SomaliTalk oo
Gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixintii Dhul-Badeedka Ka hor intaysan saxiixin heshiiskii
Is-Afgarad ee
Nairobi...
Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...
- Faallada Xadaynta Badda | SOMALITALK.COM | April 11, 2009
- Taariikhda Cilmi Baaristii Dhul-Badeedka Soomaalida..
- Xiriirkii Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda:
- Xiriirkii: Safaaradda Soomaalida ee New York
- Xiriirkii Madaxtooyada iyo SomaliTalk.com
- Nairobi, Kenya: Ibraahim Daa'uud iyo xiriirkii Madaxda Dowladda
- Mudisho: Amiin Yuusuf iyo Xiriirkii Madaxda Dawladda
- Maxay tahay Xogta Somaaliya looga Baahan yahay ka hor May 13, 2009
- Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo
Af-Soomaali loo rogay
- Kenya Is-Afgaradkaas waa ku Jilaafaysay Soomaaliya
- Faarax Macallin: Heshiiska Waxaa la saxiixay Dhawr toddobaad ka hor
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Heshiiska isfahamka Kenya
- Maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed heshiiska is afgarad kadib?
SomaliTalk.com oo waqti dheer iyo xiriir badan ku bixisay diyaarinta
Warbixintii Dhul-badeedka
Bismilaahi Rahmaani Raxiim
- Faallada Xadaynta Badda Soomaaliyeed.
SomaliTalk.com: Waa Shabakad Warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta,
kana mid ah kuwa ugu da'da wayn Mareegaha Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa
inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira
Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay
soo faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo
bandhigto ama ka digto, iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii maalinlaha ahaa.
SomaliTalk.com waxay ka hadashaa Somaaliya iyo Soomaalida oo dhan wixii ku
saabsan.
Taariikhda Cilmi Baaristii Dhul-Badeedka Soomaalida..
Cilmi Baaristan (ku saabsan xuduudaha Soomaaliya) waxay ku bilaabatay in
SomaliTalk sida aan soo xusnay
shaqadeeda kamid tahay inay isha ku hayso waxyaabaha muhiimka ah ee Somaaliya la
xiriira, khaasatan arrimo badan oo ummadda Soomaaliyeed inteeda badan aan hadda
suura gal u ahayn inay si sahlan ku ogaadaan ama ku helaan sababa badan oo jira
awgood. Arimahaas waxaa ka mid ah Sahaminta Shidaalka ee Soomaaliya,
Sunta lagu
aasay Soomaaliya iyo Cilmi Baarista
Dhul-Badeedka Soomaaliya.
Waxaa jirtay bishii Janaayo ee sanadsan 2009 in SomaliTalk ogaatay
inuu jiro Sharci dhigaya waqti cayiman oo wadammada baddaha leh Qarammada
Midoobay u qabatay, May 13, 2009 inay kusoo gudbiyaan cabirka
badda ay leeyihiin ee loo yaan (continental shelf) Qalfoofka Badda (Dhulka Badda
hoos u gashan ee ka baxsan 200 oo Mayl badeed). Kadib
SomaliTalk waxay is waydiisay su'aasha ah: Somaaliya badd wayn ayey leedahay sharcigana
waa laga rabaa, ee ma gudbisay cabirkii baddeeda inta aan waqtigu dhicin?
Su'aashaasi waa mida sababta u ahayd in Cilmi baarista lasameeyo, kaddib markaan
ogaanay inaan Somaaliya gudbin cabirkii baddeeda, waxaa kaloo kasoo baxay,
baaritaankaas su'aalo kale oo oranaya wadankaan gudbin cabirka baddiisa muxuu la
kulmayaa? iyo waddamada xuduudka badda la leh Soomaaliya saamayn ma ku yeelanayaan
isbadalkaan, waxse ma iska badalayaan soohdimihii hore ee u kala calaamadsanaa?. Intaas kaddib waxaan
ogaanay inaan Soomaaliya gudbin xogtii laga rabay, sidoo kalena waddamada Xadka
badda la leh ay Saamaynayaan Soomaaliya. Waqtigaa kadib waxaa noosoo baxday inaan masuuliyad wadaniyeed isa saaro oo isku dayno inaan soo
diyaarino Cilmi baaris arrintaas laxiriirta oo ku qoran luuqadda Soomaaliga
si ay ugu fududaato fahamkeedu cidkasta oo Soomaali ah oo ay khusayso, gaar
ahaan Dowlada Kumeel gaarka ah ee hadda xilka haysa.
Intaa kadib SomaliTalk waxay
ku dadaashay inay marka hore warbixintaan gaarsiiso DFKM warbixintu markaas
waxay maraysay 30-bog, cabbirka Dawladda Kenya sheeganyso markaas weli laguma
faafin bogga UN-ta.
Intaa kadib xiriirkii na dhex maray anaga iyo Dowlada wuxuu ahaa sida hoos ku
qoran, inta
badan xiriirku wuxuu ahaa E-mail marka laga reebo Dr. Cilmi Axmed Ducaale,
Safiirka Soomaalida u fadhiyo Qarammada Midoobay, oo laba goor aan wada
hadalay: (FG: Emailadii aan ka helay madaxtooyada wixii ku qoraa halkan kuma
daabacayno anagoo tixgalinayna shaqsiyaadkii nala soo xiriiray iyo erayadii ay
sida gaarka ah noogu soo qoreen oo aanaan ka dhigayn mid lagu faafiyo Barta
Internetka ee SomaliTalk.com. Waxaan
dadweynaha u soo bandhigaynaa emailadii ay SomaliTalk u dirtay iyo nuxur ahaan
jawaabtii aan helay.)
SomaliTalk oo
gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixinta ka hor intaysan saxiixin heshiiskii
Is-Afgarad ee
Nairobi
Xiriirkii Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga
iyo Khayraadka Badda:
Prof.
Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi maadaama uu yahay ra'iisul wasaare xigeen, isla markaasna uu yahay wasiirka
Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee ay ku saabsanayd arrinta warbixintu
xambaarsanayn, waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii dawladda ee ugu horeeyey ee
aan isku daynay in aan warbixinta u gudbino. Waana kuwan emailadii aan u
dirnay:
(from) SomaliTalk.com to abdurahman ( waa Prof. C/raxmaan Ibbi)
Mon, Mar 2, 2009 at 1:17 AM
Asalaamu Calaykum
Mudane Raysalwasaare kuxigeen/Wasiir waa bahda Soomaalitalk oo doonaysa inay idiin soo gudbiso Akhbaar Muhiim ah oo kusaabsan Soomaaliya. Akhbaartaas oo si khaasa adiga xiriir kuula leh, lagaana codsanyo inaad u gudbiso Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha Dowlada.
Hadaba waxaan rabnaa inaan hubino sida ugu wanaagsan ee akhbaartaas aan idiinla wadaagi karo, fadlan noo soo qor Telafoon aan kaasoo wacno. Mudane wasiir anagoo tixgalinayna mashquulkaaga hadana waxaan ku xasuuninaynaa waqtigaan haysano inuu aad u kooban yahay.
Xasan Dhooye
..............
Markii
aan muddo 10 cisho ah jawaab ka waynay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka
Badda ayaan markale u dirnay emailkan aan ugu sheegnaay warbixintu arrinta ay ku
saabsan tahay :
(from) hassan Dhooye to abdurahman ( waa Prof. C/raxmaan Ibbi)
Thu, Mar 12, 2009 at 10:56 PM
a/c
Sacaadatu Raysulwaase ku xigeen, waan ladanahay adigana waxaan kuu rajayanayaa
khayr. Waxaan kuusoo diray hada ka hor e-mail , wax jawaabana kaama helin, fadlan waxaan markale kuugu celinyaa waxaan haynaa akhbaar muhiim ah kuna saabsan baddaha
Soomaaliya, adigana aan filayo inay si toos ah xiriir kuula leedahay, ee waxaan kaa codsanayaa inaad isoo siiso number aan kaasoo
waco, ama sida ugu saxsan ee aan akhbaarta kuugu soo gudbin karo.
Hadaan wax yar kaaga taabto, waxaa jira baaritaan dheer oo SomaliTalk ku
howlanayd, kaas oo kusaabsan in waddamada baddaha leh loo kordhinayo aaga loo yaqaan aaga ganacsiga , lagana doonayo wadankasta inuu soo gudbiyo macluumaad ku saabsan arintaas ugu
danbayn, bisha may ee sanadkan aan ku jiro. Sidaa daraadeed SomaliTalk iyadoo isku dayaysa inay sahasho fahamka arintaas waxay haysaa warbixin ka kooban ilaa 30 bog, waxayna doonaysaa inay usoo gudbiso Dowlada inta aysan
daabicin, fadlan arintaas sii muhiimadeeda, waana dareensahay howlaha waawayn ee idiin
yaal.
Waxaa nagu adkaatay inaan helo cida ay sida tooska ah u khusayso ee dowlada,
sidaa daraadeed waxaan kaa rajayanayaa jawaab. Sidoo kale hadii tela phone-ku
kuu sahlanyahay waxaad iga soo wici kartaa xxx-xxx.xxxx.
Xasan Dhooye
........
Wasiirka Kalluumaysigu emailadaas kama soo jawaabin.
Xiriirkii: Safaaradda Soomaalida ee New York ee Wakiilka Soomaaiya uga ah
Qarammadda Midoobay
Maadaama
safaaradda Soomaalida ee New York ay tahay tan masuulka ka ah in ay xogta
cabbirka badaha (aagga ganacsiga) ay u gudbiso hay'adda Qarammada Midoobay hawshaas u xilsaartay,
ayaan si toos ula xiriirnay safaaradda si aan u helo safiirka, Dr Cilmi Axmed
Ducaale, uguna gudbino warbixinta aan diyaarinaay su'aalona uga weydiino.
Waana kan xiriirkii aan la samaynay:
Telefoon: (Maarso 3, 2009)
Subaxnimadii Talaadad March 3, 2009 ayaan SomaliTalk waxay telefoonka kula
xiriirtay Safaaradda Soomaalida ee New York. Gabar telefoonka ka jawaabtay (oo lahjad ahaan u
u eg in ay ka soo jeedo dalalka Bariga fog) ayaa sheegtay in safiirku maqan
yahay xilligaas, waxana u sheegnay in aan doonayno in aan u gudbino macluumaad, soona wici doono.
Tefoon: (Maarso 4, 2009)
Subaxnimadii xigtay ee Arbacada March 4, 2009 ayaa markale SomaliTalk wacday
safaaraadda, subaxdaana safiirka ma helin. Laakiin markaan waxaa naloo sheegay
saacadda la helo. Isla subaxdaas waxaan safaaradda u dirnay emailka hoose.
......................
(from SomaliTalk.com) Ku: Safiirka Soomaalida ee UN, H.E. Dr Elmi Ahmed Duale
Wed, Mar 4, 2009 at 5:57 PM
A/c: Ugu horayn Ambassador Dr Elmi Ahmed Duale, naga guddoon salaanta Islaamka.
Bacda salaan, waxaa emailkan kuugu soo dirnay marka hore in aan hubsano in
emailkani yahay kan aad adeegsatid oo rasmiga ah. Taas marka ay noo caddaato oo
aan kaa helo jawaab, waxaan rajayneynaa in aan kuusoo gudbino akhbaar khusaysa
Soomaalida oo aan qiyaaseyno in aad tahay masuulka ku haboon in akhbaartaas wax
laga weydiiyo ama lala socodsiiyo.
