Home » Maqaallo »

Hasheer Dabalaay Gooji Ama Ha Goojin, Wallee Geela Gu’ga Dhali Uunbaa lagugu Tirin | Prof Farjac

Abaabulkii iyo Hufidii Dr. Maxamed Cadduur, Habayntii iyo isku dubaridkii Eng. Muhiadin Hussein Eid, Qalinkii Prof. Farjac

Barlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood oo ay qaab qabiil ku soo xulaan issimada beelaha Puntland deggan qaarkood. Iyadoo markaa beelo badan oo reer Puntlanad ay saamigi ay ku lahaayeen la duusisye oo weli laalan yahay, isla markaana ay weli ka dharsugayaan in ay helaan xaqooda ka maqan. Waxaa kaloo iyana xusid mudan, in xubnuhu ay u badan yihiin dad aan aqoon fiican lahayn, oo ay ku jiraan kuwa aan waxba qorin waxna akhriyin. Intooda badanna xubnaha baarlamaanka Puntland aqoon fiicanba uma laha ,waajibaadka loo xilsaaray iya shaqadoodu waxa ay tahayba. (job description).

Hadaba marka hore aan ku bilowno oo aan qeexno meherada xildhibaanka laga sugayo in uu qabto waxa ay tahay. Walowba hawsha xildhibaanka ay leedahay fallaro badan oo aan maqaal qura lagu soo koobi Karin, hadana,waxaan baalkaan ku soo koobeyaa xilalka ugu sahlan ee laga sugayo in xildhibaanku qabto iyo aqoonta looga baahan yahay si uu u fuliyo xilka loo dhiibay.

· In uu ilaaliya nidaamka iyo dastuurka u dejisan Dowlada Puntland.

· In uu curiyo sharci dani ugu jirto dadweynaha, uuna hordhigo golaha wakiilada Puntland.

· In uu ka qayb qaato sharci samaynta wadanka isagoo ku salayna aqoonta uu u leehayahay dastuuraka dowlada Puntland.

· Waa inuu aqoon dheer u leeyahay dastuurka iyo qaababka dastuurka lifaaqyo loogu dari karo.

· In uu maskaxda ku hayo in uu masalyo bulsho weynta Puntalnd , goor walbana ka war hayo dareenkooda iyo waxa ay doonayaan. Xisaabtan oo halkii xildhibaan wuxuu wakiil ka yahay 53,000 oo qof in ka badan. Hadii 3.5 milyuun ku nooshahay Puntland, 66 xubnood u qaybi.

· In uu xiriir la leeyahay bulsha weynta beesha uu masalayo (Constituency)

· In uu mashaariicda wadanka laga qabanayo, u soo hoyo saamiga degaanka uu matalayo

· In uu codkiisa ka muujiyo cod bixinta sharciyada laga doodayo golaha wakiilada qabaailada Puntland. Maahmaah Sawaxili waxay tiraahdaa“Asiye Kuwapo, Na lake halipo” Waxaa ugu dhow “Kii seexdaa sacii dibi dhalay”.

· In uu agsoon yahay in xubin ka yahay golaha ugu sareeyo dowlada Puntand, isla markaan uu ogyahay shaqadiisa ugu wayn in ay tahay uu dheeli tiro awooda sadex qaybood ee Dowlada Puntland kuwaa oo kala ah baarlamaaanka, Dowlada, iyo Golaha Cadaalada (Legislative, Executive and Judiciary).

Tayadada Xubnaha baarlamaanka Puntland

Sida aanu kor ku soo xusanayba xubnaha baarlamanaka Puntalnd waxa haysata aqoon la’an xag kasta ah haba ugudaraatee iyagoo aqoon u lahayn qanuunka iyo sharciga bulshada Puntland uga fadhido in ay wax ka qabtaan. Ma laha la taliyaan ama aqoonyahano la shaqeeya oo tala bixin ka siiyo siyaada markaa taagan. Inta badan xubnaha meeshii looga fadhiyey in ay wadanka hanaan u socodkiisa hogaamiyaan, waxa ay ka doorbideen in jeebkoodu hogaamiyo oo hadba meeshii sandareeto leh u hogaansamaan.

Xagee wax ka qaldameen?

