Home » Maqaallo »

Maxaa ku dhacay damiirkii iyo Dadka Soomaaliyeed | Nasra Mohamud Elmi

Dadka Soomaaliyeed waxa ay lahaayeen Tusaalooyin Xikmadi ay ku jirto khaasatan marka ay doonayaan in ay wax cabiraan iyadoo dadka Soomaaliyeed waxyaabaha ay Hodanka ku yihiin sida xoolaha nool iyo kheyraadka kale dabiiciga ah ay wax ku cabiraan, Maandeeq waa magaca hal waxaana loola jeedaa Gobanimada iyo wanaaga ay leedahay.-

Ummada soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo aad isugu damqada aadna isu jecel siweyna uga soo horjeeda in la gumeysto , Taana waxa ay suura gelisay in ay isaga baxaan gudaha soomaaliya dhamaan gumeystayaashii markii ay arkeen in ay dadka soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad isugu xiran oo aanay jirin duleelo laga soo gali karo , Tusaale hadii aan usoo qaadano 1dii July1960kii waxay gumeystihii Talyaaniga ay ka heleen Xoriyad buuxda waxayna ahayd 12kii caweysnimo markii calankeena buluuga ah ee Shanta gees ay dhaxda kaga taalo la taagay isla maalintaasna waxaa wada midoobay goboladii koofureed iyo kuwii waqooyiga oo iyagu 26kii june 1960kii xorinimada helay

Munaasabadaas qiimaha badneyd ayaa waxaa laga tiriyay suugaan badan oo ay kamid tahay iyadoo xorinimada laga hadlayay laguna halqabsanayay Maandeeq ( WAX DHAMAA MUGDI IYO MADOOW KU JIRNAYE MAANTEE CURATEE AAN MAALNO HASHII MAANDEEQ)-

Soomaalidu waxa ay ahaayeen kuwo la dagaalama cadow kasta oo isku daya inuu kusoo gardarooda ciida soomaaliya taana waxa ay suura galisay in ummada soomaaliyeed ay yeelato dowlad aduunku aqoonsanyahay . Laakiin 1990kii markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa waxaa wadanka soomaaliya ku dhacay nasiibdaro aan daahsooneyn waxaana ka mid ahaa calankii buluuga ah ee xidigta shanta geesood dhaxda ku lahaa ayaa waxaa mid kamid ah geesaha waxay ku dhawaaqday sanadii 1991dii in soomaaliya inteeda kale ay ka go,day,sidoo kale israacii iyo Qaranimadii dhiiga badani uu ku hoobtay oo meesha ka baxay. Shacabka soomaaliyeed oo noqday kuwo ay ku yar tahay damiirkii iyo damqashadii wadaninimo. –

Sanadba sanadka ka dambeeya waxaad arkeysaa in uu ka sii darayo, waxayna gaarsiisay in muddo 20 sano ah dadka soomaaliyeed ay ku dhameystaan barakac aan dhamaad lahayn iyagoo aan garaneynin meesha ay ka qaxayaan iyo halka ay u qaxayaan .mana ahan mid ku cusub dhegaha dadka dhibaatada ilaa iyo hada heysata dadka kunool gudaha dalka soomaaliya . –

Sanadkaan waxyaaba mucjisada leh oo aysan dadka soomaaliyeed dhaqan iyo diinba ulaheyn ee ka dhacay gudaha soomaaliya waxaa ka mid ahaa qof isku qarxinaya meel ay ku badanyihiin dad soomaaliyeed iyadoo qaraxii ugu horeeyay ee qof isku qarxiya ka dhacay 18 June 2009-ka Magaalada Baladweyne ee

Gobolka Hiiraan iyadoo dadbadani ay ku geeriyoodeen waxaana ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan . kii ugu dambeeyay ee murugada badnaa waxaa uu ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho 3-da Desember ee sanadkaan iyadoo ay halkaasi ka socotay xaflad arday ka qalan jabineysay kuliyada caafimaadka oo ay muddo 7 sano ah oo xaalad adag lagu jiray wax ku baranayay iyagoo guryahoodii kaga soo baxay iyagii faraxsan kuna haminayay in ay wixii ay soo barteen uga faaiideeyn doonaan wixii ay soo barteen laakiin Damiirlaaweyaal naxariista ka tagtay ayaa galaaftay dad badani oo isugu jiray masuuliyiin ka tirsan dowlada kmg dhaqaatiir saxafiyiin arday iyo qaar kale .

