Home » Maqaallo »

Puntland iyo sanadkii Tegay 2009ka | Cabdixakiim Jaamac Jooje

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib waxaan dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanba leeyahay iga gudooma salaanta islaamka ah iyo hambalyada sanadka cusub.

January 2009 waxaa talada Maamulka Puntland la wareegay maamulka cusub ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole. Maamulkaas intii uu xilka la wareegay runtii wax baddan oo la taaban karo oo niyada shacabka Puntland sare u qaaday ayeey qabteen, inkastoo ay iyadana jireen caqabaadyo kale oo ka imanaey xagga amniga. Haddaba waxaan rabaa in aan qormadeydan ku soo qaato arimihii dhaxalgalkaa ahaa ee uu ku guuleystay maamulka cusub iyo caqabdihii ka hor yimidba. Waxaan kaloo doonayaa in aan qormadan ku xuso shaqsiyaadka la taaban karo ee maamulkooda loo bogay muddadii yareyd ee ay xilalka hayeen.

Maamulka cusub waxaa uu xilka la wareegay iyadoo ay puntland ka jirto maamul xumo baahsan, oo aan wax mushaharaad ah la qaadan, wax isdaba marintu ay aad u sareyso, ciidamo baddan oo aan la heyn lacago been  ah lagu qaato iyo hantidii umadda oo meel ay marto aan la aqoon. Waxaa uu maamulka cusub markiiba wax ka qabtay arimihii xasaasiga ahaa sida isagoo magacaabay guddi soo sameeya diiwaangelinta ciidamada dhabta ah si tayada ciidamada kor loogu qaado, dhaqaalaha ku baxayana loo ogaado. Waxa ay wasaaradda maaliyaddu ku guuleysatay in ay mushaharaad joogto ah siiso shaqaalaha iyo ciidamada puntland. Waxaa la xanibay lacagihii sida qaldan loo isticmaali jiray oo loo yaqaanay Fadlanta. Waxaa ay wasaaradda maaliyadda qaadatay nidaamka computerisedka ah iyadoo ku guuleysatay in ay si dhab ah u ogaato dakhliga soo galaya iyo sida uu ku baxayo. Wasaaradda waxbarashada oo iyaduna mideysay manhjkii Puntland. Waxey kaloo wasaaraddii waxbarashada ku guuleysatay in ay aqoonsi u hesho shahaadada Puntland. Waxa ay deeq waxbarasho u heshay dhalinyarada reer Puntland ee kasoo baxa dugsiyada sare. Wasaaradda qorsheynta oo tababaro iyo siminaaro aan caadi aheyn had iyo jeer la daba taagneyd shaqaalaha iyo maamulka wasaaradaha puntland, gaar ahaan agaasimyaasha. Waxaa iyadana arin aan la iloobi Karin ah sumcaddii uu soo hoyay wafdigii madaxweynaha xilligii ay booqashooyinka ku marayeen yurub iyo Ameerika.

Caqabaadka soo wajahay waxaa ka mid ahaa dilalka loo geysanyey mas’uuliyiinta dowladda sida wasiirkii warfaafinta allaha u naxariistee Warsame Seefta bannaanka, dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda sare, xildhibaankii la dilay iyo waliba sigidii la sigay gudoomiyihii baarlamaanka. Waxaa kaloo iyaduna jiray qaraxyo isdaba joog ah oo ka dhacayey magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iska horimaadyadii beelaha sida kii Igdheys, dagaalada  Gaalkacayo. Runtii arimahaas oo idil oo caqabaad ku ah dowladda ayaa haddan waxaa ay isku dayday in ay wax ka qabato, iyadoo inta baddan xalisay. Waxaan oran karnaa dilalkaas iyo isku dhacyadaas waxaa keenay arimo baddan oo isbiirsaday, sida dadka soo galootiga ah ee ka yimaada koonfurta soomaaliya iyo magaalooyinka kale oo aad u tiro baddan, kooxo mucaarid ah oo kasoo horjeeda horumarka maamulkan cusub uu sameynayo oo lugta jiiday dowladda iyo dagaalada koonfurta soomaaliya ka jira oo ay dhici karto in uu saameyn ku yeeshaan gobolka.

