Home » Warar »

Bilow Kerow oo ganacsatada Soomaalida uggu baaqey daganaan.

Bilow Kerow oo ganacsatada Soomaalida uggu baaqey daganaan.

Xildhibaankii hore ee deegaanka bartamaha Mandera Bilow Kerow ayaa sheegay in sharciga Kenya ee ku aadan ganacsiga iyo maalgashiga dalka uu cad yahay.

Bilow Kerow wuxuu kaloo sheegay in dhamaan Keenyaanka ay u siman yihiin dalkani, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay in is ixtiraam ah lagu wada noolaado.

Keeroow oo iddaacada Star FM wareysi la yeelatey ayaa sheegay in shir ay xildhibaanada, mas’uuliyiinta gobolka waqooyi bari Kenya iyo ganacsatada Eastleigh yeesheen la isku raacey in qof kasta uu u madax banaan yahay halkii uu ka ganacsan lahaa.

Bilow Kerow wuxuu intaa ku darey in Soomaalida Keenyaanka ah iyo kuwa Soomaaliya ka yimidba ay horumar iyo faa’iido weyn dalkani Kenya kusoo kordhiyeen.

Waa yadan danbe saxaafada Kenya waxey si aad ah wax ugga qorayeen in ganacsiga Soomaalida ay Kenyan ka sameynayaan uu si weyn usii baahayo, taas oo saxaafada qaar ay qorayeen warar aan xaqiijin tooda la ogeyn oo ay ganacsatada iyo burcad badeedka ay isku xiriirinayaan.

Soomaalida ayaa ku eedeysay ganacsatada hindida ah iney ka danbeeyaan barabugaanka lagu haleynayo sumcadda ganacsatada Soomaalida ah, iyadoo sheegay in isla xiriirinta looga gol leeyahay in lagu wiiqo ganacsiga Soomaalida ee dalkani Kenya ee sii baahayo.

Suuqa weyn ee Eastleigh ee ku yaala magaalada Nairobi ayaa 90% ganacsiga ka socda waxaa sutida u haya Soomaalida, waxaana lagu tilmaamey suuqa suuqa uggu dhaq dhaqaaqa badan bariga Africa, iyadoo ay kuxiran yihiin suuqa wadamada sida Uganda, maamulka koonfurta Sudan, Tanzania, Congo Dr, Burundi iyo Rwanda iyo wadamo kale.

Shir dhawaan magaalada Nairobi ayaa waxaa hoos laga xariiqay in ammaanka suuqa iyo ganacsigaba la sugo, si looga gaashaanto khataraha suuqa banaanka ugga iman karo.

Kulan danbe oo xiisa leh, cimri dheer, caafimaad iyo cibaado suuban.
 
Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.
 

Mobile Phone: – 00254-711 919 -302

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.