Home » Maqaallo »

Puntland: Xaggee u socotaa? | shakibdhowre

Puntland: Xaggee u socotaa?

22/12/`09

“ Dabkuu shiday gumeystuhu duur saw ma uu galin

Diinaarkii uu daadshay Damiin soo ma uu guran

Googooye Soomaali oo gobolba meel aadye” Shakib dhowre `93’

Hordhac

Ilaa iyo markii sheydaan diiday amarkii Alle “inuu u sujuudo Nabi Aden” waxuu ku dhaaartay inuu adoomada Alle wadada wanaagsan ka leexiyo. Ka dibna waa kii damac iyo waswaas ku riday Nabi Aden iyo Xawo, (kadib) ilaa ay cuneen geedkii Alle ku yiri ha u dhawaanina. Suurat Al-baqarah [34-38].

Qiso kalana waxay aheyd walaalihii Nabi yuusuf Ceelka ku riday, markay sheydaan dareensiiyay in Aabahood ka jecal yahay Yussuf wiilashiisa kale. Suurata Yusuuf [9]..

Dhamaadka suurata An-naas waxaa ku cad in kooxda sheydeynka ay k u wada jiraan Jini iyo Insiba “Kuwaas wax waswaasinaya, oo ah jinni iyo Insiba” suurat An-naas [6].

Sheydaan wali waa wadaa dagaalkii Aden iyo xaawo jannada looga soo saaray. Xeeladihiisna waxaa ka mid ah inuu markasta Bini-aadanka tuso hilaac iyo dhaldhalaal ka sokeeya ujeedooyinka dhabta ah oo uu leeyahay.

Guntumaha taariikhiida waxaa ayana ka soo xiganeynaa qodobada soosocda, oo aan ifineyno kaliya maadaama aanaan qormadaan ku soo koobikarn, haddii la balaariyo:

Qod1: Muddo laga soo bilaabo Haajiraadii koowaad ee kooxdii muslimiinta aheyd, ee naftooda iyo diintooda kala soo qaxay dhibaatooyinkii Qureysh, waayagii soo gaaray geeska Afrika, udubkana dhigtay Maagaalada Aksum, oo xarun u aheyd boqorkii Najaasha, oo markii Nabi Maxamed (SCW) uu la soo balamayay Asxaabtii ku yiri “ aada waxa dhulkaas ka taliya boqor caadil ah, oo aan dadka agtiisa lagu dhibin”. Qureysh oo ka xumeyd muslimiinta nabada ku dagtay Aksum waayagii Ergada laaluushka waday u soo diray boqrkii Najaasha( Alle ha u naxariistee), si uu ugu celiyo wiilasha ka soo falaagoobay. Waxaan wada ognahay in madaxdii qureyshi ku fashilmeen hindisihii ahaa in Asxaabtii la soo celiyo.

Xiligaas waxaa kale oo dhacay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay boqortooyadii Roomaaka iyo boqorkii Najaasha. Khilaafkaasi waxuu salka ku hayay markii boqorkii Aksum Roomaanka u diiday canshuur uu siin jiray.

Qod2: Dhalashadii Imaaraadkii islaanka ahaa, hoggaankana ay u aheyd Ifaad. Waxaa xusid mudan heerka iyo baaxada dhuleed iyo guulihii ay gaartay Imaaradkii Ifaad. Qodobkaan waxaa ku xudum warqadii qeylo dhaanta xanbaarasaneyd ee Miliilikh iyo gurmadyadii reer galbeeedka, oo ay hormoodka ka ahaayeen ciidamad bortiqiiska ee loo yaqiin Moskiito. Jabkii ku dhacay ciidamadii Imaan Axmed Gurey hoggaaminayay iyo khasaarooyinkii ka danbeeyay baa loo aaneynkaraa inay qeyb ka tahay dhibaatada ay soomaali maanta la balaanbaleyso. Raad raac: Buuga Futuxal Xabash [ Shahaab-al-diin Al jaeysaani].

Qod3: Shirkii Berlin 1884 ee qaarada Afrika lagu qeybsaday, Soomaaliya waxaa ka soo gaaray dhibaato aan lahankeedii la dhutineyno, waana tan shan loo qeybiyay dadkii iyo dalkiiba, haddana loo ciilqabo sida qorshuhu yahay in la sii badiyo qeybinta. qeybi oo xukun baa qorshuhu yahay. Waxaanna daab qurac ka ah khaa`innu wadan dulaala qaata .

Qod4: Duufaantii, diyaaradihii iyo ciidamadii rasaasta naxariisdara ahaa ku afuufayay si loo damiyo halgankii Daraawiishta, ee uu hoggaaminayay Sayid Maxed Cabdille Xassan.

Qod5: Dagaalkii `77 iyo qaran jibkii ay Soomaali ka dhaxashay. Xigasho: madaxweynaha Cuba Fidel Casto “ Iskaashigii dhexmaray Cuba iyo Ruushka ee ku saabsanaa dagaalkii geeska Afrika, waxuu ahaa mid aan waligayo na soo marin, xataa xilligii mushkaladii Gantaalah, ee afka qalaad loogu yaqaan (Cuba missile crisis, 1963) iyo weerarkii cirka ahaa (Bay of Pigs invasion `61). Burburkaas waxuu dhalay jabhadii aan ujeedooyinka laheyn.

Qob6: Burburkii dowladii dhexe ee soomaaliyeed `91 iyo shirarkii shirqoolka ahaa ee Jabouti `91 u horeyeeyay, una danbeeyay Jabouti 2008.

Qod7: Heshiisyadii Caruusha `68 ee dhexmaray dowaldii Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, looguna raadgaday gobollada maqan. Heshiis kale waxuu yahay midka dhaawaciisu cusub yahay ee Nairobi kuna saabsanaa in dowlada Kenya loo sharciyeeyo inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Qob8: Intaas waxaan ku dareynaa xaaladaha guud ee dunida soo ragaadiyay:

– Dagaalkii qaboobaa oo looga adkaaday xulafadii Warso.. Marxaladaas waxaa lagu soo afjaray dadaalkii loogu jiray in shuuciyada la ciribtiro.

– Inkasta oo uu markasta soo jireen ahaa nidaam qarsoon, looguna yeero “ nidaamka dowladaha qarsoon”, laguna eedeeyo inay ka danbeeyaan aafooyinka aduunka ka dhaca. Nidaamkaas ilaa 1992 waxaa loogu walqalay “Kala danbeynta cusub ee aduunka”.

– Quwado cusub oo soo siyaaday, sida dalka China, dhaqaale xumada iyo kheyraadkii dhulka hoostiisa ku jiray oo laga deyrinaya, waxaa la isku heystaa aayihii ummadaha.

Todobadaan qodob markaan gunta u dhigno qormadaan.

La soco doodaan iyo qeybta koowaad ee soo socota ee Puntland xaggee u socotaa

Waxii xiriir ah:

-La soo xiriir shakibdhowre@ymail.com.

– Ama shabakadaha doodaan soo daabaca.

 

Waxaa soo tebiyey

c/fataax warsame <barreboy@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.