna ay dhashay Shabaab, Xisbul Islaam, Sunna Wal Jamaaca iwm. Suaashu waxay tahay, maadaama shaarkii diinta wax ma garatada loogu dugaalayey uu gubtay, maxay kuwani dhali doonaan? Yaa qob moos loo tuurayaa? Dhexdeena waynu ka heshiineynaa ee sheegta waxaad tabaneysaan”.

KOOXDA AFRAAD

Kooxda afraad waxay ahayd koox laga abaabulay shirka dhexdiisa, waxaana loo xilsaaray in ay soo bandhigaan qodobada laga hadlay xalkooda iyo in ay soo koobaan doodihii shirka intii la isku raacay galabtii.

Udub Dhexaadka kooxda Afraad: Talooyinka iyo Go’aamada Shirka

Qodobada la isku raacay oo ay soo abbabuleen kooxda afraad waxay ahaayeen:

  1.  
    1. In Gobol Bari yahay gobol baaxad weyn, masaaxad ahaan, dad aad u fara bandanna ku noolyahay, sidaa awgeed loo baahan yahay in Gobolka Bari loo qaybiyo shan gobol si maamul sahlan oo awood u leh fulinta arrimaha lama huraanka ah ee bulsho, dhaqan-dhaqaale ee Gobolka Bari. Shanta gobol aqoon yahannadu waxay qaybintooda iyo xaduudadooda saldhig uga dhigeen dhaqaalaha gobol walba dhalin karo, maamulka gobol walba yeelan karo, iskaashiga iyo baratanka shanta gobol yeelan karaan, iskaashiga dhexmari kara beelaha deggan shanta gobol, sida kalluumaysiga, horuumarinta biyaha iyo beeraha, xoolaha, xabkaha,ganacsiga, wadooyinka iyo isgaarsiinta, waxbarashada iyo caafimaadka. Qorshaha kala qaybintaGobolka Bri waxaa ka qayb galay wax garad aqoon u leh maamulka dawladeed, dhaqaalaha, dhissida wadooyinka gaadiidka, waxbarashada, beeraha, kallumaysiga, ceelasha biyaha, daaqa iyo ugaarta, caafimaadka, macdanta iyo patroolka, qorshaynta xaafadaha iyo degmooyinka, qorshaynta dhaqaale iyo canshuuraha, horuumatinta dhaqaale ee wadamada soo koraya, qorshaynta iyo dib u habaynta magaalooyinka iyo wax-garad aqoon dheer u leh beelaha goboladaas dega iyo issimadooda. Xubnihii guddigaan kooxda afraad waxay isu xilsaareen in ay soo saaraan qorshe bayaan ah oo lagu hirgelinayo qaybinta iyo horuumarinta maamul iyo dhaqaale ee gobollada cusub.
    2. In magaalada Bosaso loo qaybiyo 16 degmo. Magaalada Bosaso waxaa haatan deggan dadweyne lagu qiyaasay hal malyan iyo boqol kun oo qof. (Kororka dadka (dabiici oo dhalasho laga jaray dhimasho, iyo soo galootinimo koror ah “Natural growth plus huge influx of migration) oo xawli sare ku socda). Saas darted in Magaalada Bosaso laga dhigo gobol gooni ah. Kooxda afraad waxay si buuxda u muujisay (iyagoo tusaalooyin fara badan u soo qaatay xog iyo warbixino jira)  in magaalada Bosaso ay noqotay magaala la ilaawey nabad gelyadeeda iyo horuumarkeeda, ayna noqotay meel dakhliga canshuuraha dhalisa oo keliya. Kooxda afraad waxay magaalada Bosaso barbar dhigtay magaalooyinka Muqdishow (16 degmo), Garowe (7 degmo), Galkacayo (4 degmo). Waxyna kooxdani ku salaysay qaybinta magaalada Bosaso waa tirade dadka degan, xaafadaha ka jira, siyaasadda dhaqan dhaqaale, maamulka loo baahan yahay si loo hantiyo nabad gelyada iyo horuumarka arrimaha ijtimaaciga. Waxay kooxdu qeexday oo ay soo bandhigtay in nabad gelyada magaalada hal saldhig laga maamulo, ay leedahay hal guddoomiye degmo oo aan ka badnayn dacwoyinka odayaashu ugu keenaan xarunta