Mushkilada kowaad:

Maamuladii iyo baarlmaankii Puntland ee tobanka sano soo jirey waxa ay ku guuldarsayteen in wadanaka uu gudbi waayey hanaan xisbiya badan. Haatanna aan loogu fadhin in ay wax ka qabtaan waayo danahooda ayaan ku jirin.

Mushkila Labaad:

Inta badan ismada Puntland waa ay gabeen hawshoodii dhaqanimo waxayna ku guul daraysteen in ay soo xulaan dad tayo leh oo wax u tari kara guud ahaan bulshada reer Puntland iyo degaankii laga soo doortayba.

Mushkilada Sadexaad:

Inta badan ismada Puntanld wax talo ah ma waydiiyaan bulshada ay isimka u yihiin ee waxa ay wax ku soo xulaan oo halbeeg u ah jeebkooda. Waxa isumadu ay saxiixa ugu duugaan hadba ruuxii jeebka isimka mugiisa buuxiya. Wax talo ahna ma waydiiyaan aqoonyahanada beesha, culimada diinta, dhallinyarada, saraakiisha, waxgaradka, haweenka iyo qurbajoogta beesha

Mushkilada Afraad:

Mushkilad kale waa issimad oo gabay hawshii lagu yaqaaney ee ahayd garqaadida, qaybinta iyo mag-sugiida dhiiga dhex mara colaada ka oogmata qabiilada Puntland. Issimadaas oo dhex galay siyaasadda oo hadba beelaha dhinac u jiidaya hadii aan la siin laaluushka ay doonayaan. Hadaba uma wada dhama ceebtaas, ee kuwa cusub. Qalad ha naga fahmin akhristow. Issimadii hore waxaa doortay dadweynaha beesha, qaarkoodna waxay ku heleen dhaxal, dadka ay wakiilka ka yihiina raali bay ka noqdeen. Waxaa la yiri madaxdii dadku doorto Ilaah baa doorta. Hadaba uma gafeyno dadka Eebe doortay oo sharafta muujiyey. Issimadaasi waa kuwa ku yimid qaabkii la yaqaaney waana issimada qadiimka ah (Jasuur). Waxa aanu aragnay issimo ciidaa iyo carradaa ka badan oo ciyaal Fay ah (Ciyaal Qudus), oo wax soo doortay aan la aqoon, beel, ama jifo ama jilib soo doortay aanu jirin oo qaarkood ay gangsters u egyihiin, ee meel walba yaacaya. Hadana qadiyadii beelaha af-duubay, dawladana ka dhaadhiciyey in ay iyagu yihiin issimada rasmiga ah, issimadii horay u jireyna meel walba ku xag-xagta.

Mushkilada Shanaad:

Hadaba tan ugu weyn waa jahliga haysta bulsha weynta beelaha Puntland. Habartii waxay tiri “Hilib buraanlaa dilay, hadal sii dheh baa dilay, hambo-na nabar dambaa dilay”. Marka hadii aqoontu sarayn lahayd, ama aqoon yahannadu bulsho weynta ka wacdin lahaayeen dhibta lagu hayo; issimada, qab-qablayaasha, iyo wakiilada Puntland talada dadweynaha ma marooqsadeen, maskaxdoodana maja looma rogeen, sidey doonaana lagama yeeleen.

Mushkilada Lixaad:

Waxaa maqan doorkii aqoonyahanada gudaha, qurba joogta iyo aqoonyahanadii qurbaha joogey – oo laga sugayey in hawshoodu ku ekaan soo diridda lacagta (remittance) iyo mashaariicda. Ayna ahayd in ay wanaagsanaan lahayd in ay isticmaalaan awoodooda dhaqaale oo ay ku muquuniyaan issimada in magacaabidda xubnaha golaha wakiilada beelaha ay kala tashadaan bulshada beelaha qaybeheeda kala duwan.

Dastuurka Dowladda Puntland

Nasiibxumada dhacday ayaa waxay tahay in dastuurka Puntland uu soo samayey aqoonyahan deggan magaalada Genova ee dalka Talyaaniga. Aqoonyahankaas oo ka soo min guuriyey dastuuro qalaad oo aan dhaqan, dhaqaale, diin iyo caadoba la wadaagin bulsha weynta Puntland.

