Home » Warar »

Wafti uu Hoggaaminayo Prof. Ibbi oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Magaalada Manila ee dalka Philippines

WAFDI UU HOGAAMINAYO KU-XIGEENKA RA’IISUL WASAARAHA PROF. IBBI OO BOOQASHO RASMI AH KU TAGAY MAGAALADA MANILA EE DALKA PHILIPPINES

Halkan ka daawo Sawiro dheeraad ah

20 December 2009, waxaa magaalada Manila ee dalka Philippines ka degey wafdi rasmi ah oo uu hogaaminayay Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda XFKMG ah ee Soomaaliyeed, ayna ku weheliyeen Danjire Maxamuud Colow Barow, Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u fadhiya dalka Indonesia, Admiral Faarax Axmed Cumar (Farax Qare), Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed iyo xubno kale iyagoo martiqaad rasmi ah ka helay Xukuumadda Philippine.

Booqashadan oo ahayd dhameystir wada hadal ay bishii September 2009 ku yeesheen magaalada Tripoli ee dalka Libya Md. Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, Ra’iisul Wasaaraha XFKMG ah ee Soomaaliyeed iyo Madaxweyne Gloria Arroyo, Madaxweynaha dalka Philippines iyo kulan bishii May 2009 dhex maray Wasiirka Kalluumaysiga dalka Philippine iyo Ku-Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Ibbi ka dib markii ay ku wada kulmeen Magaaladda Namada ee dalka Indonisia shirwaynihii arrimaha badda looga hadlaayey, uguna ballameen in ay labada xukuumadood ka wada shaqeeyaan horumarinta xiriirka labada dal. Sidoo kale kulanka labada madax ee ka dhacay Tripoli ayaa lagu qaadaa dhigay arrimo muhiim ah oo ay ugu horreeyeen wax ka qabashada dhibka ka taagan badda Soomaaliyeed iyo sida ay dawladda Philippine gacan uga geysan karto tababarida shaqaalaha dawladda qeybahooda kala gedisan, iyadoo lala kaashanayo hay’ado iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Booqashadan oo ku soo begantay waqti uu wadanku u diyaargaroobayo doorashooyin madaxtinimo, ayaa haddana waxay dawladda Philippine muujisay sida ay uga maqsuudsan tahay sare u qaadista xiriirka labada dawladood oo haatan u muuqdo mid bog cusub loo furay, maadaama uu wafdigan noqonayo kii ugu horeeyay ee rasmi ah ee booqasho ku yimaada mudo 30 sano ah ka dib. Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay, Agaasimaha Guud ee Protocolka Qaranka, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah, Agaasimaha Guud ee Asia iyo Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Philippine, Danjiraha Dawladda Philippine ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Kenya, Danjiraha Soomaaliyeed ee Indonesia iyo Agaasimayaal ka kala socday waxyaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Shaqada iyo Shaqaaleynta, Xafiiska Madaxtooyada iyo Ciidanka Ilaalada Bada Philippine bacdamaa wafdiga uu imaanayey saq dhexe.

21 December 2009, wafdiga wuxuu kulan muhiim ah la qaatay Jeneraalada hogaamiya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Philippine ee madaniga ah ee hoos yimaada wasaaradda Badda iyo horumarinta kalluumaysiga, halkaas oo Madaxa iyo Xubnaha wafdiga ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, maadaama uu ahaa kulanka ugu horeeyo ee ay wafdigu yeesheen imaatinkoda ka dib. Salaantaas ka dib, ayaa wafdiga wuxuu la qaatay hogaanka Ilaalada Xeebaha Philippine kulan aad u muhiim ah oo lagu gorfeeyay qaabka ay wada shaqeyn xoogan u yeelan lahaayeen labada ciidan iyo sida ay ugu gudbin karaan Soomaaliya khibrada ay u leeyihiin ka hortaga dhibaatooyinka xeebaha ka dhaca, iyadoo ciidanka xeebaha Philippine dhowaan la siiyay manadate cusub oo ay qeyb uga noqonayaan badbaadada shacabka marka ay dhacdo daadad iyo fatahaad ku habsada magaalooyinka qaar. Hogaanka ciidanka ayaa soo dhoweeyay qeyb ka dhoqoshada dadaal walbo oo wax looga qabanayo dib u yegleelida ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliyeed.

Saacado ka dib, wuxuu wafdigu kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaleynta oo ay weheliyeen Xighayeyaasha Joogtada ee Wasaaradaha Arrimaha Dibedda iyo Shaqada iyo Shaqaaleynta iyo weliba Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha, iyagoo isla soo qaaday sida xal looga gaari karo dhibaatada badda Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay saameyn ballaaran ku yeelatay shaqaalaha badmaaxinta Philippine oo gaaraya 270,000 oo badmaax oo ka dul adeega inta badan maraakiibta caalamka. Kulankaas ayaa si weyn laysugu afgartay qodobo badan oo muhiim u ah labada dawladood, iyadoona loo ballamay kulan xiga in laysugu yimaado 23 December 2009.