Ma aysan jirin cid sheegatay in ay ka damneeysay qaraxii mucjisada lahaa ee ka dhacay Hoteelka Shaamoow , laakiin dad badani waxa ay isweydiinayaan kooxihii ku faani jiray qaraxyada qaar in ay iyagu ka dambeeyeen ma waxa ay baqeen maadaama arday iyo dad badani oo bulshada wax u hayay ku dhinteen , qaraxaasi hadii ay sheegtaan in shacabku ay kacaan oo laga soo horjeesto.-

Dadka soomaaliyeed waxa aad moodaa in uu damiirkoodu sii dhimanayo tusaale ahaan maalinnimadii uu qaraxa murugada badan dadka ku abuuray ka dhacayay Hoteelka Shaamoow ayaa waxaa qeyb ka mid ah caasimada soomaaliya ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo xil ka qaadistii General Cabdi Qeybdiid oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah taageeradiisa. Waxaa xusid mudan in meelo badan ay ka dhaceen banaanbaxyo oo ay dadka soomaaliyeed uga soo horjeedaan qaraxii uur ku taalada lahaa ee ka dhacay hoteelka shaamoow ee magaalada muqdisho.-

Inta badan dadka soomaaliyeed waxay bahdileen qaranimadii ,iyo sharaftii soomaalinimo, waxay ka jecleysteen qabiil iyo nin jecleesi , waxaa si aad ah loogu tuntay xuquuqdii iyo sharaftii uu lahaa qofka biniaadamka ah , waxaa xag Alle ka galnay dambi aad u tiro badan.-

Dadka soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan aqoonyahanadii, Waxgaradkii, Culumaaudiinkii, iyo dadkii kale ee rayidka ahaa ayaa noqday mid dhinta , mid darxuma ay ku heysato qurbaha , mid ku dhibaateysan gudaha dalka , iyo mid isagoo tahriibaya Badda ku dhinta ama saxaraha. –

  • Shacabkii Dhulkeygee dhibaatada ku raagtoow –
  • wixii Dhayma aragtaan, –
  • dhuuxii bulshada in la dilo , –
  • Dhaqaatiir dhaqan aanan gayinoo –
  • cidii dhimir leh taabtiyo –
  • inuu yahay dhag xumadeen –
  • iyo dhabar Jabkeeniyo –
  • Xaajo dhiila leh Diina loo dhaweyn karin dhab-
  • Alle Marqaatiga maka dhowrsaneysaan.-
  • Dowladeena dhalatiyo ma dhurwaa ari la raacshoo d
  • hamaan laga sugaayaa.-
  • dhawdhaw iyo wada sheekh Mawada dhagar qarsooniyo dhibaynan kareynbaa.-
  • Calankaan dharaartii gumeysigu dhaqaajiyay-
  • dhidibada u taagnee dheehiisu midabkuna-
  • samadoo Dharqabinoo dhalaaleysa uu yahay , –
  • dhankastaba ka eegoo maxaa dhaqan xuma iyo dhib diineed u leeyahay .-
  • Ee gacalkeey dhab ahoow intaad dhabarka xirataan
  • qoloqolana dhaaftaan
  • kurtiin dhagaxa tuuroo ka dhiidhiya
  • xumaha jira dhibka hana daayee .-
  • Isku duubni Soomaalaay ee dantaada garo.-

Guntii iyo gabagabadii waxaa muhiim ah in qof walba oo soomaali ah uu iska baaro damiir wadaninimo, isla markaana uu ka shaqeeyo sidii aan u soo ceshan lahayn sumcadii iyo sharaftii qaranka soomaaliyeed uu lahaa , oo aan meesha ka saarno qabyaalada iyo nin jecleeysiga si aan uga baxno dhibta aan ku jirno.sanadkaan soo socdana aan Ilaah ka barino dalkoo nabad ah iyo dadkoo sharaf leh.-

W.D. Nasra Mohamud Elmi

(Nasra Degan )
degan200@hotmail.com

Natherland.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Maxaa ku dhacay damiirkii iyo Dadka Soomaaliyeed | Nasra Mohamud Elmi "

  1. Waxan halkan ka salamaya umada somaliyed anigo salan kaga sida dhaman ardayda somaliyed e joga dalka sudan, inta dabaded run ahanti fikir murtida iyo hamiga weyn xambarsan e ay qortay walashen nasro ad ayan ugu hambalyeynaya o waxan leyahay walaal fikrad balaaran ayad xambarsantahay e isku day mar walba sidan o kale in ad u bogadiso bulshadan hurdada ku jirta e an calamkaba la soco insha alah

  2. Masha laah degan si fiican bay u dhigtay, waxay i soo xasuusisay maanso abwaan soomaaliyeed uu u tirshay nin inaadeerkiis ah oo soori waayey,markaas markii uu iskaga tagay ay ninka hooyaddiis oo ka daba timid ayadoo jawaan yar Hilib ugu soo riday,markay aragtay bakhiilnimada wiilkeeda,markaas ayaa gabayaagii tiriyey tix uu halheys uga dhigay :
    ( WAXAA JIRA NIN HEEMAAL RAGLOO HABARI DHAANTAAYE ).
    ciyaal xamarnimada naga daaya ha is dhihina degan ayuu habar ku tilmaamay, se waxaan ka wadaa waxay gabadhaas dhalinyarada ah garatay ayey Rag waaweyn oo siyaasad iyo diinba loo tirinaayey garan waayeen.
    midda kale Nasro degan adeer gabayga ma adigaa tiriyey, haddii aadan tirin gabayaaga in aad xustaad laheyd. Gabdhaha soomaaliyeed waa hurmuudka dalka.