Iyadoo markaa la heli karayo xeer yaqaano Soomaliyeed oo soo bartay shuruucda dastuurka Somaliya (Dritto constituzionale Somala) oo ka soo baxay Jaamacadaha wadamada qalaad iyo Jaamacadda Ummadda Somaliyeeba. laanteeda sharciga (xarunta Dhexe laguna dacaayadayo Ceel Gaab ama qaybta Shabeelle). Waxaa kaloo la heli karayey indheergarato badan oo Soomaliyeed iyo macalimiin Somaliyeed oo loogaga dambayo dhanka shuruucda dastuurka iyo fasiridda qodobada dastuurka. Hadba dhibaka wayni wax uu ka yimi iyadoo intaas oo dhan la heli karo ayaa la dhinac maray oo waxaa la soo maanguuriyey oo Soomaali lagu tarjumay dastuur wadan qalaad leeyahay. Badanaaba tarjunaada lama fahmo ilaa la akhriyo tan afka ingiriiska ku qoran, waayo erayada la isticmaalay oo aan ku haboonayn.

Iyadoo sidaas jirto ayaan hadana inta ay Puntland jirtey oo toban sano kor u dhaaftay dastuurka Puntland wax turxaan bixina aan lagu samayn. Waxaana taa ugu wacan aqoon la’ata xubnaha baarlamaanka, taas oo markaa dastuurkii Puntland ka dhigtay mid hadba u adeega danaha xukuumda markaa jirta oo iyaga sida ay doonaan u isticmaalan una fasirtaan.

Turxaanba ha lahaadee ma lagu dhaqmaa dastuurka Puntland?

Jebinta iyo ku xad-gudubka dastuurka waxaa ugu horraya xildhibaanada baarlamaanka qaar ka mid ah iyadoo ay ogolaadeen xubnaha kale. Tusaale ahaan waxaan u soo qaadaneynaa soo magacaabidii ugu dambaysay ee issimadu soo magacaabeen golaha wakiilada qabaailka ee Puntland oo 16 ka mid ah ay ku soo galeen qaab ka soo horjeeda dastuurka u deggan Puntland.

Wuxuu dastuurka iyo qaabka doorashaduba wada qorayaan in shakhsiga loo soo dooranayo barlamaanka uu ahaado mid aan u soo shaqayn muddo lix bilood ah Maamul Goboleedka Puntland. Hadaba xildhibaanada soo galay golaha wakiilada qabiilada Puntland in lix iyo toban (16) ka mid ah ay ka soo shaqayeen dawlada Puntland wasaaradeheeda iyo wakaaladeheeda kala duwan; issimada qaarkoodna ay soo magacaabeen dad aan shaqada dawlada ka maqanayn muddo shan iyo toban cisho ah (Halkii laga rabay in ay ka maqnaadaan lix bilood). Taasi waxay caddayneysaa in xubnaha golaha baarlamaanku sharci darro ku soo galeen oo ay dastuurka jebiyeen.

Waxaa kaloo dastuurka iyo xeerka doorashadu wada qabaan in qofka loo soo magacaabayo golaha wakiilada beelaha uu soo magacaabo issinka qadiimka ah (jusuur) ee beesha uu wakiilka ka noqonayo. Hadaba laba iyo toban (12) ka mid ah xubnaha golaha wakiilada Puntland waxaa magacaabay dad aan u lahayn awoodda dastuurku qorayo sida nabadoono iyo nabadoon ku xigeenno ay raali ka ahaayeen guddiga loo magacaabay doorashada, ama issimo ka maqan Puntland ama issimo shabadooda lagu soo dhegsaday iyagoo ku maqan ama hayin u noqday Somaliland.

Waxaa kaloo jira laba beelood oo xubnahoodii laga qaaday oo loo wareejiyey beelo kale. Walowba ay beelahaasi muujiyeen in markii horeba saamigoodu yaraa oo ay ka ciil qabeen sad yarida, waxay aad uga xumaadeen in laga fara maroorsaday xubnihii ay ku tashanayeen.