Waxaan
isku daynay in aan telefoon kuusoo dirno maanta, annaga oo adeegsaney telefoonka
(212) 688-9410, -5046, kaas oo ku qoran website-ka ( http://www.un.int/somalia
), waxaa naloo sheegay in lagu helo karo berri xxxxxxxxx qiyaastii, xilligaasna
insha Allah ayaan kusoo wacaynaa.
Mahadsanid waqtigaaga.
Maxamed Cali (Tel: xxx.xxx.xxxx)
..............
Telefoon: (Maarso 5, 2009)
Subaxdii Khamiista March 5, 2009 markii aan wacnay safaaradda, waxaan helay
safiirka. Waxaan u sheegay in SomaliTalk.com ay hayso warbixin ay
doonayso inta aan la daabacin in aan u soo gudbino Safaaradda Soomaaliyeed
maadaama aan u aragnay in ay muhiim tahay in safaaraddu ay jawaab ka bixiso.
Waxaan u sheegnay in aan doonayno in jawaabta Safaaradda aan ku darno warbixinta.
Waxa uu safiirku SomaliTalk.com markaas ku weydiiyay waxa ay warbixintu ku saabsan tahay? Waxaan u sheegay in
Qarammada Midoobay uu ka socdo qorshe la doonayo in dalalka xeebaha leh loo
kordhiyo xadkii badda oo halkii uu markii hore ku joogey 200 mayl badeed (370km)
in laga dhigayo ilaa 350 mayl badeed (qiyaastii 650km).
Waa gartay ayuu yiri. waxana soo dhaweeyey in aan akhbaarta u dirno, wuxuu ii
xaqiijiyey emailka safaaradda, oo uu ka xaqiijiyey gabadha, waxa kale oo uu ii
qoray emailkiisa gaarka ah, waxana uu yiri labadaba ku soo dir.
Subaxdaas ayaan u diray emailka hoose oo aan ugu lifaaqay warbixinta.
............
From Minneapolis (SomaliTalk) - Ku: Safiirka Soomaalida
Thu, Mar 5, 2009 at 10:51 AM
A/c: Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale, salaan qiimo badan ka bacdi, aad ayaan ugu
faraxsanahay in aan telefoon kuwada hadalay oo aad naga aqbashay in aan kuusoo
gudbino xogta aan u aragno in ay muhiimad weyn u leedahay mujtamaceena. Waxaan
rumaysanahay in aad tahay qofka ficilkiisu uu qayb weyn ka noqon karo in
arrintaas sida ugu macquulsan loo wajaho si wax looga qabto.
Xogtan weli website-ka si public ah uguma daabacin, sidaas daraadeed jawaabtaadu
muhiimad weyn ayey noo leedahay. Waxaana si gaar ah u jeclaan lahayn in aan
jawaab ka helo sida xafiiskaagu uu arrintaas u wajahayo iyo xog intee le'eg
ayaad nagu biirin kartaan si mujtamaca aan u gaarsiino halka ay arrintu marayso.
Xogta bacdamaa aysan emailku xambaari kari karin waxaan kuugu soo lifaaqnay
Linkiga hoose waana ZIP ee fadlan UNZIP oo kambutuutarkaaga ku xafido ama Print
ka samayso. Haddii faylku kuu furmi waayo noosoo soo sheeg si aan qaab kale
kuugu soo dirno.
Waatan warbixintu: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/may2009.zip
Mahadsanid
Maxamed Cali (Tel: xxx.xxx-xxxx)
...............
Telefoon:
SomaliTalk.com waxay jawaab ka sugtay safiirka muddo ku dhaw asbuuc.Waxaan
wacnay subaxnimadii March 11, 2009 . Waxana uu noo sheegay sida "Safaaraddu
waxay aaminsan tahay in Soomaalidu xaq u leedahay in loo kordhiyo baaxadda badda
in u dhiganta inta loo kordhiyay dalalka kale ee adduunka", jawaabtaas uu
bixiyey waxaan ku darnay warbixinta. Waxaan subaxdaas u diray emailka hoose oo
aan fursad ku siinayn in haddii uu doono uu jawaabtiisii wax ku sii dari karo.
...
From SomaliTalk to Somali Embassay
Wed, Mar 11, 2009 at 9:49 PM
http://somalitalk.com/2009/may/13/
A/c: Dr. Celmi Ducaale, salaan qiimo badan ka bacdi qoraalkii markale waakan
hoos ku qoran, welina si rasmi ah uma daabacin haddii jawaabtii hore aad wax ku
dareysidna aad ayaan u jeclaan lahayn in aad emailkan noogu soo dirtid:
Waakan linkiga qoraalku ku jiro: http://somalitalk.com/2009/may/13/
FG: Safiirku hadalkiisii hore kuma soo darin xog dheeraad ah.
March 20, 2009:
Xilligaa oo wafti uu hogaaminayo uu safar ku marayey Dalal ay Kenya ka mid tahay
ayaa Ibraahim Daa'uud Cabdalle oo ka tirsan bahda SomaliTalk ee Nairobi waxa uu
warbixinta u dhiibay Xildhibaan ahna mid ka mid ah lataliyaasha Madaxwaynaha oo
ah
Shiekh Xassan Cabdi Mursal oo markaas balan qaaday in arrintan jawaab
laga bixin doona, sida aan ku arki doono faahfaahinta Ibraahim Daa'uud.
Xiriirkii Madaxtooyada iyo SomaliTalk.com
(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxxxx Department
Mon, Mar 30, 2009 at 10:19 AM
Taas haddii aan kasoo gudubno, waxaan aad u danaynayey in aan helo xiriiri toos ah oo aan la yeelano Madaxtooyada Dawladda, waxaan ku faraxsanahay in aan xiriirkaaga hello oo aad nala soo xiriirtay. Waxaana rajaynaaynaa in xiriirkaagu uu noo noqon karo jidkii aan si toos ah ula xiriiri karno Madaxweynaha, u gudbin karo fikirkayaga iwm.
Muhiimadda arrintani noo leedahay waxaan ku bilaabaynaa in ay suurtagal kaa tahay in qoraal muddo dheer aan diyaarinaynay oo aan isku daynay in aan gacanta u gelino madaxweynaha aad arrintaas xiriir noogu noqon kartid... Waa qoraal muhiim ah oo aan doonayno in aan maalmahan inta Jimcada kahoraysa daabacno, aad ayaan u jeclaan lahayn in aan jawaab kooban oo madaxtoyada ka helo si aan dadweynaha ugu sheegno inarrintaas ay dawladdu ogtahay, waxna ka qaban doonto.
Dhawr xildhibaan ayaan arrintaas u gudbinay, Nairobi markii ay waftiga madaxweynahu joogeen, mana hubno in uwarbixintaas arkaay madaxweynuhu ee fadlan arrintaas ka warran haddii aan qoraalka kuusoo dirro hawshaas suurtagal dhankaaga ma ka tahay in aad gudisid.
Walaalkaa Maxamed Cali
(from) C/Qaadir xxxxxx, presidential xxxxx. To: SomaliTalk.com
Mon, Mar 30, 2009 at 6:28 PM
xxxxxxxxx Waxaa SomaliTalk u soo jawaabay C/Qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij) oo
ka mid ahaa waftigii Madaxweynaah DFKMG oo markaas ku sugnaa magaalada Dooxa ee
Qadar. Waxana uu aqbalay in ay u dirto warbixinta.
Ku Madaxtooyada: Subaxdii xigtay ayaan SomaliTalk emailka hoose
u dirtay xafiiska madaxweynaha DFKMG taas oo ay ku lifaaqnayd warbixintii aan
diyaarin oo markaas ahayd 43 bog.
(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail Press Department
Tue, Mar 31, 2009 at 8:46 AM
A/c: Walaal C/Qaadir, salaanta islaamka oo tan la isku salaamo ugu qiimo badan ka bacdi, aad ayaad ugu mahadsan tahay emailka faahfaahsan ee aad kusoo jawaabtay. Ugu horayn walaal arrinta wadaxiriirka waa soo dhaweyneynaa, emailada dabme ayaana isku dhaafsan doonaa qaabka xiriirkeena insha Allah.
Warbixinta aan emailkii hore ku xusay waxaad kala baxdaa mid ka mid likiyada hoose (Waxaan ka dhignay ZIP iyo PDF si aad computerka ugu xafidan kartid ama Link caadi ah haddii kuwaas kuusoo bixiwaayaan ama kuu furmi waayaan, print in aad ka samaysid ayaa wanaagsan maadaama ay tahay qiyaastii 43 bog).
Weli Public kama dhigin warbixinta, waxaana qorshaynaynaa toddobaadkan gudihiis in aan daabacno insha Allah, aad ayaan u jeclaan lahayn aragtida madaxweynaha ee warbixintaas ku aadan iyo wixii talo iyo tusaalayn ah in aan helo ka hor inta aanaan daabacin.
FG. Walaal qoraalkan waxaan daabacaadisa hakinay bishaan Maarso oodhan, sababtana waxaan doonaynay inaan gacanta ka galino labada Masuul ee dowlada ugu sareeya ama midkoodba, arintaas nooma fududaan,wayna nagu adkaatay inaan helo, hada waa fursad wayn inaan helay madaxwaynihii iyo Adiga fadlan muhiimadiisa qoraalkan siiya, marka aad gacanta ka galisana nala soo xiriir waan daabacaynaa insha allaah anagoo raacinayna Jawaabta dowladu ka bixiso.
Jawaabta dawladdu ka bixiso arrinta ay warbixintu xambaarsan tahay, muhiimad weyn ayey noo leedahay, sidoo kale muhiimad ayey u leedahay shacabkeena ay dawladdu mas'uulka ka tahay. Waxaan rumaysanahay in qadiyadani tahay mid midayn karta mujtamaca Soomaaliyeed:
Waana kuwan linkiyadu:
Link caadi ah: http://SomaliTalk.com/2009/may/13/
ZIP file: http://www.SomaliTalk.com/2009/may/13/may2009.zip
PDF file: http://SomaliTalk.com/2009/may/13/dhulbadeed.pdf
Markale mahadsanid, kaagana sheekayn meyno SomaliTalk oo adiga ayaaba waraysiyada u qaaday hore sida waraysigii deerow (http://SomaliTalkradio.tripod.com/2002/deerow/deerow02.html)
Waxaan kuu rajaynayaan khayr farabadan insha Allah.
Walaalkaa Maxamed Cali xxx.xxx-xxxx
FG: Waxaa kale oo aad lasoo xiriiri kartaa Xasan Dhooye (xxx-xxx.xxxx)
(from) Somali Presidentail xxxxx Department to SomaliTalk.com
Thu, Apr 2, 2009 at 3:46 AM
Xafiiska madaxweynaha ayaa email uu u soo diray Tifatiraha Guud ee SomaliTalk u sheegay in warbixintii gaartay
xafiiska, iyo in madaxwaynaha la siinayo warbixinta oo inta la akhriyo loo soo koobay.
Islamarkaasna warbixinta loo gudbinayo xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Islamarkaasna ay jawaab SomaliTalk soo siinayaan asbuuca ka bilaabanayay Sabti
(4- 10 April 2009). Waxana xafiisku codsaday in aan ilaa waqtigaas sugno..
Sida aan faahfaahinta hoose ku arki doono, isla maalintaas Khamiis Apr 2,
2009 Amiin Yuusuf oo ka tirsan bahda SomaliTalk ee Muqdisho ayaa waxaa u
suurtagashay in uu warbixinta u dhiibo wasiirka dhalinyarada iyo isportiga
Suleymaan Colaad Rooble... waxa uu ka tisan yahay Golaha Wasiirada iyo
golaha baarlamaanka ku jira, isla markaana ay isku dhow yihiin Madaxweyne Sheekh
Shariif. Mar dambe oo Amiin Yusuf isku arkeen Hotel Saxafi waxa uu u
sheegay in uu warbixintii u gudbiyay Mas'uuliyiinta Dowladda. Faahfaahinta hoos ayaan ku arki
doonaa...