dawlada hoose; iyo in la kala qaybiyo loona saafo masuuliyadda guddoomiyaha degmada (commisario) iyo masuuliyadda guddoomiyaha gobolka (Governatore). Waxay kooxdu caddaysay in haatan saldhig qura laga maamulo nabad gelyada iyo arrimaha bulsho sida gargaarka deg-dega ee caafimaadka (ambulance) iyo gurmadka dab-damiska oo aan jirin. Arrintaan waxay wax-garadka soo bandhigay talooyinka ku soo gunaanadeen in magaalada Bosaso laga dhigo gobol gooni ah oo u qaybsama 16 degmo. Degma walbana goonideed isu maamusho oo nabad gelyadeeda sugto.  Degmooyinkaasina ay hoos tagaan hal maamul Goboleed.  In gobolka nabad gelyadiisa degma walba ciidamada nabad ilaalinteeda ay ka qorto dadka degmada deggan oo kala yaqaan dadka degmada degan.
  1. Marka laga reebo gobolka Cusub ee Bosaso, in Gobolka Bari intiisa kale in loo qaybiyo afar gobol oo kala ah Gobolka Casayr (Calula), Gobolka Noobir (Bargal), Gobolka Gagaab (Iskushuban) iyo Gobolka Barri Cajim (Carmo) si loogu samayo horuumarin dhaqaale, nabadgelyo, waxbarasho iyo caafimaad. Waxgaradku waxay isku raaceen in Gobolka Bosaso, Gobolka Casayr, Gobolka Nobir, Gobolka Gagaab iyo Gobolka Barri Cajim mid walba loo samayo maamul u gaar ah oo maamul walbana uu ku dadaalo sidii uu ku hormarin lahaa gobolka uu mas’uulka ka yahay. Maamulka Puntland waa in uu ku dadaalo sidii uu u gacan qaban lahaa gobolada curdinka ah.
  1. In magaalada Bosaso laga magacaabo guddi isugu dhafan issimo, ganacsato iyo aqoon yahanno, una qaabilsan soo dhowanta iyo hawl u fududaynta duqayda iyo ganacsatada ka timaada gobolka Ogaden. Ujeedada qurba joogtu ma aha in ay moogan yihiin in xoola badan oo ka yimaada Ogaden ay ka dhoofaan dekedda Bosaso, halkii neefna laga qaado $7, ee waxay tahay in labada maamul ee ugu dambayey Puntland ay ku kaceen waxyaabo lidi ku ah dadka walaaleheen ah oo ka yimaada gobolka Ogaden iyadoo la isugu daray xarrig iyo dad gadasho.
  2. In isbhaysiga gobollada Casayr, Gagaab, Noobir, Bosaso iyo Barri Cajim ay samaystaan Dawlad Dhexaad iyo Gole Baarlamaan, lagana qayb geliyo qabaailada dega goboladaas oo barlamaanka isbahaysiga goboladaasi aanu noqon sida kan Puntland.
  3. In la abaabulo guddi isugu jira Issimo, ganacsato, ururada haweenka, culamaa’udiin, saxaafad,  saraakiil iyo indheer-garad oo u qaabilsan soo-dhowaynta iyo ka hor-tagga tacadiga dawlada Puntland ku hayso ganacsatada xoolaha keenta dekedda Bosaso, iyo dadweynaha u yimaada ganacsiga Puntland. Guddigaasi in xilkoodu yahay in ay ka hor-tagaan xir-xirida iyo shicibka Ethiopia loo taxaabayo iyadoon aan dadku dembi lahayn. Xilka gudigaas wuxuu noqonayaa sidii uu u mamnuucilahaa dadka Dawlada Puntland u gudbineyso Ethiopia.
  4. Waxay qurba joogtu ka codsatay in wax garadka gobolka Casayr ay ka tanaasulaan ku dhawaaqidda dawlad madax banan ee Casayrland oo ay ogolaadaan in ay noqdaan gobol ka tirsan Puntland. Arrrintani waxay ku timid markii ay aqoon yahannadu ogaadeen in beelaha dega Casayrland ay bisha soo socota dabayaaqadeeda ay ku dhawaaqayaan Dawlad Goboleed madax banan.

KOOXDA SHANAAD

Maxaa ka Hor-imaan Kara Hadii la isku Raaco in la Fuliyo  Go’aamada Shirka ka Soo Baxa?

