Home » Maqaallo »

Xeeladaha Guur iyo xiligan adag! | Maxamed cusmaan

Xeeladaha Guur iyo xiligan adag! 

W/Q: Wariye Maxamed Cusmaan New york 

Your browser may not support display of this image.  
 
      Dhibta dagaal iyo qaxarka kale ee nololeed ee dalka ka jira, waxaa ay badeleen qaab nololeedkii qoysaska soomaaliyeed, kuwii horey loo yigleelay iyo kuwii qorshuhu ahaa in la unko. 

      Qoysaskii horey u dhisnaa ayaa midba meel ka dhacay. Hooyadii iyo qaar ka mida caruurtii meel bay u barakaceen ama u qaxeen goobtaas oo ay u arkeen in ay yara dhaanto meeshii ay horey u deganaayeen si ay nafta ugu sasabaan. Odayga reerka biilka ayuu xarbi adag kula jiraa, marba si u helaa. Qaar kale oo caruurta ka mida waxaa suura gal ah in ay meelo kala duwan u kala firxadeen. Waxayna maanka ku hayaan dhoof sharci ah iyo mid sharci daro. Wax barasho lays kuma soo hadal qaado inta badan.waloow ay jiraan qoysas dhaqaaluhu u saamaxo ku noolaanshaha nolo caadi ah, balse kala baahsanaanta qoyska ama kala firxadka waa iska jiraa. 

      Lamaanihii cusbaa oo doonayay in ay qoysas cusub dhisaan, waxaa saamayn ku yeeshay dirirta daba dheeraatay ee dalka ka jirta.waxaa is waayay lamaanihii ku balamay in ay guri xalaala dhisaan, kana dhabeeyaan balantoodii ahayd in ay ku soo biiraan qoysaska Somaalida. Colaada dalku, lamaanaha cusub qaarba si bay u taabatay, ayagana si bay u wajaheen saxariirta soomalida surka u suran ee u saamixi wayday  in ay helaan seero nabadeed ee ay si nabada isugu salaamaan inkastoo  ay jirto meelo Alle balaayada baal mariyay_Allow nabada u daa meelaha nabada ah ee ay Somaalida ku nooshahay. 

Dani waa seeto. Lamaanayaashii cusbaa waxaa ay u xusul duubteen sidii ay uga dabaalan lahaayeen caqabadaha  ka dhashay colaada ee soo wajahay guurkoodii iyo noloshoodii. 

Tabaha ay adeegsadaan lamaanayaasha cusub waxaa ka mida guur tahriibeed, guur colaad la yaal, guur ku sii sug, guurka yaa Yurub ama Ameerika doonaaya. 

Guur tahriibeedka ayaa ah mid ay lamaanaha ay isa sii mehersadaan inta ay ku sii jiraan wadada tahriibka maadaama dalkooda daruuf colaadeed ka soo kaxayso. Waxaa ay is tusaaleeyaan xadiga dhibaato ee ay ka baxsanayaan, taas oo keenta in ay guurkooda qarsoodi ka dhigtaan, balse ay soo shaac bixiyaan goorta farajku soo daahiro, oo ah marka midkood cagta dhigo dalalka horumaray ee ay u sii tahriibayaan. 

Marinada xeeladaysiga guur ayaa waxaa ka mida marino tahriibeedyada Somailada:Yeman, Libiya, Turkiga, Giriiga iyo wadamo kale. 

Adam, waxaa uu ka mid yahay dhalinta tahriibka ku tegay talyaaniga, waxa uu ii sheegay in ay gabar isa sii mehersadeen intii uu soo tahriibayay.taas buuna sabab uga dhigay in aanu meel negi ku ahayn, doonashada gabadhana ay ku adkayd maadama dhaqaaluhu u saamaxayn. Gabadha ay is mehersadeena ay imika ku nooshahay mid ka mida dalalka yurub, uuna dhowaan rajaynayo in ay aroos shaac ah dhigtaan maadaama ay gaareen himiladoodii nololeed, oo ay ka soo fogaadeen colaada dalka ka jirta, nolol noloshii hore dhaantana ay bilaabeen. 

