Home » Maqaallo »

Yaa Innagga hor taagan Nabbadda!!? | Black Yare

Yaa Innagga hor taagan Nabbadda!!?

Intaan garasho soo yeeshayba waxaan maqlayay, hebel wuu dhintay, oo yaa dilay, Aano qabiil ayaa loo dilay oo qabiilkiisa ayaa nin dilay sidaa darteed isaga ayaa loo dilay ninkii, wixii la joogaba arrinkii wuu isbadalay oo qabiil hebel ayaa dilay waa laga soo gudbay, war Cali isagoo Masjidka ka soo baxaya ayaa la dilay, oo yaa dilay, Alshabaab qoomiyad la dhoho ayaa dishay, Shacabkii maxay ka dhaheen waxba marka laga reebo “ilaahow Nabad na sii”, waayahay yaab, Xarakada Al-Shabaab la magac baxday ayaa Madfac ku hogaamisay Airbor-ka mar uu Madaxwaynaha ka soo dagayay, Madaafiic aan kala joogsi laheyn ayay ku soo jawaabeen Dowladdii, madfac habow ah ayaa ku habsaday qoys ka kooban intaas oo qofood, la wada dhimay marka laga reebo wiil yar, haye Shacabkii muxuu ka yiri arrinkaas waxba marka laga reebo “ilaahow Nabad na sii” waayahay yaab, Ciidamadda Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa Madaafiic ku hogaamiyay Suuqa Wayn ee Bakaaraha oo intaa oo dad ah u soo shaqo tagaan, kaddib markii Ciidamada Mucaaradka ay madaafiic ku rideen kolkii hore, dad badan ayaa ku dhintay kuwa kalane way ku dhaawacmeen, qasaaro maaliyadeedna wuu dhacay, haye Shacabkii maxay ka yiraahdeen, waxba marka laga reebo “ilaahow Nabbad na sii” , marka waxaan is waydiiyay “Yaa innaggga hortaagan Nabbadda!!???”.

Nabadda cid nagama hor taagna innagga ayaa iska hortaagan, Nabbad ilaahow na siina runtii Nabbad laguma heli doono, waayo Ilaahey idinma dulmin ee adinka ayaa nafsadiina dulmiyay, dulmi ayaa dhacay. Qabiilba Qabiilkuu ka hub badan yahay ayuu ku duulay, Dhiig Umad aan waxba galabsan baa la daadiyay, Gabdho masaakiin ah ayaa la kufsaday, xoolihii dad wax aan galabsan baa la bililiqeystay, Qaraxyo ayaa Umad Islaam ah lagula kacay oo aan meel laga soo guuriyay aan garan waayay, haddaba waxaad guraneysaan mirihii aad beerateen yaan cidi la eedin, waayo ilaah Musiibo idinkuma uusan ridin ee waa waxaad adinku gacmihiina ku kasbateen, waxaaba badan intuu Alle innagga cafiyay, hadaba haddii afka laga yiraahdo ilaahow Nabbad na sii, gacmahana la isa saarto dulmigana raali naga noqdo aan la is waydiin wixii shalay dhintay iyo sidee loo badbaadiyaa kuwa beri dhiman raba ma is leedahay nabad ayaa la helayaa jawaabta inay maya soo baxeyso way cadahay, marka waa su’aalee Nabbad sideen ku heli karnaa??.

Nabbad waa la helayaa haddii la badalo nidaamka hadda lagu socdo, oo ah dulmiga laga raaliga noqday, waxaa badatay maxaa iga galay, war hadii uusan adiga dhibka kugu dhicin walaalkaa ayuu ku dhacay wareegtadana way kugu imaaneysaa, runtii waxaa yaraatay war sideen ka yeelnaa?, maxaa innagga qaldan??, sideen uga gudubnaa?, Nabbadda kaa maqan ayaan kuu soo celin karin gacantaan shisheeya ee laga daba wareegayo,, Shiikhyadan la eedeenayo ayaan kuu soo celin karin, adiga ayaa soo ceshan kara, sidee ku soo cashan??, waa inaad is badal la timaadaa waayo ilaah wuxuu badalaa qoomkii iyaga isbadal la yimaada(ان الله لايغير (مامقوم حتى يغيرو ما بانفسهم, waa inaad walaalkaaga qaldan qabataa,, waa inaad u hiilisaa midka laga gar daran yahay iyo kan gardaranba,, oo sidee loogu hiiliyaa midka gardaran ayaa Asxbaatii Rasuulka waydiisay wuxuu ugu jawaabay “Marka uu gardaran yahay u hiili oo qabo si uusan dhib u gaysan una nasteexay oo waani waxna u sheeg”.

Ugu danbeyn waxaan leeyahay Soomaaliyay Nabbadda afka kaliya laga leeyahay la imaada ficilkeeda waa xaqiiq haddii aan dadaalno oo ilaah la kaashano waa la helayaa nabadda, waa la wada doonayaa nabadda dhib wax badan ayaa lagu soo jiray, way jiraan dad aan rabin inay Soomaaliya nabbad ka dhalato waayo qandaraas ayay ku soo qaateen, war inkaar helooyin kuwiinaas dadka dhimanay waa dadkaagii hadii aad xaaskaaga iyo caruurtaada dibadda u dirsatay, qaraabadii kale ayaa ku dhimaneysa meesha, Shacabka Soomaaliyeed markaan waa fool oo waxaa goor dhow la rajeenayaa inay dhasho Canug lagu magacaabo Nabbad, insha’alaah, hase ahaatee dhaqdhaqaaq hala sameeyo, dadaal hala muujiyo nabbad afka kaliya laga sheegayo lama helayo.

W/D:Cabdi Samed (Black Yare)

Blackyare1@hotmail.com

Qaahira

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.