Aqoon yahannada kooxda shanaad ee qurba joogta beelaha Gobolka Bari ee USA waxay soo bandhigeen raadreebka iyo falalka lidka ku noqon kara hirgelinta talooyinka iyo go’aanada ka soo baxa shirarka qurba joogta iyo fulinta go’aamada hadii ummadda Gobolka Bari isku raacdo in ay ku hawl galaan. 

Udub Dhexaadka kooxda Shanaad: Talooyinka iyo Go’aanada Shirarka Qurba Joogta Fulintooda

Waxay odoroseen in dhibaatooyin fara badan ka hor imaan kara hir-gelinta talooyinka iyo go’aamada shirka. Waxay soo jeediyeen saadaasha, mala-awaalada, kala xulashada talooyinka, carqaladaha, xaydaamaha, turaanturooyinka laga mutaysan karo fulinta iyo hirgelinta talooyinka iyo go’aamada qurba joogta Gobolka Bari (Hypothesis, alternatives, options, obstacles and consequences of the execution of the recommendations or transforming the recommendations into actions).

Aqoon yahannada soo bandhigay mawduucaan waxay dhegeystayaashu u arkeen in ay yihiin belaaya-sheeg iyo jinniya arag baqdin gelinaya, hase yeeshee waxaa dadka qaarkood u arkeen in ay yihiin dad xoog ogaal ah oo garanaya in ay adagtahay in la hirgeliyo talooyinka iyo go’aamada ay soo jeediyeen qurba joogta beelaha Gobolka Bari.

Kooxdani waxay qurba joogta iyo dadka ku nool gudaha uga digyesey dhibaatooyin ka imaan kara hirgelinta talooyinka iyo go’aanada ay soo jeediyeen qurba joogta.

Su’aalaha ay soo bandhigeen waxay u badnaayeen kuwa ku wajahan maamulka taliska haya, issimada, siyaasiyiinta, aqoon yahannada, culamaau’diinka, ganacsatada, ururada haweenka, saraakiisha iyo hogaanka Gobolka Bari. Su’aasha ugu weyn waxay ahayd Talisku ma u ogolaanayaa madaxda iyo issimada Gobolka Bari in ay danaha Gobolka Bari ka shiraan, ama taliska Puntland tix geliyo talooyinka iyo go’aamada qurba joogta? Gaar ahaan waxay muujiyeen awoodda military ee ka maqan Gobolka Bari. Waxay qeexeen in awooda dhanka ciidamada xoogga ay gobolada kale haystaan aaney haysan beelaha Gobolka Bari. Waxay kaloo muujiyeen   sida ciidamada beelaadka gobolada kale isugu xiran yihiin aan ciidama beelaadka Gobolka Bari isugu xirnayn oo la kala wiiqi karo.

Maamulka Taliska Puntland

Waxay muujiyeen in madaxda taliska maamulka Puntland haya ay xoog iyo ciidan ku muquunin karaan in aan issimada, siyaasiyiinta, indheer garadka, aqoon yahannada, madaxda,  ganacsatada, culumaa’udiinka, saraakiisha, dhallinyarada, haweenka, iyo maamulka Gobolka Bari aanay ka shirin mustaqbalka iyo danaha Gobolka Bari. Waxay kaloo is tusaalayeen in taliska Puntland gooni ugu yeero issimada qabiilada ciidamada beelaadka leh, jeebka loo qooyo; halkaasna lagu burburiyo yididiiladii qurba joogta beelaha Gobolka Bari.

Waxay soo bandhigeen taariikhda iyo falalka talisyada Puntland soo maray ay ka geysteen Gobolka Bari, halganka ay u galeen xukunka Puntland, taariikhda halganka loo galay qabsashada dekedda Bosaso iyo garoonka diyaaradaha Bender Qasin; Siyaabaha talis kasta u maamushay dakhliga canshuuraha Dekedda iyo canshuuraha magaalada Bosaso; wax-ka-qabasha la’aanta nabadgelyada iyo danaha magaalada Bosaso iyo Gobolka Bari, dayac tir la’aanta dekedda dakhliga dhalisa. Wax garadka soo bandhigay casharkaan waxay arrintaan bar-bar dhigeen talisyada dictatarada iyo talisyada musuq-maasuqa ku can baxay ee wadamada soo koraya.

