Home » Warar »

Bayaankii shirkii ARS ee London lagu qabtay

Bayaan

Halkan ka daawo sawiradii shirka (London)

Shirkii ugu horeeyey oo uga furmay Isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliyeed magaalada London, dalka Ingiriiska oo laba maalmood soconayey (18-19 Desember 2009) ayaa maanta soo gabagaboobey. Shirkan waxaa ka qayb galy qaar ka mid ah labda gole ee Isbahaysiga (Golaha Dhexe iyo kan Fulinta) oo aan kala raacin kooxihii ka baxay iyagu iskood uga baxay Isbahaysiga.

Waxaa kaloo ka qayb galay shirka dadweynha Soomaaliyeed oo taageerayaasha u ah halganka dib-u-soo noolaynta qaranka Soomaaliyeed ee ku kala nool waddamada Yurubta Galbeed.

Ujeeddada shirka loo qabtay waxay ahayd:

  • Xog warran xaaladdaha qalafsan ee siyaasadeed iyo nabadgelyo ee dalka Soomaaliya hadda ku suganyha.
    (Report on the current political & security situation in Somalia.)
  • Dar-dar gelin , dib-u-haybayn iyo dib-u-hawlgelin Isbahaysiga si uu u guto waajibaadka ka saaran soo noolaynta Qaranimadii Soomaaliya iyadoo oo uu u kaashanayo dadweynaha Soomaaliyeed oo loo furay inay xubno ka noqdaan Isbahaysiga (The three R’s initiative: Renovation, Reengagement and reorganization of ARS).
  • Baadigoob tabo iyo xeelado looga baxo dhibta Soomaaliya ka taagan oo xambaarsan wax qabad  ku salaysan xal u heled xaaladda murugsan ee dadka iyo dalka Soomaaliya ay ku suganyihiin laga bilaabo taniyo 1991kii ilamaa maanta (Exploration of possible political settlement and viable conflict and crisis resolution for Somalia and Somalis).
  • Dood furan iyo falanqayn qodda dheer ka dib arrimaha kor ku xusan, ergada shirku waxay soo saareen Bayaankaan hoos ku qoran:

    Shirku wxuu isala qiray ahmiyadda Isbahaysugu u leeyhay marxaladdaan baahida loo qabo xasiloonida u helidda, nabad u raadinta iyo xal u helidda xaaladda murugsan ee dalka iyo dadka Soomaaliya ku suganyihiin.

  •  
    • Shirku wuxuu welwel iyo walaac ka muujiyey colaadda iyo dagaalada joogtada ah ee dalka aloosan, gaar ahaan gobollada koonfureed, Magaalooyinka Muqdishu iyo Beledweyne iyo gobollada dhexe qaarkood oo ay kooxa iyo ururro hubaysan oo Soomaali ahi isaga soo horjeedaan, dagaaladaas oo u geysta shacbiga khasaare naf iyo maalba leh.
    • Shirku wuxuu ugu baaqayaa kooxaha iyo ururada Soomaalida ah ee daggaalamaya inay si deg-deg ah oo shuruud la’aana xabad joojin u sameeyaan, si ay u abuuranto fursad wada hadallo keena in shirweyne qaran dalka gudihiisa laysugu yimaado oo ummadda Soomaaliyeed uga wada tashato dhisme dawlad qaran oo wadaag ah dadkuna wada leeyhay. 
  • Si arrintani u hirgasho, shirku wuxuu soo jeedinayaa in Isabahaysigu ka shaqeeyo sidii loo unki lahaa Guddi Qaran oo musaalaxo ka dhaliya kooxa is haya. Guddigaas oo ka kooban qaybaha bulshada (culamaa’u diin, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil, iwm), ayna hoggaaminayaan shakhsiyaad lagu xulay wax-garadnimo oo dalka magac dheer oo qiimo iyo qadarin mudan ku leh, caanna ku ah dhex-dhexaadnimo iyo caaddilnimo