Dadkii markaas danta ku watay oo aaminsanaa in kuwa la siiyey ay codka doorashada iyaga ugu shubayaan ayaa ka codsaday guddiga maamulayey doorashada in ay soo geliyaan xubnaha xaaraanta ah. Iyadoo aan beelahaas xubnohooda laga qaadin waa la awooday in kuwa lala rabo la siiyo xubno cusub. Issimka ka qaaday beelihii lahaa una wareejiyey beelaha kale kama tirsana beelaha laga qaaday iyo kuwa loo gudbiyey. Maskaxda aynu ku hayno in Puntland ay tahay beelo isku darsaday geel, hase yeeshee beel walba ay geeleeda gooni u leedahay “geel jirena geela waa wada ilaashadaa waana kala ilaashadaa”..

Sida ku cad sharciaga dastuurka waxuu dastuurku qabaa in golahu fadhi yeelan karin hadii tirada xubnuhu ka yartahay 2/3 (Saddex meelood oo laba meelood). Golaha baarlamaankuna aanu go’aan gaari karin hadii tirade intaas ka yartahay. Go’aan kasta uu gaari in uu yaay wax aan jirin iyo alif macallin tiray (null and void).

Bal nala eeg sida fadhigii ugu horeeye ee doorashad sanadkanu dhacday, Sidaa aan horeba u soo sheegay xisaabiya oo tirade aan sharci ku soo gelin waa sodon(16+12+2=30). Si baarlamaanku u fariisto waa in 66 xubnood (saddex meelood oo laba meel ay joogto ama ay sharci tahay). Taas hoosta ka xariiq. Hadii kale go’aankoodu sharci noqon maayo. Tirada 66 hadii saddex meelood loo qaybiyo waa 22. Hadii laba labaatan iyo labo la isku daro waa (22+22=44). Hadaba tira 44 ka yar in aaney go’aan gaari karin waa caddahay. Inta sharci darrada ku soo gashay hadii baarlamaanka laga saaro waxaa soo haraya waa (66-30=36). Si baarlamaanku xalaal u noqdo, ama fadhigiisu u ansaxo waxaa ka dhiman 8 xubnood (36+8=44). Go’aan kasta oo baarlamaanku gaaro waa xaaraan inta tiradaasi ka qaldan tahay.

Sida lawada ogsoon yahay baarlamaanka Puntland ma aha barlamaan ay u dhan yihiin beelaha Puntland deggan. Waxaa jira 38 beelood oo ka maqan baarlamaanka Puntland oo markii la abaabulayey golaha, qabiilada ka maqan loo ballan qaaday in lagu soo dari doono golaha mustaqbalka dhowna, ayna ka muuqan doonaan. Hase yeeshee beelaha haya maamulka Puntland ay dan u arkeen in aan lagu soo darin iyagoo hor istaagey markasta ee la isla soo qaado in baarlamaanka la ballaariyo oo la damco in lagu soo daro beelaha ka maqan.

Raja ayey bulshada ree Puntland qabeen oo ahayd in baarlamaanka cusubi fadhigooda u horraya uu ku falan-qayo talooyinkii horay loogu soo jeediyey sida beelaha ka maqan golaha Baarlamaanka Puntland loogu soo dari lahaa, in todobada gobol lagaga soo daro gabdho masala haweenka iyadoo weliba kuraastaas laga soo magacaabo gabdho ka tirsan qabiilada aan ku jirin golaha baarlamaanka; loona kordiyo saamiga kuwa xaq darrada tirsanaya. Xubnihii cusbaa ee ku soo biiray oo dadka isbedel-san doonka ahi doonayeen (30%) waxay noqdeen kuwa aan ka duwanayn kuwii horay u joogi jirey. Waxayna noqdeen kuwa ku dayday kuwii horay u joogi jirey oo dana kale yeeshay oo ka maagay dantii guud ee Puntland.

Sede, Geri, Afarta Absame iyo Adeerkood

Indheergaradka Puntland waxay himmad weyn ka qabeen in golaha cusub ee wakiilada beelaha Puntland ay ka doodaan sidii loogu soo dari lahaa beelaha Sede, Geri, Afarta Absame iyo Adeerkood. Iskaba daaba in yadadiiladaasi rumowdee, waxaa baarlamaanka Puntland ilaa hadda wax u qaban la yahay beelaha Puntland ee aan weli lahany xubno baarlamaaan. Waxaase taa isku fuuqsaday Absame iyo Adeerkood baarlamaan ku darid iska daayo , waxaaba laga dhigay kuwa laga baayac-mushtaro oo amxaaro loo beecgeeyo. Ma la ilaawey in dadku yihiin dad dhulka wax ku leh oo Kablalax sheegta? “ Ubax kula dhashiyo Absamaan ahee, Amxaar ha iga gadan”.

