Home » Warar »

Xafladda Furitaanka Adeegga SAHAL ee Shirkadda GOLIS Oo Lagu Qabtay Magaalada Badhan

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Xafladda Furitaanka Adeegga SAHAL ee Shirkadda GOLIS Oo Lagu Qabtay Magaalada Badhan .
Badhan : Shirkadda Golis oo ah shirkadda ugu ballaadhan ee adeegyada kala duwan siisa guud ahaan magaalooyinka gobolka Sanaag sida : telefoonka landline-ka , telefoonka gacanta , internet-ka iyo korontada ayaa ku kordhisey adeegyadeeda ay macaamiisha siiso barnaamijka cusub ee adeegga SAHAL.

Xafladdii furitaanka ee adeegga SAHAL ayaa lagu qabtay hoolka dugsiga Al-Furqaan ee magaalada Badhan , waxana ka soo qayb galay ganacsatada kala duwan , xubno ka socdey maamulka degmada , maamulada dugsiyada , shakhsiyaad danaynayey adeeggan, maamulayaasha shirkadda Golis ee magaalooyinka Badhan , Hadaaftimo , Ceergaabo iyo Ceelbuh iyo masuuliyiin ka socdey maamulka sare ee shirkadda Golis ee magaalada Boosaaso.

Waxana xafladda lagu bilaabay filim kooban oo si wacan usoo badhigay adeegsiga barnaamijka xawilaadda iyo kaydsiga lacagta ee SAHAL , filimkaas oo uu agaasimey soona saaray Inj. C/qaadir Siciid Diiriye ( Xaaji Kuweyt) oo ka tirsanaan jirey raggii ugu muhiimsanaa telefishankii Soomaaliyeed ee wakaaladda wararka ee SONA.

Aayado quraan ah oo xafladdan lagu furay kadib , ayaa waxa halkaas hadal ka jeediyey maamulaha shirkadda Golis ee magaalada Badhan Shiikh Faysal Xuseen Mire oo faah-faahiyey adeegyada kala duwan ee shirkaddu macaamiisheeda siiso iyo sida ay ugu heellan tahay iney adeeg hufan oo casri ah oo lagu kalsoonaan karo siiso macaamiisheeda, uuna ka mid yahay adeeggan cusub ee SAHAL.

aaay

Sidoo kale waxa iyana halkaas ka hadlay : Maamulaha shirkadda Golis Ceergaabo C/laahi Axmed Daamur , Axmed Shiikh Saalax , iyo Axmed Muuse Suldaan . Ugu danbayntiina waxa halkaas si faah-faahsan dadka ugu sharraxay adeegga SAHAL madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda GOLIS Mr. Faarax Xaaji Mire. Iyadoo isla habeenimadiiba la bilaabay diiwangelinta macaamiisha cusub ee adeegga SAHAL.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.
mciyoon@googlemail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.