Home » Warar »

Astaanta Dawlad gobleedka Puntiland Yaa ku Guulaystay

Astaanta Dawlad gobleedka Puntiland Yaa ku Guulaystay
Figradii Asli Ahmed Mahamoud ( Asli Qodax)

Waxaa naga soo gaaraya magaal madaxda dawalad gobloleedka Puntland ee Garowe in shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/12/2009, lagu dhawaaqay calanka iyo astaanta ay yeelan doonto Dawlad gobolkeedka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa ansaxiyey calanka ay yeelanayso DGPL kaddib markii ay cod u qaadeen nooca uu noqonayo calankaasi oo ah: Dhanka sare buluug iyo xiddig cad, dhexda caddaan, hoosna cagaar.

Hadab waxaa u suura gashay webka somalitalk in uu xiriir la sameeyo gabadha ku guulaysatay Astaanta dawlad goboleedka puntland oo Magaceeda La yiraahdo: Asli Ahmed Mahamoud (Asli Qodax) waxaan waydiinay arrintaas.

calanv

Figradii Asli Ahmed Mahamoud ( Asli Qodax)

Asli waxay noo sheegtay in aad ugu faraxsantahay in ay Puntland yeelato Astaan iyo calan u gaar ah. Sida aad ogtihiin Soomaaliya waa Federaal sidaas waxaa qoraya dastuurka dawlada ku meel gaarka ah iyo kan Puntland. Dhanka kale dastuurka dawlad goboleedka Puntland waxa uu dhigayaa in puntland yeelato calan iyo astaan u gaar ah waayo. In aan calankaas iyo astaanata nasiib u yeesho samaynteeda waa guul taariikhi ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Astaanta Dawlad gobleedka Puntiland Yaa ku Guulaystay "

  1. Asalamucalaykum dhaman dadka muslinka ah waliba somaliweyn gar ahan dadka reer puntland e nabada jecel madaxweynaha dr c/raxman max,ed max,ud(foroole) madax dowlada culimada aqonyahanada iyo waliba dadki kugulaystay samaynta calanka iyo astan tinta kadib waxan waxka horanlaha dadka amisan inay puntland hadi calan ugara samaysato inay somaliweyn kago ayso lkin waxan ni oranlaha figradiina kasara dhabti sidi puntland somaliweyn uga go ilahay way adagtahay wayo puntland wa dad muwadinin ah somaliweyna jecel in ay gacmaha isqabsadan allaha waxan uga baryaya in ay somaliya kulabato somaliweyn amin amin puntland hanolato cadawgeda cagta hosti

  2. Gacal says:

    Puntland waxay u dambeyn doontaa sidii Somaliland Gooni isu taag sida aan aaminsanahay.Calanka waa la ansxiyay kadibna waxaa maqli doontaa , waa ka go, anay koonfurta inteeda kale waxaa nahay dowlad madax banaan oo caalamka ku soo biirtay, inkastoo aqoonsi caalami heli karin balse waxay dooneysaa shirkada shidaal qodo oo sharci daro ka jiro caalamka in la heshiiyaan sida Canadian Mining company oo Equador ka howl gasho welibo ciidan aan dowlada Equador aheyn ilaaliyaan. iyo company yaal kalo sharci daro uga howl galo wadama badan Africa, Asia,South America ka jiro.
    Impact consequences will be tragic of somali people, waxaana ku dayan dooono kuwa badan aaqrikiina horseedi doonto in dalka oo dhan burbur iyo jufo kasta keensato waxay rabto……..

  3. ladan maxamed says:

    marka hore waxa aan salamaya dhamaan umdada soomaliyeed ee nabada jecel meel ksata ha joogtee marka labaad waxaan oran lahaa somaliya calan waxa tarimaaye alle waxaan uga baryaaya ummda in uu aale dhibka ka dul qaado ragana waxa aan usoo jeedinya in ay nabda kashaqeeyan ikana daayan figradaha qaldan ninkii gobalkiisa hagaajiya kan kalena ha kudaro waan idin salaamaya

  4. dooli says:

    oo ma waxaad doonaysaan in al-shabaab,ahlu suna,iyo dowlad dadkeeda madaafiic ku garaacda inaan wax ku darsano.sow wax fiican maynu samayn?