Amiin Yuusuf oo wasiirka gacanta ka saaraya warbixinta, April 2, 2009, Muqdisho.
Habeenimadii Jimcada (April 3, 2009) ayaa waxaa SomaliTalk soo gaaray in
heshiiska la saxiixay. Warbixinta oo diyaar ahayd ayaan go'aansanay in aan
daabacno habeenkaas oo ay soo galaaysay Sabti. Markaas ayaan madaxtooyada u
dirnay labada email ee hoose.
(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxxx Department
Fri, Apr 3, 2009 at 11:53 PM
WARBIXINTII SIDII AAN ISKU OGEYN WAXBAA KA SOO LAABTAY
A/c: Walaal C/qaadir, ugu horayn aad ayaan uga xumahay in wax iska bedeleen ballantii aad noo sheegtay. Ma hubo in aad ku baraarugsanayd in Ra'iisul wasaaruhu maanta saxiixayo heshiiskii aan ka digeyney mudda aan la soo xiriirayney dawladda ilaa bishii Febraayo oo aan madax sare oo xukuumadda ah la xiriirnay.
Waxaan si weyn uga xunahay in heshiiskaas la saxiixo, ma hubno in madaxweynuhu ogaa arrintaas, jawaabta adiga ayaa taas naga siin kara.
Eed adiga kuma lihid haddii madaxtooyada oo aan ogeyn arrinta loo saxiixay Kenya, ama haddii lagu been abuuranayo dawladda oo arrintani aysanba dhicin. Cadaynta dabcan dawladda ayaa laga sugayaa.
Maadaama ballantii dhanka dawladda ay wax iska bedeleen, warbixintii waan daabacnay si shacabkuarrnta jirta ugu baaraarugo.
Xaqiiqadii saxiixaasi waa khalad weyn oo laga galayo shacabka Soomaaliyeed, haddii arrintaasi u dhacday kama' sixitaanka ayaa laga sugayaa madaxtooyada.
EEG WARKAN:
http://news.xinhuanet.com/english/2009-04/04/content_11129376.htm
Kenya, Somalia sign maritime boundary agreement
(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxx Department
Sun, Apr 5, 2009 at 11:34 AM
GAR-NAQSI iyo Sidee wixii khaldamay lagu sixi karaa
A/c: Walaal C/qaadir marka hore markale laga guddoon salaan qiimo badan, bacda salaan:
Waxaan markale kaaga mahad celinaynaa xiriirkaaga, iyo muddo dheer ka bacdi in aan dib u helay akhyaartii hore. Waxaan caawa isku dayay in aan telefoon kuu soo diro laakiin waxaan helay message sheegaysa in aad mashquul tahay ama xilligan lagu heli karin. Waxa ugu weyn ee aan doonayo in aan kaala hadlo waa sidee arrintii dhacday uga daba tegi karnaa oo loo sixi karaa (Waa tii badda ee aan ka wada hadalay).
1. Ugu horayn sidii emailkii hore kuugu soo sheegay waxaa warbaahinta caalamku qoreen in Jimcadii uu heshiis dhaxmaray Dawladda Soomaaliya iyo Kenya ku saabsan (Friday April 3, 2009 "Kenya Foreign Affairs Minister Moses Wetangula signed the agreement with Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Shermake." ISHA: XINHUA http://news.xinhuanet.com/english/2009-04/04/content_11129376.htm ). Ilaa hadda ma jiro warbixin dhanka dawladeena kak soo baxday oo arrintaas beeninaya, maanta waa Axad April 5, 2009.
2. Waxaan helay warar tibaaxaya in madaxtooyadu aysan la socon arrintaas.
3. Waxaan kalsooni ku qabnaa in muddadii aad noosheegtay inta u dhaxaysa 4-10 April, 2009 in aad madaxweynaha ku hor geynaysaan qoraal Koobaya warbixintii, xilligaasna ay madaxtooyadu jawaab cad bixin karto.
Waa Maxay qorshaha SomaliTalk daabacadii warbixinta kaddib:
4. Marka hore ujeedadii aan warbixinta u diyaarinay waxay ahayd in aan mujtamaceena Soomaaliyeed iyo xukuumaddaba ku baraarujino arrintan ka socotay adduunka oo xorriyadeena khusaysa. Xaqiiqadii anaga oo aan cidna mansab iyo magac kaga rabin ayaan u istaagnay in aan waqtigeena ku bixino sidii aan xogtaas u ururin lahayn (FG: Madxafkeenii iyo buugaagteenii waad ogtahay meesha ay mareen, in la helo xog wixii Soomaalidu arrimahaas ka aaminsanaayeen waxay nagu qaadatay muddo laba bilood ah).
5. Markii aan aragnay muhiimadda warbixinta ayaan markiiba go'aansanay in aan la xiriirno Dawladda. Waxaan la xiriirnay intii aan xiriirkooda haynay iyo dad kale oo xiriirka dawladda heli karay. March 2, 2009 ayaan wasiir kamida wasiirada arrintaas ku wargalinay. Waxaa kale oo aan ku wargalin xildhibaano. Waxaan la xiriirnay safaaradda Soomaalida ee New York, waxaan la xiriirnay waftiga madaxweynaha markii uu tegey Kenya, intaas oo meelood raad uun ayaan ku reebnay in ugu yaraan dawladdu ku baraarugto. Ugu dabayntii adiga ayaan ku helay markii aad joogteen Qadar, xaqiiqadiina aan si weyn ugu faraxnay xiriirkaaga.
6. Waxaad naga codsatay in aan qoraalka sugno 4 ilaa 10ka April 2009. Xilligaasna waa kaa aqbalay taas. Sababtii aan April 5 u daabacnay waa tii aan emailkii hore kuugu soo sheegnay. Taas oo aan saldhig uga dhignay in arrintii aan ka digeynay laba saxiixay oo Dawladdu qalinka ku duugtay, waa sida warbaahinta caalamka laga sheegay'e. Arrintaas oo calool xumo nagu noqotay. Taas ayaa khasab ka dhigtay in shacabka lagu baraarujiyo warbixintii aan muddo haynay oo u daabacno. Waxaana qiyaasayaa in daabacaddu aysan caqabad ku ahayn xiriirkeena wanaagsan.
7. Daabacaddii kaddib waxaan soo dhaweynaa in aan qorno jawaabta dawladda.
Maxaa la gudboon Dawladda
8. Dawladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay sida ugu dhaqsaha badan caddayn uga bixiso heshiiska ay Kenya sheegatay in ay Soomaalidu la saxiixatay. Haddii heshiiskaasi dhacay waxaa aad muhiim u ah si degdega ay dawladdu u buriso. Waayo sida hadalka loo dhigay ee ku qoran wararka arrintaas laga qoray waa mid aan wax dan ah ugu jirin Qaranka iyo Danta Soomaalida, dawladda Soomaaliyeenka waxay masuul ka tahay ilaalinta danaha shacabkeeda, marka koowaad iyo wixii ka dambeeya deris wanaag.
9. Ogow waxaad tihiin dawladdii anaguna waxaan nahay shacabkii dawladda, waxaana muhiim ah in dawladdu ay maqasho talooyinka saliimka ah, dhaliilaha loo soo jeediyo aysan ceeb u qaadan ee ay saxdo. Ogow masuuliyadda aad qaadeen waa mid weyn oo allah hortiis la idinkula xisaabtamayo, bini'aadamkuna waa markhaanti adduunka korkiisa.
Gabagabo:
Waxaan si gaar ah markale kaaga mahad celinaynaa waqtigaaga. Ogow SomaliTalk waad ka mid tahay, waxaana ku faraxsanahay maqaamka aad ku jirtid oo noqon kara mid mujtamaca anfaca ee yuusan dhumin xiriirkeenu. Ogow haddii anagu aanaan si cad wax idiinku sheegin QOF YES MAN AH waxba idiin faa'iidayn maayo.
Emailada kale ayaan talooyin dheeraad ah isku dhaafsanaynaa insha Allah
walaalkaa Maxamed Cali (xxx-xxx-xxxx)
ama la soo xiriir: Xasan Dhooye (xxx-xxx-xxxx)
Mahadsanid
Wabillaahi Towfiiq
Nairobi, Kenya: Aniga iyo Madaxda Dowladda wixii ina dhaxmaray (Ibraahim
Daa'uud Cabdalle).
Bahda SomaliTalk markii aad Qoralkii ii soo dirteen waxa ay ku beegneed xilli
Madaxwaynaha iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay safar maalmo ah ugu amba baxeen dalal
Qaaradda African ku yaal, balse waxaan isku dayay in aan Warbixinta Badda
Somalia ka hadleeysa in aan u dhiibo marka ay magaaladda Nairobi dhib ugu soo
laabtaan.
Madaxwaynaha iyo Wafdigii ay Hogaaminayeen dib ayay magaladda Nairobi ugu soo
laabteen, balse waxaan isku dayay in aan Madaxwaynaha qoraalka si toos ah ugu
gudbiyo nasiib daro taasi way dhici waysay oo Madaxwaynaha shirar iyo balamo
ayuu ka bixi waayay.
Kadib waxaan xiriir la sameeyay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Somalia Prof.
Gaandi oo ah shaqsi aan is caadi ah isku garaneeyno, xiriir dheeraad ah ayaan
la sameeyay balse isagana wuxuu ugu danbeyntii ii sheegay in uusan waqti fiican
heysan isagoo ila balamay March 20, 2009 oo ku beegan maalin Jimca ah. Inta
aan balantii la gaarin ka hor ayaan la hadlay Wasiirka isagoo haddana ii
sheegay in uusan waqti fiican heeysan balse uu qoraalka aan ugu soo dhiibi
doono qof uu isaga ii soo diray.. kadibna qofkii ayaan wada hadlaynay isagoo
ii sheegay meesha uu daganyahay.
Ninka uu wasiirka ii sheegay in aan warbixinta ugu soo dhiibi doono ayaa ii
sheegay In uu xilligaas daganaa Hotelka Andalus ee ku yaal xaafadda islii ee
magaaladda Nairobi. Xilliga aan balanayn waa aroor hore.
Maalinimadii Jimcaha aheed March 20, 2009 markii aan salaada subax kadib
tukaday ayaan xaafada South C ee aan daganahay ka soo anba baxay aniga
oo soo
abaaray dhankaas iyo xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee islii kuna yaal Hotel
Andalus uu uu dagnaa ninka aan kula balansanaa in aan qoraalka u gudbiyo.
Ugu danbeyntii 8:00 subaxnimo xilliga Nairobi ayaan xaafadda islii soo gaaray
iyo Hotelkii Andalus, daqiiqado kooban oo aan sugay kadib waxaan kulanay
ninkii warbixinta u soo dhiib la igu yiri anigoo markaasi ku sugayay
Maqaayadda Hotel Andalus. (Ninka aan la ballansahay waa Xildhibaan, ahana la
taliyaha madaxweynaha.)
Markii aan Kulanay Xildhibaanka oo aan warbixintii ku wareejiyay ahna mid ka mid ah
lataliyaasha Madaxwaynaha Shiekh Hassan Abdi Mursal, su'aasshii iigu horeeysay
oo aan waydiiyay waxay aheyd, Magaraneeysaa Webka SomaliTalk wuxuuna iigu
jawaabay si fiican, markaas kadib Qoraalkii ayaan u sharxay waana u dhiibay,
Su'aal aheyd yaa qoraalka diyaariyay ayuu i waydiyay waxaana tusay warbixinta
oo cidda diyaariseen magacu ku saxiixnaa.