Dadweynuhu ma moogana in dad badan oo xaqoodii ka maqan yahay la duudsiiyey saamigoodii, kuwa kalena aan lagu soo darin gola ceebeedka wakiilada qabiilada ku bahooay Puntland. Maadaama dakhliga canshuuraha ka soo gala Puntland aan wax horuumarin ah aan lagu qaban ee jeebabka laga buuxsado, waxaa dadka qaarkood ku doodayaan oo ay taageersan yihiin in la soo geliyo beelaha ka maqan oo wakiiladooda mushar laga siiyo dakhliga Puntland.

Hanaanka Lebiska iyo hoolka shirarka ee Baarlamaanka Puntland

Xubnaha baarlamaanka Puntland badankoodu uma muuqdaan xubno baarlamaan xagga bilicda iyo hub sidashada. Sida aynu ku aragnay wadamada horuumaray ama kuwa soo koraya iyo kuwa nala deriska ah, waxay xildhibaanadoodu sitaan dhar bilicsan, shaarar qurxoon, kaba dhalaalaya, jaakado, suudad iyo qoor xirro wanaagsan oo bilic san. Waxayna fariistaan majlis lagu dheehay dhaqankooda, iyo waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka u ah. Hase yeeshee xubnaha baarlamaanka Puntland waxay badankoodu sitaan hoos guntiyo duuga, kaba dacas ah iyo koofiyado qorrax farabadani cadaysay oo basay. Hadaad salaanto waxaa badankooda ka soo udgaya hilib ari iyo maraq idaad, gacmahoodana waxaa ka soo duxaya dufan. Yaan qalad nala ka fahmin. Xildhibaanadoo dhan ma aha, ee waxaanu horey hoosta uga calaamadinay erayga ah “Badanjooda”. Waxaa ku jira wakiilo u qalma oo si habsan u lebista, wax qora waxna akhriya, anshax wanaagsan iyo hub-qaad quruxsan leh.

Waxaa gole ay fariistaan u noqday aqal bakhaarada beeyada lagu safayo u eg. Kuraasta ay ku fariistaanna waxay yihiin kuwii ku meel gaarka ahaa ee qurba joogta Denmark yaboohsiga uga soo heleen goobaha qalabka duuga ah la geeyo, ay u soo dhiibeen si ku meel gaar ah in baarlamaanka loogu furo. Hadba hadii lacagtii canshuurta reer Puntland lagu takri falay baarlamaankuna waxba ka qaban waayey, miyaysan kula ahayn in qurba joogta Puntland min $5 isku soo daraan si ugu yaraan loo dhiso dhisme aqal u eg baarlamaan, looguna dhigo kuraas iyo miisado; maadaama dakhliga Puntland soo galo uu meel baas maro.

Waxaa iyana lagama maar maaan ah in loo samayo hab lebisasho u gaar ah golaha wakiilada beelaha (Xildhibaanada baarlamaanka) iyadoo la tix raacayo dharkii Somalidu hidaha iyo dhaqanka u lahaan jirtay (laba qayd oo cad-cad, kaba jaan ah). Inta ayan soo gelin golaha dharkey rabaan ha xidhaan, marse hadey soo galaan golaha waa in ay qabaan dhar bilicsan oo hidihii iyo dhaqankii ku salaysan. Yaan ablay loogu darin, waayo ama waa isku dooxayaan, ama makhaayadahay hilibka ari kaga laysanayaan.

Waa iyana muhiina in xildhibaan kasta helo xafiis uu ugu adeego bulshada, kulana shiro aqoonyhanada , waxgradaka beeshiisa iyo tan Puntland, bulshada waynta Puntland iyo bulshada beesha uu matelo.

