Home » Warar »

Hayadda SOCWE oo qabatey Madal looga hadlayey Doorka Haweenka ee ka qaybgalka Nabadda iyo Dib u heshiisiinta

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Waxaa Hotelka Bakin ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Madal hal Maalin ah ku saabsan Doorka Haweenka ee ka qaybgalka arrimaha Siyaasadda , Nabadda iyo Dib u heshiisiinta waxaa soo qaban qaabisey Hayadda SOCWE Somali Center for women Empowerment oo inta badan isku howsha Dhinaca Haweenka Waxaana gacan ku siiyey Hayadda Global Fun for Women waxaana ka qaybgaley Dad gaaraya 30 xubnodd oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culama’udiin, Odayaasha dhaqanka, Dhalinyaro, Haweenka iyo Suxufiyiin waxaana Casharada Madasha jeedinayey Macalin Aadan Xasan Saciid iyo Maxamed Abuuukar Gacal, oo labada ka socdey SCORE Consultants waxayna ku dheeraadeen sida haweenka aan looga maarmin Ka qaybgalka siyaasada , Dib u heshiisiinta iyo Nabadda waxaana ka qaybgalayaashu halkaasi ku soo bandhigeen Aaraa la xiriirta Haweenka iyo Doorkooda iyadoo qaarkood ay sheegeen in ay Haweenka yihiin Lafdhabarka Bulshada taasoo ay sheegeen in aan looga maarmin Nabadda , Dib u heshiisiinta iyo Siyaasadda .

aaf

Madashaan halka maalin ah ayaa waxaa ka hadlay gebagabadeedii Gudoomiya Hayadda Socwe Marwo Safiyo Abuukar karaani waxayna u soo jeedisey ka qaybgalashayaas in wixii ay halkaan ka barteen u gudbiyeen intii aan fursadda u helin ka qaybgalka Madashaan ee aan fahamsaneyn Doorka Haweenka , waxaa kale oo ay sheegtay in Bulshada qaybaheeda kale duwan looga baahan yahay in u istaagaan sidii haweenka looga qaybgelin lahaa Masiirka ummadda soomaaliyeed taasoo ay sheegtey in aan sinaba looga maarmin, waxaa kaloo Madashaas ka hadley Shiikh Axmed Dhicisow oo si weyn ugu dheeraadey Doorka Haweenka ee arrimaha ku soo xusney isagoo sheegey in haweenka yihiin Tiirka Bulsho kasta wuxuna sheegey in aan la inkiri karin Howlaha ay bulshada u hayaan ugu dambeyntii waxay ka qaybgalayaasha codsadeen in aan hal maalin lagu dhameynkarin Doorka haweenka waxayna codsadeen in la kordhiyo Madasha noocaan ah ee looga hadlayo Haweenka ,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.