Home » Warar »

Tehran: Cali Jaamac Jangeli oo la kulan la yeeshay Madaxweynaha Iiraan

  • Madaxweyna Iiraan oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya
  • Ayuub Jeenyo oo ay isha ku hayaan Kooxo fara badan oo ka dhisan Talyaaniga

Madaxweyna Iiraan oo kulan la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya

Waxaa Magaaladda Tehraan ee Dalka Iiraan Kulan ku yeeshey Madaxweynaha Dalka Iiraan Maxamuud Axmadi Najaad iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangeli waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sidii dar dar loo gelin lahaa xiriirka labada Dal ee soomaaliya iyo Iiraan waxaa kaloo kulankaas la iskula soo qaadey sidii Dowladda Iraan Gacan u siin lahayd Dowladda Fedraalka oo aan weli taageero rasmi ah ka helin Beesha Caalamka Mr. Najaad ayaa kulankaas kadib sheegay in qaar ka tirsan wadamada islaamka ay ka jiraan qataro xoogan, si arrintas looga gudbana loo baahanyahay in ay u midoobaan Cadowgooda si ay uga gudbaan dhibaatooyinka soo wajahay.

“Cadowgu wuxuu ka sameynayaa dhibaato wadamo badan oo islaam ah, waxey shaqaalaynayaan dad badan si ay u gaaraan hadafkooda”, ayuu yiri Madaxweyne Axmadinajad, wuxuuna intaa raaciyay in xukuumada Iraan ay rajaynayso xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Iran.

jangg1

Sidoo kale Wasiirka Arrimha dibadda ee Soomaaliya Cali Axcmed Jaamac Jingili ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la adkeeyto Xiriirka labada Dal ee Iran iyo Soomaliya kaasoo saameynaya dhinacyo badan, wuxuu intaa raaciay in loo baahanyahay wada shaqeyn joogta ah oo dhex mara xukuumadaha Iran iyo Soomaaliya.

jangg2
Dhinaca Kale Wasiirka arrimha dibadda Soomaaliya ayaa horey kulamo ula yeeshay dhigiisa dalka Iran Mr. Muttaki iyo Gudoomiyaha Barlamaanka dalkaasi Iiraan, oo ay isla soo qaadeen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka ka dhaxeeya Somaaliya iyo Iiraan

Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in ay dowladiisu kordhineyso dhaqaalaha ay ku bixiso qorshaha dib u dhiska Somaliya, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada kale in ay iyana wax ka geystaan dadaalkaasi.
Warkan kasoo yeeray dowladda Iran ayaa imaanaya xilli uu booqosho ku joogo dalkaasi wasiirka arrimaha dibadda Somali Cali Jaamac Jangeli.

jangg1

Jangeli ayaa isna dhigiisa uga mahadceliyay dadaalka ay xukuumada Iran ugu jirto nabad kusoo dabaalida dalka Somaliya oo ah colaadu la dagtay, waxaana uu sheegay in arintani ay xoojineyso xiriirka labada dal ee Somaliya iyo Iran.wuxuuna ka codsadey Dowladda Iiraan in madaxdeeda ay booqasho ku tagaan soomaaliya si ay u soo ogaadaan dhibaatada soomaaliya ee ay ku jirtey Muddo labaatan Sanno ah

jangg3

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Ayuub Jeenyo oo ay isha ku hayaan Kooxo fara badan oo ka dhisan Talyaaniga

Xidig yaraha da’da yare ee Soomaaliyeed Ayuub Jeenyo oo qaab amaah ah kaga maqan kooxda Juventus ee dalka talyaaniga ayaa waxaa soo badanayaa kooxaha isha gaarka ah ku eegaya adeega laacibkaasi soo baxaya oo inkasta oo aanu weli usoo bixin masraxiyadda kubadeed ee heerka sare (top flight) misna aad loo hadal hayo qaabka uu kubadda u xirfadeeyo.

Ayuub Daa’uud Jeenyo oo 19 jir ah isla markaana ka ciyaara waaxda khadka dhexe ee weerarka xigta (attacking midfielder) ayaa aad uga maajiyay taageerayaasha kooxda heerka 2-aad ee Corotone oo uu amaah ahaan ugu ciyaarayo xilli-ciyaareedkan iyo guud ahaan bahda Isboortiga taasoo keentay in ay doonistiisa iminka isu diiwaan geliyaan kooxa fara badan oo ka dhisan gudaha iyo dibedda Talyaaniga oo ay ka mid yihiin kooxo ka dhisan Ingiriiska.