22 December 2009, wafdigu waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Madaxweynaha Philippine, ahna Ku-Xigeenka Madaxweynaha oo aad uga mahadceliyay booqashada wafdiga Soomaaliyeed, isagoona faray xubnaha ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Philippine in aan laga gaabin wax walbo oo gacan ka geysan kara degenaashaha Soomaaliyeed, taasoo uu tilmaamay in aanan la sii eegan Karin xaalada ay ku sugan yihiin shacbiga Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay in ay dawladda Philippine xil iska saarayso kala shaqeynta dawladda Soomaaliyeed arrimaha nabadgelyada iyo badbaadada badmaaxiinta Philippine.

ibbii

Ka dib, waxaa wafdifga ay u dhaqaaqeen Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Philippine oo ay kulan muhiim ah kula lahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, waxaana aad loo falanqeeyay dardargelinta xiriirka labada dal oo lagu tilmaami karay mudadii 30ka sano ahayd ee lasoo dhaafay mid gaabis ah, maadaama booqashooyinka madaxda sare ee labada wadan aanay jirin ka dib 1979 xilligaas oo uu Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya booqasho rasmi ah ku tegey magaalada Manila, kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray qaababka ay labada dawladood u furi lahaayeen waji cusub oo iskaashi heer laba geesood ah iyo mid caalami ahba, waxayna Philippine muujisay in ay arrinta Soomaaliya gaarsiin doonto goob walbo oo ay ku leedahay gacan.

Isla maalintaas waxaa wafdiga xafiiskiisa ku qaabilay Senator Richard Gordan oo ah siyaasi magac dheer ku leh wadanka, una taagan tartanka madaxtinimada wadanka oo la filayo inuu dhaco bisha ina soo aadan. Wuxuuna Senator-ka si aad ah ugu dheeraaday taariikhda muhiimka ah iyo stratejiyada labada dal iyo shacab ka dhexeyn karta ee loo baahan yahay in ay dawladaha jira ka wada shaqeeyaan.

Sidoo kale,wuxuu wafdigu kulan la qaatay Hayada Shaqaalaha Qaranka oo ay kawada hadleen sida ay gacan ugu fidin karaan dhigeeda Soomaaliyeed, si u hanato hawlaha qaran ee horyaala. Ka dib, wuxuu wafdigu kulan la qaatay Wasiirka Kalluumaysiga oo ay kawada hadleen dhibaatada lagu hayo badda Soomaaliyeed oo xaalufin aan loo nixin lagu wado, maraakiibta shisheeye ee ka jillaabatana ay inta badan dulsaaran yihiin dad u dhashay Philippine iyo wadama Asia, waxayna ballan qaadeen in ay maraakiibtooda kalluunka ku amri doonaan in ay ka fogaadaan wax u dhimida badaha Soomaaliyeed, ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan DFKMG ah si walbo oo lagu gaari karo badbaadinta hawlahaasna.

Casho sharaf ayuu wafdigu la qaatay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Golaha Ganacsatada Philippine iyo Africa, kuwaasi oo soo dhaweeyay wafdiga, bogaadiyayna tallaabada ay Soomaaliya u qaaday dardargelinta xiriirka labada dal, iyaga oo ballan qaaday in ay dhinacoodana gacan ka geysan doonaan horumarinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

23 December 2009, wafdigu wuxuu kulan muhiim ah la qaatay ciidanka xooga dalka ee Philippine ee badda oo ay kawada hadleen siyaabaha ay uga taageeri karaan Soomaaliya, badbaadada baddda Soomaaliyeed oo ay xaalufiyeen maraakiib ajnabi ah, iyagoo ka gurta kalluunka iyo kheyraadka dhex ceegaagan badda, kuna daadiya suntan warsahdaha caalamka, taas oo aan awood u hayn dawladda haddii aanay gacan ka helin dawladaha saaxiibada ah.

Ka dib, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka wuxuu la hadlay warfidiyeenada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Manila iyo warbaahinta gudaha, isagoo uga warbixiyay dhamaan kulamadii iyo wadahadalladii uu la qaatay madaxda wadanka Philippine iyo guulaha laga gaaray wadahallada labada dhinac. Intaa ka dib, waxaa wafdiga qado sharaf sagootin ah u sameeyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqeeleynta, iyadoo hadalladii meesha laysku dhaafsaday ay ahaayeen sidii loo fulin lahaa dhamaan qodobadii lagu wada hadlay inta uu wafdigu booqanayay Manila, isagoo wasiirka cadeeyay in uu dhowaan wafdi horudhac ah u soo diri doono magaalada Muqdisho, ka dibna uu isaga iyo wafdi uu hogaaminayo iman doonaan si loo hormariyo xiriirka labada dal.

Wafdiga ayaa nasasho saacado ah ka dib u dhaqaaqay dhanka gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Manila oo ay halkaasi ku soo sagootiyeen madax ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaleynta, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Xubno ka socday aqalka looga arrimiyo wadanka. Safarkana waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada hadlay.

Manila, 23 December 2009

F.G. Sawirada booqashada waa ku lifaaqan yihiin…

La xiriir

Somali Embassy JKT
somalirep_jkt@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.