  3. maxamed yare says:

    s/c dhamaan umada soomaaliyeed inta samaanta jecel,bacdu sallaam waxaan idiin rajeeynayaa in uu sanadkaan 2010 uu illaheey inooga dhigo sanad nabad waarta iyo dowlad cadaalad ku dhisan kuwii hela,intaas ka dib wallaasheen nasro arimaha ay halkan uga hadashay waa arimo ay tahay in uu isweydiiyo ama dareemo muwaadin walba oo soomaali ah oo wanaaga dalka iyo dadkaba wada laakiin maxaa ay tahay sababta aan u dareemi la,nahay dhibaatadan na haysata ama uga damqan layihiin oo xitaa kuweena qurbaha jooga siiba odayaasha soomaliyeed uga shaqeeyaan in ay sii huriyaan dabka ka alooshan dalka,maxaa ay tahay in kuwa pasboor europian ama north american wata ee dalka aado ay u doontaan xil ay ku raadsanayaan shillimaad ay jeebkooda ku buuxsadaan oo ay aheeyn kuwa xal raadis ah oo qarankooda si daacad ah ugu shaqeeya hadii ay jiraana waa 1 ama 2,jawaabta aan isi siiyo waa wax xag alla ka socda waayo badankeen marka aan isu nimaano oo ka wada hadalno waa khiiroonaa oo weey na gubtaa laakiin iskama qabano kuwa dhibaatada nagu wado habo ahaado aabaha ama adeerkaa ogoowna wax walba gurigaaga iyo familkaaga ayaa laga bilaaba,waa in aan illaaheey cafis iyo raxmad weeydiisanaa baryada rabina badinaa, waa iga intaa…

  4. Dhaman waxan Salamaya Soomaaliyoo dhan meelay joogaanba
    waxanna leeyahay Sanadkan kisa kale anagoo Nabad ah
    Rabbi ha ina tuso Alle Weyne haloo Tawbad keeno.
    dhanka kale waxan halkan ka amanayaa dhaman shaqalaha
    websidka somalitalk waxad mudantihin mahdin iyo Faalo
    waxana idinka codsanayaa dadka wax ku oolka ah oo wata fikirka fiican waxa badala mise soo kordhiya inaad soo bandhigtaan. intaa kadib.
    waxaa wax lagu farxo ah in gabar soomaaliyeed soo badhigto waxa ku jira Maskaxdeeda saliimka ah damaqashada leh Nabad jeceel ku dheehan, waxaa hubaal ah Nasro qoraalkeeda gabar kastoo soomaali ah ayey dhiiri galinaysaa sida aniga oo kale hada go`aan saday inaan u istaago Qoraa nimo. ok. waxaa hubaal ah soomali wey jeceshahay Nabada waana baadi kamaqan markasta, balse dhanka looga imid iyo sida loo jaanqaadi lahaa ayaa maqan. soomaaliyey NABAD NABAD NABAD!!

  5. Dhamaan waxaan salaamayaa mas’uuliyiinta iyo akhristayaasha Somalitalk gaar ahaan waxan salaamayaa Nasra Maxamed Cilmi

    Hadaan ka dhiibto aragtidayda maqaalkan aad ayuu ii soo jiitay naf ahaan tayda waayo inta aanan ugudbinba waxa uu xambaarsanyahay maqaalkan aadka u muhiimka ah waxaa sifiican ugu farxay gabadha somaliyeed kartideedu siisay inay qorto maqaal inaga oo og kaalinta gabdhaha soomalaiyeed ee maanta

    Nasrana waxay inoo cadaynaysaa inay lee nahay awood dhinackasta ah oo ku duugan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadeena,oo aynu ku xalinkarno dhibaatadeena
    waxaan leeyahay gabdhaha soomaaliyeed inay dadaalaan sida Nasra oo muujisay kartida gabdhaha soomaaliyeed

  6. wad salamantihin somalitalk iyo si khas ahna nasra oo ah gabdha soo qortay qoralkan muhiimka ah oo ay ku sharxeeso aragteedada ku adan dhibatada qabsatay manta dadkeena somalida, runtii aad ayan kugu farax sanahay sida qiimaha leh aad darenkaga ad muujisay wayna itabatay, anigoo awalba jaceel aan la koobi karin ,u qabay mar un inan arko anago dhibatadan nagu habsatay baxada balaran in ilah noogu maciino, midnimo iyo dowlad wanagsan rabi nagu minaysto, waxana ku baraarujin lahaa dadyowga somaliyeed inay ka sheqeyan cadalada iyo midnimadooda o ay dulmiga iska dayaan dhexdooda sidii aan xal ugari laheen ay usoo jestan, dhinac walba, waxaa uurkutaalo ah waxii naga qabsaday dowlad la aan, maantana aan mareeno meel walba in nalaga naco ama aan baqdin kunoolano, waa nasiib daro dalkiina uu sii gubanayo wali, waxan kusoo khatimayaa rabiyow nabdbadi