Runtii waxa uu Aad u amaamay Xildhibaanka dadaalka dadka Soomaalida ah ee Qurba
joog ah iyo kuwa dalka joogaba iyo gaar ahan dadaalka Baaritaanada ah ee ay
wadaan SomaliTalk isagoo amaan gaar ah u soo jeediyay.
Xildhibaanka waxa uu wakiil ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gaandi oo
aan balansaneen, balse waxa uu ii balanqaaday in qoraalkan u xilsaari doono
guddi kadibna Wasiirka arrimahan Qaabilsan oo dowladda ay wasaarad qaabilsan
uu qoraalka ku wareejin doonaan, balse mar aan ku iri qoraalkan
Madaxwaynaha in uu la socdo in ay muhiimtahay aan waydiiyay ayuu igu yiri
Madaxwaynaha qoraalka wuu arki doonaa isla markaana aniga ayaa arrintaas kuu
balanqaaday.
Wuxuu kale oo ii sheegay in Qoraalkan ay si gaar ah ay isugu dayi doono in ay
ooga wada hadlaan Madaxwayaha, Ra'iisul wasaaraha, Wasiirka Amniga Qaranka, iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay 4-ta ugu sareeysa dowladda wadaaga
ee Soomaaliya.
Su'aalo kale oo gaar ah oo aan waydiiyay way jiraan waxayna ku saabsabyihiina
arrimo shaqsiyadeed.
Intaasi waa sheelkadii ina dhaxmartay.
Xildhibaan Hassan waxa uu ka midyahay Xildhibaanadda Isbaheeysiga dib u
xoreeynta ka tirsan, gaar ahaan waxa uu ka midyahaya lataliyaasha Madaxwaynaha,
Xildhibaanka waxa uu soo ahaa qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka Norway daganaa muddo
aad u badan waxa uuna ii sheegay tan iyo 1985 in uu dalka dibadiisa ku noolaa.
Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.
Haddii halkaas aan kaga gudubno warbixintii Ibraahim Daa'uud ee Nairobi,
haddana aan jalleecno Muqdisho iyo Amiin Yuusuf iyo xiriirkii dawladda.
Muqdisho: Amiin Yuusuf Khasaaro Warbixintii uu ka diyaariyey Xiriirkii uu
la sameeyey Dawladda Kumeelgaarka Soomaaliya
Website-ka SomaliTalk ayaa
muddo dheer waxa uu ku raad-joogay arrimo la xiriira badda Soomaaliya, waxa
uuna aakhiritaankii xog ka soo diyaariyey warbixin ka kooban 43 bog oo uu uga
hadlayay in la doonayo qorshe in
lagula wareego 13-ka May ee soo socota badda Soomaaliya,waxaana Qorshahaas
Qarammada Midoobey iyadoo sidoo kale ay jirto in Dowladda Kenya ay iyana
weligeed ku hamineysay in ay la wareegto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya,
taasina waxay soo ifbaxday Maalintii Talaadada ahayd bishana ahayd 7/4/2009
kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo wasiirka qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur ay heshiis
(is-afgarad) ku wada saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo dhigayay in wax
laga bedelo xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya.
Kenya
(sida lagu eedeeyo) horey ayay badda Soomaaliya ugu jirtay kana baaraneysay Shidaal, waxayna soo
ifbaxday arrintaas sanadkii 2006-da xiligaas oo ahaa markii ay Maxaakiimta
Islaamiga ah ku jabeen dagaalkii ay la galeen Itoolbiya oo ay u carareen
xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arrintaasi daboolka ka qaaday qaar ka
mid ah warbaahinta Caalamka oo cinwaano uga dhigay "Ceelashii Shidaalka
Kenya oo ka badbaaday waxa loogu yeero mintidiinta Soomaaliya".
Web-Site-ka ayaa intii uusan daabicin warbixinta, waxa uu istusaaleeyey in
warbixinta marka hore inta aan la daabicin loo gudbiyo mas'uuliyiinta
sarsare ee Dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna SomaliTalk gudbintaas u xilsaartay Weriye
Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah wakiilka SomaliTalk ee Muqdisho.
Warbixintaas markii ay soo
gaartay weriyaha oo u diyaariyey in uu u gudbiyo Dowladda ayaa waxaa dhacday
in ay ku adkaatay in uu gaaro saddexda mas'uul ee ugu sareysa , hase yeeshee
Amiin waxa uu xiriir la sameeyey wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana xiriirkaasi
fududeynayay xogheyntii gaarka ahayd ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Aadan
Qoor-yareey, nasiib daro waxaase dhacday in subixii ballantu ahayd in wasiirka
loo gudbiyo Dukumintiga markaa oo aan ku sii socday
xarunta Wasiirka ayaa Amiin waxa uu sheegay in indhiisu qabteen uuradda
Qarax Magaalada laga maqlay, waxaana weriyaha soo gaartay warbixin sheegaysay
in Wasiirka Arrimaha Gudaha lala beegsaday Qarax nooca dhulka lagu aaso ah,
waxa uuna xiriir la sameeyey Xogheynta Wasiirka, balse Taleefonkii ayaa
mashquul sheegay ilaa iyo markii dambe damay, sida uu sheegay wariyuhu waxaa
galay dareen isagoo xaaladda ka sii sheekeynaya waxa uu yiri "horey ayaan
u sii socday waxaana gaaray meel lagu xoonsan yahay, oo lagu dhegeysanayo mid
ka mid ah
Idaacadaha Muqdisho, waxaana dhegaheyga ku soo dhacday in wasiirka loo dhigay
qarax uuna ku geeriyooday xoghayntiisii Aadan.
Kaddib waxaa igu adkaaday xiriir aan la sameynayay dhanka dowladda si aan u
gaarsiiyo warbixintii SomaliTalk, balse waxaa dib mar kale ii suuragalay in uu
dib u soo noqoto rajadii aan ka qabay in aan warbixinta gaarsiiyo Dowladda,
waxaana xiriir la sameeyey Ra'isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Tamarta iyo
Shidaalka C/Waaxid Cilmi Goonjeex wuuna iga aqbalay in aan warbixinta u
keeno, balse mar kale waxaa suuragal noqon weyday in aan la kulmo kadib markii
uu Ra'isul Wasaare ku xigeenku u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.
Waqtigii loo qabtay in warbixinta la daabaco oo aad iigu yaraa, ayaa waxaa
markii dambe kulan la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Suleymaan
Colaad Rooble, waxa uuna iga aqbalay in uu iga gudoomo wuxuuna ii sheegay in
uu u gudbin doono sida ugu dhaqsiyaha badan saddexda mas'uul, waxaana Suleymaan
ugu xushay in aan warbixintaan ugu dhiibo dowladda , isagoo Golaha Wasiirada ka
tirsa, golaha baarlamaanka ku jira, isla markaana ay si aad ah isugu dhow yihiin
Madaxweyne Sheekh Shariif, waxa uuna mar aan isku aragnay Hotel Saxafi ii
sheegay in uu warbixintii u gudbiyay Mas'uuliyiinta Dowladda, waxa uuna ku
qayliyay 'waa warbixin xasaasi ah'.
Amiin Yusuuf oo warbixintii u dhiibaya Waasiirka Isboortiga. April 2, 2009,
Muqdisho.
Markii SomaliTalk ay daabacday warbixintii ayaa waxaa arrintaan ka gilgishay
dareenka shacabka Soomaaliyeed, waxaana qoraalo loo gudbiyey Dowladda
Federaalka oo laga codsanayo in arrintaan deg deg wax ugu qabato, nasiib daro
waxaa dhacday in dowladda iyadoo warbixinta si wanaagsan looga baaraandegin
Golaha Baarlamaankana la hordhigin dowladdu ay heshiis is-afgarad oo dhinaca
badda ah la gashay Dowladda Kenya, markii arrintaasi soo yeertayna waxaa sii
laba kacleeyay dareenkii Shacabka, hase yeeshee Wasiirka Qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga ah isagoo difaacaya heshiiska waxa uu yiri "Kani heshiis ma
ahan ee waa cusbooneysiin, marka cusbooneysiin lama dhihi karo waa heshiis,
waana mid ka dhacda dunida gaar ahaan dowladaha leh xuduudaha badda".
Dadka
si aadka ah uga qayliyey warbixinta waxaa ka mid ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil
Samatar oo yiri "Dowladdu ma ahayn in ay heshiiskaas gasho ee waxay ahayd
in ay si aad ah uga baaraandegto, waxaana macquul in heshiiskaas ay Soomaaliya
ku weyneyso dhul badeed aad u balaaran", waxa uuna intaas sii daba dhigay
"Markii hore Xuduud badeedku waxa uu ahaa 90-Degree oo
dhinaca Soomaaliya ah iyo 90-Degree oo dhinaca Kenya ah, hase yeeshee Kenya
waxay heshay 30--degree oo dheeraad ah waxayna u noqoneysaa 120-degree,
waxaana Soomaaliya u soo hareysa 60-degree, marka celcelis ahaan la isku daro
dhulkaas waxa uu noqonayaa 38 kun Km2 ah, waxaana ku talinayaa in dowladdu ay
si dhaqsi ah heshiiskaas uga laabato".-
Muuse Nuur Amiin oo ah nin si aad ah ugu taqasusay dhinaca badaha oo
muddo ka soo shaqeynayay badda gaar ahaan wasaaraddii Kalluumeysiga ayaa
isna waxa uu yiri "Marka Dowladdu ku meel gaar ah tahay wax heshiis ah ma
geli karto, waxaana marka heshiis la galo looga baahan yahay dowladda in ay
sanooyin siiso si looga baaraandego, dadkuna ay uga wada qancaan".
Xildhibaan
Geele Max'ed Cali oo ah xildhibaan ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa
heshiiska ay Dowladdu la gashay Dowladda Kenya ku tilmaamay mid la doonayo in
lagu boobo dhul Soomaaliyeed oo uu ka buuxo Khayraad aad u balaaraan oo uu ku
jiro Shidaal, isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in arrintaasi sida
ugu dhaqsiyaha badan uga gilgilshaan, waxaa kale oo uu sheegay in heshiiska uu
dhinaca beriga xitaa soo galayo, marka waa in Dowladdu sida ugu deg degta
badan uga laabataa".
Warbixinta kuma eka oo keliya midda Kenya ee waxaa
jira qorshe la damacsan yahay in 13-ka bisha May Qaramada Midoobey la wareegto
Xeebaha Badda Soomaaliya, waxa uuna Web-ku soo bandhigay qorshayaasha la
damacsan yahay, iyadoo la doonayo in marka ay Qaramada Midoobey la wareegto ay
iyana ku wareejin doonto ilaalinta Badda Soomaaliya Shirkado gaar loo leeyahay,
kuwaas oo ka kireyn doono Dowladu
shisheeye kuwaas oo la bixi doona Khayraadka noocyadiisa kala duwan. Warbixinta
SomaliTalk ay soo bandhigtay oo si weyn looga akhristay dalka Gudihiisa iyo
Dibaddiisa ayaa arrintaasi si weyn loogu ammaanay, waxayna akhristayaashu
sheegeen in ay heleen macluumaad la xiriira arrimaha laga damacsan yahay
Soomaaliya.
