Home » Maqaallo »

Sahmintii nolosha Suxufiyintii soo barakacday iyo waxqabad la’aanta ururka NUSOJ.

Sahmintii nolosha Suxufiyintii soo barakacday iyo waxqabad la’aanta ururka NUSOJ.

NUSOJ-“waxanu ka walaacsan nahay xalada suxufiga jooga somaliya”

Hordhac.

Tan iyo markii dharaar cad lagu dilay magalada Muqdisho Allaha unaxariistee wariyyaasha kala ah 1-Mahad axmed cilmi 2-Ali Iimaan Sharmarke oo labaduba katirsanaa idaacda iyo TV-ga hornafrik ee maglada Muqdisho ayaa waxa mugdi ku yimid niyadii saafiga aheyd ee suxufiyiinta somaliyedd oo u taagnaa udoodida iyo dhibaato la qeybsiga umada somaliyeey ee dhibateysan iyagoona in badan wax ka qorayay barakaca iyo dhibaatooyinka umadan lagu hayo balse geeridii naxtin ta laheyt ee saxafiyiintan ayaa waxa ey wariyayaal badan bartay waxa uu yahay barakac iyagoo qaxooti dan dareysan ku noqday qaar kamid ah wadama caalamka.

Wariyaashii u barakacay magaalada Hargeysa.

In badan oo ka mid ah suxufiyinta naftoodii la hayaamay aya waxa ey maciin bideen Magalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland iyagoona islahaa garab iyo saacidada ayaad kaheli doontaan.

Somaliland maadama ey yihiin dad somaliyeed oo wlalaahayaa, balse taasi ma ey dhicin oo markii ey kawar haleen maamulka Somaliland suxufiyiintan soo miciin biday aya waxa ey luuqad ku yiraahdeen naga taga oo horay noodhaafa iya goona marmarsiinyo ka dhiganaya arima ey kamid tahay wariyayasha oo qaarkood website-yo wax ku qorayay islamarkaana qoraalo ka sameeyaya nolosha magaalada hargeysa.

talaabadas guracan oo ey qaadeen mamulka Somaliland ayaa waxa ey doc wareentay niyadi iyo raja dii suxufiyiinta somaliyeyd ee barakaca ah iyadoona ey markaasi kadib wariyayaashu geediga urarteen halkaasi iyo dalka Jabuuti oo sida aan kawar qabno ey kalakulmeen soo dhaweyn diiran wallow ey ilaa iyo hadda ku sugan yihiin qaarka mid ah wariyayaashi ka cararay dibaatata ka taagan dalkii hooyo.

Mudo yar kadib ayaa waxa bilowday dib u soo laabashadii wariyayaashi qurba joogta ahaa ee kahayaantay dalkoodi iyagoona dib uga holbilabay goobihii warbaahinta oo ey markoodi hore katageen waxana si hal haleel ah usoo noqday niyadii iyo firfircoonidii saxafiyiinta maadaama ey sidhab ah u soo ogaadeen inuusan jirin dal udhaama dalkooda waayo horaa looyiri “ciidu waxey tahay carikale tagaa garan”, laakiin waxa ey mashaqo timid markii ay korartay dhibaatada loo geysanayo suxufiyiinya somaliyeed waxana faraha kabaxday xushmadii iyo darajadii uu saxafigu kulahaa bulshada dhaxdeda iyadoona ay sixariir ah u dhaceen dilalka suxufiyiin farabadan oo aan ka xusi karo alaha unaxariistee Nasteex Daahir.Faarax ,Saciid Tahliil Axmed ,Xasan Mayow Xasan iyo walba Mukhtaar Mohamed Hiraabe oo in taba iya oo umadooda u shaqeynaya si xaqdaro ah loogu dilay gudaha dalka somaliya waax eyna arintaasi naxdinta leh dhabaha ka leexisay habsami usacodka suxufiyiintii qalinka umada ugu shaqeyneysay ee looyarada u ahaa umadan dhibaateysan ee somaliyed iyadoona ey bilaabatay barakaca safkii labaad ee suxufiyiinta somaliyeed iya goona inta badan madalsaday magaaladan Nairobi ee dalka Kenya oo ey Somali badani ku nooshahay wallow ey qaarkoo u holadeen in ey tahriib ku maraan saxaraha dheer ee Sudan iyo Libiyo iyo waliba bada isku xirta liibiyo iyo xeebaha talyaaniga iya goona nolol tan dhaanta uraadsaday wadamada yurub kadib markii ey faraha kabaxday darajadii uu saxafiga umadiisa ku dhax lahaa.