  5. as/c
    waxan aad iyo ad uga xumahay in baanta intii soomaali ka hadhay calamo loo kala sameeyo iyo astaamo iyo heeso u gaara runtii waa nasiib darro usoo hoyatey soomali oo dhan gar ahaan reer b/land maxaan shalay s/land ku haysaney waa wax tariikhda u geli doona faroole iyo raga la shaqeeya.

  6. caadil says:

    Magan waa la bixiyaa martina waa la soora magac xumo weeye masuug leh inaad ruuxa magan kuu ah aad magliga ku jiiddaaye,
    Ninka maamusa mindiyaha u qarshe Ruuxa miciin bida iyo magantiisa gumaade,
    Mallay xarig ku dabe maamuus Mijeertenle

  7. haruun farah says:

    Marka hore waad salamantihin dhamaantin.bacda salan waxaan doonaya inaan maqaalkan ugu jawaabo ninka la baxay abdishakur A jama.Oo aad moodo nin aan wacyiga maanta,taas waxa ku cadeynaysa wax yalaha uu aminsan yahay.Horta calanka iyo astanta puntland waxaan u arka shaqsiyan horumar aad u wanagsan iyo oo mudan in lagu daydo.erayga great somalia waxaa waxa maanta soomaaliya halka dhigay taas oo ah in wax-walba laga dhigay hal magaalo waa muqdisho.Maanta taas way dhamaatay oo waan in nin waliba meeshu ka soojedo horumarkeda ka shaqeeya iyadoon soomaalinimada laga tagin,laakin ma,aha in aad ku hadaqdo in puntland soomaaliya jajabinayso ee wax hubso.

  8. Nabad-daajiye says:

    waxaan filayaa in ay tahay in ay tusaale wanaagsan oo dhanka horumarka ah iyo muraayad siyaasadeed ee loo furay walaalaha gobolada kale ee soomaaliya ayna ku dayan doonaan.

    sidaan filayao ayna u celcesheen madaxda puntland maaha mid soomaali kala goyneysa ee waa fikarad oranaysaa “danta guud waa mid tangaar ahaanedna waa nin xeeshii”

    Mahadsanidiin

  9. Abshi C/salam Khalif says:

    Halkaan waxaan ku soo qoray Heesta halanka Puntland
    Waxaan iri oo Heesta ka bilaabay,

    Puntland waa dhulkii uduga abid lagu yiqiino aayaha iyo barwaaqada ku manaystay eebo inaguna u simanahay.

    ummadeena oo idil looma kala abtiriyoo iridii banaan iyo aqalkay helaan bay ubadkooda geystaan .

    Asluubtiyo wanaaga aayadaha quraankiyo arladeena oo idil ilaahii nasiiyow amaan nooga yeel. Heestii intaas ayaan ku soo koobay.

  10. Abdishakur A. Jama says:

    walaal , marka hore waad salamantahay salam kadib. anigu astamahan & Magacyadan la baxaayoo, waxaan u arkaa in ay tahay tirtiridii laga tirtiri lahaa khariidada adunka wax layiraahdo ” Great somalia” . Sababta aan u isticmaalaya kelmadda “TirTirida ah” waa waxaynu soo marnay” waqtigii Duminta Qarant, waqtigii Burburinta Qaranka,hadda, waxaynu Marayna, Tirtirida Magaca Somalia
    walaalow, weli waxa somalia gacanta ku lajira Cadowgii shisheye & kii gudaha. waxaan Ilaah ka rajeyn in uu dhagarta & nacaybka looqabo Dadka Somaliyeed ka badbaadiyo, iyagana qulubtooda isku toosiyo.
    Mahadsanidin

  11. asw halkan waxan ka salamay bahda somalitalk oo dhan mida kale waxan hanbayo u diraya dadki alifay ama sameyay calanka iyo astanta qaska u ah punland waxana leyahay tariiq aya ka tagteen ee guleesta hanbayo qaas waxan u diraya asli qodax guul ayan kuu rajeyay nabadey