Amiin
Yuusuf oo Wareysi siinayay Idaacadda Hornafrik ayaa waxa uu ku faahfaahiyey
warbixintii SomaliTalk, isagoo sheegey in sababta loo daabacay warbixinta ay
tahay in shacabka soomaaliyeed ku baaraarugaan si ay uga
hortagaan boobka lagu hayo
dhulkooda, waxaa kale oo uu sheegay Amiin in sababaha keenay in burcad
badeedka ay sii laba lixaadsadaan hawlahooda burcadnimo ay tahay in lagu
xalaaleysto badda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna la gaarsiiyo heer sax u
qaataan in dhibku yahay Soomaalida burcad-badeedka ah, basle arrinta dahsoon
waxay tahay in hawlaha burcad-badeednimada looga gol leeyahay sidii lagu
xalaaleysan lahaa Badda Soomaaliyeed. waxaana la yaab leh in aan ka maqlay
Idaacadaha Reer Galbeedka in Diyaarad Halicobtar ah ay aragtay dooni ay wataan
kooxo burcad-badeed ah, waxaana markii dambe la
shaaciyey in ay ka baxsatay doonidii burcad-badeedku wateen, waxayna
su'aasha isweydiinta mudani tahay "sida ay dooni uga baxsan karto
diyaarad Halicobtar ah oo dul taagan". isku soo duuboo muhiimaddu waxay
tahay sida loo badbaadin karo mustaqbalka badda Soomaaliyeed, waxayna dadka
Soomaaliyeed u soo jeediyeen dowladda cusub ee Shariifku madaxda ka yahay in
ay ka fiirsato heshiisyada la doonayo in lagu dhex qariyo waxyaale kale.
Amiin
Yuusuf khasaaro
E-mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
SomaliTalk waxa kale oo ay dabayaaqadii Bishii Maarso warbixintan oo laga
dhigay laba buug ay gacanta uga Xildhibaan Maxamed Axmed Kaynaan oo
markaas safar ku soo gaaray sugnaa Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka.
Kadid waxaa SomaliTalk usuura gashay inay Xildhibaanka la xiriiraan oo
waydiiyaan, warbixintaan u dhiibnay iyo jawaabta uu naga siin karo.
Maxay tahay Xogta Somaaliya looga Baahan yahay ka hor May 13, 2009 inay u
gudbiso UN-ta
1-Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii
ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.
Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya
saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan
gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu
Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii
November 1994.
Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo
yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida. Waxaa
muhiim ah inaan Fahano Xeerka Baddaha Dhulka Soomaaliya ee Dowladii
Soomaliya dhaqan galisay 1972.
Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo
saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu,
10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo
Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:
- Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial
Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical
miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay
hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah.
Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran
maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu
qaadayaa sharciga Soomaaliya.
- Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu
hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
2. Xeerkii Hore ee UN-ta ee Badaha Adduunka 200 Nautical miles (370 km)
Xeerkii hore ee Qarammada Midoobay (QM) ee dhaqan galay November 16, 1994, dawladdii Soomaaliyeedna saxiixday December 10, 1982, (waxayna ansixisay July 24, 1989), waxa uu dhigayaa in dalalka leh xeebaha ay xaq u leeyihiin aagga badda oo fogaantiisu xeebta u jirto 200 Nautical miles (una dhiganta 370 km) oo loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga EEZ (Exclusive Economic Zone) waxaana xeerkaasi dalalka xeebaha leh, xaq u siinayaa in ay aagaas ka kalluumaystaan, macdan iyo shidaalna ka baartaan oo aan cidkale kusoo xad gudbi karin. Waxaa xusid mudan in dawladdii Soomaaliyeed ay aagaas adduunka looga yaqaan "Aagga Ganacsiga" ay iyadu u tixgalinaysay in uu kamid yahay Dhulka Soomaalida "TS" (Territorial sea), ayna ka soo saartay Xeer Lambarkiisu ahaa #37 oo Muqdisho ka soo baxay September 10, 1972.
3. Xeerka Kordhinta Xadka Badaha Adduunka ilaa 350 nautical miles (648 km).
Laga soo bilaabo March 13, 1997 waxaa Qarammada Midoobay ka socdo qorshe fogaanta xadka badaha adduunka lagu kordhinayo oo halkii ay ka ahayd 200nmi (370km) laga dhigayo 350nmi (648 km), xilligaas waxay QM waxay samaysay "Guddiga Xadaynta Badaha" oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaasna waxaa loo xilsaaray in ay ka baaraan degaan xadka badaha. Waxaa guddigaasi April 26, 2004 go’aamiyeen in waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo baaxadda badda ilaa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo qabtay waa 13ka May 2009. Qodobka Article 76 ee Xeerka Badaha UN-ta ayaa sharaxaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka si loogu kordhiyo xadka badda.
Dalkii aan xilligaas ku keenin cabbirka iyo macluumaadka, waxaa dhici karta in baddiisa wixii ka baxsan 200nmi lagu wareejiyo hay’ad hoos timaada Qarammada Midoobay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), taas oo ka kirayn karta dalal kale si ay khayraadka ugala baxaan ama u sahamiyaan shidaal.
4. Qodob Muhiim ah oo ay tahay in si gaar ah loo fahmo:
Xeerka QM ee xadaynta badaha waxa uu dhigayaa in fogaanta laga cabbir qaadanayo ay tahay meel TOOS ugu beegan xeebta. Taas macnaheedu waa in xariiqda xadaynta ay xagal qumman (90 degree) la samayso halka ay ku dhereran tahay xeebta u dhaxaysa laba dal. Waa qodob muhiim ah in la fahmo.
5. Xadka ay Dawlada Kenya Doonayso in QM u hirgeliso
(Ilaa hadda), sida ku cad qoraal ay Qarammada Midoobay faafisay, Kenya waxay calaamadsatay dhul-badeed Soomaaliyeed. Taasna waxaa daliil u ah khaariidada hordhaca ah ee ay u gudbisay QM in xagasha ay la samayso xeebta ay aad ugayar tahay 90 degree. Taas oo jebinaysa xeerka QM.
Taas Kenya arrintu kuma eka ee waxaa baylah ah badda Soomaaliya laga bilaabo Jasiiradaha LAMA SHAAQA ee u dhaw Raas Kambooni ilaa Cirifka Gardafuul ee aagga Caluula ilaa Jasiiradaha Saacadadiin iyo Ceebaab ee u dhaw Saylac.
Hunguraynta Kenya waa mid horay loo maqlay laakiin waligeed kuma dhiiran dhulbadeed intaa leeg inay calaamadsato, laba sababood darted; Dowlada Soomaaliya oo aad tixgalin wayn usiin jirtay soohdimaha dhul iyo bad ee dalka Soomaaliya leeyahay iyo QM. Oo marna aan aqbalin sheegashada Kenya.
6. Cawaaqibka ka dhalan kara Haddii Dawladda Soomaaliyeed saxiixdo heshiis aan laga fiirsan iyo inay awood u leedahay wax kabadalka xuduudaha dalka
Haddii Dawladda Soomaaliyeed saxiixdo heshiis aan lagafiirsan waxaa shacabka Soomaaliyeed laga dhaxal wareejinayaa dhul-badeed aad u baaxad weyn, dhul-badeed uu dhex jiifo khayraad kalluun oo aad u farabadan iyo wiliba tuhun weyn oo laga qabo Macdano iyo shidaal aan la daah furin oo dhex jiifa.
Arrintaasi haddii ay dhacdo, oo jiilka hadda ee Soomaaliyeed ay ogolaadaan, macnaheedu waa in ”Jiilka Soomaaliyeed ee hadda Jooga” waxay dhaxal wareejinayaan “Jiilasha ka dambeeya, si bareer ah”. Mana aha arrin u cuntamaysa shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa iyana haboon in la is waydiiyo awooda ay Dowladan hada jirta ee Kumeelgaarka ah u leedahay inay saxiixdo heshiis intaas leeg, oo wax ka badalaya
ama muran galinaya Xuduudaha Soomaaliya iyo wadammada dariska oo u kala calaamadsanaa muddo kabadan boqolsano.
7- Qeexida Qalfoofka Qaaradda ee Badda Hoos u sii gashan
Qeexid: Qalfoofka Qaaradda (Continental Shelf) waa qayb dhulka ka mid
ah oo sii gashan badweynta hoosteeda (ilaa ubucda badda). Fogaan xeebta
ka durugsan 200 mayl badeed waxaa loo yaqaan aagga ganacsiga oo gaarka u ah dalka xeebta leh. Cabbirkaas aagga
ganacsiga ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo 350 mayl badeed (648km).
8-Ma qasabaa sharciyan in heshiis isfaham ay wadagalaan waddamada xuduuda
Badda leh.
Marka hore aan si kooban u qeexno Memorandum of Understanding (MOU) : waxaa lagu qeexaa dukumiinta ay ku heshiiyeen/isku
af gartaan laba dhinac. Waxay muujinaysaa in labada dhinac ee is afgaradku dhexmaray uu qasdigoodu yahay in ay isku meel wax u wadaan. "MOU" waxaa sida caadiga ah la adeegsadaa marka labada dhinacba aysan doonayn in ay ballan qaadaan arrin sharci ah ama marka ay labada dhinac doonayaan in aysan abuurin xaalad sharci ah oo si rasmi ah u dhaqan gala. Mararka qaarkood MOU waxa uu noqon karaa sharci taas oo ku xiran qaabka hadalka loo dhigo.
Qoraalka dukumiintiga ah ee is afgarad ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliyaa marka la eego qaabka loo qoray waxa uu si
qeexan Qarammada Midoobay ugu sheegayaa in badda u dhaxaysa labada dal ay tahay Bad Muran ka jiro.
Haddaba, waxaa in si weyn loogu baraarugo ah xeerka QM ee ay tahay in la waafajiyo xogta ku saabsan cabbirka badaha ee dalalku u gudbinayaan QM, qodobkiisa Article 76 ee qeexaya qalfoofka qaaradda, farqaddiisa 8aad, waxaa ku cad in guddiga QM marka
loo gudbiyo xogta ay talo bixin ka dhiibanayaan xadaynta qalfoofka qaarada xadkeeda dhanka
badweynta xiga. Waxaa kale oo qodobkaas ku cad in: Xadaynta qalfoofka qaarada ee
badda hoos u sii gashan ee dal sameeyo ayadoo la raacayo soo jeedinta Guddiga
QM in wixii ay ku taliyaan uu yahay kama dambays oo ay tahay in aan la jebin.
Markaan soo aragnay xiriirkaan samaynay, aana soo fahanay xeerarka Caalamiga
ee badda iyo xeerka baddaha iyo dhulka Soomaaliya aan akhrino heshiiskii Kenya
laga gashay Soomaaliya.
Heshiiska Is Afgarad ee Kenya-Soomaaliya oo af Ingiiriisi: ama
PDF
Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 8, 2009l 8, 2009
Wasiir aan aqoon waxa uu saxiixay
Heshiiskii Is-Faham ee ay April 7, 2009 magaalada Nairobi ku kala
saxiixdeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah
ee DFKMG, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda
Kenya Moses Wetang'ula , oo ku saabsan xadaynta badda u dhaxaysa labada dal hoos
ka akhri (FG: Sida ka muuqata waraaqaha Af-Ingriiska ah waxaa ku astaysan
calaamadda Kenya, taas oo daliil u ah in Kenya soo diyaarsatay qoraalka oo
markaas ka saxiixatay DFKMG. Sidoo kale xusuusnow waraysigii wasiirku bixiyey in
uu kaga hadalay in arrintu aysan xad ku saabsanayn isagoo aan fahmin qoraalka,
ama islahaa heshiiskan shacabka Soomaaliyeed ma arki doonaan.)
QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH
OO DHEXMARAY
DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA
SOOMAALIYA
IYO
DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA
OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA'AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN
(MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN
KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED
Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta
(Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la'aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka
Qaaradda.
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo
Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo
isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan
Rasmiga ah ee Is-fahamka.
Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan
halkan ka dambeeya aan dhehi doono "Labada Dal ee Xeebta"). Arrinta
calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal
ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Sheegashada
labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran
(yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas
oo ah "Aagga lagu mursan yahay."
Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in
samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan caqabad ku ahayn (ama ka hor
imanayn)
su'aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka
leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada
dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku
saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku
jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo
samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl
badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka
qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka
duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go'an in ay wada shaqeeyaan si ay
u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta
xaadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed
Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee
Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka
ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka
mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa
KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu
xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee
Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka
Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal
(Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA
XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku
ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan
yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl
badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn
in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto
akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed.
Labada dal ee Xeebta
(Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in
waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta
Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono
"Guddiga"), marka Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo
waxay gudbinaysaa kahor 13ka May
2009,waxaana dhici karta in (xogta la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan
yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya
talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta
xuduudaha badda
ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku
caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo
macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira.
Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan
Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan
yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda
lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan
caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu
muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200
mayl badeed.
Calaamadinta
xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka
qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona
ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka
caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka
baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen
labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay
talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku
saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
ka durugsan 200 oo mayl badeed
Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la
saxiixo
WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen
dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka.
OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April
7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba
isku si loo saxiixay.
Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya
Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah
Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya
Mudane. Moses Wetang'ula , EGH, MP
Wasiirka Arrimaha Didabadda
Qoraalka oo gooni ah halkan ka daabaco
Sidoo kale: Warqadda oo saxiixan oo Af-Ingiriisi ah halkan
ka eeg
- Wasiirka Qorshanynta ee heshiiskaas saxiixay wixii uu ka yiri
DHAGAYSO ama
soo rogo
Kenya Is-Afgaradkaas waa ku Jilaafaysay Soomaaliya
Sida aan ka arkayno Hishiiskan isfahamka loogu yeeray waxaa dowlada
Kenya soo bandhigtay eray bixin cusub oo ku salaysan dhinaca sharciya baddaha.
Sida kamuuqata hadaan dhowr qodob kasoo qaadano;
1- "Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda hore usii
gashan) ee u dhaxaysa
Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya".
Hadalkan oo
heshiiska kuxusan wuxuu noo muujinayaa inay Dowladda Somaaliya ogaal iyo ogaal
la'aanba aqbashay inaan wali laxalin Calaamadinta badda u dhexaysa labadda wadan.
Sida aan horay ugu aragnay Warbixinta "Xadka xeebta ee Kenya iyo Soomaaliya
waxaa ku dhow jasiirado yaryar oo xiriirsan oo loo yaqaan Lama Shaaqa. Axdigii
"1924 Anglo-Italian Treaty" waxa uu si Qeexan u
sheegayaa in jasiiradahaasi ay raacsan yihiin dhulka hoos imanayay Talyaaniga,
sidaas daraadeed jasiiradahaas waxaa hadda leh Soomaaliya. Xeebta u dhaxaysa
Soomaaliya iyo Kenya waa xeeb siman, marka xeebtaas laga socdo xarriiq labada
dal isku in u jirta oo dhanka badda loo socdo 200nmi ee aagga Ganacsiga (EEZ),
barta xadaysnaysa waxay dhacdaa loolka iyo dhigta 3°30'S iyo 44°19'E. Maadaama
xeebta labada dal xadaynaysa ay ku dherersan tahay jihada
KoonfurGalbeed-WaqooyiBari, markaas xarriiqda xadaynaysa badda labadaas dal
waxay u soconaysaa jihada Koonfur-Bari."
Waxaa xusid mudan Cabirkaas iyo xeerkaas ayaa QM u tixgalisay labada waddan,
dowladihii Soomaray Soomaaliya waxay si qeexan u caddeeyeen xadka Soomaaliya
kala wadaagto badda. Waxaase nasiib daro ah wasiirka
dhinaca Soomaaliya u saxiixay oo u muuqday mid aan waxba kala socon heshiis yadii hore ee
badda Soomaaliya. Waraysi uu siiyey BBC-da ayuu ku sheegay areyadaan:
"Heshiiskaan wuxuu ahaa heshiis ku saabsan in labada wadan Kenya iyo Soomaaliya ay dib u cusboonaysiiyaan een
arinta la xiriirta een waxa layiraahdo continental shelf (Qalfoofka Badda) oo ah in dowlad kasta ay xaq uleedahay
wixii kadanbeeya 200 oo een ma'aragtay een iyada xadkeeda ah, oo Contenantal shelfiskan aan sheegay ah inay
leedahay marka si submission-kaas loo sameeyo oo labaatan sano hada kabacdi dhacay oo deadline kiisuna uu yahay 13
May 2009. Si arintaas dowladuhu labada dowladoodba heshiiskeenu wuxuu ahaay oo
ah memerondum of understanding (is afgarad) in labada wadan ay dhiibi karaan UN-ta qaybta u qaabilsan baddaha inay u dhiiban karaan cusboonaysiintaan inay samayn karaan
labada waddan inay isku afgarteen".
Wariyaha ayaa waydiiyay: Marka heshiiskan wuxuu khuseeyaa oo saamaynayaa soo ma'ahan xuduuda dhinaca badda ah?
"Maya xuduuda dhinaca badda ah hada saamayn kuma leh, wixii xuduud een badeed inay labada Dowladood mid walba sideeda
ayada u xadidato, waxyaaba yaabka leh waxaa ka mid in Kenya iyo Soomaaliya aysan calaamadays nayn xuduuda
badooda, marka wixii xuduuda badda la xiriira inay dowlad walba heshiiska waxaa ku qoran sideeda iyada ay
ugu gaysanayso en en hayada UN-ta uqaabilsan arimaha baddaha iyo wixii la xiriira.
Heshiiskaan dee waxaa ku xirayba ..................... faa'iidada aan ka
helayno waxaa waaye inaan samayno cusboonaysiin inaan samayno een ayaan waxaan u
baahanahay dowlada ay naga dhaxayso xuduuda badda, sidoo kale waxay tahay inaan
la saxiixano Yemen, .............technically waxaa loo baahan yahay markii aad resubmission
samaynayso ama cusboonaysiinayso area-yada badaada kabaxsan inta adiga
xaqa u leedahay waxa ka baxsan en activity-da iyo wixii aad ka samaynayso
inta inaad dowlada dariskaaga ah aad heshiis aad isku ogtihiin kuwada
cusboonaysiisaan.
Hadaan intaas kaga gudubno warkii Wasiiska waxaa kuucad inuu wasiirku aqbalay
uu ku tilmaamay layaab inaan labada waddan xuduuda baddoodu kala calaamadsaynayn,
korna waxaan kusoo aragnay inay labada Dowladoodba ku dhaqmayeen xeerkii la
dhigay 1924. Sidoo kale wasiirku wuxuu shardi uga dhigay in si loo gudbiyo xogta
badda ee Soomaaliya ay tahay in Kenya heshiis lala galo, arrintaas sharaci ahaan
waa lamayn karaa laakiin shardi ma'ahan, waa hadii heshiisku yahay mid si siman looga baaraan
degey oo qolo kasta ay xogteed tan kale hor dhigto. Waxaa kaloo
intaa dheer Kenya xogteeda (oo har dhac ah) waxay u gudbisatay qarammada
midoobay March 10, 2009 heshiiska is-afgarad wuxuu dhacay April 7, 2009. Sidoo kale Yemen
waxay gudbisay March 20, 2009. Sidoo kale Jaziirada Seychelles oo Somaliya xuduud
kala leh dhinaca Badwaynta Hindiya waxay xogteeda QM u gudbisay December 01,
2008.
2- "MURAN BADEED".
Waxaan oran karaa arrinta ugu muhiimsan ee Dowlada Kenya heshiiska
(Is-afgaradka) ka la hayd waa
in Dowlada Soomaaliya la ogolaato inuu jiro aag badeed labada wadan ku maran
sanyihiin (UFIIRSO HALKAAS: Lama dhehin DHUL ee waxaa la yiri BAD). Arrintaas oo QM ka dajisay qaab ay racaan waddamada isku haya
xuduudka baddaha. Kenaya waxay muran galisay Qalfoofka Qaaraadda ee badda hoos u
sii gashan ee Soomaaliya
(Contenantal Shelf) oo aan kor kusoo aragnay qeexidiisa. Muhiimada murankuna waa
in ismaandhaafka labada dal la hoos geeyo guddiga u qaabilsan QM, gudigaasna uu
leeyahay go'aanka kama danbaysta ah.
3- si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku
saabsan samaynta xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga
fogaan durugsan 200 oo mayl badeed.
Hadalkan waa mid aad muhiim u ah, Dowlada Kenya waxay muran galisay Qalfoofka
Qaaraaddaa ee Badda Soomaaliya ay lawadaagto, sidoo kale waxay aaminsan tahay inuu cabir isdul
saaran ama isku dul dhacaya uu yahay cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee Badwaynta ka
durugsan 200 oo mayl badeed. Sidaa daraadeed waa in ay labadda wadanba xogtooda
soo gudbiyaan si loogu kala cadeeyo. Hadaad gadaal ugu noqoto Sawirada Maababka
inta Kenya soo durugtay waxaad fahmaysaa danta hadalkaas ku jirta. Xasuusana
aagaas waa aagii la kordhin lahaa oo laga dhigi lahaa (350 nm) muhiimada hadalku
waa baddii horay kuugu sharciyeysnayda Muran ayaan galiyey, mida hada ladoonaya
in la sharciyeeyena waa isku aag oo makala cadda.
4- Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay
ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey
ee la xiriira aagga muranka ku jira.
Hadalkan heshiiska ku qoran waa hadal muhiimadiisa leh wuxuu Gudiga QM u til
maamayaa in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay isla ogolyihiin in QM
tixgaliso aaga ay ku muransanyihiin, marka labada dalba xogtooda usoo gudbiyaan.
Markastana ha ilaawin aagaas waa Qalfoofka bada ee aan soo qeexnay, sidoo kale
niyada ku hay in Kenya ay gudbisatay cabir sheegaya Jaziiradaha LAMASHAAQA ee
Koofur ka xiga Raasganbooni.
5- Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga
(QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal
ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u
dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia).
Hadalkan fasiraad badan umma baahna, macnihiisoo kooban waa Kenya iyo Soomaaliya
haday soo gudbiyeen xog ay isla ogolyihiin, waa inaysan QM caqabad ku noqon ee
horay uga socotaa, maadaama labada dal heshiis yihiin. Xogta laga hadlayana waa
aaga la kor dhinayo sida ku cad qaybtan hoose.Waxay Kenya halkaas ka digtoon
tahay in QM ay sharciyadii hore dib u raacdo.
6- Waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee
aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan
200 mayl badeed.
Dowlada Kenya wali waxay digniin u diraysaa QM warkiina aad ayey u cadaysay,
Kenya waxay istustay in murankaas uu keeni doono inay iyadu ku guulaysatay,
xuduudo cusubna la dhigi doono, sidaa daraadeed waxay leedahay QM waa inaysan
caqabad ku noqon oo diidin xuduudahaas cusub ee aaga lagu muransan yahay
(Qalfoofka Badda hoos u sii gashan) iyo aaga Baddwaynta ee la kor dhin doono.