Nolosha saxafiga ku sugan magaalada Nairobi.

Nolosha caadi ga ah ayaa waxa ey la mid yihiin umada somaliyeed ee ku sugan magaladan Nairobi iya goona inta badan ku tiirsan kaliya taageero ey ka helaan eheladooda oo ku caawina dalkan Kenya.

cadiyan marka suxufi soogaaro dalka Kenya ayaa waxa uu tagaa xarunta UNHCR iyadoona uu halkaasi kahelo diiwan galin iyo in la siiyo warqad aqoosi qaxootinima ah.

suxufiyiinta aaya qaarkood isku daya in ey sii wadaan howlahoodi shaqo iya goona halkaan wakiilo uga noqday qaar kamid ah warbaahin ta, halka qaar kamid ah suxufiyaanta ey noqdeen milkiilayaal website sidoo kale qaar ayaa isku dhiibay ganacsi halka qaarna ey waxbarashoo waqti galiyeen balsi isku soo wada duube suxufiyiinta ayaa ah kuwo iska war qabo oo kulama yeesha xiliyada qaar.

Dhibka suxufiga iyo wax qabad la aan ta nosoj.

Majecli in aan qalin keyga wax ugu dhimo shaqsiyadka madaxda ka ah ururka NUSOJ balse waxan kahadlayaa wax qabad la aanta ururka NUSOJ xili ey wariyayal badani ku dan dareysan yihiin qaar kamid ah wadamada dariska ah.

Sida ey ila qabaan qaarka mid ah wariyayaasha xaq u dirirka ah ayaa marka wariye ladilo am laxiro waxa cadiyan caloosha ka ka farxa ururka nosoj oo sheegta ururka suxufiyiinta qaranka somaliyeed iyagoona qeyla dhaan u kali ah gaarsiista qaAr kamid ah hayadaha udooda xaquuqda suxufiyiinta gaar ahana kuwa daneeya arimaha suxufiyiinta somaliyeed kadibna afka iska mariya wixii ey ku sooqaateen madaxa suxufiga soomaliyeed ee dhibaateysan.

Sidoo kale marka uu u tago suxufi somaliyeed oo dagan ururka NUSOJ oo uu weydiisto wax ey uqaban karaan ayaa waxa ey kula hadlan tiraabtan caanbaxday ee ah “waxanu ka walaacsan nahay xalada suxufiga jooga somaliya” oo ah halku dhig ey u adeegsadaan wariyayaasha in dhaha ka xiran ee waayay midnimada iyadoona uu suxufigu ku qanco inta eey la egtahay tabartiisa wayo xaqiisa oo la duud siiyay ayuusan kahadli Karin .

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Osman ayaa markii ey soo qaxeen wariyayaasha islamarkaana ey soogaareen magaladan Nairobi waxa uu bilabay in uu kala geeyo wariyayasha oo uu ka illaliyo in ey gartaan faa’iidada mid nimadooda iyo iskaashiga dhaxdooda ah isagoona diidaya in ey awood u yeeshaan raadinta xaquuqdoodii laduudsiiyaya waxaase u hogaan samay riwaayadahaas qaar kamid ah wariyayaasha oo uxishay xoogaa guno ah oo lagu soor cunsiiyaya.

Midnimadii suxufiyiinta iyo doorashadii cadaalada.

Kadib markii ey tiro dhaafeen wariyayashii soo barakacay ee soo gaaray dalka Kenya isla markana ey waayeen cid si rasmi ah u caawisa marka laga reebo UNHCR oo diiwan galiya oo kaliya ayaa qaar kamid ah wariyayaasha run cadaaga ah ee sida weyn looga yaqaanay gudaha dalka somaliya waxa ey soo hindiseen in ey sameystaan gole mideeya dhamaan suxufiyiinta qurba jooga ah ee somaliyeed ee ka soo hayaantay dhibaatooyinka ka aloosan dalkii hooyo oo marki ey shacabka dabar goysay soo beegsatay suxufiyiintii u adegeysay shacabkooda .

