Home » Warar »

Wuxuu Dhashey isaga oo Afkiisa isku Dhegen Yihiin

Wuxuu Dhashey isaga oo Afkiisa isku Dhegen Yihiin
Wuxuu u baahan yahay Qaliin deg deg iyo gar gaar Baniaadanimo

Halkan ka eeg warqadda dhakhtarka iyo sawiro

Inta aad nooshahay waxaa maalin kasta waxaad arkeysaa wax aad la yaabto Mar aan dhawaan booqdey xero ay ku jiraan dad soo barakacay oo ku taal Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa ku soo arkey Canug Laba sanno jir ah oo ku dhashey mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen yihiin,waxayna iska dhegan yihiin laga soo bilaabo Gowska dambe ilaa Foolka hore ee gudaha wuxuuna wiilka uu quutaa Caano iyo biyo kaliya waxaana Masaasada laga geliyaa meel yar oo afka ka banaan oo xigta Daanka kale ee aan isku dhageneyn Reerka oo iska danyar Qaxootina ku ah deegaanka Xaawo Cabdi ayaa dhowr jeer isku dayey in ay wiilkooda wax u qabtaan balse tabari u diidey iyadoo laba dhaqtar oo dooneysey in ay si mutadawacnimo ku badbaadiyaan wiilkaas ay suurageliweysey ,

waxayna Dhaqaatiiru sheegeen in aan waxba looga qaban karin dalka, waxay kaloo sheegeen dhaqaatiirtaas in aysan heysan qalabkii fududeyn lahaa qaliin wiilkaas yar oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulaahi Hooyadiisna la yiraahdo Sahro Cilmi Shiikhdoon ”Wiilka waa sii korayaa waxaan ka cabsi qabaa in ay xiranto meesha yar ee Caanaha keliya laga siiyo”ayey tiri Hooyadii oo si aad ah uga welwelsan wiilkeeda waxayna labada waalid ka codsanayaan dhamaan shacabka soomaaliyeed ee wax haysta iyo Hayadaha samafalka in ay wax kala qabtaan wiilkooda dhibaateysan

afka

Halkan ka eeg warqadda dhakhtarka iyo sawiro

qofkii doonaya in uu wax u qabto ha kala soo xiriiraan
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.