Home » AmiinYuusuf, Faallo »

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan | Amiin Yuusuf

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan.

Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada Cusub ee aad aragtaan, waa ilmihii Calankaa oo mudooyin badan Foolanayey”, kuwo kale ayaa hadalheyntooda u badan tahay sidaan “Waxaan qabnaa in ay wanaagsan tahay in cid kasta ay sameysato calan, balse waxaa ka sii wanaagsan in la wada hoos yimaado Calanka guud”.

Sanadihii Kontonmeeyadii ayaa nin Odey ah oo ii sheekeeyey waxa uu iiga Qisooday sheeko dhacday, waxayna u dhaceysay sidaan. Dariiqadda Axmadiyada ayaa kullan isugu timid waxayna go’aansadeen in ay sameystaan Calan, wax la gorfeeyaba oo laga doodaba, waxaa la helay astaantii ay Dariiqadaasi qaadan lahayd, Calankana lagu dhejin lahaa, hase yeeshee Dariiqo kale oo ay xafiiltamaan oo ah Qaadiriya ayaa go’aan ay soo saartay waxay ku sheegtay in cidna Calan sameysan Karin, waayo Qaadiriya waxay lahayd Calan gaar u ahaa oo ay dooneysay in Calankooda la hoos yimaado. Intii uusan gacan ka hadal dhex marin ayaa labada dhinac waxaa dhex martay hadalo kulkulul. Axmadiya waxay ku doodeysay “Ma Towxiidkaad naga xigtiin oo ma Maradaa leedihiin”, hase yeeshee Qaadiriya waxay ku dheganaatay in aan la sameyn Karin wax Calan ah, waxayna arrintu gaartay maamulkii ka arriminayay Gobolka Banaadir xiligaas, dhexdhexaadin aan lagu guuleysan kadib waxaa dhacday in labadii Dariiqo dagaal foodda is daraan waxaana halkaasi ka dhacay waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed, waxaana markii dambe maamulkii ka arriminayey gobolka Banaadir u soo diray Ciidamo Daraawiish ah oo labada dhinac kala eryey, waxa uuna maamulka go’aamiyo in cid kasta ay sameysan karto calan iyada u gaar ah, sidaas ay Axmadiyo ku sameysatay calanka ay maanta leeyihiin.

1964–tii ayaa Halgamaa la oran jiray Max’ed Cabdulle Xalane kana mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidamadii uu ka tirsanaa waxay arkeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo dejinaya calanka Soomaaliya damacsanaana in ay suraan kooda, waxay ciidamadii go’aansadeen in ay ka dhiidhiyaan dejinta calankaasi, hase yeeshee waxaa arrintaasi u bareeray Max’ed Cabdulle waxa uuna bilaabay in uu u dhaqaaqo halkii Calanka laga soo dejiyey isaga oo rasaasi ku socoto ayuu si geesinimo leh waxa uu suray calankii halkaa ayuuna Max’ed Cabdulle ku geeriyooday, waxaana geesigaasi loogu magacdaray xarunta Tababarka ciidanka ee Xalane oo markii hore la oran jiray Bootiko.

Haddaan dib u laabano sameynta Calanka Soomaaliya waxaa Alifay 12-kii October 1957 nin la oran jiray Max’ed Cawaale Liibaan, waxa uuna ka soo dhex baxay dad fara badan oo u tartamay naqshadeynta calan uu yeesho dalka Soomaaliya, Calaamadda Buluuga ah waxa uu soo qaatay Cirka, xidigta Shanta gees leh waxa uu soo qaatay in ay muujiso Shanta Soomaaliya ee kala ah, Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga, Jabuuti, Somali Galbeed iyo NFD oo ah Soomaaliya Waqooyi Bari ee Kenya, hase yeeshee dad kale ayaa si kale u macneeyey waxayna leeyihiin, waxa uu ka dhigan yahay Xiddiga dhexda uga yaala Calanka sidii ruux Bini’aadam ah oo taagan oo gacmaha fidiyey, qaybta korana ay tahay Madixiisa waxayna tani ka tarjumeysaa in xubnaha Bini’aadamka aysan midna midka kale ka maarmin.