Walowba ay kooxdani soo jeedisay waxyaaba dhici kara, oo khal-khal gelin kara nabad gelyada Puntland, qurba joogta qaarkood oo ka daba hadlay waxay qaarkood isticmaaleen erayo laga isticmaalo wadamada qaxootigu ku badan yahay iyagoo ku tilmaamaya gobolada Puntland qaarkood “welfare regions”, “parasite administrations”. Ergooyinka qaarkood waxay diideen in la isticmaalo erayada “gafanayaasha ku naaxay kheyraadka Gobolka Bari”, iyo erayo la mamnuucay isticmaalkooda.  Qurba joogta qaarkood waxay kooxda soo bandhigtay mauduuca ku tilmaameen fuleyo qurba joogta baqdin gelinaya, laaluush qaatayaal, rajciyiin iyo in qaarkood ay ka soo horjeedaan horuumarinta danaha Gobolka Bari. Hase yeeshee aqoon yahan ka hadlay muxaadirada ka dib oo dhiiri gelinayey qurba joogta wuxuu khudbadiisa ku soo gunaaday erayadaan “Afdalu an tamuuta waaqifan man an taciisha raakican” iyo  “meglio moriire in piedi che vivere in ginochio” “Meglio vivere un giorno da leone che vivere cento anni da pecora” – micnihii oo kooban wuxuu yiri “Reer Bari dufow oo duf-ku-bax, ee heeryada lagu saaray iska qaada – Nolol  fool xun, geeri baa dhaanta”.

Muxaadirada kooxda shanaad qofkii ugu hadal dambayey oo dadka badankiisa ka qosliyey wuxuu ku yiri qurba joogta: -Runta cilmiyaysani dadka waalan (majaaniinta) afkeeduu ku jiraa oo Caynab baa yiri “Reer Bariyow dekediinii bixisee, dabadiina la fayd-faydayo iska diida” – Lacagta canshuuraha Reer Bari waa la jecelyahay, dadkeedana xil iyo mas’uuliyad lama jecla, iyagana iney dad wax maamulan kara looma haysto-Boowe manta bisadii jawaanka laga soo saarye, armaa Issimadaydu I gabaan, oo jeebka loo qooyaa?..

La soco qaybta labaad ee warbixinta oo qeexeysa iskaashiga qurba joogta Gobolka Bari, shanta gobol ee loo qaybiyey Gobolka Bari (Bosaso, Casayr, Gagaab, Nobir, Barri Cajim) iyo caasimahooda magaalooyinka lagu soo taliyey in laga dhigo; degmooyinka cusub ee gobolada cusub, xaduudada gobolada cusub,dakhliga gobol walba loo qoondayey iyo sababaha loogu qoondayey, gobol walba tacabka uu ku xel-dheeraanayo tacbidiisa, iskaashiga dhex maraya gobolada, qurba joogta tabaruca dhaqaale ee laga sugayo, iskudubardka macaawinooyinka la filayo in ay soo gaaraan gobolada cusub; sababaha markii hore la isugu raaci waayey in Gobolka shan gobol keliya loo qaybiyo markii dambena loo soo yarayey; dakhliga dekedda oo 30% loo qoondayey in lagu maalgeliyo Gobolka Bosaso; 40% dakhliga dekedda oo loo qoondayey in lagu maalgeliyo afarta gobol oo kale (Casayr, Gagaab, Noobir, Barri Cajim); qaabka ciidamada nabadgelyada laga qorayo gobolada iyo degmooyinka ay nabad-gelyadeeda sugayaan iyo sababaha keenay talooyinkaas; sida loo maalgelinayo waxbarashada, caafimaadka, shaqa abuurista Gobolka Bosaso iyo afarta gobol ee Casayr, Gagaab, Nobir iyo Barri Cajim. Go’aamada la xiriira sidii la isukugu xiri lahaa qurba joogta ka soo jeeda Goboladaas ee ku baahsan dunida daafaheeda, iyo sidii loo kala tala qaadan lahaa; talooyinka ay qurba joogtu isku raacday iyo kuwa ay iskaga soo hor jeensadeen; sababaha looga codsaday qurba joogta Casayrland in aaney ku dhawaaqin dawlad goboleed gooni ah bisha daba yaaqadeeda, oo aaney uga go’in Puntland iyo shirarka beelaha Casayrland u socda in laga codsado in aaney ka go’in Puntland “Haad habeen kacay, waxbaa kiciyey”. HAPPY NEW YEAR- Kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay. 
 