Maalin waliba shacuur teed leh waxa ey aheyt 11/sebtember2009 makii uu ale soo abyeeyay kulamo wariyayaahsa uga soconayaya magaaladan Nairobi ee looga gol lahaa qab soomida doorasho cadaalad ah oo ey yeeshaan wariyayaasha dibad jooga ah ah ee ka soo qaxay Somalia.

Waxa isugu yimid in kabadan 75 wariye oo kakala socotay guud ahaan gobolada dalka somalioya goobta ey doorashadu ka dhaceysay ee magalada Nairobi isbarasho iyo is wareysi kadib waxa dhacday codeyn tii oo aheyt arntii lagu madal sanaa.

waxa isku sootaagay hogaanka golahan cusub ee suxufiyiinta qurbo jooga ah ee lamagacbaxay SAJESS musha raxiinta kala ah wariye Mohamed Abdulahi Adan “Sidii” oo ah wariyihii caanka ahaa ee idaacada iyo TV-ga hornafrik hadana ah tafatiraha wabsedka www.wariyaha.com iyo wariye Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman oo isna katirsan webka www.somalitalk.com/gentleman waxa halkaasi ka dhacday doorasho oo ey ku tilmaameen wariyayaashii goob jooga ha mid cadaalad ah iyadoona uu ku guuleystay hogaanka ururka SAJESS wariye maxamed Mohamed Abdulahi Adan “Sidii” oo helay codadkii ugu badnaa oo lagu qadaray in kabadan 47 cod iyadoo wariye Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman uu helay 30 cod.

Doorashada waxaa goob joog ka ahaa tafaftiraha idaacada Qaramada Midoobay ee IRIN C/qaadir Mursal, Agaasimaha TV-ga ETN ee caalamiga ah mudane Teero iyo Hassan Kuuriya oo ka mid ah wariyaashii idaacada Radio Mogadishu xilligii dowladii Military-ga aheyd iyadoo ay iska cadahay in goobta ay wariyaashan ay isugu yimaadeen wixii ka dhacayne ay yihiin wax xalaal ah.

Mudo gaaban kadib ayaa anigan Abdifatah Mohamud Axmed “Abaal” ah waxa ii suuro gashay in aan ka qeyb galo kulan uu gudoomiye Mohamed Abdulaahi “Sidii” ku soo ban dhigayay dhismaha labo gole uu yeesho ururkan suxufiyiinya qurba jooga waxan uu halkaasi kaga dhawaaqay xibnaha golayaasha fulinta iyo golaha dhaxe iyadoona ey ku qanceen qaab kaa si dhamaan saxafiyiintii ka soo qeyb gashay kulan kaasi oo aan kamid ahaa

Xaflad weyn oo caleemo saar ah kadib waxa si toos ah u bilaabmay howlihii Ururka SAJESS iyadoona xafiis looga sameeyaya xaafada islii ee magalad Nairobi waxana mudo gaaban kadib iska soo daba dhacay dham baalo ey soo dirayaan saxa fiyiinta somaliyeed ee sida tusbaxii oo kale caalamka ugu firdhamay dhambaaladadasi oo ey ku ayidayaan curashada golahan cusub ee saxafiyiinta qurbajooga ah e somaliyeed iya dona kulan ey isugu yimaadeen suxufiyiinta soo barakacaday eek u sugan kambala ey ku taageereen hogaanka ururka SAJESS.

Gunaanad

iyadoo ay wali sii socoto dhibaateenta wariyasha Somaliyeed iyo wax qabad la’aanta ururka sheegta NUSOJ ayay wali wariyaasha somaliyeed ay u halgamayaan sidii ay u heli lahayeen xaqooda walina ma muuqato waxqabadka wariyaasha cid diyaar u ah marka laga reebo Heyada UNHCR ee Qaxooti ahaan u qaabishay.

Hadaba aqristow maxay kula tahay in ay ku danbeen doonto xaalka wariyaasha u soo hayaamay qurbaha gaar ahaan dalalka dariska ah?

Abdifitah Mohamud Ahmed “Abaal”

Nairobi-Kenya

Email abaal77@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.