Adduunka qolo waliba Calan ayay leedahay oo lagu garto, Tusaale markaad Gudaneysid Xajka waxaa Xajka ka soo qaybgalay dadyahow jinsado kala duwan leh, jinsiyad walibana meel gaar ah ayay degtaa iyada oo wadata Calankooda, waxayna taasi fududeysay in si fudud la isku garto xitaa haddii qof uu ku dhex lumo tiro badnida dadka, waxa uuna sheeda ka eeganayaa Calankiisa, xitaa Takaasida hadday ku qaadaan adiga oo lunsan waxay kugu raadinayaa Jinsiyadda aad sheegato calankeeda, isla markiina goobta ayaa lagu keenayaa.

Markay soo baxeen Xarakooyina Diiniga ah waxaa soo if baxay Calano badan oo lagu garto Xarako kasta, waxaana meelaha qaar laga taagay Calanadaan, waxaana ku dhex qoran Tawxiidka, waxaa dhacday in nin uu ka taagan meel Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah iyo midka cusub ee tawxiidku dhexda uga qoran yahay, waxa uuna kor mariyey Calanka Soomaaliya ee Buluuga ah, nin kale ayaa u yimid oo ku yiri “Ninayahow miyaadan Alle ka baqeyn maxaa Tawxiidka hoos ugu dhigtay oo aad u kor marisay midka Buluuga ah?”, ninkii inta uu afka gacanta saartay ayaa yuu yiri “War ninyahow sidaas uma fekerin, wadaniyadda ayaa I qaaday, ulama jeedin in aan tawxiidka hoos u dhigo, hadda ayaan kor marinayaa”, Markii warkii uu sii batay dad kale ayaa goobtii yimid, hadal badan kadibna waxaa talo lagu soo jeediyey in ay wanaagsanaan lahayd in Calankii hore ee Buluuga ahaa lagu dhex qoro Tawxiidka si Islaamnimaddii iyo Wadaniyaddii labadaba loo muujiyo, haddii sidaas la sameynaya waxaa fileynaa in uusan qofna ku dhiiran laheyn in uu dejiyo Calanka Soomaaliya oo uu Towxiid ku qoran yahay isla markaana uu sameysto Calan kale.

Maamulka Goboleedka Puntland waxaa dhawaan looga dhawaaqay Calan cusub, middaan ayaa dad badan waxay leeyihiin waxay sii kordhin kartaa sii kala tagga ummadda Soomaaliyeed, waxay tusaale u soo qaadanayaan in Somaliland calan sameysatay ayna raadineyso aqoonsi, haddana waxaa Calan sameystay Puntland maxaa ku soo xigi kara ma in ay aqoonsi raadisaa iyana, sidaas oo kale Puntland waxaa ka Maseeri kara Maamulada kale ee la magac baxay Ximan iyo Xeeb iyo waliba Galmudug, haddii sidaan cid waliba calan u qaadato akhriste maxaa imaan kara, waxay noqoneysaa ama keeni kartaa in qayb walba oo Soomaaliya ah gebi dheer ka sii dhacdo oo ay adkaato in dib Soomaali qaybaheedii kala duwanaa la isugu soo uruurinayo, dad badan ayaa fajacsan waxayna hoosta ka xariiqayaan in arrintaani ay tahay mid ay ka dambeeyaan caddow Shisheeye ,Mustaqbalka waxay tani horseedi kartaa in qoys waliba uu yeesho Calan u gaar ah ilaa laga gaaro in qof waliba Calan gacanta ku haysto, si arrimahaas oo dhan looga hortago ummadda waxaa la gudboon u istaagida qaab soomaaliweyn ah oo dib loogu baadi goobo Qarannimaddii Soomaaliya iyo xuduudihiisii , waxaana middaa lagu gaari karaa iyadoo si dhab ah looga run sheego islaanimadda lagana toobad keenio dambiyaddii horey loo galay oo Allaah loo laabto lagana quusan Raxmadda Alleh, ileen Alle waa mid addoomadiisa ka Toobad aqbala, haddii aan sidaas lagu baraarugin waxay xaaladda Soomaaliya u eg tahay Mustaqbalka Qoys iyo Calan.

amiin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.