Home » Maqaallo »

Go’aanka Maamulka GPL Ma Musaafurinta Muwaadinka Soomaaliyeed | Cabdiraxiin

Go,aanka Maamulka  Goboleedka Puntland  Ma Musaafurinta Muwaadinka Soomaaliyeed iyo Madax buuxinta Maamulka itoobiyaa?
 
Waxaa inta badan maamul goboleedka puntland ku naalloodaan oo ku faanaan   nabada iyo maamulka  iyo nidaamka ay samaysteen ee labadooda gobol
Hadana markaad hoos u sii eegto nabada iyo maamulka ay samaysteen waa mid ku kooban
Beelaha degaanka ah ee ka soo jeeda labada gobol ee Barri iyo Nugaal
Waxaa had iyo goor puntland carabka ku dhufataan gobolada kale inaysan haysan amaan iyo nabad iyo nidaam dowladeed  sidaa awgeed ay ka xuquuq badan yihiin kuwa dagaaladu ka socdaan ee hada  arinkoodu dhabaqsan yahay .
 
Balse waxay maahmaah soomaaliyeed tidhaahdaa  (Ninkaad kabo ka tolonayso kabihiisaa la eegaayaa ) oo aan uga jeedo hadaad qof wax wadaagaysaan ama aad  ku darsanayso ama aad ku dayanayso isagaa noloshiisaa la fiiriyaa  haday wanaagsantahayna waa wax ku ool
Hadaysan wanaagsanayna waa  wax kuma taal.
 
Maaha dhaleecayn aan u ujeedinayo maamulka iyo deegaanka dadka dega puntland
Ee waa wax waaqici ah oo dhacay  waxaa soomaaliya ka koobnayd 5 gobol eek ala ah Soomaaliya  Soomaliland , Jabuuti,  Soomaaligalbeed iyo Soomalikenya.
 
Shanta Soomaaliyeed waxaan ka dhicin ayaa ka dhacay Puntland manta oo ka mida Soomaaliya  taas oo ah kala faquuq midab takoor iyo tacadi dil iyo dhibaato lagu hayo umad naf soo biday oo ka  kala timid gobolada koonfurta soomaaliya iyo soomaaligalbeed .
 
 Waxaa ka socday mudo dheer  wadankii soomaaliya la dhihi jiray dagaal wejiyo badan leh
Waxaa horaantii 90meeyadii lagu dhawaaqay gooni isutaaga Soomaliland oo go,aansatay inay ka  goosaatay soomaaliya  umada soomaaliyeedna gooni u goosadkeeda wax colaada ama cadaadis ama midab takoor ama hanjabaad ama dhibaatayn kalama kulmin
Keliya maamulkooda ayay gaar u yeesheen iskuna koobeen dadka deegaankaas iska leh
Umadna maxaad wax u wanaajisateen laguma eedayn karo  haday ku nolaansho noqoto iyo haday ka ganacsi noqoto iyo haday caafimaad noqoto dhinac walba umada soomaaliyeed meelkasta oo ay ka timaado wax dhibaato ah looma gaysto waana ku nabad galaan
Mana jirto ilaa hada Somaliland inay ku dhawaaqday inay soomaalida koonfureed isdiiwaangeliyaan iyada oo shacabka soomaaliland diwaangashanyahay mana jirto wax fiise ama dal ku gal ah oo la waydiiyo qofka soomaaliga ah meelkasta uu ka yimaado.
 
Waxaa hadana maamul goboleed samaystay gobolka Barri iyo Nugaal oo dadku ku farxay kuna diirsaday maadaama dalka qaybo ka mida dab ka baxayo in la helo meelo umada ku badbaado hadaba mudooyin badan ayaa waxaa maamulka goboleedka puntland uu caan ku ahaa dhibaatada dadka  is biimeeyaa ee u safra wadamada yeman si ay noloshooda uga soo helaan dalalka carabta iyada oo si ku talogala dooma xunxun inta loo saaro qaarkoodna la dejin jiray ama badda dhexdeedaa rasaas lagula furi jiray ama dega qasaba la dhihi jiray halkaasna ay ku dhamaan jireen lagu waayay ilaa 1990_2009 dad tiradooda lagu qiyaasay ilaa 10,000 oo ruux oo caruur haween dhalinyaro isugu jira hadana mar walba   taas waxa eedeeda la saari jiray shaqsiga isagu is biimeeyaa ama naftiisa haliga
Iyada oo aan dhamaan bulshada goboladaas wax  hadal ah ama wax qabada ka samayn falalkaa tacadiyada ah waxaa hada soo ifbaxaya inay hada kuwii badda ku dareen k kuwo bariga ah oo dadkii ka qaxay dagaalada ka socda gobolada koonfureed inay iyo gobolada xabashidu ka haysato soomaliya si toosa loogu laayo ciidamada puntland iyo shacabkuba iyaga oo aan geed ugu soo gabanayn  cid cudur daar iyo canbaarayn ka muujisayna aysan jirin.
 
Waxaa hada xaqiiqa ah in goboladaas ay ciidamada itoobiya iyo dowlada itoobiya
Si xarago leh ku dhex marto kuna joogto waxay doonta ku disho kana kaxaysato
Iyaga oo aan is diiwaan gelin  hadana lagu qasbay bulshada soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada koonfureed inay is diiwaan geliyaan oo tirakoobkooda la helo
Maadamaa ay yihiin dad ajnabi ku ah gobolada nugaal iyo bari waa arin ku cusub umada soomaaliyeed waayo wadanka jabuuti itoobiya Kenya iyo yeman  wadamada soomaaliya la derisa laysma diwaan geliyo maxay tahay sababta gobol soomaaliya ka mida laysaga diwaan gelinayaa.
 