Foolxumo waxaa ah; in Puntland ay soo gasho dakhli toban jibbaar ugu laabanta dakhliga soo gala Somaliland. Sannad walbana intaas oo malyuun talis kasta oo soo maray Puntland uu musuq-maasuq ku lunsado, baarlamaankii awooda u lahaa sharciyaynta kharajkana uu kaga jiro doqosh shirkadaha ganacsigu ku xayaystaan badeecadooda.

Dayga ba’ay waxay samaysteen heeso oranaya “Ku dayo Puntland !!!”. Annagu waxaanu leenahay “haku dayan Puntland inta ay sidaan tahay”. Ma runbaa in beentii loogu heesay, madaxweynihii wasiir ku magacaabay ninkii samayey heesta “ku dayo Puntland”?

Wakiiladu Ma Ka Warqabaan Beelihii Laga Soo Doortay?

Waxaanu filaynay in xubnaha gobolada laga soo doorto ay wakiil ka yihiin beelaha soo doortay. Waxaan filaynay in ay ku noqdaan beelihii soo doortay iyo gobolkii soo doortay; in ay la soo tashadaan ganacsatada, dhallin yarada, aqoon yahanada, culamaa’udiinka, iyo qurba joogta ay wakiilka ka yihiin. Hase yeeshee waxaa cadaatay in qaarkood sidii loo soo magacaabay aaney dib dambeeto ugu noqon gobolkii iyo beeshii laga soo doortay iyo beelihii issimkoodu soo doortay oo ay ku negaadeen Garowe. Qaarka ku noqda gobolkii laga soo doortay, uguma noqdaan in ay la soo munaaqashoodaan beelihii soo doortay iyo horuumarka gobolkii ay ka yimaadeen; ee waxay u noqdaan in ay soo booqdaan xaaskii ay kaga yimaadeen gobolka.

Dadka qaarkood waxay u hanqal taagayeen in wakiilada beluhu ay u soo noqdaan gobolka hadii dhibaato ka dhacdo (abaar, colaad iwm), oo ay soo booqdaan dhibaatadu inta ay la’egtahay si ay u wargeliyaan maamulka Puntland; waxaase cadaatay in qaarkood hadba meesha luf-lufku jiro ay u yaacaan.

Da’da Xubnaha Baarlamaanka Puntland

Xubnaha Golaha Wakiilada beelaha Puntland (xildhibaan) badankoodu waa dad da’ weyn, shahaado waxbarasho aan lahayn, aan wax qori aqoon, waxna akhrin aqoon, ay ku adagtahay in ay hadeer waxbarasho bilaabaan. Waxay ku soo barbaaray kana soo shaqayeen maamuladii horay Somaliya u soo maray sida talisyadii Ingiriiska, Talyaaniga, Dawladii daakhilga, kuwi xorriyada ka dambayey, kuwii musuq-maasuqa, Kacaankii hore, kacaanka xumaaday, qabiil jeclaysi, kala sarayn, bililiqaysi, qax iyo qaxootinimo, danaystanimo, sed bursi, xaqiraad, boob iyo dhac, danaysi iyo wax la mid ah. Waxay u badan yihiin dad is wada garanaya oo isu yaqaan in ay wada danaysta yaal yihiin.

Inta odayaasha aan wax qori aqoon, waxna akhrin aqoon ay xildhibaano u yihiin Puntand. Ayna hagayaan bulshada Puntland, way adagtahay in Puntland ay ka baxdo musuq-maasuq, dib-u-dhac, ayna gaadho horuumar dhaqan dhaqaale, bulsho iyo nabadgelyo. Waxay wakiiladu danta guud ee beesha ay wakiilka ka yihiin ku bedesheen dantooda gaarka ah.

Xaqiida Dhabta ah sida lagu soo galo Golaha Wakiilada Qabiilada Puntland

Xubnaha Golaha Wakiilada Beelaha Puntland siyaabaha lagu soo magacaaba waa dhowr nooc:

· Qaar waxay ku soo galeen gadasho ay gateen jagada oo ay ka gateen issimka guud ee beesha ay masalayaan.

· Qaar xoog ay u sheegteen issimka (dhan jiffo, jilib iwm, iyagoo ugu hanjabay in ay beesha kala jebinayaan). Hadii aanu qofkaas ku darin in uu fisho in jiffadaasi samaysaneyso issim u gaar ah, ama ay kula loolamayaan jagada issimka.

