Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Ka Qaybgalay Kulan lagu kala saxiixanayey heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha isku haysta Gal-Mudug

Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta (Dec 28) ka qeybgalay Munaasabad ay ku kala saxiixanayeen heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha isku haysta Gal-Mudug.

Halkan ka daawo sawiradii xaflada saxiixa

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa maanta (Dec 28) hadalo Muhiim ah ka jeediyay Heshiiskii ay gaareen Madaxweynayaasha GalMudug isku Haystay, kadib markii Munaaasabad Heshiiskii ay gaareen ku kala saxiixanaayeen labadaasi Mas’uul ee horay isugu haystay Xilka madaxtinimada gal Mudug.

Munaasabadaasi ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro, labadii mas’uul ee tanaasulka isku sameeyya, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale, waxaana Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidoo looga shaqeyn lahaa Ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.

“Waaa mid geesinimo mudan tallaabadii uu qaaday Axmed-shariif Cali Hilowle ayna tahay in mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed inay ku daydaan looga baahan yahay” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo soo jeediyay inay labadaasi Mas’uul wada shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu si kooban uga hadlay maamul goboleedyada dalka ku soo badanaya, isagoo sheegay inay keeni karaan khilaafyo dhanka xuduudaha ah, balse laga doonayo dadka sameynsanaya maamul goboleedyada inay ogaadaan in dhulka ay wada leeyihiin oo uu wada deeqo.

“Waana soo dhaweynaynaa in la dhiso maamul goboleedyo, balse waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwo heshiis lagu hayay, dowladda waa mid ku dhisan qaab Federaal ah” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha xilka Galmudug looga tanaasulay Max’ed Axmed Caalin ayaa isna xafladda ka hadlay, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo tanaasulka uu sameeyay walaalkiis isagoo sheegay inay tahay mid ku dayasho mudan oo loo baahan yahay in looga daydo.

shariiff

Axmed-shariif Cali Hilowle oo ah mas’uulkii tanaasulka sameeyay ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyay kulankaasi, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay tanaasulka uu sameeyay uuna la shaqeyn doono walaalkiis Caalin.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo labada mas’uul u hambalyeeyay, kuna waaniyay inay wadashaqeeyaan oo ay gacmaha is qabsadaan, iyadoo ugu dambayntii labadaasi Mas’uul Heshiis kuwada saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya hortiisa heshiiska ay wada-gaareen ee tanaasulka sababay.

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.