“Inta aan tahriibka ku soo jiray ayaan is guursanay wiil asaagay ah. sababtana waxay ahayd, ma garan Karin xiliga tahriibkaygu qaadan karay.da’dii guurkana dhexdaan kaga jiray. Nasiib wanaag, waxaan sugayaa ilmihi ugu horeeyay in aan dhalo. Yurubna cagtaan soo dhigay”. Ayay qadka teleefoonka iigu sheegtay Ladan. 

Lamaane kastaa xeelad adeegsay. Lamaanayaal kale ayaa iyaguna door biday in ay ku aqal galaan goobaha ay colaada ka jirto ee Soomaaliya_ Muqdishoshaba ha ugu badnaatee. Dagaalka ayaa qayb ka noqday nolol maalmeedka qoyska. Xiligii lays lahaa waa istaagayaa dagaalkana, waa ka sii siyaaday. lamaanayasha colod la yaalka ah waxaa ay isku qanciyeen oraahda oranaysa “ waarimaysidee war ha kaa haro” qarashka guurka ma badna maadaama xaalad adag lagu jiro. 

Waxaa iyana dab yar shidayn, dhalin yarada qaxootiga ku ah dalalka deriska ah. Is barsho ka dib, waxaa ay isku afgartaan, maadaama dalkii dhib looga soo cararay, dhoofna la sugayo, in ay sameeyaan “ guur ku sii sug ah”. Marka midkood dhoof helana kan kale siikaxeeyo. 

Fursadaha guur ee dirirta dalka la socdaa intaa kuma koobna. Guur ay dhalinta ugu yeeraan “ Yaa yurub ama Ameerika doonaya” ayaa ka mida ah guurka daruufaha adag ee colaada dalka keentay looga siibto. Guurkaan ayaa ku yimaada dhowr siyood: waalid caruurtiisa kala soo cararay dalalka reer galbeedka, kuwooda qaangaarka ah ayuu la doonaa dhalinta dhoof doonka ah ee Afrika ama dalalka kale ee Asiya ku sugan, gaar ahaan kuwooda wax ka bedelikara nolosha dhalinta laga soo celiyay yurub ama ameerika. Waxaa uuna waalidku u guuriyaa gabadha ama wiilka qof qaraabo ama macariifo dhow ah. 

Qaar ka mida dhalinta guur doonka ah waa xag jir guur. Waxaa ay ku adkaysanayaan habsamaantii guurka ee gabadha reerka laga dooni jiray, reeruhu is baran jireen, damaashaadku dhici jiray. Qof walbaa sida uu aaminsan yahay fal. 
 

Dhamaan noocyada guur ee aan kor ku soo xusay, ayaa ku dhamaada guul ama guul daro. Mararka qaar waxaaba jiq isku noqda lamaanihii wadada ku heshiiyay ka dib markii mid kood balan furo_dumarkaba ha ugu badnaadeene.

Mararka qaar waxaa soo fara geliya waalidka oo maqla in gabadhoodii la meher xaday, kuna amra gabadha in ay ninka iska furto, reerkana u soo xamaasho.xiliyada qaar waxaa kala dhinta waalidka iyo gabadha, waa marka ay gabadhu meel adag iska taagto go’aankeeda.  

Sidoo kale waxaa is fahamdaro kala kaxeeysaa lamaanihii waalidka isu guuriyay, oo midkood wadamada reer galbeedka laga keenay.guurka qaxootiga iyo colaad la yaalka ayaa midba daruuf soo wajahdaa oo sidaa lagu kala danaystaa. Lamaane badana dulqaad bay u muujiyaan xaalada adag maadaama Islaamka sheegay in dhib kastaa dheef ka danbayso. 

