Home » Warar »

Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey Safaro uu ku soo maray Wadamada Yurub iyo America

  • Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey Safaro uu ku soo maray Wadamada Yurub iyo America iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay.
  • Aqoon iswaydaarsi lagaga hadlayo waxyaabaha la qaban doono sanadka cusub oo maanta ka dhacay Hoolka Weyn ee Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland.

Garoowe: Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalada Garowe oo ka warbixiyey Safaro uu ku soo maray Wadamada Yurub iyo America

Gudoomiyaha Jaamacada PSU ee Magaalda Garowe Mudane Maxamuud Shiikh Xaamid aya maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Jaamacada ee PSU ee Garowe isaga oo kaaga warbixiyey Safaradii uu in mudo ah ugu maqna Dalka dibadiisa iyaga oo ay shirkisa ku weheliyeen Gudomiye kuxigeenka Jamaaca Cumar gureye Kaarshe, Prof Maxamed Siciid Samaatar iyo Denka Jamacada PSU,

Ugu horayntii waxaa uu gudoomiyuhu ka warbixiyey safaradii uu ku soo maray wadamo badan oo ay mid yihiin qarada America iyo Yurub isaga oo xusay in si wayn halkas loogu soo dhaweeyey gudoomiyuhu waxaa uu si wayn uga warbixiyey in uu kulamo la qaatay jaamacadaha ku yaala wadamadaasi iyo masuuliyiinta jaamacadaas,

Waxaa kaloo uu gudoomiyihu shikiisa ku lafo guray waxyaalihii ugu muhiimsanaa oo uu kala soo hadlay Masuuliyiinta jaamacadaasi iyo kulyadaha kala duwan ee wadamadaasi ka dhisan isagoona sheegay in ay islagarteen in jaamacadda PSU ee Puntland ahmiyad gaar ah ay siiiyaan,

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu kulamo kulamo la soo qaatay dadka qurbaha ku dhaqan waxaana uu sheegay in 70% ay yihiin dad dhaqankii soomaaliyeed ka lumay ayna ugu weyn tahay dhibaatadda haysta wadamadaasi oo ah kuwo aad u qabow,

Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Puntland Dr Maxamuud Shiikh Xaamid waxaa kaloo uu xusey in uu safarkiisa kula soo kulmay jaaliyadda reer puntland oo iyaga ku dhaqan labadaasi qaaradood uu uu socdaalkiisa ku soo maray kuwaasi oo si weyn ugu soo dhoweeeyey meelihii uu safarkiisa ku soo kala bixiyey.

Sidoo kale waxaa uu Gudoomiyaha Jaamacadda PSU sheegay in xiriir weyn ay yeelan doonaan jaamacadaha ku yaala dalalka ay ka mid yihiin Sweden, America, iyo Yurub kuwaasi oo uu kulamo kala gooni gooni ah la soo qaatay mudadii uu ku sugnaa halkaasi,

Ugu danbeyntii waxaa uu Gudoomiyaha Jaamacadda PSU tibaaxay in jaamacadda PSU lagu sameyn doono dib u habeyn balaaran oo lagu fidin doono qaybaha kala duwan ee jaamacadda PSU Gudoomiyaha Jaamacadda PSU oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu xusey in jaamacadda lagu soo kordhin doono kuliyado cusub.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Aqoon iswaydaarsi lagaga hadlayo waxyaabaha la qaban doono sanadka cusub oo maanta ka dhacay Hoolka Weyn ee Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland.

Waxaa maanta Hoolka weyn ee Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Puntland si habsami ah uga dhacay tababar ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga iyadoona ay maalgelinaysay Hay,adda UNICEF.

Furitaanii Siminaarkaasi ayaa waxaa ka Hadashay Wasiir Kuxigeenadda Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland Marwo Seynab Ugaas Yaasiin iyadoona ugu horeyntii ka soo qeybgalayaasha aqoon iswaydarsigani ku saabsanaa ka hadalka waxyaabaha la qabandoono sanadka cusub ee 2010 salaan iyo boogaadin.

Marwo Seynab Ugaas Yaasiin Wasiir Kuxigeenadda Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ayaa waxa ay sheegtay In tababarkani ahmiyadda looga golleeyahay uu yahay in laysku afgarto waxyaabihii la qaban lahaa sanadka cusub oo haatan nagu soo wajahan.

Wasiir kuxigeenadda oo furitaankiii siminaarkaasi ka hadlaysay ayaa waxa ay si weyn uga hadashay amniga deegaanadda puntland iyadoona xustay in amniga uu noole weliba u yahay muhiim iyadoona tibaaxday in amniga la adkeeyo bulshada in ay la shaqeyso ciidamada amaanka.

Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Mudane Maxamed Cali Ismaaciil isagoona xusay in aqoon iswaydarsigani ku saabsan yaay in la ogaado caruurta ka yar 5 sano si loo helo daawadooda iyo in sidoo kale la ogaado xaaladda qoyska.

Agaasimaha waxaa kaloo uu sheegay in la hubin doono mudada shantasano ah wax isbedelay isagoona xusey in barnaamijkani yahay mid haatan ay wado wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga Dawladda Puntland waxaana uu tibaaxay in uu bilaaban doono bisha January ee Sanadka cusub 2010

Tan iyo mudadii la soo dhisay Xukuumadda Dr C\raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga waxa ay ahayd mid dowr lixaad leh ka qaadata hawlaha dawladda iyo tababar aqoontooda kor loogu qaadayo shaqaalaha Dawladda Puntland.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.