Home » Warar »

DFKMG iyo Jabuuti oo si weyn u soo dhaweeyey Cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eratrea.

au1Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo si weyn u soo dhaweeyey Cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eratrea.

Danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobe Cilmi Ducaale oo oo la hadlayey warbaahinta isaga oo ku sugan Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobe ayaa waxa uu sheegay in ay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti Mas’uul looga dhigay in ay sii ambo qaadaan la socodka Cunaqabateynta ay Qaramada Midoobey kusoo rogtay Eretria,waxa uuna tilmaamay in Kulanka lagu soo hadal qaaday Labo Qodob oo muhiim ah kuwaasoo ku saabsanaa Taageerada Eretria ay u fidiso Shabaab iyo Xisbul-islaam ee ka dagaalama Soomaaliya,iyo sidoo kale Xad gudubka ay dowladdaasi ku sameysay Dowladda Jabuuti islamarkaana ay Ciidamadeedu gudaha ugu galeen Dhulal ay laheyd Jabuuti.

Danjire Cilmi Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaaxay inay Dowladda Eritrea ka tanasuli weysay Dhibaatooyinka ay ka waddo Soomaaliya iyo sidoo kale inay hakiso Saldhigga ay Kooxaha Mucaaradku ku leeyihiin Asmara,waxa uuna intaasi ku daray inay Cunaqabateyntaasi u codeeyeen 13 ka mid ah 15-Xubnood ee Golaha Ammaanka islamarkaana Shiinaha uu ka aamusay maadaama uu Saaxiib la yahay Waddamada Qaaradda Afrika halka Liibiya ay iyaduna diiday iyadoona tilmaantay in Al-Qadaafi uu wadahadallo kula jiro Mas’uuliyiinta Dowladda Eretria.

Safiirka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobe ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in Digniin loo diray Dowladdaasi Eretria islamarkaana loo qabtay Muddo 3-Bilood ah in ay Is bedel kaga sameyso Eedeymahaasi Cunaqabateynta lagu saaray haddii kalena lasii kordhin doono Cunaqabateyntaasi,waxa uuna tilmaamay Safiirku in Dowlad kasto ee Cunaqabateynta la saarayo marka hore in lasiiyo Fursad ay uga hadasho waxyaabaha lagu Cunaqabateeyo.

Hadalkan uu jeediyay Safiirka Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobe ayaa kusoo beegmaya xilli Golaha Ammaanku isku raaceen in la cunaqabateeyo Dowladda Eritrea oo iyadu ka qeyb qaadaneysa Hurinta Colaadaha ka jira Soomaaliya,islamarkaasna ay Taageero u fidiso Xarakatu Shabaab iyo Xisbul-islaam ee diiddan Midnimada iyo Horumarka Ummadda Soomaaliyeed

 

Ragga Siyaasadda u dhuun Daloola ayaa sheegey in Ereteriya kalia aysan Dhibaato ku hayn Somaaliya balse ay jiraan Dowlado kale oo feregelin ku haya Soomaaliya oo ugu horeeyaan Itoobiya iyo Kenya weliba Dowladda Itoobiya waxay Ciidamadeeda ka geysteen Xasuuq Dalka soomaaliya mudadii labada sanno ay joogeen somaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.