Lamaanha qaar waqtigaa saacida. Waxay qanciyaan waalidiintooda. Waxaana ay si hufan u gurtaan mirihii lagu beeray xaaladihii adkaa 

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqanaysa sidii la doonayay markay arini noqon wayday qaska dalka ka jira aawadii, in sidii laga badin waayay ay ku dhaqaaqeen dhalinta xiliga guurka ku jiray, waxay noqtay in dhoof la doono, guurkana la xeeladaysto si looga faaiidaysto waqtiga is guraya, loogana faaiidaysto fursad loo arkayo in ay laba afle tahay

Email. mnewyorkcx@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xeeladaha Guur iyo xiligan adag! | Maxamed cusmaan "

  1. Boqor Faysal says:

    A.w.wabarakathu. Saxiib wad ku mahadsantahay qoralkaga cajiibka ah. Inta dabadeed waxaan kugu darayaa aroos kale oo la yirahdo arooska jaaniska oo inta badan ka dhaca meelaha ay Soomalida u qaxday, arooskaas oo inta badan ay radiyaan dhalinta wiilal ama gabdho ka yimid Yurub & Maraykanka kaas inta badan ku dhamaada fashil madama uu yahay guur janis gaad ah.

  2. Waddani says:

    asc qofwalba oo somaliyeed waa in uu ku baraarugsanaadaa, in bulshada somaliyeed meesha ay horey uga qalloocatay, ilaa haddana aan qalloocii laga waan toobin ay tahay xagga guurka, waayo gabdhaha masuuliyaddoodii ayaa la dayacay xag aqoon, ilaalin iyo u dhisid mustaqbal wanaagsan oo gabdhaha maanta jooga badankoodu iyaga ayaa is guuriya. Marka guurka ragga iyo dumarka somaliyeed ma’ahan 70% mid ku dhisan dariiq saxiixa oo ay ka unkami karaan qoysas baraaro iyo guulwaarta ku noolaada, soona saara halyeyo guul wadayaal ah iyo marwooyin mustaqbalka noqda warshadihii soo saari lahaa jiilal lagu diirsado.
    Sida qoraha maqaalku sheegay, guurka maanta ka dhex jira bulshadeenna somaliyeed waa mid la dhihi karo wuxuu ku dhisan yahay qorshayaal ama project kooban, taas oo keentay, in dhallinyaro badan ka aammin baxaan guurka gabdhaha somaliyeed oo laga guursado qoomiyado kale, sida aasiya iyo Afrika oo iyaga laftooda dhibaatooyin fara badan lagala kulmay, sida diinta, dhaqanka, afka, kartida iwm.
    Waxaan leennahay bulshooyinka meesha hoggaankooda laga dhiso waa qoysaska, haddii qoysasku qaloocdaan waxay soo saarayaan jiilal muuqaalka aadane ka ah, dhaqankooduna yahay xayawaan, lagamana yaabo in ay horumar gaarto bulsho aasaaska ka qaloocsan oo maalin walba ay ku soo biirayaan jiilaal dad cun ah, sida somaliya ka taagan.
    Arrimaha muhiimka ah ee aan talo ahaan u haya, waxaa ka mid ah:
    1- In labada waalid masuuliyad dhab ah iska saaraan cilaaqaadka ka dhaxeeya oo ay ilaaliyaan dhammaan xuquuqda dhexdooda ah, si ay usoo saaraan jiilal wanaagsan.

    2- In masuuliyad dhab ah la iska saaro gabdhaha oo la xoojiyo aqoontooda diinta iyo maadigaba, si loo helo hooyooyin dhinacwalba ka dhisan oo soo saara jiilal nadiifa oo gacanta midig ku haysta wanaag oo dhan.
    3- In gabdhaha la ilaaliyo oo aan loo ogolaan tahriibka iyo guursiga aan mustaqbalka laheyn ee ku meel gaarka ah.
    4- In aan gabdhaha guurkooda lagu iibsan lacag ee la tixgaliyo rabitaankooda, lagana ilaaliya ragga aan dhaqanka fiicneyn ee qurbayaasha ka yimaada ama waayeelka gowsatufka ah ee awooddiisi dhammaatay.
    Qoysku waa meesha bulshada laga toosiyo ama laga dumiyo, wuxuuna ka bilawdaa guurka lammaanaha ee yaan bulshada dabka ay ku jirto saliid loogu sii darin.