Home » Warar »

Guddoomiyaha NGSC Abdigani Jeenyo Oo Gaaray Scotland

Guddoomiyaha NGSC Abdigani Jeenyo Oo Gaaray Scotland

SCOTLAND: Madaxa Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [SNGSC] C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani jeenyo) oo booqasho ku tagey Scotland.

Guddoomiye C/qani Jeenyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay dalkaasi iyadoo mas`uuliyiin isboorti oo uu horkacayo Ilyaas Cali Wakiilka NGSC ee dalka Scotland ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay halkaasi.

Guddoomiyaha NGSC ayaa durba guda galay shirar iyo kulamo uu la yeelanayo bahda isboortiga dalka Scotland iyagoo wadahadalkooda diiradda ku saaray sidii loo horumarin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan u joognaa sidii aan ugu wada hadli lahayn mas`uuliyiinta isboortiga Soomaalida Scotland horumarinta isboortiga iyo dhiirigelinta dhallinyarada Soomaaliyeed” sidaas waxaa Isboorti.com u sheegay Guddoomiyaha NGSC C/qani Jeenyo oo intaasi ku daray in dalkan ay ku nool yahiin dhallinyaro siboortiga ku wanaagsan islamarkaana u baahan in lagu dhiirigeliyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa qeybqaata horumarinta ciyaaraha iyagoo ka qeybqaadanaya sidii ay magac iyo maamuus ugu keeni lahaayeen fagaarayaasha isboortiga ee caalamka.

Guddoomiyaha NGSC C/Qani Jeenyo ayaa tibaaxay in ay wadaan qorshe ay ku diyaarinayaan ciyaartoy mustaqbal leh oo isagu jirta qeybaha isboortiga oo dhan gaar ahaan Kubadda Koleyga ,K/Koleyga, K/Miiska iyo Dabaasha , si ay u noqdaan kuwo Qarankooda metela.

aaaw

Kulamadii uu halkaasi ku qaatay Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Cusub Dhaqanka iyo Isboortiga [SNGSC] C/qani C/llaahi Hilowle [Jeenyo] ayaa wuxuu ku soo idlaaday jawi is afgarad wuxuu si gaar ah uu ugula dardaarmay bahda NGSC ee Scotland in ay si labo laabaan dadaalada ay ugu jiraan dhiirigelin dhallinyarada mustaqbalka ku leh ciyaaraha isagoo ku ammaanay isku xirnaanta iyo waxqabadkii ay ka muujiyeen dalka Scotland.

Ma` aha markii ugu horeysay oo uu safar isboorti uu ku bixiyo Guddoomiye C/qani Jeenyo dalka ka tirsan Yurub waxaana uu dhawaan safaro la mid ah midkan uu ku soo maray dalalka Mareykanka iyo Canada taasoo ka tarkumaysa dhiirigelinta horumarinta dhaqanka iyo isboortiga Soomaaliyeed.

Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone:+2525-0-982912
+2526-2-272145
Email: buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.