Waxaana iminka laacibka usoo geed fariisatay kooxda heerka 2-aad Cesena oo doonaysa inay farsamadiisa kubadeed ka faa’iideysato gelinka 2-aad ee xilli-ciyaareedka haatan kala barka ah.

ciyya3

Kooxda La Vecchia Signora (Marwada gaboowga ah) oo lagu naanayso Juventus ayaa iyadna ku faraxsan in laacibku uu tacaburkiisa kubadeed kasii amba qaado kooxda Cesena oo uu xirii wanaagsani kala dhexeeyo kooxda Bianconeri taasoo sii kordhinaysa suurtagalnimada uu Daa’uud uga mid noqon karo kooxda Cesena.

Daa’uud Ayuub oo nasiib u yeeshay inuu noqdo laacibkii ugu horeeyey ee Somali ah ee abid xirta funaanadda leh midabka Dameer-farowga ee Juventus ayaa 24-kii Febaraayo sanaddii 1991-kii wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, Somalia.

Wuxuuna dalka Talyaaniga iska xaadiriyay isaga oo 5 jir ah, isagoo caga dhigtay magaalada Cuneo oo ah caasimadda goboleedka Cuneo oo gobolka 3-aad ee bed ahaan ugu balaaran Talyaaniga oo didil, iyadoo ay wehliyaan xubnaha qoyskiisu, waxaana u suura gashay inuu ku biro da’yarta kooxda Juventus ee loo yaqaanno “Primavera” isagoo 10 sana jir ah sanadii 2000, wuxuuna kulankiisoo ugu horreeyey ee rasmi ah uu kasoo muuqday koob loo dhigay da’yarta 20-ka sano ka hooseeya 7 sanadood kadib xilli-ciyaareedkii 2007/8.

Daa’uud ayaa sidoo kale ka mid ahaa xidigihii Juve ku matalayay koobkii Torneo di Viareggio ee 2009-ka, isagoo wacdarihii uu halkaasi ka dhigay ku muteystay in loo duubo taajka laacibka ugu wanaagsanaa tartankaasi oo uu kaalinta 1-aad ka galay dhinaca gool dhalinta isagoo saxeexay ilaa 8 gool.

In Ayuub uu sii koro jaranjarada kala sareeyntu intaa kumay ekaanin oo 14-kii bishii March ee 2009-ka wuxuu markii ugu horeeysey kasoo qayb galay kulan ka tirsanaa heerka 1-aad ama Serie A-da Talyaaniga isagoo bedeley laacibka Sebastian Giovinco oo isna ah laacib da’yar ciyaar ay 4-1 ku dubteen kooxda Bologna.

Wuxuuna 6-dii August ee isla sanadkan uu qaab ahaah ah ugu wareegey kooxda FC Crotone ee serie-B-da ka ciyaarta oo uu ilaa iminka u safto.

Billadaha uu Ayuub Jeenyo kula guuleystey yar yarka Juve ayaa waxaa ka mid ah Supercoppa Primavera: 2007 iyo Torneo di Viareggio: 2009, si shakhsiyan ahna wuxuu ugu guulaystey Kabaha Dahabka ah ee tartankii Torneo di Viareggio.

Dhererka: 172 cm.

Culayska: 62 Kg.

Lambarka uu hadda qaato: 21

Booska uu ka ciyaaro: Khad dhexe.

Ayuub Daa’uud ayaa ka soo jeeda Qoys Isboorti ah oo caan ka ah Isboortiga dalka Soomaaliya gaar ahaan kubadda cagta, tusaale ahaan Aabihii Daa’uud Xuseen iidoow waxa uu ahaa ciyaaryahan caan ah oo ka tirsanaa laacibiinta kooxdii kubadda cagta Jeenyo ( LLPP) ee Wasaarada Howlaha guud iyo Xulka qaranka Somalia, halka Abtigii Ayuub Sheekh Abuukar Allaha u naxariistee uu isna ahaa laacib caan ah oo ka tirsanaa kooxdii Jeenyo LLPP isla markaana noqday macalinkii kooxda kubadda cagta Jeenyo, Ayuub waxaa lagu magacabay Abtigii Ayuub.

W/D Maxamed Xaaji Xuseen Raage

E-mail;-maxaaji@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.