Mahadsanidin

N.B. Waxaan ka codsaneynaa guddiyada  qurba joogta kale ee qaaradaha iyo wadamada kale in ay nagala soo xiriiraan  ReerBari@live.com 

farjacProf. Farjac kala xiriir: farjac@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Warbixinta Shirkii Qurba Joogta Gobolka Bari ee USA – Qaybtii Koowaad "

  1. Faarax says:

    xumaan uma arko haddii uu qofku ka fekerayo horumarka deegaankiisa
    oo rabo in uu hor mariyo ,waa qayb kamid ah horumarka wadankeeena
    aad ayaan ugu mahadcelinaya prof farjac
    ey nu iska deyno in qof la eegto ,
    qofkii horumar wada waa lasoo dhoweynayaa

  2. sharmarke says:

    Ninka sheegtay in uu professor yahay, balse ka buuxa fakar qabiil saldhiggiisu yahay, fili mayo inuu xal u helayo bulshada Somaliyeed guud ahaan, gaarahaanna kuwa dega gobolka Bari. Maanta Bari waxaa dega dhammaan qabaailka Somaliyeed badidood. Ninakan oo goortuu u tartamayey Madaxtinimada Puntland ka dhigtay ololihiisa inuu ummadda ku kiciyo qabiil, ma suurogal baa inuu waji ka duwan kii hore la yimaado.

    Waxaa ii muuqata inuu anaaniyad qabiil ku kicisay qorshihiisan. Waxaa muuqata inuu garab ordayo kuwa la baxay Puntland Diaspora Forum. Kuwaasoo uu ka urinayo inay yihiin bah gaar ah.

    War heedhe si xalaal ah u fakar.

  3. Asc salaan ka bacdi Pr.Farjac aad ayuu ugu mahad-sanyahay warbixin-tan cilmiyaysan oo ka hadlaysa horomarinta dadka reer puntland runtiina waa waaya-arag wax fiican la jecel soomaali dhammaanteed isagoo ku darsaday aqoon iyo daacad-nimo uu maalkiisa iyo waqtigiisa ku bixiyo in uu dadkiisa wax ugu qabto.Farjac wuxuu ahaa horyaalkii doorashooyinkii ugu dambeeyey ee Puntland wuxuuna ahaa musharrixii shacabka isagoo ka hadlayey xaqiiqada ka jirtay Puntland,sheegayeyna cilladaha jira isagoo isla markaas keenayey xalkoodii,wuxuu kaloo ahaa macallin shacabka iyo madaxdaba waxbarayey isagoo aan dan gaar iyo mansab aan midna doonayn.Guulayso ha daalin,sabirkaaga badi .Farjac+Soomaali-Talk=geesiyaal aan la garan?

  4. jamaal says:

    prof farjac waan salamaya salan kadib
    waa arin fican mar hore ayaa looga fadhiyey qurbo joogta gobolka bari in ey deegaankooda wax u qabtan , aan wax qabsano ma ahan xumaan
    sababtoo ah deegaankasta dadkiisa ayaa horumarsada
    waxan u rajaynayaa guul qurbo jooogta gobolka bari

  5. shucayb says:

    wan kaxumahay in usku so taga in puntland u madaxwayne ka noqdo
    manta dad reer puntland kala qoqobidiisa iyo qabiil waxku raadiyo wlaahi wa waxlag xumaado anigu markii uu tar tamaye wan tageer sana oo hadii ay codayn ahan lahayd isagan u codayn lahaa lakin manta wuxuu yahay
    buu banaanka u so sara waxaana ku sheegayaa waxaa aad sheegyaso in aysan meel garayn haba yaraatee madaxweyne aad puntalnd ka noqota waxay kuu jidaa inta cirka kuu jiro inta aad kala qoqobayso gabolad puntaland kala jeclaysanayso ………