Waxaa xildhibaanada ka tirsan dowlada ku meel gaarka ah kana soo jeeda dhamaantood maamulgoboleedka puntland ku baaqeen in baarlamaanka dowlada FKMG loo raro puntland  maadaama muqdisho aysan amaan ahayn  arintaas oo u muuqaata meel ka dhac iyo indha istirid iyo damaaciigii dalkii soomaaliya godka u galay oo aan weli laga waynaanin ayaa waxaa la yaab leh haddii shacabkii soomaaliyeed ee aan u dhalan hadii la yidhi isdiiwaan geliya oo waa in la helayaa tirakoobkiina iyo waxaad tihiin iyo waxaad qabataan
Baarlamaanka sow lama doonayo inta qol lagu xidhi  inay fuliyaan qadiyada labada gobol kii diidana maaha nin diidan qadiyada puntland oo la qali maayo ileen nin shacab qalay oo dilay
Siyaasi ama masuul asxaan uma samaynayo isaga oo eeganayaa dantiisaa teeda kale maxay tahay farqiga u dhaxeeyaa baarlamaanka soomaaliya iyo shacabka soomaaliya
Ninka baarlamaankana doonayaa shacabkana diidayaa sidii deegaankiisa nabad iyo meel soomaali isugu imaan karto loogu tilmaami karaa  miyaysan ahayn kud ka guur oo qanjo u guur  iyo indhosarcaad umada soomaaliyeed loo dhigayo iyada oo dano gaara la  wato
Baarlamaankana waxaa uu ku qasban yahay meesha shacabka soomaaliyeed lagu qasbay is diiwaan gelinta in uu isaguna fiise ka soo qaato safaarada itoobiya ee labada gobo lee puntladn ay ku leedahay  haddiiba dani ka gasho ileeen maaha dhul soomaaliyeede.
 
Waxaa wax lala yaabo ah in umada soomaaliyeed waagii beryaba ay la kulmaan arimo mucjiso ah waxaan awal taageersanaa nidaamka federaaliga ah ee qolo weliba ama deegaan weliba inuu gudihiisa is xaliyo oo is hagaajiyo ka dib soomaali wax la qaybsado waxan ku naaloonaynay  deegaamada nabada ah balse hadii arinku yahaay is diiwaangeli iyo fiise soo qaado iyo umaad dhalan meeshaan iyada oo qabiilo loo kala baxay ayaan la dhihi jiray
Reer  hebel inta magaalo hebla joogta hala ogaado waayo dhaqanka soomaalida
Waa ku ceeb qofka deegaankaaga joogaa inaad marti soorta maahee inaad ku macanaasto
Inkastoo dhacdadani tahay mid taariikhiya hadana waxaa la yaab leh inaysan ilaa hada bulshada  reer puntland dareensanayn dhibaatada ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed
Iyo iyaga oo aan qaladkooda qirsanayn iskana qabanayn.
 
Bulshada koonfureed dagaalo ayaa ku dhacay balse ilaa hada nin soomaaliya  meeshuu doono haka yimaadee is diiwaangeli kama dhicin  waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa
Maamul goboleedoow lagu baray. Dowlad reer ku dhisanay lagu baray
Iyo deegaamada qaar halaga fiirsado safarkooda , ganacsigooda iyo ku noolaanshahoodaa
Waxaan leeyaahay soomali oodhan waa la Doogiye yaan la Dacaroon.
 
 
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Go’aanka Maamulka GPL Ma Musaafurinta Muwaadinka Soomaaliyeed | Cabdiraxiin "

  1. gashanle says:

    aan yarka maqaalka qorey aan saxo mr hilowle oo u eg inuu nin haawiye ah yahay

    Puntland kama koobna bari iyo nugaal marka 1ad ee waxa kalo ku jira gobolada mudug sool sanaag iyo qeyb ka tirsan gobolka togdheer sida buuhoodle iyo inta hoost timaada .

    marka labaad puntland weli cidna kama saarin deeganadeeda marka Been in la faafiya akhlaaq wacan maahan.

    hadii aadan inkireysid ma aqaan Somaliland waqti si horeysay waxa laga saarey dadka kasoo jeda koonfur kadib xilli barlamaaanka wadankaas u codeeyey.

    dhulka somaliland wa laga yasaa dadka luuqadaada wata Mr Hilowle halka meelaha qaar sida Punland oo kale aan lagula yaabin qaabka aad uhadleysid.

    waxaa ka cad qoraalkaaaga ka cad inu hinaaso badan ka muuqda dabcan uma uusan qalmin in somalitalk lagu faafiyo sababtoo hilowle ma usan cadeyn cidda iyo mesha dad somaliyeed looga saarey Puntland.

    waxa hubaal oo ay ahayd inu hilowle garwaaqsan laha in aan xata xamar dadku aysan wada degenayn oo ninka Puntland ka so jeeda uusan ku noolaan karin bal iskaba daaye xoolaha dadka gobolkaas hadi xamar lagu dhaca ay tahay xalaal” .

    gebogebodi hadalkayga waxaa aad iiga yaabiya markaan websiteyada somalida aad ku aragtid dad wata magacyada HILOWLE , CALASOW , YALAXOW IWM , oo cambaareyn iyo been had iyo gooraale ka faafinaya puntland , somalitalkana waxaa ka codsanayna inuusan dad xaqiiq jirta inkiraya inaysan soo galin qoraaladooda.