· Qaar waay sheegteen in ay xaq ugu leeyihiin in ay markoodii tahay (shaloongo qafba markiisa qaadanayo).

· Qaar waxaa watay oo khasab ku soo geliyey maamulkii hore oo u arkay in ay iyaga u codaynayaan, waxaana soo magacaabay nabadoono, qaarna waxaa soo magacaabay issimo aan wadanka joogin.

· Qaar waxaa soo magacaabay issimo aan ahayn kuwa beesha ay ka tirsan yihiin u madaxda ah.

· Qaarna waxaa soo magacaabay issinka jasuurka ah (hala lahaado xiriir dhaqaale iyo wax wadaag ama yaanu la lahaane).

· Qaar waxay ul iyo dil ula tageen issinkii wax magacaabayey oo caan bay ku noqotay Puntland in issimada la ulayo (matoobiyayo) si looga helo magacaabid.

Waxaan soo jeedinayaa in qurba joogta iyo ganacsata reeraha in ay mushahar joogta ah oo ku filan ay u qoraan isimkooda , si isinku ugu madaxbanaanado hawlihii loo diray , isla markaana faraha kala baxo arimaha siyaasada. Taas oo hadi la sameeyo wax wayn u noqon kata bulshada Puntlan oo dhan.

Xeerka Puntland wuxuu qabaa in beel walba ay dib ugu yeeri karaan (recall) wakiiladooda; markii ay doonaana bedeli karaan. Wadamada oo dhan baa qaba in xildhibaankii ka soo bixi waaya xilkiisa ama gela dmbi laga qaado jagada, ama dib loogu Waco, oo la soo ceshado. Aqoon yahanadu waxay u arkeen in xubnaha barlamaanka, beelaha soo dirsaday dib ula noqdaan xubnaha haatan matalaya, iyagoo ka soo baaraan degaya wakiilada ay u soo dirsanayaan. Rajadu waxay tahay in ay ku soo bedeshaan dhallinyaro aqoonyahanno ah, aqoon dheeraad ahna u leh sharci samaynta iyo maamulka; wadaninimo dheeri ah ay ku jirto. Hadii ay beesha ka waayaan aqoon yahanno sharci dejinta xeel-dheer ku leh, in ay soo dirsadaan dhallinyaro aqoon guud leh oo ugu yaraan leh shahaado machad culuun siyaasadeed, cilmi bulsho, hadii la waayo ruux shahaado jaamacadeed ku sita qaynuunka iyo sharuuc dejinta. Hase yeeshee beel walba ay khasab iskaga dhigto in wakiilka beesha ay u dirayaan golaha wakiilada qabiilada Puntland ugu yaraan uu wato shahaadada dugsiga sare iyo khibrad maamul hadey wax dhaama beesha ka waayaan

Waxaanu maamulka Puntland u soo jeedineynaa talo ah in ay ka joojiso mushaharooyinka issimada oo dhan sib eel walba ay xoolo gooyo ugu samayso issimka runta ah, si ay u baaba’aan issimada ciyaal suuqa ah.

Waxaan maamulka Puntland ugu baaqayaa in amaanka sugaan isla markaana sameeyaan ciidan tayo lahe oo ku filaan amaanka degaanada Puntland.

Waxaa Maamulka Puntland kula talinaya in ay ka waantoobto in muwaadiniin Soomaaliyeed loo gacan geliyo wadama shisheeya, muwaadinkii denbi galena lagu maxkamadeeyo wadanka gudihiisa.

Waxaan kula talinaya dowlada in ay faraha kala baxdo arimaha saxaafa oo aysan saxaafada xoridyada ka qaadin. Qurba joogtu waxay u aragtaa saxaafadda in ay run shegtahay, ayna door weyn ka qaadaneyso horuumarka iyo dheeli tirka awoodaha laga filayey Puntland, maadaama madaxweynuhu xukumo labadii he’adood ee a filayey maamulka (legislative, Judiciary).

Ugu danbnay waxaan Puntland u rajaynaa sanad wanaagsan , guul iyo horumar.

Mahadsanidin

Farjac@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.