  6. maxamadyare says:

    waxan salmayaa bahda somalitalk kadibna prof farjac; qurbjoogta gobolka bari mar hore ayaan uga fadhinay horumarka gobolka waxa aad kahadasheena dhamaan run ayay ubadan yihiin reer bari dadka uma liitaane malha baladhka gobolka iyo fara badnida dadka kunool yaa nin waliba is yiri mas;uuliyadaa maqaadi kartid ogaada isku dhaca labada beelood ee walalaha ahaa abidkood ee cali jibraahiil iyo cali saleebaan waxa isku dhufashadoda iyo isku diridooda ay bilaabatay markii la, arkay isku duubnidii ay kamuujiyeen samysashada maxjar ganacsatadu leedahay ayna miiska uwada garaaceen iyagoo iskuuduuban madaxwaynihii hore ee puntland oo isagu waday maxjarkii jaabiri iyo madaxwaynihii hore ee federalka mudane yuusuf malintaa wixii kadanbeeyay waxa bilowday isku dirkii labda beeled ee walalha ahaa hadaan warkayga soo koobo armaad horumarintiina maahee reer bari aad isku dirtaan idinkoo u adeegaya walaal aan xishood aqoon iyo baqdin aqoon mahadsanidiin

  7. ali says:

    mesha waxa moodayey meel xor ah qof walba rayigiis aka hadli karo lakin webkisa bey u daran tahay aniguna wan ogadey ineydan dhexdhexad ahyn lakin wana garanay waxa aad u buunbuunineyso farajac & arintiisa

  8. omar says:

    salan kadib aaad yaan u gu faraxsanahay fikradaha iyo hawlaha wanaagsan ee aad haysid prof. farjac
    waa arin muhiimad ;leh dadaal
    wax qabad wanaagsan ayaan ku leeyahay adiiga iyo inta hawsha kula wada

    thank you all

  9. Saciid says:

    Waxaan ku farxay Prof. Farjac Qoraalka uu Soomaali u soo qadimay. Waa arrin waligeyd la doonayey. Waa arrin ay dadkii lahaa ay awoodi kariwaayeen, balse runtii ay tahay badi yihiin kuwo aan awood iyo aqoon u lahayn wuxuu Prof. ka hadlay. Maxaa keenay in Gobol laga dhigo Karkaar, Nugaal, iyo Mudug. Maxaa keenay Maxdada Puntland laga dhigo Mudug, Karkaar, iyo Nugaal una diiday Qof kale ee Puntland. Taasi waxaa ka daran maxaa wixii aan ka ahayn Degmada Boosaaso ee loogu xishay Dekada loogu diiday WAX HORUMAR AH oo aan ka ahayn Degmooyinka Gaalkacayo, Garoowe, iyo Qardho. Marka laga saaro Boosaaso maanta dhaqaalaha, horumarka, ardayda wax barata, caafimaadka iyo wax kasta ee horumar ee yaala puntland waxaa loo dhameeyey Saddexdaas Degmo ee kala ah: Qardho, Garoowe, iyo Gaalokacayo. Bal fiirsha wax qoraalka iyo beenta la sheegayo, Soomaalida kale ee aan ka ahayn waxaa loo diidan tahay inay NOOLAADAAN. Dagaal, colaad, isku dir, u diidid horumar, iyo xasad ayaa lagu hayaa…..waa arrin markii hore Soomaali weyn lagu kala tuuray, loo colaadiyo Somaliland iyo maantana waxay ku sugnaatay Puntland. Warkaan si fiican ha loo dhuuxo. Waxaan oran lahaa Allaha weyn kheyr iyo bareere ha siiyo Prof. Farjac. Waa Ilaahey mahadiis wuxuu ka dhawaafijiyey. Waa arrin in muddo ah sugeyney. Waa saaxiibkiin Saciid Boolay

  10. omar says:

    waa arin fiican prof
    aad ayaan ugu faraxsanahay

    wel done prof

  11. mohamed ismail says:

    ACWW.
    Salam ka dib aad ayaan u taageersanahay programka loogu dhisayo maamul gobolka bari , sida la ogyahay gobolka bari waa gobol baaxad wayn oo u baahan in loo helo mamul .
    baryahan dame waxaa soo badatay amaandaro ka muuqatay gobolka bari, taas oo loo aanaynayo waxqabad la aanta dawlada dhexe , maamulka gobolka iyo kan degmada.
    prof. farjax waa ku mahadsanyahay hawshaas waana mid loo baahanyahay waana xiligeede .