Run ahaantii wax walba halasheego puntland maanta waxa ay mareysaa ama ay haysaa dhabihii horumarka waxaana arintaas mahadeed allaah ka soke iska leh madaxweyne Faroole oo isagu ku guuleystay in uu soo dhiso gole wasiiro oo tayadooda iyo aqoontoodu ay sareyso, kuwaasoo gartay ahmiyadda ay u joogaan ama u hayaan xilka. Waxaa iyaduna ah arin aad loogu farxo soo gudbintii Miisaaniyaddii sanadka 2010ka taasoo dad baddan ka fajicisay keentayna in yididiiladii loo hayey Puntland ay sare usii kacdo. Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan sidii uu madaxweynuhu wax uga qabtay golihii deegaanka Gaalkacayo iyo mas’uuliyiintii uu u magacaabay.

Waxaan talo ku soo jeedin lahaa in uu maamulku isku dayo in uu barnaamij gaar ah u dajiyo Oday dhaqameedyada, oo runtii ah xubin muhiim ah loona baahan yahay. Waxaa loo sameyn karaa gole u gaar ah iyagoo la qeexayo dowrkooda shaqo. Runtii dad baddan oo waayay meel ay maamulka usoo maraan ayaa waxa ay qiil ka dhigtaan in maamulku uu xaqiray dowrkii ay oday dhaqameeyadu lahaayeen. Waddamadan aynu joogo waxaa jiraa waxa loogu yeero aqalka odayaasha, kuwaasoo talo bixin iska leh, laakiin aanan go’aan laheyn. Haddaba taas oo kale ma dhici kartaa in uu maamulku ka fakaro.

Wasiirada iyo mas’uul;iyiinta xusida mudan in kaalintooda waxqabad lagu bogaadiyo waxaa ka mid ah wasiirka maaliyadda Puntland Dr. Faarax Cali Shire, oo runtii reer Puntland meel walboo ay isugu yimaadaan ay qirayaan kaalinta muhiimka ah ee uu ku leeyahay sare u qaadista misaaniyadda iyo dhaqaalaha puntland ahna arin gali doonta baal dahaba ah haddii uu wasiirku sidaas ku sii wado. Waxaa isaguna bogaadin taas la mid ah loo soo jeediyey wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa oo runtii sare u qaaday tayada waxbarasho ee Puntland iyo waliba siduu ugu istaagay horumarinta aqoonta reer Puntland. Mr Juxaa waxaa uu ku guuleystay in uu aqoonsi u helo shahaadooyinka puntland, manaahijteenana mideeyo waana arin gali doonta taariikhda Puntland. Waxaa kaloo xusid mudan wasiir ku xigeenka Qorsheynta Zeynab Ugaas Yaasiin iyo kaalinta ay ka qaadato sare u qaadista aqoonta mas’uuliyiinta dowladda. Sidaas si la mid ah waxaa ammaan iyo bogaadin mudan Duqa magaalada Gaalkacayo iyo kaalintiisa waxqabad ee magaalada Gaalkacayo.

Runtii wey dhici kartaa in ay jiraan shaqsiyaad kale oo uu waxqabadkoodu sareeyo oo aynaan warbixintooda heyn, laakiin mar walbaa taariikhdaa iyaddaa isqoreysaa oo qof muuqda cid xaqiri kartaa ma jirto . guud ahaan waxaa leysku raacay Maamulkaan Faroole in ay tayadooda waxqabad ay sareyso, inkastoo ay caqabaadyo yar yar iska jiraan, weyna ka bixi doonaan inshaa’allaah.

Wabilaahi towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Gudoomiyaha hay’adda PYSDO

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Puntland iyo sanadkii Tegay 2009ka | Cabdixakiim Jaamac Jooje "

  1. runsheege says:

    sxb waa maqaal ku saleesan runta iyo waxyaalahii dhabta ahaa ee ka dhacay puntland 2009 wanaag iyo xumaanba .. maqaalada noocaan oo kale ah waxaa qora qof aqoon iyo khibrad u leh sida wax loo qoro……waxaad sheegtay waa xaqiiqdii 2009 iyo maamulka faroole wuxuu la yimid