  • Shirku wuxuu la amakaagay baaxadda faragelinta shisheeye, gaar ahaan dawladaha deriska iyo kuwa adeegsada, ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, xag siyaasad , dhaqaale iyo ciidanba. Waxaannu uga digayaa dawladaha iyo hay’adaha sida ba’an u qasaya, degganaanta iyo nabadda Soomaaliya, inay ka joojiyaan kana waantoobaan faragelintooda sida tooska ah iyo sida dadbanba ay ugu hayaan Soomaaliya.
  • Shirku wuxuu la yaabanyahay sida nacabnimada ah oo aan kala sooca lahayn ee ciidamada Ugaandha iyo Burundi (AMISOM) ay maalin walba ugu gumaadaan hubka culus ee madaafiicda iyo hoobiyayaasha dadka rayidka ah ee muqdishu deggan. Waxaannu u argnaa in ciidamadaani ay la mid yihiin kuwii gumaysiga Xabashida, kana galeen shacbiga Soomaaliyeed denbiyo xasuuq dagaal oo aan lagu cafin doonin. Saa darteed waan in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah ay uga baxaan dalka Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada gumaysiga Xabashida oo caadaystay inay si joogta ah ugu xad gubaan una soo galaan gudaha dalka Soomaaliya meeshay rabaan iyo markay rabaan iyagoo u geysta shacbiga dil, dhac, qafaal iyo argagax. Waxaan shacbiga iyo xoogagga muqaawimada ugu baaqaynaa inay la dagaalaamaan oo iska difaacaan duullaaamadaa gardarrada ah.
  • Shirku wuxuu beesha caalamka ka codsanayaa inay saxaan siyaasaddooda ku wajahan Soomaaliya, xurmeeyaanna go’aanka iyo aaya ka tashiga shacbiga Soomaliyeed, una fidiyaan gar-gaar aadaminimo dadka tabaalaysan iyo kuwa dalka gudihiisa ku bara kacsan.
  • Ugu dambaystii waxaa shirku tacsi u dirayaa ehaladii ay geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii Hotel Shamow 3dii bishan Disember 2009. Annagoo cambaaraynayna falkaas foosha xun, waxaan adkaynaynaa in si dhab ah loo baaro ciddii falkaas ka dambeysey, sharcigana la la tiigsado.

Dhammaad   
London, 19th December 2009

maxamed Xaashi
Xoghayaha Warfaafinta Isbahaysiga Dib U Xoraynta Soomaaliya
hashi66@hotmail.com

arsq

Communiqué

communiqué London 19th December 2009

The Alliance for Re-liberation of Somalia has convened conference in London, UK on 18-19 December 2009. The Conference was attended by:

The ARS central & executive committee members who remained committed to the objectives, values and foundation principals of the Alliance, excluding the members who have defected. Other Conference participants were members of the Somali public, who vehemently supported ARS for its endeavor and actively participated and/or contributed to the liberation efforts of the country during Ethiopian occupation of Somalia.

The aims and objectives of the Conference were:

Report on the current political & security situation in Somalia.
Exploration of possible political settlement and viable conflict and crisis resolution for Somalia.
Renovation, Reengagement and reorganization of ARS (The three R’s initiative).
The Conference thoroughly discussed the aforesaid subjects and issued the following communiqué:

The Conference reaffirms the important rule that the ARS could take in promoting peace and reconciliation in Somalia.

The Conference expresses its serious concerns regarding the continued fighting among the Somali parts in the southern parts of the country, in particular; Mogadishu city, Beledweyn town as well as some parts of central regions.

The Conference calls an immediate and effective cease fire followed by serious talks among combatants to resolve their differences through negotiated political settlement, with the objective of holding an inclusive national Somali owned reconciliation conference.

The conference is extremely alarmed the degree of external intervention in the internal affairs of Somalia. Thus calls for those foreign states and organizations who are implicitly and explicitly implicated in meddling Somalia’s peace and stability to refrain from their interference in the affairs of Somalia both politically and militarily.

The conference is horrified by the horrendous of killings through indiscriminate shelling in which Ugandan and Burundian contingents, known as AMISOM, are continuously committing against innocent Somali civilians, the residents of Mogadishu city. We believe these heinous atrocities are acts of war crimes; therefore they should be accountable for their crimes and must immediately and unconditionally withdraw from Somalia. Likewise frequent Ethiopian military incursions in Somalia must be stopped.

The Conference urges to the international community to follow positive and more balance strategic program to help Somalia in its search for restoring its statehood, unity, peace and tranquility by supporting Somali owned dialogue for peaceful political settlement and increasing humanitarian aid for needy and internally displaced people (IDP’s).

Finally, the Conference expresses it is heartfelt condolence to the families and friends of the deceased and injured individuals in Mogadishu at Shamo Hotel massacre last Thursday, 3rd Dec 2009.

The Conference condemns in the strongest terms possible to the barbaric act and calls for rigorous investigation, conducted by professionals and assisted collectively by all parts in order to apprehend the perpetrators.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.