Hadaan soo koobno heshiiskan waa lagu jilaafeeyey Soomaaliya, waxaana laga
saxiixay laba qodon in MURAN lagaliyey baddii horay ugu sharciyeys nayd, iyo
arinta labaad oo ah inaysan kala cadayn ama cabir isku mid ah u cabiran yahay
aaga May 13, 2009 la kordhin doono. Hadaba su'aasha is waydiinta leh waxay tahay
Kenya maxay waxaas oo dadaal ah u bixinaysaa? Sadex sababood ayaa dadbadan aamin
sanyihiin inay dhiira galinayaan Kenya. 1-Sanadihii ugu danbeeyey Kenya waxay
waday sahamin xaga badda ah khaasatan xuduuda u dhow Soomaaliya, waxayna
sahaminaysan Shidaal, aagaasna Khuburo badan ayaa qabta in shidaal kujiro,waxaa
kaloo iyana aan qarsoonayn inay Kenya heshiis la gashay Shirkadaha shidaalka
baara oo Shiiknuhu kamidyahay. 2- Somaaliya oo aysan kajirin Dowlad ilaashan
karta ama awood u leh inay ilaaliso xudduudaheeda, siyaasad iyo ciidan midna. 3-
Arinta sadexaad ayaa waxaa lagu macneeyey Doladaha dariska la ah Soomaaliya ee
aan marnaba aqbali karin in Soomaaliya ay ka hana qaado Dowlad rasmi ah, sidaa
daraadeed waa in jahawareen lagu ridaa iyadoo laga faa'iidaysanayo isku
maqnaantooda.
Waxaa kaloo jira Su'aalo ka imaanaya dhinaca kale, Maxaa ku kalifay Dowladan
curdanka ah oo cimrigeedu laba sano oo kaliya yahay inay ka hadasho arrimo
waawayn sida kuwaan oo kale? Sidoo kale sadex jawaabood ayaa laga bixiyey.1-
Dowladan waxay u muuqataa in ay raadinayso ictiraaf cidkasta oo aqoonsatana ama sidii dowlad
rasmi ah ula dhaqantana waxay ka xishoonaysaa inay ka hortimaado, ama su'aalaan
galiso. 2- Dowladaan Madaxdeedu uma dhaqmaan sidii madax khibrad leh, sidaa daraadeedna
waxay u muuqdaan in wax badani si fudud uga hoos baxayaan. 3- Arrinta sadexaad ayaa ah
arrmo aan si fudud loo sharxi karin, maxaa yeelay dood ayaa jirta oranaysa Dowladaan waa Dowladii ugu
aqoonyahanka badnayd, marka lama oran karo garasha la'aan ayaa jirta.. Waxaa
kaloo jira iyana cabashooyin ka soo yeerayey Aqoonyahanka iyo ruugcadaaga
Soomaaliyeen oo oranaya Dowladaan waxaa loogu deeqay in iskaa wax u qabso loogu
biiriyo wixii ka dhiman, Dowladana albaabkeedu waa xiran yahay. Sikastaba haloo
dhigee Dowladaan waxay saxiixday heshiis is afgarad aysan ka fiirsan, waxaana muhiima inay
ka fakarto sidii ay uga bixi lahayd sharciyan ee aysan isagii difaacin.
Waxaa kale oo laga waraystay Heshiiska is afgarad ee marunka dhaliyey Ku xigeenka
afhayeenka Baarlamaanka Kenya:
Faarax Macallin, Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, oo Shaaca Ka
Qaaday in Heshiiska Dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya La Saxiixay Dhawr Toddobaad
Ka Hor...
"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka
Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta
uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Marka wax
la isku deyi karo in ducfiga Soomaali lagaga faa'iidaystaa ma aha, ninkii isku
dayana khasaaro ayaa ka imanaysa." Faarax Macallin..
Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin, oo ay waraysi
la yeelatay idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray Kenya iyo
Soomaaliya aan hadda la saxiixin ee la saxiixay dhawr toddobaad ka hor.
Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa Faarax Macallin marka hore waxay
weydiisay waxa uu ka iftiimin karo heshiis maalmahan soo shaacbaxay oo ay
Soomaalidu walaac ka muujiyeen oo la xiriira heshiis ay kala saxiixdeen Kenya
iyo Soomaaliya.
Faarax Macallin waxa uu ku jawaabay "Horta heshiiskaas wax hadda la
saxiixay ma ahayn, dhawr toddobaad ayaa ka soo wareegtey". Waxana uu intaas
ku daray: in wax lagu heshiiyey aysan jirin ee la doonayo in khadkii xadka dib
loo raadiyo oo la mariyo meeshiisii xalaasha ahayd oo loogu talo galay markii
horeba in uu maro oo waddan kasta u ogaado meesha xadkiisu ku eg yahay. Wax
dawlad ay hadda badali karto ma aha. Waa wax tan iyo Talyaanigii dawladihii
mustacmarka iyo dawladihii ka dambeeyey uu rikoodhkii wada yaalo (diiwaan koodi
yaal). Meelkasta ayey taalaa UN-ka, latitude-kii iyo longitude-kii iyo bearing-kii
oo dhan ayaa la hayaa (Dhigo, Lool iyo Xagasha ama jihada uu ku socdo xadku).
Waa in sidaas loo xaqiijyo uun weeyaana, taasna waa dawladaha wax markastaba
dhaca. Laakiin hadda wax cusub ma aha. Maadaama Soomaaliya aysan 18-sano dawlad
ka jirin waxaa loo baahan yahay in meeshii xuduudku ahaa ee u horeysey hadda in
la is tuso ayaa loo baahan yahay.
VOA waxay weydiisey: sida aad sheegtay Soomaaliya iyo Kenya ma aha laba
dal oo maanta deris noqday, maxaa keenay in dib loo eego xuduudaha?
Faarax Macallin waxa uu ku jawaabay: Waaqaca hadda jira waa in la isu sheego,
20 sano ku dhaw Soomaaliya dawlad ma jirin, marka waxana waa wax iska imaginary
ah, meelaha ay marayaan, dadkii way soo gudbaan, waa sii gudbaan, meeshii in la
is tuso anigu hadda wax dhib ah uma arko. Aniga wax dhul ah oo hadda la isku
haysto oo aniga aan ka war hayo ma jirto. Hadduu jirono waa wax aanan anigu
ogeyn.
Maxaa hadda loogu baahdan in la is tuso xuduudaha, haddii ay ahaayeen
xuduudo hore u jiray ayaa la waydiiyey?
Waxa uu Faarax Dawaara ku jawaabay: Waa kuu hor mariyey, waxaan waa imaginary
weeyaan, Markaad Kenya galaysid oo Soomaaliya ka soo baxaysid iyo markaad Kenya
ka baxaysid oo Soomaaliya galaysid waa in aad ogsoon tahay calaamadda,
xarriiqada meesha ay marayso, waayo hadda dawlad rasmi ah ayaan is tusaynaa in
ay Soomaaliya ka dhalatay. Hawl galkeena wuu soo bixi doona. Laakiin xuduudaha
labada dhinac maadama aysan talis ka jirin labada dhinacba, hadda war meeshii
intee ahayd aan xarriiqno oo waddo yar aanu marino oo markaad ka baxaysid oo
dhanka kale galaysid ilaa dadka ku nool labada dhinac waa dad isku beel ah, taas
way dhacdaa adduunkoo dhan wax dhib ah oo aan u arko ma laha, dabcan wax kale oo
aan aniga ogayn oo adinka ogtihiin mooyee.
Marka Faarax ma waxaad leedahay xarriiqdaa mar walba u baahan in la
cusboonaysiiyo, ayay waysiisay Caasha Ibraahim "Caasha Cuud" oo
waraysiga u qaadaaysay VOA.
In la is tuso HAA HAA HAA way u baahan tahay, oo xitaa tan dhulka Kenya waxay
maraysaa Longitude and Latitude (Lool iyo Dhig) ayey maraysaa oo wado yar oo loo
kala hagaajinaayo, marmar muddo markii laga soo wareego oo dadka laba dhinac ay
isku dadka yihiin waa lagu wareeri karaa. Kolley sida xalaasha ah oo dhabta ah
oo aniga aan ogahay, waxaanan ogayn in aad idinku ogtihiin haddii uusan jirin.
Haddii wax kale uu jirona kolley waa soo bixi doontaa, ayuu ku jawaabay.
VOA waxay markaas weydiisey: Welwelka Soomaali badan ay muujinaysaa waxa
weeye maadaama Soomaaliya ay burbursan tahay muddo 20 sano ku dhawaad ah ,
welina dawlad xoog leh aanay ka jirin, in ay dhici karto in daciif nimada
dhinaca dawladnimada ee jirta in looga faa'iidaysto?
Waxa uu ku jawaabay: Horta dareenku waa iska dabiici oo bini'aadam oo dhan
dareenka waa iska qabaa, laakiin meesha adiga aad joogtid haddii aad tagtid
Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY
BEARING-ka (Waa jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa,
waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Marka wax la isku deyi karo in ducfiga
Soomaali lagaga faa'iidaystaa ma aha, ninkii isku dayana khasaaro ayaa ka
imanaysa. Wax aniga aan ogahay oo dhanka dawladda Kenya ka socotana oo boob ahna
ma jiro. Marka war jiraaba cakaaraaha ayuu imaan doonaa. Bearing-ka (jihada
xadka) wax intaas taako qaado oo suulka iyo farta u dhaxaysa oo la boobi karo ma
jiro.Sidii looga tagay tan iyo mustamarkii ayay noqonaysaa.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Heshiiska isfahamka Kenya
Sharaxaada Ra'iisul Wasaaraha uu ka bixiyey heshiiskii Kenya, qayb kamida
hadlkii oo qoran. "Waxaa jirtay illaa iyo dowladihii lixdankii , wax la
yiraahdo Contenantal Shelf oo ah hadba wadankasta dhulkiisa inta uu badda
hoosteeda gaaro, waxayna ahayd wax caadi ah oo dowladihii hore oo dhan ay
ay gaysteen sheegteen in dhulkoodu uu gaaro ilaa 200 oo mile, waxaa lasoo
ogaaday Soomaaliya in dhulkeedu ka shisheeyo 200nm waxa la dhaho ee lagu
xisaabtamo, sidaas darteed waqtigii waxaa la gaaray anga aan dib u codsan lahayn,
in aan sheegano dhulkaas baaxada wayn ee biyaha ku fidsan, maadaama sharcigu
wuxuu dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo ay xudduud yadoodu
isgaaraan, in dowladuhu ay isu ogalaadaan inay wada sheegtaan
dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya. Laakiin taasi aysan ahayn in anaga
xuduudkeena iyo dhulkeena taako intaas leegba alla ha ka dhigee, inaan uga
baxayno ama usiidayno qofna......................... Waa jirtaa anaga iyo Kenya
inaan isku hayno Xuduudka en biyaha hoose ee aanu en gudi usaari doono hadii
illaahay yiraahdo laguna kala bixi doono maxkamaddaha aduunka..............Maadaama
xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno aduunku in waxa naga
dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah............"
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu yiri:
- waxaa lasoo ogaaday Soomaaliya in dhulkeedu ka shisheeyo 200nm waxa la
dhaho ee lagu xisaabtamo.
- Waa jirta in annaga
iyo Kenya aan isku hayno xuduudka biyaha hoose, oo aannu guddi u saari doono
haddii Ilaahay yiraahdo., laguna kala bixi doono maxkamadaha adduunka.
- sharcigu wuxuu dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo ay
xudduud yadoodu isgaaraan, in dowladuhu ay isu ogalaadaan inay
wada sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya.
- Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno aduunku
in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah.
Dowlad Aan garanayn Waxa saxiixayso iyo arrinta ay ka hadlayso
- Waxaan isku dayeynaa inaan uga jawaabno si kooban hadalka Raysul
wasaaraha maadaama aan faaladeenan arrimo badan kusoo ogaanay. Waxaan
leenahay hada lama ogaan in dhulka badeenu ka shisheeyo
200nm ee waxaa la dhaqan galiyey in ku dhow 40-sanadood, akhri
xeerkii Dowadii Soomaaliya
"Dawladdii Soomaaliya si ay u xaqiijiso ilaalinta xadka
baddeeda, waxay soo
saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay
Mogadishu,
10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo
Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadkan:
Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial
Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical
miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay
hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah."
- Hadalka labaad ee Raysul Wasaaraha wuxuu sheegay marunkii Kenya
galisay Badda Soomaaliya, waxaa su'aal ah goormuu muran xaga badda ah
noo dhaxeeyey? goormay jirtay inaan is xuduudaha badda isku hayno?
Muhiimmadu waxay tahay Cumar wuxuu meel mariyey sidii Kenya rabtay ama
ha loo hoos galiyo ama ku tala gal ha ka ahaatee. Markasta waa inaan
niyada ku haynaa danta ugu wayn ee Kenya lahayd waa inaan aqblo inaan
badda ku muran sanahay oo naloo garnaqo.
- Arinta sadexaad ee Raysul wasaaruhu sheegay oo ah "sharcigu wuxuu
dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo ay xudduud yadoodu
isgaaraan, in dowladuhu ay isu ogalaadaan inay wada
sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya" Arintaas
majiro sharci oranaya dowladuhu waa inay isu ogalaadaan inay wada
sheegtaan wixii ka baxsan 200 oo mayl badeed. Sharcigu wuxuu leeyahay
Dowlad kasta iyadoo raacaysa Qodobka 76-aad ee QM waa inay xogteeda usoo
gudbisaa gudiga QM ugu tala gashay Xadaynta baddaha. Hadii sharci kale
oo shardi ka dhigaya ama qasab ka dhigaya uu jiro waan soo dhawaynayaa
in Dowladu soo bandhigto. Heshiis waa la gali karaa qasabse ma'ahan si
xogta kordhina Qalfoofka badda loo aqbalo (350nm)
- Waxaa layaab iyo naxdin leh ummad aqoon yahankeedii sidaan u dhaqmayo,
oo ay yiraahdaan "Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u
sheegno aduunku in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno
si sharci ah." Cumar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya iyo Kenya laba
wadan oo hada Khariirada aduunka kusoo biiray ama baddi u dillaacday,
sidaan in badan ku celcelinay, faalladaana in badan aad ku aragteen ama
ka maqasheen Faarax Macalin oo Keenyaan ah, Soomaaliya iyo Kenya waxaa
xuduud dooda loo kala calaamadiyey xiligii gumaysigii ( 1924.) Si
arintaas loo fahmo waxaan waxaan inyar kasoo qaadanaynaa naa Cilmi
baaristii Dhul-baddeedka.
Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya:
Warbixinta qaybteeda sare markii aan dhamaynay, una gudbinay xubno ka
tirsan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), ayaa waxaa
bogga Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal
ay Kenya u dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay
la socdaan cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay
dhul-badeed ballaaran oo ah badda Soomaalida.
Dhul-badeedka Soomaaliya ee ay Kenya baddeeda ku darsatay, si xeel dheer
si loogu fahmo waxaan qaybtan gogoldhig uga dhigaynaa heshiisyadii[24]
dhexmaray Ingriiska iyo Talyaaniga ee xadka loogu sameeyay dhulka Soomaalida.
Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis
dhacay 15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii
December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta xadka Soomaaliya iyo
Kenya. Xadayntaas waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA
SHAAQA[25] ay leedahay Soomaaliya, jasiiradahaas oo Koonfur
ka xiga Raas Kambooni - macnaha ay arrintaasi u leedahay xadaynta
badda gadaal ayaan ka arki doonaa. (FG: Xadka laga hadlayay waxa uu NFD[26]
raacinayay dhanka Kenya. Soomaaliduna ma aqoonsanayn taas maadaama NFD ka
maqan tahay, laakiin sida aan warbixinta hoose ku arki doono, Kenya waxay
hadda kusoo xad gudubtay xadkii xilligaas loo kala calaamadiyey Somalia iyo
Kenya).
16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray
safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa
dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay
isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya.
Waxaana heshiiskaasi dhigayey in "Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw
ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya".
Guddi labada dal (Ingriis-Talyaani) waxay xilligaas u xilsaareen arrinta
xadaynta waxay ogaadeen in ay jiraan lix jasiiradood oo ku dhaw Raas
Kambooni. Mid jasiiradahaas kamid ah waxay ku dhagan tahay Raas Kambooni,
5-ta kale waxay qiyaastii 2km dhanka Koonfur-Galbeed kaga aaddan yihiin Raas
Kambooni, waxaana loo yaqaan Lama Shaaqa (Isolotti Lamasciaca
ama "Diua Damasciaca"). Jasiiradahaas tan Koonfurta
ugu xigta waa dhagac weyn oo cabbirka dhexroorkiisu yahay 50 mitir.
Heshiiskaas waxaa si qeexan ugu qoran in "Jasiiradaas yar ee Koonfurta
ugu xigta 5-ta jasiiradood ay tahay barta xadaynaysa badda Kenya iyo
Soomaaliya. (Waa haddii marka hore aan laga hadlin NFD oo xadku halkaas
dhanka Koonfureed ka sii xigi karo.)
Qoraal kale oo ay is dhaafsadeen Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingriiska,
22kii November 1933, ayaa sii xaqiijiyay xarriiqda iyo barta
xadayneysa badda Kenya-Soomaaliya, waxaana qormadaas (Italy-Britain) ku
qeexan in: xarriiqda xadaynaysa badda (Soomaaliya-Kenya) waxay dhanka
Galbeed ka maraysaa cirifka Koonfureed ee jasiiradda Koonfurta ugu xigta
5-ta jasiiradood ee LAMA SHAAQA. Waxayna xarriiqdaasi u soconeysaa jihada Koonfur-Bari,
waana xarriiq toos ah oo xagal qumman (90°) ugu qotonta jihada ay xeebtu ku
dherersan tahay (taas macnaheedu waa: maadaama barta xadka kaga beegan
xeebta ay jihadeedu tahay WaqooyiBari - KoonfurGalbeed, markaas xagasha taas
ku qotonta jihadeedu waa dhanka KoonfurBari, sida aan ku soo aragnay dhanka
sare ee warbixintan).
Dowladii Somaaliyana waxay xiligeedii ma dhaafin cabirkii
(Italy- Britain) ay waagaas sameeyeen. Waxaa xusid mudan in labada dalba
lagumaystay oo wadanka Soomaaliyana xornimmada ka hor qaaday Kenya, waxaa
kaloo jirtay in wadanka Soomaaliya xornimmadii kadib, uu wadanka Kenya xaga
Military-ga uu aad uga horeeyey, ama aad uga xoogbadnaa, laakiin labadaas
arrimood ma keenin in wadanka Soomaaliya ku xadgudbo xuduud-beenaadka
gumaysigu sameeyeen oo Kenya loogu sadburiyey. Mana dhicin inuu iska
cabirto badda waagaas Kenya loo qoondeeyey, waxaanse marnaba reebanayn
sheegashada iyo doonista in dalka xooga laga gooyey uu kamid yahay
Soomaaliya, inuu dib ula soonoqdana ay ka go'antahay.
Maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed heshiiska is afgarad kadib?
Ummada Soomaaliyeed wixii lagudboon Cilmi baarista shanta qodob ee ugu
horeeya ayaa SomaliTalk ugu sheegtay, waxay kaloo Warbixintu digniin culus
u dirtay Dowlada Kumeelgaarka ah, inaysan ku dag dagin heshiis aan laga fiirsan
sida hada dhacday, dignaantaasna waxay u qornayd sidan;
5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee (Xadaynta)
Badaha Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga
rabo, gaar ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa
inaysan qaadin wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo
ahaa inay saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto
cawaaqibxumo iyo hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku
baraarujinaynaa inay aad u dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo
qorayey inay Qarammada midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga
aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo
kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan.
Waxaa xusuusin Muddan marka laga soo tago xiriirka tooska ah ee dhex maray
SomaliTalk iyo Dowlada, cilmi baarista waxaa la daabacay April 4, 2009.
Dowladuna heshiiska is afgaradka waxay saxiixday April 7, 2009. Halkaan waxaa
noogu cad in dowladu ay haysay xogta oronaysa Kenya waxay calaamadsatay Badd
Soomaaliyeed. Arintaas oo wadatay cadaymaheeda sida aad warbixinta ku aragteen.
Hadaba hadaan toos uga jawaabno Heshiiska ka dib maxaa la gudboon ummadda
Soomaaliyeed? Waxaa la gudboon inay sameeyaan oo diyaariyaan gudiga Badbaadinta
badda Soomaaliyeed. Gudigaas oo diyaarinaya khuburo ku takhasusay Cilmiga Badda
gaar ahaan dhinaca Shuruucda baddaha Caalamiga ah iyo dhinaca Juqoraafiga Badda.
Si gaar ah waxaan xil u saaraynaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibada
jooga, anagoo ku sababaynayna aqoonta, dhaqaalaha iyo Xiriirka ay si sahlan u
samayn karaan.
Waxaa kaloo aad muhiim u ah in Dowlada Soomaaliyeed loo sharxo heshiiskan
dhibaatadiisa laguna qasbo inay ka noqdaan sida ugu dhakhsaha badan. Waxaa kaloo
muhiima Dowladu inay aqbasho Talada iyo Cabashooyinka ummadda Soomaaliyeed ee ay
matalayso.Sidoo kale Dowladu Inay ku dadaasgo sidii ay QM ugu qancin lahayd in xadaynta badda Soomaaliya dib loo
dhigo. Sababtoo ah waqtiga oo dhaw (May 13, 2009) iyo arrinta oo dhaqaale, waqti iyo dowlad awood leh u
baahan. Shacabka Soomaaliyeedna in aysan aqbali karrin xiligan waxyaabo baddan
oo xasaasiyad laga qabo. Xikmad Soomaaliyeed ayaa ah “Dheef waa la isa siiyaa
dhulse la isma siiyo”.
Lagu Maqan Isku Maqan (Soomaali) Ugu danbayntii Dowlada iyo
ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay isu tanaasulaan, wada hadlaan,
heshiiyaan, iscafiyaan, hadii ay doonayaan inay bad baadiyaan Dalka iyo Dadka
Soomaaliyeed. Waxaa noo muuqda in buuro dhaadheer la kala saaran yahay qolo inay
soo dhaadhacdo doonaysana aysan jirin ee loo baahan yahay Buundo, waxaan soo
jeedinaynaa hadaan nahay (Bahda Somalitalk.com) buundadu waa Diinta iyo danta
guud, danta ummadda Soomaaliyeed ee aad wada sheeganaysaan inaad iyada
matalaysaan ama u danaynaysaan, Danta Dalka, Danta Baddaha iyo Barriga wadanka.
Hoos ha loo soo dago oo dhamaan garabyada iska soo horjeeda tanaasul dhab
ah oo dag dag ah ha gaareen si loo badbaadiyo Dadka iyo Dalka inta ka hartay.
Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo xiriir:
www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com
ama somalitalk@gmail.com | Waqooyiga
Ameerika.
Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009
|